Noocyada Processor-ka
Waxaa jira dhowr shirkadood oo ku tartama samaynta Processor-rada. Shirkadahaas waxaa ugu caansan suuqa Processor-radana si aad ah u haysta shirkadda Intel. Shirkadaha kale ee Intel soo raaca waxaa ugu caansan laba shirkadood oo la kala yiraahdo AMD (Advanced Micro Devices) iyo Cyrix. Suuqa Processor-rada waxaa haga Intel, AMD iyo Cyrix-na waxay inta badan soo saaraan Processor-ro u dhigma oo ay kula tartamayaan hadba kan ay Intel soo saarto.
Guud ahaan Processor-rada waxaa loo kala qaadaa dhawr jiil (Generations) oo is daba jooga iyadoo la fiirinayo sidii ay u kala dambeeyeen. Jiilalkaas ayaan mid mid u soo qaadanaynaa annagoo sheegi doonna waxa uu jiil kastaa uga duwan yahay jiilkii ka horreeyay iyo noocyada Processor-rada jiilkaas ka tirsan iyo nooc kasta ciddii samaysay.
Bishii June ee sanadkii 1978-kii ayaa shirkadda Intel waxay soo saartay Processor cusub oo 16-bit ah halka ay processor-rada wakhtigaas jiray ka ahaayeen 8-bit. Processor-kaas waxaa loo bixiyey 8086 wuxuuna lahaa Data Bus iyo Internal Register uu ballacoodu ahaa 16-bit iyo Address Bus uu balliciisu ahaa 20-bit. Nasiib darro kumbiyuutarrada xilligaas jiray waxay isticmaali jireen processor-ro 8-bit ah sidaa darteed 8086 waxaa ku adkaatay in uu suuqa soo galo maadaamaa aysan jirin Motherboard-yo isticmaali karay processor 16-bit ah. Si ay arrintaas wax uga qabato ayaa Intel waxay soo saartay processor inta kale kala mid ah 8086 laakiin uu Data Bus-kiisu yahay 8-bit oo loo bixiyey 8088. Taasi waxay keentay in 8088 uu ku shaqeeyo Motherboard-yadii xilligaas jiray. 8088 waa processor-kii ay IBM u dooratay Personal Computer-kii ugu horreeyay ee ay IBM soo saartay ee loo yaqaannay IBM PC. Processor-kaas wuxuu xawaarahiisu ahaa 4.77 Mhz, halkii instruction-na wuxuu ku qaadan jiray celcelis ahaa 12 wareeg. Waxaa kale oo 8086 iyo 8088 wehliyey oo la socday Math Processor oo ah Processor loogu talgalay inuu si dhakhso badan u xalliyo xisaabaadka uu heerkoodu sarreeyo. Math Processor-kaas waxaa la oran jiray 8087. Kadib waxay Intel soo saartay laba Processor oo ay u kala bixisay 80186 iyo 80188 oo ahaa 8086 iyo 8088 oo wax yar la sii wanaajiyey waxayse noqdeen kuwo ay Intel ku guul darraysatay.
Dhammaan processor-radaas aan kor ku soo sheegnay waxaa la isku yiraahdaa First Generation Processors (Jiilka 1-aad).
Sanadkii 1981-kii waxay Intel soo saartay processor loo bixiyey 80286 inta badanna loo soo gaabiyo 286, oo dhawr jeer ka dheereeya processor-radii jiilka koowaad. 286 wuxuu ku soo baxay xawaare ah 6 Mhz wuxuuna halkii instruction ku qaadan jiray 4 wareeg iyo bar islamarkaana wuxuu lahaa Data Bus iyo Address Bus uu ballacoodu ahaa 16-bit. Taasi waxay keentay inuu 5 jeer ka dheereeyo 8088. 286 waxaa wehliyey oo la socday Math Processor la oran jiray 80287 oo inta badan loo soo gaabiyo 287 oo dhismo ahaan la mid ahaa Math Processor-ka 8087 ee aan horay u soo sheegnay. 286 iyo 287 waxaa la isku yiraahdaa Second Generation Processors (Jiilka 2-aad).
Sanadkii 1985-kii ayaa waxay Intel soo saartay Processor aad wax uga beddelay suuqa Processor-rada. Processor-kaas oo loo bixiyey 80386 inta badanna loo soo gaabiyo 386 wuxuu xagga hawlqabadka (Performance) uga fiicnaa dhammaan Processor-radii ka horreeyay sida 8086, 8088 iyo 286. 386 wuxuu dhan kasta ka ahaa 32-bit wuxuuna halkii instruction ku qaadan jiray 4 iyo bar (4.5) wareeg taasoo ah halka keliya ee uu kala mid yahay 286. 386 waxaa gaar ahaan loogu tala galay Operating System-yada ku shaqeeya waxa loo yaqaan Multitasking oo ah in hawlo badan si barbarro ah isku mar loo fuliyo iyadoo aan la isku qasin oo la kala soocayo. 386 aad ayuu suuqa ugu faafay wuxuuna suuqa haystay ilaa 1991-kii.
386 wuxuu u kala baxaa dhawr nooc oo midba loogu tala galay baahi gaar ah. Noocyadaas xawaarahoodu wuxuu u dhexeeyay 16 Mhz ilaa 33 Mhz waxaana ka mid ah:
Dhammaan noocyada 386 waxaa la isku yiraahdaa Third Generation Processors (Jiilka 3-aad)
Bishii April 10-keedii sanadkii 1989-kii ayaa Intel waxay soo saartay Processor loo bixiyey 80486 oo inta badan loo soo gaabiyo 486. Processor-kaasi wuxuu noqday tillaabo weyn oo ay Intel u qaadday xagga samaynta Processor-ro aad u dheereeya, wuxuuna keenay in ay si aad ah u kordhaan soo saaridda iyo gadashada program-yada siiba Operating system-yada graphics-ka ah ee ay ka mid yihiin Windows iyo OS/2. Windows oo keliya waxaa ka gadantay tobanaan milyan oo koobi taasna waxaa sabab u ahaa xawaaraha 486 oo suurto geliyay in si fudud oo aan sugitaan badan lahayn loo isticmaalo Windows iyo program-yada la midka ah. 486 wuxuu lahaa Data Bus, Address Bus iyo Internal Register uu ballaarkoodu ahaa 32-bit, halkii instruction-na wuxuu ku qaadan jiray 2 (laba) wareeg.
Waxyaabaha uu 486 uga fiicnaa 386 iyo Processor-radii ka horreeyay waxaa ka mid ah:
486 wuxuu u kala baxaa dhawr nooc oo kala dambeeyay xawaare ahaanna kala dheereeya. Noocyadaas xawaarahoodu wuxuu u dhexeeyay 16 Mhz ilaa 120 Mhz waxaana ka mid ah:
486 wuxuu noqday Processor si aad ah suuqa ugu faafay wuxuuna si dhib yar suuqa uga saaray 386. 486 wuxuu ku caan baxay xagga sii dhisidda oo aad uga fududaa Processor-radii ka horreeyay. Taas micneheedu wuxuu yahay haddii aad haysato kumbiyuutar uu ku jiro Processor ah 486 SX 25 waxaad soo gadan kartaa oo aad ku beddeli kartaa 486 DX 66 iwm. ¤(& maanta suuqa wuu ka baxay laakiin haddaad fiiriso joornaallada lagu gado kumbiyuutarrada gacan labaadka ah waxaad weli ka heli kartaa dad iska gadaya kumbiyuutarro wata Processor uu noociisu yahay 486.
Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan ku soo qaadan doonnaa Processor-rada jiilka 5-aad oo loo yaqaan Pentium.
Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com
Casharkii Hore | SomaliSoftware.com | Casharka Xiga
| Magaca | Fikradda Akhristaha |
|---|---|
| 2008.11.01 Lowdhako Ireland | Asalaamu caleykum wr wb. salaanta islamka ka dib walaalaha sameeyey website kan aad iyo aad baan uga helanay ugana faa ii deysanay allaah ha idinka abaal mariyo waxtarkaa aad noo soo bandhigteen casharada tirada badan ee qiimaha leh jazaka allaahu kheyran . halkaas ka sii wada. su'ashaydu waxaa aytahay adinko igarali ahanaya walaalayal maxaad ugu sodriwaysen casharada JAVA iyo CISCO oo ad sidaso kale uso tafatirteen? waad kumahad santihiin dhamaan sida aad isugu howsheen casharkaas iyo dhamaan kuwa kale oo aad sowadanba |
| 2008.05.10 cabdiqani ( slave wealth) Somalia | waxaa farxad wayn ii ah in dadaalka aad uhaysaan ardayda somaaliyeed aad sii labajibaartaan su'aalana aad kusoo dartaan mahadsanidiin |
| 2008.05.10 siciid Somalia | imsi nooc ayaa jira ayay lee yihiin matherboad ku |
| 2008.04.12 abdi shakur ahmed Sweden | aadbaan ugu farxay waana ku mahadsantihiin aadbaan u raadinaayay wax luuqadeyda ku qoran oo ku saabsab computerka waana ku mahadsantihiin taas walaalayaal |
| 2007.11.26 prof.AHMED ALI Somalia | ASALMU CALAYKUM AAD BAAN IDINKU MAHAD NAQANAYAA SIDA FIICAN EE WALAALHIINA UGU SOO SOO GUDBISEEN QAYBTAN TAYADA LE EE AFSOMALIGA AH. ANIGA SI GAAR AH AYAY II TAABATAY UGUNA FAA'IIDAYSTAY. MAHADA ALLA LEH, IDIINKA HA IDINKA ABAALIYO. |
| 2007.11.16 a/rahman India | walalayaal aad iyo aad baad umahdsantihin sida hagarla anta ah ee ad ugu fa'idayseen umadasomaliyed iyo inta somaliga qorta kuna hadasha walalal anigu waxan ahy arday waxka barta wadanka india casharaa ad bixisana waxan ula socdaa step by step waxan ka mid ahy arday barata (computer application) (bca) waxyabo badan ayan ka faidy o an afsomali ana ku aqon balse aam imnka bartay waxanidin leeyahay ilahay ha idnla garab galee wada waad mahdsantihiin |
| 2007.07.15 maxamed Yemen Republic | walaalayaal ad ayad u mahadsantihin dhamantin waxan jeclan laha in darsi walba markaad dhamaysan noca ug fiican ee socda xiligan darsida ad marka ka hadlaysan isaga o khlaso ahana darsiga dhamadkisa ku shegtan wayo wuxu wa darsi dadkuna way ku kala duwanyihiin mana wan jeclahay darsiga in lagabiyo lakin aniga qayrkay aya laga yaba inay dheranta jecelyihiin,lakin anigu tas an horay ku sheay ayan jeclan laha. mahadsanidiin, abuubakar14@gmail.com |
| 2007.06.20 axmed cabdilaahi axmed Somalia | dhaman waad mahadsantihin dhalinta ku hawshan casharada computerka!; waxaan jeclaan lahaa inaad ku soo dartaa sawirda matherboardka yadoo aan aad u xiisaynay hadaad helaysaan qayb video ah taas ayaa ugu xiiso badan sxb bayaan by axmed badri oo ku nool gobalka sool darwiishland (laascaanood) |
| 2007.06.19 hassen jeh aden Ethiopia | walaal marka hore waad mahadsantihiin laakiin maxaad dadaalkiinii xaga software rada ujoojiseen |
| 2007.05.30 Mohamed Omar Mohamed ( Nageye) Somalia | waad ku mahadsan tihiin sida xilkasnimada leh oo aad iskugu xilqaanteen waliba idinka oo jooga qurba inaad dhalaanka Soomaaliyeed ama dhalinyaradaba ka haqabtirtaan baahidooda computer technology marka qaabkee ayaad duruusta u bixisaan jadwal ahaan hadii ay suurta gal tahay jadwalka noo soo gudbiyo iyo hadii ay jiraan imtixaanaad correspondent ah wabilaahi towfiiq |
| 2007.04.27 AHMED BARKAT AHMED(GUREY) South Africa | S/W/W AAD IYO AAD AYAAN UGU MAHADCELINAYNAA DADAALKA 2JIBAARAN EED SAMEYSEEN HALKAASINA KA SII WADA WAA CASHARO DHAXAL GEL AH RUN AHANTIINA DADKA SOMALIYED KA FAA IIDEYSAN KARAAN CIDII DANAYNAYSA MACLUUMADKA KU SSABSAN AALADDA COM.WAANAD KU MAHSAN TIHIIN |
| 2007.03.09 kama dege Somalia | waad mahadsantihiin sxbyaal sida wanaagsan ee ad nooga dhergiseen casharada computerka ku saab san |
| 2006.09.26 tihaama Somalia | barosaysarada waainaad kusoo dartaan sawiradooda |
| 2006.08.15 c/rahmaan abdale ali Somalia | aad iyo aad ayaan idinku hanbalyeeynayaa waxaad u soo kordhiseen somali meelkasta ay aduunka ka joogaan iyadoo af somalina u raaciseen anigana waxaan ka mid ahay dadka ka faa idaysatay waxaan idin leenahay alfa mara thank you |
| 2006.08.15 haashim c/kariim Somalia | runtii aad ayaan uga helay barnaamijkan hanbalyana waxaan gaadhsiinayaa dadkii isku hoolay in ay umada walaalahood ah ka caawiyaan barashada computerka macalin la aan is bar people say every good things about you thank you very much all the best |
| 2006.07.29 liban ahmed Somalia | Marka ugu horaysa waxaan idinku salaamayaa dhamaantiin salaanta islaamka salaantaas ka dib waxan aad ugu faraxsanahay sida wanaagsan ee aad bogan ugu faah faahiseen xogtan aadka muhiimka u ah waadna ku mahadsan tihiin Liibaan35@hotmail.com |
| 2006.04.26 Abdal hakim United Kingdom | Walaalayaal Waxaan Idinku Mahad Celinaya Sida Programkan Usoo Diyariseen Midda kale Waxaa Sii Fiicneyd Idinkoo Ku soo dara Maadayinka Kale Ma had Saniddin |
| 2006.04.09 ahmed joon Luxembourg | walaalayaal aad iyo aad ugu mahadsan tihiin cilmiga aad dadka walaalihiina u soo bandhigteen illaahna ajar ha idinka siiyo. lskiin waxaan u maleynayaa inaad casharada diyaarise3en waqti hore hadana ay wax badani iska bedeleen kombiyuutaradii marka ma laga yaabaa in aad update ku sameysaan casharada mar kale si ay noogu fududaato inaan update ahaan ula socono waad mahadsantihiin |
| 2006.04.02 nuurkay United Kingdom | WALALAYAAL WAAD KU MAHADSANTIHIIN MAADAMA AAD NASOO GAARSIISENN BARASHADA COMPUTER KA OO CASRI AH WAANA IDIN KAGA MAHAD NAQAYAA |
| 2006.03.26 maxamuud jaamc sahal Somalia | walaalayaal ilaa intaa aanka shamaysanayo cilmigaa aad noosoo wada bandhigteen waxaan idin leeyahay mahad sanidin walaal yaal in aad in taa ku joo jisaan ma ahayn walaalayaal fadlan noo sii wada run tii anigu ma joogo meel cilmi lagabarto waxaana ii faa iidaa intaa oo kaliya dadka akhrisanaya fikradayda waxaan ka codsanayaan cilmiga ay igi dhaamaan in ay ii soo dhigaan ciwaan kan (maxamuud217@hotmail.com) walaal waxaad igu caawin kartaan waxy doonaan ba ha noqdeene igu soo caawiya waxaan ahay nin wax barashada aad u jecelk |
| 2006.03.20 Abdifatah Abdi Muse Ethiopia | walaal waxaan aad idiinka mahad celinayaa sida clearka ah ee aad usoo sharaxdeen casharadan, kuwaas oo aan kafaaiidaystey waxyaalo aad ubadan, sidaa daraadeed waxaan idin leeyahay aad baad ugu mahadsan tihiin. sidaas iyo dadaal wacan |
| 2006.03.12 xasan cilmi guure Somalia | WWW.wanaag aad nosamayseen run ahaatiihalakn lagama soo koobikaro ilaahbaa idinkaa abaal marinaya laakiin waqtibadan ayaa loobaahanyahay waxaana ookale sida lguqorayo (WEBSITE-kaan) diinta ilaahay iyo waqtiga salaada ogaada yeysan idin mashquulin aduunyo ilay yurub walagu gaalooba lacag iyo aduun balaga fikiraa walaala yaal waad mahad santihiin diintana hadayicinina iantaad aduun kafikiraysaan Wacalykuma salaan waraaxmatulaahi wabarakaatuhu (guure34@hotmail.com) |
| 2006.03.10 SHAAMAREER Soloman Island | WAA INAAD MACLUUMAD FARO BADAN AAD SOO RAACISAAN WAAD MAHAD SANTIHIIN |
| 2006.03.10 SHAAMAREER Soloman Island | WAA INAAD MACLUUMAD FARO BADAN AAD SOO RAACISAAN WAAD MAHAD SANTIHIIN |
| 2006.03.10 SHAAMAREER Soloman Island | WAA INAAD MACLUUMAD FARO BADAN AAD SOO RAACISAAN WAAD MAHAD SANTIHIIN |
| 2006.02.02 Abdulqaadir Macalin Aadan Somalia | Asalaama calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu salaan ka dib aad iyo aad ayaad u salaamantihiin aad iyo aad na waan idiinkugu mahadcelinayaa waayo waxaad noo fududayseen meelo badan oo mugdi noogu jiray ayaa noo iftiimiseen waana ku mahadsan tihiin ilaaheyna kheyr ha idiinka siiyo dambigiina ilahey hadhaafo wabilaahi towfiiq |
| 2006.01.24 max'ed nuur South Africa | thanx for ur submiting this sight to us |
| 2006.01.15 maxamed c/laahi saciid United States | walaalayaal waad mahadsantihiin sida aad nooga sahasheen barashada computerka |
| 2005.12.10 Abdinasir A Haji Adam Somalia | Waxaa noo farxad ah in horumarkan aad noo samayseen waa ardaa u ah horumar dhaxal gala Umada Soomaaliyeed ILLAHAY haydinka abaalmariyo, Amiin. Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan ka fahmay waxyaabo badan oo aan ka fahmi waayey macalimiintayada nasiib wanaag waxaan kala socdaa Bogan. |
| 2005.08.11 Abdikadir Mohamed J Somalia | waajib ayey kugu tahay in aad u gargaarto walaalkaa aad dhaanto mahadsanid |
| 2005.08.08 Ifraax,Suleekha,Saynab Somalia | Waad ku mahadsantihiin sida hufan ee aad casharadan udiyaariseen ee waliba qofwaliba uu afkiisa hooyo ku akhrisan karo |
| 2005.08.02 katarbaay Somalia | Waxaan idinka codsanayaa in aad ku soo dartaa barnaamijka taariikhda pentium-da waxa ay yihiin iyo waqtigooda |
| 2005.01.05 raaxeeye Somalia | waan idin salaamay |
| 2004.12.01 Abdiqadir Ali Sudi. India | Asalaamu calaykum. Waxaan sidoo kale ugu faraxsanahay hor u marka laga gadhay technology-dan cusub, waxaan layaabaa anigoo jooga india oo dhigta computerka(Bachelor of computer application)in aan fahmiyaawo waxaa looyaan BIOS-ka (basic input/output system)waxaan sifiican oo aad iyo aad u wanaagsan uga fahmay websiteka somalisoftware.com,waanan u mahadnaqayaa walaaladayayda afkaygii hooyo noogu macneeyay cilmigii aan u nimi india,waanay ku mahadsanyiin,aad iyo aad ayay u mahasanyihiin . |
| 2004.11.01 jacfar cabdi Ethiopia | aniga oo joogga ethipoia waxaan mar walba jelaystaa in aan akhristo fikradaha ay dadku dhiibtaan ee kala duwan walaahi kun fikradood oo kaa qoslinaya qaarkood ku farxad galinayaan ayaad akaysaan maila aragteen horta bal ila arka oo ila fiirsha by jacfar |
| 2004.10.27 Aden Finland | walaal waxaad wax iiga sheegtaan (Rabbit 2000 Microprocessor) waxa uu yahay iyo sida uu u shaqeeyo. |
| 2004.10.15 sam saed Somalia | ramadaan kariim aad iyo aad baan idiinku mahad celinaynaa sida wayn eed noogu faa,iidayseen allaha idinka abaal mariyo |
| 2004.08.16 tawizz Somalia | I am very happy to show so many pages like this page with more advantages so good lucky whare somali life!;!;!;!;!; |
| 2004.08.01 mohamoud United States | walaal waxaan aad u rabay in aad ii kala faahfaahisaan dhamaan nuucyada process ka ugu wanaagsan |
| 2004.05.14 Mohamed Ali Somalia | Waxaan aad uula dhacay(farxay)sida aad noo caawinaysaan dadkiinan somaliyeed ee wax bartay,runtii waxaa tihiin dad caqli badan, ilahay ha idinka abaalmariyo,waxaad nooqabateen wax aan la illaawikarin. |
| 2004.04.05 jeylaani cabdi nuur Somalia | aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin saaxiibayaal waxaana rajeenayaa in sii badisaan |
| 2004.03.19 Mohamed Madaale South Africa | Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa Mahad Naq ku saabsan sida aad shacbiga soomaaliyeed ee u ooman in ay wax ka ogaadaan Aaladan Carsiga ah aad ugu Fududeyseen in aad luqadoodii hooyo aad wax ugu soo sharaxdaan Mar labaad ayaan waxaan idin soo dirayaa Mahadnaq |
| 2003.10.13 nasra jaamac Kenya | Asalamu Caleykum aad iyo aad ayaan inkugu mahad celinaya waa fursad iyo fikrad aad qaali u ah runtii mahadsanidiin |
| 2003.07.13 siciid axmed faarax Somalia | Aad iyo aad ayaan idiinkugu mahad celina. |
| 2003.07.09 nuuradiin British Virgin Islands | assalaamu caleykum waa farxad aan lakoobi karin sidaan faa iideyseen luqadeena hooyo oo aan ooga dharagnay waaxaha computerka, waad mahadsantihiin siina kordhiya dadaalkiina qiimaha badan |
| 2003.06.26 sharmaake Norway | waxaan jecleystey Qaabka wanaagsan eed usoo gudbiseen cilmiga computerka jazaakumulaahu kheyr waadna mahadsntihiin |
| 2003.06.12 mohamed Netherlands | waad mahadsantihiin walaalayaal |
| 2003.05.14 cabdirahman United States | Asalaamu caleykum warahmatulahi wabarakatuhu. Jazaakumulahu kheyran, hadii aad yara badin laheydeen casharada iyo programyada way yara wanaagsanan laheyd, sidoo kalena aad yara farta weyneysaan ay ku diyaarineysaan casharada. wabilaahi tawfiiq. |
| 2003.05.06 mohamed Denmark | waxaan ku leeyahay walaal alle kheeyr hakaa siiyo |
| 2002.12.10 Abdikayf Farah Denmark | Walaal aad iyo aad ayaan ulla dhacey sidda wannaagsan ee aad aqoonta casriga ah aad ugu qortey afka hooyo. taas oo aan u arko shaqsiyan mid aan sahlaneyn oo u baahan wakhti iyo dhaqaale lagaliyo. waxaana rajeynayaa in ay ammaan iyo taariikh gooni idiin noqoto. markii somali somali noqoto!; waan ku farax sanahey in aan ku akhristo wax aan wakhti dheer ku ogaan lahaa haddii aan ku akhristo af qalaad!; |
| 2002.01.30 axmad Denmark | walaal alaah ajra kaasiiyo dadaalkaada waxaan doonayaa in aan su,aal ku weydiiyo taas oo aan kala soodahx baxay casharkaan oo ah hadaan natusi kartid meesha oo uga dhegan yahay<internal cache mother bordka >. sidaad casharadii hore sawirka inoogu muujin jirtay. alaah kheyr kugu jizeeyo. wasalaamu caleykum |
| 2001.08.30 cabdalla hadhiye New Zealand | ilaahay hadenka abaal mareyo asxaantaa ad dadka u fasheen ee waxad noose kordhesaan sedee farsamada gacantana looga qaban lahaa wexee xumaada iyo mesha lagu garto jazaakumala khayr |
| 2001.05.25 Farxaan Axmed Taar South Africa | waan idin salaamay dhamaan kii soo hindisay ra yigaan iyo kii ku gacansiiyayba waadna ku mahadsantihiin sida aad ugu hagarbaxdeen walaalihiina soomaaliyeed. nabadgalyo. |
| 2001.03.26 cali Switzerland | assalaamu calaykum waraxmatul laahi wabarakaatuhu walaalayaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihiin Eebana ha'idinka abaal mariyo casharahaan oo aad noosoodiyaariseyn. Walaalayaal waxaa idin weydiinayaa casharkaan asbuucii halmar miyaad soo gelisiin ama waasidee |
| 2001.03.26 cali Switzerland | assalaamu calaykum waraxmatul laahi wabarakaatuhu walaalayaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihiin Eebana ha'idinka abaal mariyo casharahaan oo aad noosoodiyaariseyn. Walaalayaal waxaa idin weydiinayaa casharkaan asbuucii halmar miyaad soo gelisiin ama waasidee |
| 2000.12.20 Abdirashid Isse Sweden | Aad baan ugu faraxsanahay, laakin waxaan idinku biirin lahaa in aad ku soo dartaan in ka hadashaan sidii casharadii horeetaba noocyada kale duwan ee processorska sida kuwa aan ku basegareysnayn Intel architecture (motorala 68000) iyo wixii la mid ah. Mahadsanidin. |
Fadlan halkaan ku qor fikraddaada