Noocyada Processor-ka (Way socotaa...)
Sidaan ku soo aragnay Casharka 10-aad waxaa processor-rada loo qaybiyaa dhawr jiil. Casharka 10-aad waxaan ku soo qaadanay jiilalka 1-aad ilaa 4-aad. Casharka 11-aad na waxaan ku soo qaadanay jiilka 5-aad. Casharkaanna waxaan ku soo qaadan doonnaa jiilka 6-aad.
Bishii September ee sanadkii 1995-kii ayay Intel soo bandhigtay processor-kii ugu horeeyay processor-rada jiilka 6-aad. Jiilkaani wuxuu noqday jiilkii ugu horreeyay ee gilgilay shirkadda Intel islamarkaana wax weyn ka beddelay haysashadii ay Intel haysatay suuqa processor-rada. Waxaa si xoog leh u kordhay tartanka ay shirkadaha processor-rada sameeya oo ay ka mid tahay AMD ku hayaan Intel.
Jiilkana wuxuu farsamadii jiilka 5-aad ku sii kordhiyay arrimo dhawr ah oo sii kordhiyay xawaaraha iyo hawl qabadka processor-ka. Farsamooyinka uu jiilkaan soo kordhiyay waxaa ka mid ah farsamada loo yaqaan Dynamic Excution oo surtogal ka dhigtay in dhawr instruction si barbarro ah isku mar loo fuliyo taasoo keentay in xawaaraha hawl qabad ee processor uu kor u kaco. Waxa kale oo uu jiilkaani soo krodhiyay Data Bus hor leh oo loogu tala galay in uu processor-ku kula xiriiro Memory-da loo yaqaan L2 Cache (Level 2). Sidaan hore u soo aragnay xawaaraha Data Bus-ka caadiga ahi wuxuu la mid yahay kan Motherboar-ka. Laakiin Data Bus-ka labaad ee uu jiilkani soo kordhiyay wuxuu xawaarihiisu la mid yahay xawaaraha Processor-ka oo la kala baray. Taasina waxay keenaysaa inuu processor-ku akhbaarta ku kaydsan L2 Cache-ka ku soo akhristo xawaare aad uga dheereeya kan Motherbord-ka. Halkii wareeg wuxuu jiilkani ku fulin karaa ilaa saddex instruction. Intaas waxaa u sii dheer xawaaraha Processor-ka oo si aad ah kor loogu qaaday.
Processor-rada jiilka 6-aad waxay kala yihiin:
Noocani waa noocii ugu
horreeyay jiilkaan waxaan la soo bandhigay bishii
September ee sanadkii 1995, laakiin wuxuu suuqa
si fii can u soo galay bartamihii sandkii
1996-kii. Pentuim Pro wuxuu qaataa
Motherboard leh Socket 8 sidaa
darteed Pentium Pro ma qaato Motherboard loogu
tala galay Pentium. Noocani wuxuu uga duwan yahay
noocyada kale ee jiilkaan isagoo leh L2 Cache ku
dhex dhisan qolofka processor-ka, baaxaddiisu ay
u dhaxayso 256 K ilaa 1M. Bartamaha sawirka
midige waxaad ka aragtaa laba afar gees oo isku
dhinac yaalla. Labdaas midkood waa Processor-ka
laftiisa kan kalena waa L2 Cache. Maadaama uu L2
Cache-kaasi ku dhex dhisan yahay qolofka
processor-ka wuxuu xawaarihiisu la mid yahay kan
processor-ka. Pentium Pro wuxuu leeyahay
xawaareyaasha kala ah 150, 166, 180 iyo 200 Mhz.
Wuxuu leeyahay Internal Register ay baaxaddiisu
tahay 32-bit, laba Data Bus oo uu
kiiba balliciisu yahay 64-bit, Address Bus uu balliciisu yahay 36-bit.
Pentium Pro way ku adkaatay inuu ku faafo suuqa caadiga ee PC-ga ay dadka caadiga ahi isticmaalaan taasna waxaa sababay isagoo qaali ahaa taasna waxaa keenay L2 Cache-ka lagu dhex dhisay. Laakiin wuxuu suuq ka helay oo si aad ah loogu isticmaalaa kumbiyuutarrada loo yaqaan File Servers-ka oo ah kuwa lagu kaydiyo dokumentiga iyo program-yada ay isla isticmaalaan dadka isku meel ka shaqeeya siiba dadka u shaqeeyay hay'adaha dawliga ah iyo shirkadaha waaweyn.
Bishii May ee sanadkii 1997-kii
ayay Intel soo saartay processor-ka Pentium II oo
loogu dhawaaqo (Pentium 2). Pentium II wuxuu aad
wax uga beddelay muuqaalkii
processor-rada lagu yaqaanay. Halka
processor-radii ka horreeyay ay lahaayeen qaab
afar gees ah oo si ballaar ah ugu xirma
Motherboard-ka wuxuu Pentium II ku dul samaysan
yahay kaar yar oo u eg kararka PCI iyo ISA. Wuxuuna Motherbord-ka kaga xirmaa Slot
u qaab eg Slot-yada PCI
iyo ISA isagoo Motherbord-ka la samaynaya xagal
toosan oo 90 digrii ah (Fiiri sawirka Midige).
Kaarkaas waxaa kale oo ku dul rakiban L2 Cache
iyo Data Bus-ka
labaad ee xiriiriya Processor-ka iyo L2 Cache-ka
oo sida caadiga ah 512 K. Taasi waxay keentay in
qiimaha samayska ee processor-ku uu ka jabnaado
kii Pentium Pro maadaama ay processor-ka iyo L2
Cache-ku kala madax bannaan yihiin oo aysan isku
qolof ku jirin sidii Pentium Pro. Waxa kale oo ay
taasi suurto gal ka dhigtay in Intel ay
isticmaasho L2 Cache ay sameeyeen shirkado kale
iyo in xawaaraha L2 Cache-ku uu la mid noqdo
xawaaraha processor-ka barkii. Taasoo keentay in
Pentium II uu isticmaalo L2 Cache uu qiimaheedu
jaban yahay maadaama uu xawaareheedu hooseeyo.
Pentium II wuxuu farsamadii Pentium Pro ku daray farsamada loo yaqaan MMX oo sidaan ku soo aragnay Cashar-ka 10-aad ah farsamo si gaar ah loogu tala galay program-yada uu noocoodu yahay Multimedia. Sidaa darteed Pentium II wuxuu ka samaysan yahay Pentium Pro iyo Pentium MMX oo la isu geeyay. Pentium II wuxuu leeyahay xawaareyaasha kala ah 233, 266, 300, 333, 350, 400 iyo 450 Mhz. Xawaareyaasha 233, 266, 300 iyo 333 waxay isticmaalaan Motherboard uu xawaarihiisu yahay 66 Mhz. 350, 400 iyo 450 na waxay isticmaalaan Motherboard uu xawaarihiisu yahay 100 Mhz.
Bishii April ee sanadkii 1998-kii ayaa waxay Intel soo saartay processor-ka loo yaqaan Celeron oo asal ahaan ah Pentium II oo wax laga beddelay si qiimo jaban loogu gado. Celeron wuxuu ku soo baxay isagoo inta kale kala mid ah Pentium II laakiin laga reebay L2 Cache-kii iyo Data Bus-kii labaad ee la socday Pentium II iyo Pentium Pro, wuxuuna ku soo baxxay xawaareyaasha kala ah 266 iyo 300 Mhz. Celeron waxaa loogu tala galay in lagu isticmaalo kumbiyuutarrada qiimaha jaban lagu gado. Laakiin arrintaas Intel way ku guul darraysatay maadaama uu Celeron sida Pentium II u baahnaa Motherboard cusub oo leh Slot 1. Sidaa darteed waxay Intel go'aansatay inay L2 Cache-kii dib ugu soo celiso. Bishii august ee 1998-kii ayaa waxay Intel soo saartay Celeron wata L2 Cache uu xaddigiisu yahay 128 K. Magiiciisana waxay markaas u beddeshay Celeron A. Celeron A wuxuu ku soo baxay xawaareyaasha kala ah 300 iyo 333 Mhz.
Bishii december ee 1998 ayaa waxay intel beddeshay samayskii Celeron A iyadoo daba socota fikraddeedii ahayd in Celeron uu noqdo processor qiimo jaban. Waxay soo saartay Socket cusub oo loo bixiyay Socket 370 kaasoo qiimo ahaan ka jabnaa Slot 1. Taasna waxay keentay in magaca processor-ku uu mar kale isbeddelo oo uu noqdo Celeron A 370. Noocani wuxuu isna ku soo baxay xawaareyaasha kala ah 366 iyo 400 Mhz.
Bishii March ee 1999 ayaa Intel waxay soo saartay Processor ay u bixisay Pentium III. Magaca Pentium III waa la filaayay laakiin waxay dad badan u haysteen run ahaantiina Intel lafteeda markii hore u qorshaysnayd in magacaas loo kaydinayo Processor-ka ugu horreeya Jiilka 7-aad oo aan weli soo bixin. Laakiin Intel way isbeddeshay waxayna dooratay in Processor-kaan oo ka mid ah processor-rada jiilka 6-aad ay u bixiso Pentium III.
Pentium III wuxuu farsamadii Pentium II ku sii kordhiyay awood dheeraad ah oo loogu tala galay inay kor u qaaddo hawl qabadka program-yada isticmaala waxa loo yaqaan 3D-graphics iyo Multimedia. Waxa kale oo processor-rada noocaan ah loo sameeyay nambar taxane ah (serialnumber) oo aqoonsi u ah processor kasta. Nambarkaas processor-ka ayuu farsamo ahaan ku dhex samaysan yahay waxayna kumbiyuutarradu isugu gudbin karaan tusaale ahaan Internet. Nambarkaas waxaa loo yaqaanaa PSN (Personal SerialNumber) waxaana loogu tala galay in kumbiyuutarka lagu aqoonsado marka tusaale ahaan Internet wax lagu kala gadanayo. Maadaama kumbiyuutarka laga rabo inuu is caddeeyo oo uu soo gudbiyo PSN-ka processor-kiisa waxaa adkaanaysa in qof kale oo isticmaalaya kumbiyuutar kale uu adeegsado magacaaga oo uu wax ku iibsado. Waxa kale oo loo adeegsan karaa ayay Intel leedahay cod bixinta doorashooyinka baarlamaanka iyo wixii la mid ah in lagu qabto Internet oo uu qofku isagoo gurigiisa fadhiya codkiisa dhiibto. Islamarkaana laga badbaado in uu qof magac uusan lahayn adeegsado.
Waxayse taasi khasab ka dhigaysaa in kumbyuutarka aad adeegsanayso aad adigu leedahay isla markaana uu magac ahaan adiga kugu qoran yahay. Taasi waxay keenaysaa inaadan isticmaali karin kumbiyuutarrada yaalla shaqada, Maktabadda iwm. Waxa kale oo jirta cabsi laga muujiyay in taasi ay keento in xad gudub ah in aysan qofka waxba u qarsoomin oo hadduuba Internet galo uu kashifan yahay. Iyo weliba in PSN-ka ay haddii ay helaan isticmaali karaan dadka loo yaqaan Hackers-ka oo ay sidaas ku maamulan karaan kumbiyuutarkaaga. Eedahaasi waxay keeneen in Intel ay processor-ka soo saarto isagoo PSN-ku xayiran yahay iyadoo islmarkaa processor kasta soo raacisay program qofka gatay hadduu doonayo u suurto galinaya inuu nambarkaas fasaxdo. Pentium III wuxuu leeyahay xawaareyaal u dhexeeya 450 Mhz ilaa 1.13 Ghz (1130 Mhz). Dadka farsamo yaqaannada ahi waxay ka cawdaan nooca ugu dheereeya ee uu xawaarihiisu yahay 1.13 Ghz oo ay yiraahdaan wuu cillado badan yahay oo sidii loogu tala galay uma shaqeeyo.
Bishii November ee sanadkii 1996-kii ayaa shirkadda AMD waxay soo saartay processor loo bixiyey AMD K6 oo noqday processor ay AMD aad ugu guulaysatay run ahaantiina muddo gaaban hogaaminayay processor-rada jiilka lixaad ilaa ay Intel ka soo saartay Pentium II. AMD-K6 waxaa ku dhex dhisan farsamada MMX oo ay AMD ka gadatay Intel wuxuuna isticmaalaa L2 Cache uu xawaarihiisu la mid yahay kan Motherboard-ka. AMD waxay Intel kula tartartaa xagga qiimaha oo ay mar kasta kaga hoosayso sidaa darteed K6 qiimo ahaan wuu ka jaban yahay processor-rada jiilka 6-aad ee ay Intel samayso laakiin xagga tayada waa looga fiican yahay. K6 wuxuu ku soo baxay xawaareyaasha kala ah 166 iyo 200 Mhz. Bishii April 1997-kii ayaa wuxuu K6 ku soo baxay xawaaraha 233 Mhz. Bishii April 1998-kiina waxa soo baxay xawaareyaasha kala ah: 266 iyo 300 Mhz.
Bishii May ee sanadkii 1998-kii ayaa AMD
waxay soo saartay K6-2 oo ay ugu tala gashay inay
kula tartanto Pentium II oo K6 si fiican uga
adkaaday. Taasna way ku
guulaysatay
oo K6-2 wuxuu noqday mid si fiican ula tartama
Pentium II. K6-2 wuxuu lahaa farsamo ay AMD u
bixisay 3D-NOW oo loogu tala galay program-yada
isticmaala farsamada loo yaqaan 3D graphics.
Wuxuuse lahaa L2 Cache ay baaxaddiisu ahayd 512
oo uu xawaarihiisu la mid ahaa kan
Motherboard-ka. Taas ayaana ugu dambayntii culaab
ku noqotay keentayna in tartankii uu Pentium II
ku guulaysto maadaama uu leeyahay L2 Cache uu
xawaarihiisu la mid yahay xawaaraha processor-ka
barkii. Laakiin maadaama uu xagga qiimaha kaga
jabnaa Pentium II wuxuu helay qeyb lixaad leh oo
suuqa ka mid ah. K6-2 wuxuu leeyahay
xawaarayaasha kala ah: 266, 300, 333 Mhz oo soo
baxay 28/05/98 iyo 350 iyo
400 Mhz oo soo kala baxay 27/08/98.
Billawgii sanadkii 1999-kii ayaa AMD waxay soo saartay K6-3 oo ay ugu tala gashay inay kaga adkaato Pentium II islamarkaana ay kula tartanto Pentium III. K6-3 Wuxuu la mid yahay K6-2 laakiin waxaa lagu soo kordhiyay L2 Cache ku dhexdhisan qolofka processor-ka oo uu xawaarihiisuna la mid yahay kan processor-ka. Cilladda ugu weyn ee uu Pentium II uga adkaaday K6-2 waxay ahayd L2 Cache-ka K6-2 oo uu xawaarihiisu la mid ahaa kan Motherboard-ka. Sidaa darteed ayay AMD u go'aansatay inay L2 Cache-ka ku dhexdhisto Processor-ka. Taasi waxa weyn ayay ku kordhisay xawaaraha hawlqabadka ee K6-3 laakiin weli Pentium III ayaa ka dheereeya taasna waxa keenay Math processor-ka ku dhexdhisan Pentium II iyo Pentium III oo ka dheereeya kan ku dhexdhisan K6-2 iyo K6-3. K6-3 wuxuu leeyahay xawaareyaasha kala ah: 350, 400 iyo 450 Mhz.
Ka dib markii uu K6-3 sidii la rabay ula tartami waayay Pentium III ayaa AMD waxay soo saartay Athlon si ay uga adkaato Pentium III. AMD aad ayay ugu guulaysatay ula jeeddadii ay ka lahayd Athlon waayo waxaa dhacaday inuu xataa ka hor maray Pentium III oo uu xawaare ahaan iyo tayo ahaanba kaga adkaaday Pentium III. Maanta waxaa la sugayaa in Intel ay soo saarto Processor iska dhicin kara Ethlon maadaama uu Pentium III si fiican uga adkaaday. Intel waxay mar hore sheegtay inay soo waddo processor la yiraahdo Prntium 4 oo ugu horrayn doona processor-rada jiilka lixaad ee Intel. Laakiin nasiib darro waxaa dhacday in dhawr jeer uu dib u dhac ku yimid soo saaridda Pentium 4. Athlon wuxuu leeyahay xawaareyaasha kala ah: 850, 900, 950, 1000 iyo 1200 Mhz1.2GHz(1200MHz), 1100, 1000, 950, 900, and 850MHz.
Casharkaana oo ah kii ugu dambeeyay casharradii aan uga hadlaynay Processor-rada halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa Memory-da loo yaqaan RAM (Random Access Memory) iyo noocyadeeda.
Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com
Casharkii Hore | SomaliSoftware.com | Casharka Xiga
| Magaca | Fikradda Akhristaha |
|---|---|
| 2010.05.11 c/raxmaan maxamed c/laahi Kenya | run ahaantii aad ayaad umahadsantihiin dhankaad naga xigtaanba balse waxaan idiin sheegay inaan websitekaa mooyaane aan mid kale la booqanahayn |
| 2009.11.04 biikolo Somalia | waan ka helay casharadan thank you very much.bye bii |
| 2009.09.02 saleban Somalia | waxan ahay dilaa waan ka faa iidaysan karaa fikradaha noocan ah |
| 2009.09.02 nooh omar United States | waan idiin mahad celinayaa waad mahadsan tihiin aad iyo waxaana lee yahyay thanks lkn waaxaan rabay inaad noo soo jwbtaan waxaana arkay cidna uma soo jwbtaan garan waa yay sababatu waxay tahay lkn waa caadi maalin uun ayaad soo jwbi doontaan saan filayo iminkana byyyyyyyyyy |
| 2009.09.02 Aamino maxamed jasiira Somalia | Walaal ACWB salaan kadib jasiira ma aha deegaan waa Degmo waxaana Degmo ahaan Jasiira loo aqoonsaday sanadkii 1989 oo ehayd xiligii taliskii maxamed siyaad bare waxayna kamid tahay degmooyinka hoos tago goboloka shabeelaha hoose ee ragiina warfidiyeenada sidaas ha u ogaadaano waana degmo istiraatiiji ah xamarna waxa ay kaga beegan tahay Degmada jasiira koonfur galbeed waana degmada isku xerta gobolada shabeelaha hoose iyo Banaadir WAXUUNA ILAAHAY KU MANEESTAY KHEYRAAD FARA BADAN DADKA DEGANA WAA DAD NABDOON OO XADAARAD DHEER LEH WAXAANA LAGU MAGACAABAA QABIILKA DEGA SHIIKHAAL JASIIRA OO KAMID AH BEELAHA SOOMAALI OO AAN KA QEYB QAADANIN DAGAALADA AY WADAADAAN QABAAILKA SOOMAALI OO INDHA LAĆANTA AH WAXAANA KU TAALA DEGMADA JASIIRA BEERTA CUSBADA OO AY ISTICMAALAAN SHACABKA SOOMAALI INTIISA BADAN IYO KHEYRAAD BADAN OO HALKAAN AAN KUSOO KOOBI KARIN WWB |
| 2009.07.07 cali Somalia | waxaan doonayaa powerpoint |
| 2009.02.23 Saciid Cabdi Korea Somalia | Mahadsanidiin , anigo ah dadka fara-ku tiriska ah ee sida adka ah u xiiseysa Computerka iyo qabaka uu wax u qabto waxaan idinka rabaa in aad si fican iga haqab tirtaan . Madadaa A si qaabeysan 1. Sate Types Of SMPS? 2.Ranmbus Deynamic Ram 3.IDE Intergerd Device Electaronic In aad ii kala saar saartaan si uu ay u kala shaqeyaan iyo ciladahaha ku yimaada MAHADSANIDIIN E-Mail Saciidraas@hotmail.com |
| 2008.12.08 kaise United Kingdom | su'ashaydu waxay tahay pentium2 slot ka uu ka galaa macagiis, ma PCI/ISA slots ileen waxaan ognahay in uu qabo matherboard ka labadaase? email somboy-1@hotmail.com |
| 2008.11.01 Lowdhako Ireland | Asalaamu caleykum wr wb. salaanta islamka ka dib walaalaha sameeyey website kan aad iyo aad baan uga helanay ugana faa ii deysanay allaah ha idinka abaal mariyo waxtarkaa aad noo soo bandhigteen casharada tirada badan ee qiimaha leh jazaka allaahu kheyran . halkaas ka sii wada. su'ashaydu waxaa aytahay adinko igarali ahanaya walaalayal maxaad ugu sodriwaysen casharada JAVA iyo CISCO oo ad sidaso kale uso tafatirteen? waad kumahad santihiin dhamaan sida aad isugu howsheen casharkaas iyo dhamaan kuwa kale oo aad sowadanba |
| 2008.07.28 wasaaye cali muuse Somalia | aniga waxaan halkaan ka baafinayaa asxaateedoo dhan gaar ahaan gabdhaha aan ka qaadan jiray mar walba somalisoftware wax jira maahan waxaa soo dhan waa been aniga ayaa dhoor goor oo horay ayaan tijaabiyayb waa wada been yaana la qaadan siday udhigantahay |
| 2008.07.28 cali xuseen warsame Somalia | war haye baashaal asxaabteedoo naagaha wasa yaah naagaha ha cafinina |
| 2008.07.20 Yuusuf Hassan Egypt | Assalaamu calaykum waraxmatullaahi salaan ka dib aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin bahda websitekan dhamaantiiin walaahi aaad iyo ad ayaan ugu farax sanahay sida sahlan ee aad casharadan noooogu soo gud biseen waxaana halkaan idinka leeyahy dadaalkiiiina halkaa ka sii wada hadii aad programing kale aad kusoo dari karataaan aad ku soo dartaan ,Wacaleykum salaam waraxmatullahi wabarakaatu |
| 2008.06.03 dayib haaji cabdi caateye Ethiopia | bar naamujku waa mid wacan sidaa kusii wada waaleyaal |
| 2007.07.05 maxamedwali craxmaan maxamed Somalia | haa aad iyo aad ayaan ugu farxaa sida qiimaha iyo qaayaha leh ee aad wax noobartaan markasta oo aan websitekiinan sooo bookhdo walaaahi aad iyo aad ayaan ugu farxaaa halkaas kawada walal waad mahadsantihiin |
| 2007.02.28 maxamed maxauud muuse Somalia | marka hore walaalayaal iga gudooma salaan aanan qiyasi karin galgacalkeeda waxaan idinleeyahay waxaad qabateen hawl qaran laga rabay ee haka daalina siina hor mariya oo halgu soodaro waxyaabaha kamaqan sida networkinka iyo programinka waad mahdsanthiin |
| 2007.02.03 muna ibrahim Senegal Republic | walaal waad mahad san tihiin waanan idiin mahad naqayaa sida wanaagsan ee aad uga haqabtirteen dadkiina soomaaliyeed ee ku dhaqan caalamka meel kastaba si ay afkooga hooyo wax ugu bartaan |
| 2006.09.19 c/qaadir maxamed cali Somalia | waan idin salaamay salaan qaali ah aad iyo aad ayaa u mahadsantihiin waxaana il llaahay idin ka baryayaa caafimaad in uu idin siiyo waqtiga qaaliga aa noo soo horteen mahadsanidiin beyyy gaayoow |
| 2006.09.10 guuleed xasan kaarshe Somalia | waxaan aad ugu mahadcelinayaa dhamaan bahda Somalisoftware walaalayaal waxaan idinkula talin lahaa maadaama aad isku hawshaan sidii aad umada soomaaliyeed uga hormarin lahaydeen xaga aqoonta computerka inaad casharada soo badisaan intaan anigu shakhsi ahan waan fahmay waxii kale ee aad shakhsi aah iigu deeqaysaan ama aad is leedihiin dadku waa ka dharagsan yahay adress ka iigu soo dira by: kaarshe144@gmail.com |
| 2006.05.01 cabdiwali xasan c/llaahi Sudan | acs/w/w salaan ka dib waxaan jeclaan lahaa in aad ku soo kordhisaan casharadaan casharo kale oo tixana ah si aan uga faa iideysano oo aan u helno macluumaad rasmi ah oo ku saabasan computerka Washukran |
| 2006.03.12 xasan cilmi guure Somalia | WWW.wanaag aad nosamayseen run ahaatiihalakn lagama soo koobikaro ilaahbaa idinkaa abaal marinaya laakiin waqtibadan ayaa loobaahanyahay waxaana ookale sida lguqorayo (WEBSITE-kaan) diinta ilaahay iyo waqtiga salaada ogaada yeysan idin mashquulin aduunyo ilay yurub walagu gaalooba lacag iyo aduun balaga fikiraa walaala yaal waad mahad santihiin diintana hadayicinina iantaad aduun kafikiraysaan Wacalykuma salaan waraaxmatulaahi wabarakaatuhu (guure34@hotmail.com) |
| 2006.03.12 axmed yaasin Australia | www,walaalayaal anigooha axmed yaasinn waxaan joogaa wadanka Austria halakn waxaan salaan iyo farxad leh ugu dirayaa saaxiib tayda qaaliga ha yaas miin saalax aan jeclhay waxaadna noogu soo docaysaan inaan kuwada kulanao caafimaaf iyolol raaxo leh ayadan waxaankacid sanyaaiany ilasoo xiriito ninki yaqaan fariiintaa ugudbi gabadhaa waxay joogtaa bosaso imalkeedana hala ii sheego salaan kaloo qaali ha hlaagn waxaan ka salaamayaa saaxiibada leh somali.software waadkmaah san tihiin dadaalka aad noo qabateen than all of you by( qanyare_155@hotmail.com) by |
| 2006.03.11 afrax tubeec Somalia | halakan kama sookoobo karo dadaalkaa aad samy seen thaks all of you aftax _@hotmail.com |
| 2005.11.12 zaalim Somalia | marka hore waxad iga gudontan salanta islama ta ugu qiim badan kadib intaa waxan aad iyo aa igu faraxsanahay dadaalka aad sameyseen taas oo ka qayb qaadaneysa hore marka xaga technology yada ee dhalinta soomalida ah ee ku fakirta iney bartan cilmigan runtiiii waxad muteysateen in la idin siiyo shaahado sharaf |
| 2005.10.24 jabriil cabdulahi cali Somalia | aah walaahi waxaad naga dhiciseen dadka ajnabiga ah waayo nabarte casharo aanu luqado kale ku arki jirnay axsantum axasantum axasantum |
| 2005.09.01 Cabdicasiis Baliile Sweden | assalaamu caleykum, walaalayaal hadal badan oo aan iraahdo iguma jiro ee waxa kaliya ee aan idin oran lahaa Ilaahay ha idinka abaal mariyo sida aad u jecleeysateen inaad u kaalmeeysaan walaalihiina soomaaliyeed assalaamu caleeykum |
| 2005.07.21 Farhan Ali Somalia | Saaxiibayaal aad ayaad u mahadsantihiin dedaalka joogtada ah ee aad wadaan iyo sida wanaagsan ee aad dadka wax u baraysaan. Waxaan leeyhay waad mahad santihiin halkaana ka sii wada. |
| 2005.07.03 ali Canada | asalaama calaykum |
| 2003.08.05 Cismaan C/laahi Nuur Somalia | Waa idin salaamay dhamaan dhalinta isku hawshay arinkan waana ku mahadasantihiin dadaalka aad samaeyseen allahan idinka abaal mariyo |
| 2002.11.25 maxamad cali cabdi Somalia | mahadsan9idiin |
| 2002.11.25 maxamad cali cabdi Somalia | baraarujin |
| 2002.03.31 khadar omar United Kingdom | Marka ugu horaysa waxaa idinku salaamay salaanta islaamka asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuh. marka ugu horaysa ilaahay ha idiinka abaal mariyo wanaaga aad dadkiina uqabanaysaan,waxaan jeclaan lahaa inaan oo fikrad iga ah hadaad awoodaan inaad isku daydaan ama aad ku dartaan hadba wixii cusub ee markaa soo baxa ama kadhiman casharada halkan ku qoran hadii ilaah yiraa. jazaakumulaahu khayran, asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuh. |
| 2002.01.15 maxamed muuse United Kingdom | Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu. Salaan ka dib waxa aan Illaahay idiinka baryayaa in uu camalka wanaagsan ee aad samayseen aakhiro iyo aduunkaba wax wax wanaagsan idiinku bedelo dadka ku anfaco. waxa kale oo aan walaalaha wakhtigooda u huray in dadka u faaiideeyaan leeyahay haddii aad wax kale oo kompuutarka ku saabsan ku dartaana ka sii fiican, sida programming-ka oo kale. |
| 2001.01.09 Sheikh Cabdulqaadir macalin xassan Qatar | Assalaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatu Walaalayaal Aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin, Ilaahey ajar ha'idin ka siiyo. Laakiin waqti badan ayaa loobaahanyahay Waxaan ook kale sida lagu qoraayo (WEBSITE-Kaan) Diinta ilaahey iyo Waqtiga salaada ogaada, Yeysan idinka daciifin Ileen Yurup waa lagu gaaloobaa ama lacag iyo ADUUN kaliya baa laga fikaraa Marka Waad mahadsantihiin\! Diintiinana Ha Dayactirinina intaad aduun kafikareysaan Wacaleykum salaam waraxmatullaahi Wabarakaatu |
Fadlan halkaan ku qor fikraddaada