Noocyada Processor-ka (Way socotaa...)
Sidaan ku soo aragnay Casharka 10-aad waxaa processor-rada loo qaybiyaa dhawr jiil. Casharka 10-aad waxaan ku soo qaadanay jiilalka 1-aad ilaa 4-aad. Casharkaanna waxaan ku soo qaadan doonnaa jiilalka 5-aad.
Processor-ka 486 wuxuu noqday mid aad loogu guulaystay taasina waxay keentay in shirkado kale oo aan Intel ahayn ay sameeyaan processor-ro xagga magaca iyo dhismahaba kala mid ah kuwa ay Intel samaysay. Intel arrintaas way ka carootay dacwad ayayna shirkadahaas ku soo oogtay iyadoo ku eedaynaysa inay ku xad gudbeen xuquuqda loo yaqaan "Copy right" ee ay Intel u arkaysay inay ku leedahay magaca 486. Laakiin maxkamaddii arrintaas la hor keenay waxay xukuntay in magaca 486 uu yahay tiro, sidaa darteedna aysan cidna gaar u sheegan karin. Halkaas ayaana Intel looga helay dacwadii ay shirkadaha kale ku soo oogtay. Bishii March ee sanadkii 1993-kii ayaa Intel waxay soo saartay Processor-kii ku xigay 486. Laakiin halkii laga filaayay in Processor-kaas magiciisu uu noqon doono 586 waxay Intel u bixisay Pentium. Sidaas waxay u yeeshay si ay magaca processor-ka uga difaacdo shirkadaha kale ee processor-rada sameeya.
Pentium wuxuu halkii wareeg ku fulin karaa celcelis ahaan laba instruction halka 486 uu halkii instruction ku qaadan jiray 2 wareeg, wuxuuna leeyahay Data Bus uu balliciisu yahay 64-bit iyo Address Bus iyo Internal Register ah 32-bit. Waxa kale oo Pentium ku dhex dhisan Math Processor qiyaas ahaan 2 ilaa 10 jeer ka dheereeya Math Processor-kii ku dhexdhisnaa 486. Sidaa darteed Pentium dhowr jeer ayuu ka dheereeyaa 486.
Pentium waxa uu u sii kala baxaa dhowr nooc oo kala dambeeyay oo uu xawaarahoodu u dhexeeyo 60 MHZ ilaa 266 MHZ. Noocyada Pentium waxay kala yihiin:
Noocani waa noocii ugu horreeyay noocyada Pentium maantana suuqa wuu ka baxay oo lama helo. Noocani wuxuu ku soo baxay xawaareyaasha kala ah 60 Mhz iyo 66 Mhz wuxuuna la xawaare ahaa Motherboard-ka. Magac ahaan waxaa noocaan loo yaqaannay Pentium 60 ama Pentium 66 taasoo ku xirnayd xawaaraha processor-ka. Noocani cabbir ahaan wuu ka weynaa noocayada kale ee Pentium, samayskiisuna farsamo ahaan aad ayuu u adkaa. Taasina waxay keentay in ay Intel lafteeda ku adkaato inay xawaaraha processor-ka kor u qaaddo. Intaas waxaa u sii dheeraa isagoo isticmaali jiray koronto aad u fara badan taasoo iyaduna keentay inuu processor-ku aad u kululaado. Arrimahaas ayaa waxay keeneen in noocani uu suuqa ku faafi waayo.
Bishii March 7-dii sanadkii 1994-kii ayay Intel soo saartay nooc kale oo Pentium ah oo cabbir ahaan ka yar farsamo ahaanna ka fudud nooca aan horay u soo aragnay. Noocani wuxuu ku soo baxay xawaareyaasha kala ah 75 Mhz, 90 Mhz iyo 100 Mhz. Muddo kadibna waxaa si isdabajoog ah u soo baxay xawaareyaasha kala ah: 120 Mhz, 133 Mhz, 150 Mhz, 166 Mhz iyo 200 Mhz. Dhammaan xawaareyaashaas waxaad ka hor marin kartaa Pentium si aad u hesho magaca loo yaqaano processor-kaas sida Pentium 75, Pentium 90, Pentium 100 iwm. Noocani si aad ah ayuu suuqa ugu faafay taasna waxaa keenay xawaarihiisa oo si fudud oo dhakhso ah kor ugu kacay, farsamada samayskiisa oo fudud iyo korontada uu cuno oo aad uga yarayd noocyadii ka horreeyay.
Noocan xawaarihiisu inta badan dhawr jeer ayuu ka dheereeyaa xawaaraha Motherboard-ka. Tusaale ahaan Pentium 150 Mhz wuxuu ku shaqayn karaa xawaare 2.5 (laba iyo bar) jeer ka dheereeya Motherboard-ka oo uu xawaarihiisu inta badan ah 60 Mhz. Pentium 200 Mhz wuxuu isaguna ku shaqayn karaa xawaare 3 jeer ka dheereeya Motherboard uu xawaarihiisu yahay 66 Mhz. Dhammaan Motherboard-yada casriga ah ee loogu tala galay Pentium waxay kuu ogolaanayaan inaad kala doorato saddexda xawaare ee kala ah 50 Mhz, 60 Mhz iyo 66 Mhz. Taasoo keenaysa inuu Motherbord-ku ku shaqeeyo hadba xawaaraha aad doorato. Akhbaar faahfaahsan oo ku saabsan sida aad arrintaas u samaynayso waxaad ka helaysaa buugga la socda kumbiyuutarkaas. Shaxanka hoose waxaad ka arki kartaa xiriirka ka dhexeeya xawaaraha processor-rada noocaan ah iyo Motherboard-yada loogu tala galay:
| Processor-ka | Xawaaraha Motherboard-ka | Inta uu Motherboard-ka ka dheereeyo |
| Pentium 75 | 50 Mhz | 1.5 jeer |
| Pentium 90 | 60 Mhz | 1.5 jeer |
| Pentium 100 | 66 Mhz | 1.5 jeer |
| Pentium 120 | 60 Mhz | 2 jeer |
| Pentium 133 | 66 Mhz | 2 jeer |
| Pentium 150 | 50 Mhz | 2.5 jeer |
| Pentium 166 | 66 Mhz | 2.5 jeer |
| Pentium 200 | 66 Mhz | 3 jeer |
Bishii January ee sanadkii 1997-kii ayaa waxay Intel soo saartay jiilkii saddexaad ee Pentium oo loo bixiyey Pentium MMX. Noocani wuxuu in badan kala mid yahay nooca aan kor ku soo aragnay ee Second Generation Pentium laakiin wuxuu farsamadii noocaas ku sii kordhiyay farsamo ay Intel u bixisay MMX Technology oo ah farsamo si gaar ah loogu tala galay inay awood dheeraad ah siiso program-yada uu noocoodu yahay Multimedia oo ah program-yada adeegsada maqalka iyo muuqaalka (audio, video, graphics iwm) kuwaas oo si aad ah loo isticmaalo.
Pentium MMX wuxuu u kala baxaa xawaareyaasha kala ah 166 Mhz, 200 Mhz iyo 233 Mhz. Waxaa intaas soo raaca nooc uu xawaarihiisu yahay 266 Mhz oo loogu tala galay kumbiyuutarrada yar yar ee gacanta lagu qaato (portable). Dhammaan noocayada Pentium MMX waxay adeegsadaan Motherboard uu xawaarihiisu yahay 66 Mhz.
Shirkadda AMD waxay soo saartay processor loo bixiyey AMD-K5 oo la mid ah islamarkaan ay is qaataan Pentium. AMD-K5 waxaa loogu tala galay in ay cabbir ahaan iyo farsamo haanba isqaataan Processor-rada uu noocoodu yahay Pentium. Sidaa darteed Motherboard kasta oo loogu tala galay Pentium wuxuu qaadan karaa oo si toos ah loogu isticmaali karaa AMD-K5, inkastoo laga yaabo inaad u baahato inaad BIOS-ka casriyayso (upgrade). Sidaa darteed waxaa AMD-K5 lagu tiriyaa processor-rada jillka 5-aad. AMD-K5 wuxuu u kala baxaa noocayada kala ah: PR-75, PR-90, PR-100, PR-120, PR-133 iyo PR-166. Nambarka ka dambeeya PR waxaa dhacda inuusan ka turjumin xawaaraha dhabta ah ee processor-ka waxaadse xawaaraha dhabta ah ee nooc kasta oo ka mid ah noocyada AMD-K5 ka arki kartaa shaxanka hoose:
| Processor-ka | Xawaaraha dhabta ah | Xawaaraha Motherboard-ka | Inta uu Motherboard-ka ka dheereeyo |
| PR-75 | 75 Mhz | 50 Mhz | 1.5 jeer |
| PR-90 | 90 Mhz | 60 Mhz | 1.5 jeer |
| PR-100 | 100 Mhz | 66 Mhz | 1.5 jeer |
| PR-120 | 90 Mhz | 60 Mhz | 1.5 jeer |
| PR-133 | 100 Mhz | 66 Mhz | 1.5 jeer |
| PR-166 | 117 Mhz | 66 Mhz | 1.75 jeer |
Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan ku soo qaadan doonnaa Processor-rada jiilka 6-aad oo ah Pentium Pro iyo Pentium II iyo jiilka 7-aad oo ah Pentium III.
Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com
Casharkii Hore | SomaliSoftware.com | Casharka Xiga
| Magaca | Fikradda Akhristaha |
|---|---|
| 2009.11.29 Burhan Mustafa Maxamed Italy | As_cl_wr_wb waan idin salaamey dhamaan walaalaha SomaliSoftware,waxaana idin leeyahay. [ Jasaa kumul ALlahu kheyral jasaa'a]. |
| 2009.11.04 filsan mohamed Somalia | Waan idin salaamayaa dhamaan macalimiinta barnaamijkan sii daysa waadna ku mahadsan tihiin sida wayn ee aad isaga xil saarteen iyadoo aad u muuqataan in aad tihiin macalimiin ay ka muuqato wadaniyad soomaaliyeed dadkooda iyo dalkoodana la raba in ay noqdaan dad aduunka la jaan qaadi kara waan idiin hanbalyaynaynaa(congratulation)dadaalkiinana halkaa ka sii wada (wa bi laahi tawfiiq) |
| 2009.02.16 FAATMA DINSOR Yemen Republic | aboowayaal waad salaaman tihiin qoraalka halla badiyo |
| 2009.02.16 DALMAR Germany | saasaa lasiinka fadee WAANA SIIN SALAAMI SIDII ANDHANTIIN |
| 2008.11.01 Lowdhako Ireland | Asalaamu caleykum wr wb. salaanta islamka ka dib walaalaha sameeyey website kan aad iyo aad baan uga helanay ugana faa ii deysanay allaah ha idinka abaal mariyo waxtarkaa aad noo soo bandhigteen casharada tirada badan ee qiimaha leh jazaka allaahu kheyran . halkaas ka sii wada. su'ashaydu waxaa aytahay adinko igarali ahanaya walaalayal maxaad ugu sodriwaysen casharada JAVA iyo CISCO oo ad sidaso kale uso tafatirteen? waad kumahad santihiin dhamaan sida aad isugu howsheen casharkaas iyo dhamaan kuwa kale oo aad sowadanba |
| 2008.10.31 shaakir cabdi qaadir Somalia | waxaan jaclahay in aan ka hadlo wax barashada in aytahay muhiimada ugu weyn .aad baad umahadsantihiin |
| 2007.05.19 xuseen xaaji ciise Somalia | waxaan rabaa in aa ku soo kor dhisaan koorasyo ka hadlayo barnaajimsameenta sida visuallbasic iyop projactio waana ku mahadsantihiin hooshiina |
| 2006.11.25 Ruush Somalia | maxay kula duwanyihiin Com1 iyo Come2 iyo Come3 iyo Come4 |
| 2006.10.16 aamiin c/risaq Somalia | waxaan ujeedadayda ku cabirayaa hadii cmos bettry uu dabkiisu dhaco siduu buu noqonayaa hadii ay data-da uu daadiyo ma waxaa jira meel uu ku kaydiyo sida adigoo windows ka jooga aad wax jarto oo kale ma wuxuu ku ridayaa rclebin-ka |
| 2006.03.28 maxamuud jaamac sahal Somalia | walaalayaal waad ku mahad san tihiin waliba si aada walaal layaal waxaan idin leeyahay mahad sanidin aad iyo aad waxaana waligay idunku waaninayaaw alaal inaad sii wadaaan |
| 2006.03.12 xasan cilmi guure Somalia | WWW.wanaag aad nosamayseen run ahaatiihalakn lagama soo koobikaro ilaahbaa idinkaa abaal marinaya laakiin waqtibadan ayaa loobaahanyahay waxaana ookale sida lguqorayo (WEBSITE-kaan) diinta ilaahay iyo waqtiga salaada ogaada yeysan idin mashquulin aduunyo ilay yurub walagu gaalooba lacag iyo aduun balaga fikiraa walaala yaal waad mahad santihiin diintana hadayicinina iantaad aduun kafikiraysaan Wacalykuma salaan waraaxmatulaahi wabarakaatuhu (guure34@hotmail.com) |
| 2006.03.12 axmed yaasiin Australia | www,walaalayaal anigooha axmed yaasinn waxaan joogaa wadanka Austria halakn waxaan salaan iyo farxad leh ugu dirayaa saaxiib tayda qaaliga ha yaas miin saalax aan jeclhay waxaadna noogu soo docaysaan inaan kuwada kulanao caafimaaf iyolol raaxo leh ayadan waxaankacid sanyaaiany ilasoo xiriito ninki yaqaan fariiintaa ugudbi gabadhaa waxay joogtaa bosaso imalkeedana hala ii sheego salaan kaloo qaali ha hlaagn waxaan ka salaamayaa saaxiibada leh somali.software waadkmaah san tihiin dadaalka aad noo qabateen than all of you by( qanyare_155@hotmail.com) by |
| 2006.02.05 maxamed c/raxmaan maxamed Somalia | haaaaaaaaaaa this is me indhacade hargeisa,somaliland |
| 2005.12.11 xasan c/laahi ahmed Somalia | walal aad ayaa ugu mahad santihiin sida fiican ee aad ugu fududayseen dadka danaynaya barashada computer ka illaahay hadiin fududeeyo hawsha aad gasheen |
| 2005.04.29 balaweedh@hotmail.com Somalia | waad mahadsantihiin dhamaan intiina iska xilsaartay fududaynta wax barasho ee kombiyuutarada |
| 2005.02.20 cabdilaahi Somalia | waan akhristay muhimada casharada waanan la socdaa laakiin waxaan doonayaa inaan helo akhbaar ku saabsan computer adii hore ee la isticmaali jiray 80 yadii |
| 2005.02.08 mahamed Somalia | waxaan rabaa inaan waxa ka barto qayb ka mid ah computerka waxaana weeye sida loo diyaariyo data bace |
| 2005.02.01 cabdi cismaan yasir Somalia | kubuyartaka ugu dambeeyey waa imasa prosecerkiiu |
| 2004.12.01 c/maan cali yabaroow /(rintaal) Kenya | walaalayaal horta waad ku mahadsan tihiin dadaalka aad ha sameyseen tarjumaadiina xagga aqoonta cusub ee dunida ka jirta aad dadkeena ugu sahlaysaan si ay uga qayb qaataan wacyiga jira dinida ee walalayaal dadaalkiina halkaa ka sii wada waanu idin garab taaganahaye,, khayr iyoguul waarta ayaan idiin rajaynayaa,, |
| 2004.10.03 Sabir Somalia | waad salaaman tihiin dhamaan macalimiinta soo galisay fikarad computer ka iyo dhamaan shaqaalaha wabsite ka waana u mahad calinaayaa aad aad macalimiintaas marka aniga waxaan ahay will somaliyed oo ku nool somalia gaar ahaan Bosaso state computer kaan waan bartaa waana ku shaqeeyaa oo meel INTERNET ah ayaan kaga shaqeeyaa waxaana jecekahay in aan markasto ku da daalo hada ilaa muda 7 bilood ayaan wadaa barashadiisa Internet ka waxaan ku shaqeeynayaa ilaa mudo 2 sano marka walaalayaal dhamaantiin aad & aad ayaa umahad santihiin Computer kana casharadiisa halkaan ayaan kala socdaa Igala soo xiriira Fadlan E-mail kaan waaaaaaaaaaa..... ....Saabir120@hotmail.com......... fadlan aan helo jawab deg deg ah About Computer ah ..... bye |
| 2003.12.18 Maxamad ";amiin"; Somalia | Bismilaahi, As/C/Wr/Wb, Walaalayaal ugu horayn waad ku mahad san tihiin hawshan aadka u culus, ilaahna ajar iyo xasanaad ha idinka siiyo, run ahaantii in qof afkiisa wax ku barto waa mida ugu fiican in kasta oo erey bixintu dhib la imaaneyso, marka ilaah ha idin la qabtee ha ka daalina guushaas aad u soo hoydeen ummadda soomaaliyeed meelkasta ha joogeene, nabadeeeeeeey |
| 2003.12.04 Abdirahaman mo,allim ahmed United Kingdom | ugu horreyn aad ayaad u mahadsan tihiin laakiin waxaa jeclaan lahaan in laga helo webkiina sida looga barto garaacidda teebka mahadsanidiin |
| 2003.11.29 Abubakar Abu M ohamed A l saadiyi United Kingdom | BismiAllah walaalayaal add ayaad mahadsantihiin siiwada Ila hadiin garab galo kudara qaybta softwarka Networka iyo weliba qayb khaas ku ak programada sida iyo nabadgelyo wassalamu caleykum waraxmatuullahi wabarakaatu. |
| 2003.04.24 Qalinle United Kingdom | Mashaa alaah tabaaraka laah kheyr alah idin siyo |
| 2003.03.13 Maxamed Cali Mumin United Kingdom | Bismilah, Marka hore mahad ballaaran baan idiin soo jeedinayaa, si wacan ayaa looga faa'iidaystay, waana waxtar u leh dadka bilaabaya barasha PC. iyo dadka afka qalaad uu ku adag yahay. waxaana aan idinku dhiiri gelinayaa in shaqadaan aad biawdeen ay tahay mid u fiican guud ahaan soomaalida iyo dadka afsoomaaliga ku hadla, way fiicnaan lahayd hadii aad sii ballaarin lahaydeen, waadna ku mahadsantihiin gidigiinba. waa walaalkiin oo idin leh, sidaa iyo nabad gelyo, iyo ismaqal dambe. wacalaykumusalaam. |
| 2002.04.18 ahmedmuxudiin yabarow United States | waxaaan halkan ku arkey oo aan rabaa in aad ila xiriirrisaan ali nuur yabarow (cali-ciid)oo waxaa jira adeerkey oo la dhaho ALI HASSAN YABAROW .minfadlukum inaan maqlo ayaan rabaa (614-806-3333) waa taleefankeyga gacanya .... |
| 2002.04.11 macow maxi awes Denmark | asalaamucaleyku warax matu lahi wabara katu walaalay illaah aduun iyo aqiro abaal ha idinka siiyo walaalay shaqo lo bahnaa baa qawateen ee waa ku mahad santihiin |
| 2002.02.09 Osman Ali Guul Kenya | Asalaamu calaykum; run ahaantii barnaamijnkan aad ayuu u fiicanyahay waxtarna u leeyahay.Waxaanse jeclaanlahaa in ereyad termenology ah qaarkood aan waxba laga bedelin lase micneeyo tuseele ahaan kuwan ;Xawaaraha dhabta ah ,Xawaaraha Motherboard-ka , Inta uu Motherboard-ka ka dheereeyo IWm wabilaahi towfiiq |
| 2001.11.01 Mohamed Jama barre Kenya | Bismilaahi raxmaami raxim marka koowaad waxaan salaanb hawada u marinayaa shaqaalah dadaalka muujiyay soo saray program-kan aad ka u cauyaa ibka badan, Run ahaantii waa barnaamuj aad uqurux badan una fiican dhalinta wax baranaysa ee somaliyeed run ahaanti aad ayaan ula dhacay programkan waayo somali waxay ku maahmaahdaa Biyo sacabadaadaa looga dhergaa hada aqoonta waxaanu ku baranaynaa afkeena hooyo by Mohamed jama barre |
| 2001.05.14 Ali Nur Yabarow(Cali-Ciid) United Kingdom | aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, waqtibadan ayaad ii seefgarayseen,sifududna waan ufahmay, waxaanse jeclaanlahaa in aad sii wadaan qaybaha cimiga computerka tarjumidiisa. |
| 2001.01.09 Sheik Cabdulqaadir macalin xassan Qatar | Assalaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatu Walaalayaal Aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin, Ilaahey ajar ha'idin ka siiyo. Laakiin waqti badan ayaa loobaahanyahay Waxaan ook kale sida lagu qoraayo (WEBSITE-Kaan) Diinta ilaahey iyo Waqtiga salaada ogaada, Yeysan idinka daciifin Ileen Yurup waa lagu gaaloobaa ama lacag iyo ADUUN kaliya baa laga fikaraa Marka Waad mahadsantihiin\! Diintiinana Ha Dayactirinina intaad aduun kafikareysaan Wacaleykum salaam waraxmatullaahi Wabarakaatu |
| 2000.10.09 Omar Ali abdirahman Denmark | Walaal aad baad ugu mahadsantihiin, dadaalka aad samayseen, ilaahayna ha idinka jasaa'i siiyo. Run ahaantii maalintii aan boggan ku arkey Internetka aad ayaan ugu farxay baahida ii heysay awgeed inaan helo akhbaar noocan oo kale ah. waayo af-shisheye marna waan ku ciil bixi waayay. |
| 2000.10.06 Ali Siad United Kingdom | Waa arin waxtar weyn u yeelan doonto mustaqbalka dhalinyaro badan oo soomaaliyeed Jasaakulah qayran. Mahadsanidiin |
| 2000.10.03 Maxammed Muuse Cali Denmark | Bismillaahi Raxmaani RaxiimWaxaan salaan hawada u marinayaa dhamaan shaqaalaha Shirmah-programmingoo tun ahaantii aad iyo aad ugu daddaalay ummada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba in ay u faa'iideeyeen walaalayaal waa Maxamed Muuse oo idin leh sidaa iyo ismadhaafno waa billaahi tawfiiq |
| 2000.10.02 Hassan yusuf Ali United Kingdom | Walaalayaal waxaad wadaan hawl aad iyo aad u qiimo badan oo mudan iyo buug laga qoro sida aan qabo ee ilaah ha idiin sakhiro |
Fadlan halkaan ku qor fikraddaada