Memory-da
Memory-du waxay u kala baxdaa laba nooc oo kala ah: ROM (Read Only Memory) iyo RAM (Random Access Memory). Casharkeenaan waxaa kaliya oo aan kaga hadli doonnaa nooca dambe ee RAM. Mar kasta oo aan casharkaan ku soo qaadno Memory waxaan ula jeednaa nooca RAM oo kaliya.
Waa Maxay RAM?
RAM (Random Access Memory) waa halka si ku meelgaar ah loogu kaydiyo akhbaarta uu processor-ku markaas gacanta ku hayo iyo program-yada markaa shidan (running programs). Tusaale ahaan haddaad rabto inaad wax qorato waxaad horta shiddaa program-ka aad wax ku qorato sida Word. Markaad program-kaas shiddo waxaa Memory-da lagu kaydiyaa koobi ah program-kaas, koobigaas ayaana lagu tusaa si aad wax ugu qorato. Muddada aad wax qorayso waxaa akhbaarta aad qorto lagu kadiyaa Memory-da, waxaana halkaa lagu haynayaa ilaa inta uu kumbiyuutarku shidan yahay ama aad program-ka Word ka xirayso. Haddiise kumbiyuutarka la damiyo ka hor inta aadan kaydin akhbaartaasi way lumaysaa.
Tusaalaha ugu caansan ee la soo qaato marka la
sharxayo sida uu kumbiyuutarku wax u kaydiyo waa iyadoo
kumbiyuutarka lagu matalo xafiis yar oo ay yaallaan miis iyo
armaajo lagu kaydiyo dukumentiga xafiiska. Armaajadu waxay u
taagan tahay Hard Disk-ga oo ah halka sida joogtada ah loogu
kaydiyo akhbaarta iyo program-yada kumbiyuutarka ku jira.
Miiskuna wuxuu u taagan yahay Memory-da. Qofka xafiiska ka
shaqaynaya (oo u taagan Processor-ka) wuxuu armaajada kala soo
baxaa hadba dukumentiga uu rabo inuu wax ka qabto wuxuuna ku kala
fidiyaa miiska dushiisa. Waxaa caadi ah in qofka xafiis ka
shaqaynayaa uu dukumentiyo fara badan ku haysto miiska dushiisa.
Mar kasta oo baaxadda miisku ay sii weynaataba waxaa badanaya
tirada dukumentiyada dushiisa la saari karo. Sidaa si la mid ah
ayuu kumbiyuutarku program-yada iyo hawlaha uu markaas gacanta ku
hayo ugu kaydsadaa Memory-da. Mar kasta oo ay baaxadda Memory-du
sii weynaataba waxaa badanaya akhbaarta lagu keydin karo iyo
tirada program-yada isku mar kuu furnaan karo. Memory-da
la'aanteed kumbiyuutarku wax hawl ah ma qaban karo. Sidaa darteed
Memory-du waxay ka mid tahay qaybaha ugu muhiimsan kumbiyuutarka.![]()
Baaxadda Memory-da waxaa lagu cabbiraa waxa loo yaqaan "Byte" oo u dhigma hal xaraf. 1024-kii byte waxay noqdaan hal KiloByte (KB). Kunkii KB waxay noqdaan hal MegaByte (MB). Kunkii MB-na waxay noqdaan hal GigaByte (GB). Memory-du waxay ku dul rakiban tahay kaarar yar yar oo uu dhererkoodu qiyaas ahaan le'eg yahay 10 ilaa 15 cm (Fiiri sawirka). Kaararkaasi waxay u kala baxaan laba nooc oo kala ah SIM (Single Inline Memory Module) iyo DIM (Dual Inline Memory Module). Kaararkaas waxaa la gadaa iyagoo baaxadda Memory-da ku dul rakibani ay tahay 1 MB, 2 MB, 4 MB, 8 MB, 16 MB, 32 MB, 64 MB ama 128 MB.
Haddaan dib ugu noqonno tusaalihii xafiiska, mar kasta oo uu miiska xafiisku sii weynaadaba waxaa badanaya tirada dokumentyada isku mar dushiisa la saari karo islamarkaana waxaa fududaanaya helitaanka dokumenti ka mid ah dokumentiyada saaran miiska dushiisa, maadaama uu miisku waasac yahay oo aan loo baahanayn in dokumentiyada la is kor saaro oo ay markaa is qariyaan. Sidaa si le'eg ayaa mar kasta oo ay baaxadda Memory-da kumbiyuutarku sii weynaataba waxaa bata tirada porgamyada isku mar kuu furnaan kara iyo xaddiga akhbaarta Memory-da lagu kaydin karo. Waxaa kale oo fududaanaya helitaanka wixii akhbaar ah ee Memory-da looga baahdo. Taasina waxay kor u qaadaysaa xawaaraha hawl qabadka kumbiyuutarka.
Xawaaraha Memory-da (RAM)
Xawaaraha Memory-du wuxuu muhiim u yahay guud ahaan xawaarha kumbiyuutarka. Mar kasta oo uu processor-ku u baahdo inuu qabto hawl gaar ah wuxuu inta badan u baahdaa inuu akhbaar ka soo akhristo Memory-da. Markaa wuxuu processor-ku ku khasban yahay inuu sugo Memory-da oo uu wax uga soo akhristo xawaare la mid ah kan Memory-da. Haddaba mar kasta oo uu xawaaraha Memory-du hoos u dhacaba waxaa sii badanaya wakhtiga processor-ka uga luma sugitaanka Memory-da.
Xawaaraha Memory-da waxaa lagu cabbiraa waxa loo yaqaan nanoseconds (ns). Halkii ns wuxuu u dhigmaa hal seken (ilbiriqsi) oo loo qaybiyay bilyan qeybood qeyb ahaan. Memory-da maanta la isticmaalo wuxuu xawaareheedu u dhexeeyaa 60ns ilaa 8ns. Madaama uu xawaaraha Memory-du ku salaysan yahay wakhti, mar kasta oo uu wakhtigu sii yaraadaba waxaa kor u kaca xawaarha Memory-da. Tusaale ahaan Memory uu xawaaraheedu yahay 8ns waxay in ka badan 7 jeer ka dheeraysaa Memory uu xawaaraheedu yahay 60ns. Memory uu xawaaraheedu yahay 60ns waxay la xawaare tahay processor uu xawaarihiisu yahay 16.7Mhz. 8ns waxay iyaduna u dhigantaa 125Mhz. Haddaba waad qiyaasi kartaa wakhtiga processor uu xawaarihiisu yahay 650 Mhz iyo ka sii badan uga lumaya inuu la shaqeeyo Memory uu xawaaraheedu yahay 16.7 Mhz. Sidaa darteed waa muhiim in marka aad Memory gadanayso aad ka fikirto kuna xisaabtanto xawaaraha Memory-da.
Noocyada Memory-da (RAM)
RAM-ku wuxuu guud ahaan u kala baxaa laba nooc oo asaasi ah oo kala ah:
Labadaas nooc ayaan halkaan mid mid ugu soo qaadnaynaa.
Noocani waa nooca ugu badan ee ay isticmaalaan kumbiyuutyarrada uu noocoodu yahay PC (Personal Computers). Noocani xawaare ahaan aad ayuu uga gaabiyaa nooca SRAM, laakiin qiimihiisa ayaa aad uga jaban, cabbir ahaanna wuu ka yar yahay. Taas ayaana keentay in shirkadaha kumbiyuutarrada sameeyaa ay noocaan u doortaan kumbiyuutarradooda. DRAM wuxuu u sii kala baxaa dhawr nooc oo ay ka mid yihiin:
Noocani wuxuu farsamadii DRAM ku kordhiyay farsamo loo yaqaan Fast Page Mode (FPM). Farsamadaasi waxay fududaysay raadinta iyo helitaanka akhbaarta Memory-da ku kaydsan. Kumbiyuutarrada uu noocoodu ahaa 486 wixii ka dambeeyay waxay isticmaalaan Memory noocaan ah wixii ka horreeyayna waxay isticmaali jireen DRAM caadi ah oo aan lahayn farsamada FPM-ka. Si aad u isticmaasho Memory-da noocaan ah waxaa khasab ah in kaararka Memory-da (SIMM/DIMM) noocaan ah ay laba laba ahaandaan. Taas oo uu micneheedu yahay in haddaad rabto inaad kumbiyuutarka ku kordhiso Memory ay baaxaddeedu tahay 64 MB waxaad ku khasban tahay inaad soo gadato ugu yaraan laba kaar oo min 32 MB ah (ama afar kaar oo min 16 MB ah ama ka sii badan). Haddaad soo gadato hal kaar oo 64 MB ah, ma isticmaali kartid kaarkaas ilaa aad u hesho kaar labaad oo ah 64 MB. Taasina waxay keenaysaa inay marka dambe kugu yaraadaan boosaska loogu tala galay Memory-da ee ka bannaan Motherboard-ka, maadaama uu noocani mar kasta Motherboard-ka ka qaadanayo ugu yaraan laba boos.
Billawgii sannadkii 1995-kii ayaa waxa soo baxay noocaan oo luugu tala kumbiyuutarrada uu noocoodu yahay Pentium. EDO (Extended Data Out) waa FPM DRAM oo wax laga beddelay. EDO wuxuu xawaaraha Memory-da kor u qaaday 5% si dhakhso ah ayuuna suuqa ugu faafay. EDO wuxuu si gaar ah ugu fiican yahay kumbiyuutarrada uu xawaaraha Motherboard-koodu yahay 66Mhz.
SDRAM oo u taagan Synchronous DRAM aad ayuu uga dheereeya EDO iyo noocyadii ka sii horreeyayba. Wixii ka dambeeyay 1997-kii wuxuu noocani ahaa nooca ugu caansan uguna badan noocyada Memory-da ee loo isticmaalo kumbiyuutarrada uu noocoodu yahay PC-ga. SDRAM wuxuu si gaar ah ugu sii fiican yahay Pentium II iyo wixii ka dambeeya.
Nooca labaad ee noocayada asaasiga ah ee Memory-da loo qaybiyo waxa la yiraahdaa SRAM (Static RAM). SRAM aad ayuu uga dheereeyaa dhammaan noocyada DRAM. Waxaa la helaa SRAM uu xawaarahoodu gaarayo 2ns iyo ka sii hoose, taasoo xawaare ahaan la socon karta processor uu xawaarihiisu yahay 500 Mhz iyo ka badan. Laakiin SRAM waxay leedahay laba cilladood oo kala ah: Cabbir ahaan way ka weyn tahay DRAM taasna waxay keenaysaa inay boos weyn kumbiyuutarka ka qaadato. Tan labaadna aad ayay qaali u tahay kumbiyuutarkii iyada loo doortaana sidoo kale ayuu qaali u noqonayaa. Labadaas arrimood ayaa waxay keeneen in shirkadaha kumbiyuutarrada sameeyaa ay ka door bidaan DRAM gaabisa. Maadaama ay SRAM aad qaali u tahay waxaa loo isticmaala oo kaliya Cache Memory ahaan.
Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa Hard Disk-ga iyo noocyadiisa.
Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com
Casharkii Hore | SomaliSoftware.com | Casharka Xiga
| Magaca | Fikradda Akhristaha |
|---|---|
| 2008.11.01 Lowdhako Ireland | Asalaamu caleykum wr wb. salaanta islamka ka dib walaalaha sameeyey website kan aad iyo aad baan uga helanay ugana faa ii deysanay allaah ha idinka abaal mariyo waxtarkaa aad noo soo bandhigteen casharada tirada badan ee qiimaha leh jazaka allaahu kheyran . halkaas ka sii wada. su'ashaydu waxaa aytahay adinko igarali ahanaya walaalayal maxaad ugu sodriwaysen casharada JAVA iyo CISCO oo ad sidaso kale uso tafatirteen? waad kumahad santihiin dhamaan sida aad isugu howsheen sharkaas iyo dhamaan ku kale oo aad sowadanba |
| 2008.10.17 Samatar Yusuf Mahamed(Abu HamZa India | Asalamu Alaykum Waraxmatulaah Wa Barakaat Walaalayaal Runti aad ayaan ugu faraxsanahay inaad bulashada somaliyeed usoo bandhigtaan cilmi iyo aqoon ilahayna ha idinka abaal mariyo insha-allah waxaanan idin odhan lahaa sii wada dadaalka dheeradka ah ee aad ku jirtaan ILaahayna ha iga dhigo sidiina oo Kale nin dadkisa wax bara oo wax u qabta (Rabbi Zidnii Cilmaan)amin aSc wr wbr |
| 2008.10.08 Abdalla Mohamed Ismail Somalia | walaalayaal waad ku mahadsantihiin sida hagar li'idala ee aad noogu soo diyaariseen casharadaan taxanaha ah. |
| 2008.09.30 C/weli Xasan Gooni Somalia | MARKA HORE AAD IYO AAD AYAAD U MAHAD SANTIHIIN WAXAANA IDIN LEEYAHYA DADAALA DHALINYARO WANAAGSAN AYAAD TIHIIN OO RUNTII WAX QABTAY MUDANA IN LAGU DAYDO, WAANA IDIIN MAHAD CELIYAA INSHA ALAAH ANIGA INTA KARAN KEYGA AH GACAN AYAAN KA GEYSAN DOONAA HOWLAHA AAD WADAAN. gooni2@hotmail.com Qardho,Puntland Somalia |
| 2008.08.31 Abdifatah Haji Abdi Somalia | Aad iyo aad baad ugu mahadsan tihiin sida hagar li,ida ah eed ugu dadaalaysaan kahaqabtirka teknoolajiyada casriga ah umada somaliyeed ugu talo gasheen iney kafaaiideystaan, ilaaheyna ha idinka jasaai siiyo AAMIIN, intaas kadib waxaan jeclaan lahaa majiraan Softwares cusub oo Soobaxey intii kadambeesey 2008 oo loo isticmaalo computerka gaar ahaan Wax Anti-Virus ah? hadeyse jiraan sidaan idiinkala soo xidhiiidhi karaa? |
| 2008.06.20 Caaqil Bishaar Mohamed Somalia | Wuxuu page kan cadayn u yahay heerka aqooneed ee uu gaarsiisan yahay cilmiga compouterka ay uleeyihiin aqoon yahanada soomaaliyeey. Dhamaan ka qayb qaatayaasha diyaarinta pagekan waan ku mahadsan tihiin sida aad noogu soo ban dhigteen dadaalkiina dheeriga. MAHADSANIDIIN |
| 2008.06.16 Omar Mohamud Omar Somalia | Aad iyo aad ayay u mahadsan yihiin shire iyo mahdi waxay istaahilaan nimakas in gabar laga guur sado oo lala xidido, saaxibayaal waxaan idin ka codsanayaa inaad ku soo dartaan bogiina casharada oo ku qoran Ms word ama Ms powerpoint si aanu uga download gareeysano mahadsanidiin ayaanle6@hotmail.com |
| 2008.05.30 sharmaake ahmed India | waxaa walaalayaal aad ayaad u mahadsan tihiin sida aad ugu hagar baxdeen umada soomaaliyeed, mida kale fikradan waa mid maskaxdeeda ku jirtay,waxaan mar labaad idinku mahad celinayaa waqtiga aad ii seef-gareyseyn.waxaaan idin leeyahay ka sii wadaa halkiina wax walba oo aad iigaga baahataan diyaar ayaan idinla ahay. Walaalayaal waxaan ahay arday dhigta jaamacada middlesex ee ku taala North-London, waxaan bartaa Networking & Comp system. waxaan jeclaan lahaa in aan |
| 2008.04.26 23 Belarus | rtrrtrt |
| 2008.04.26 43 Bhutan | dafdfdadfdfdfd |
| 2008.04.23 yasin maxamed yasin Somalia | A/C/W. waxaan aad ugu mahad celinayaa walaalaha soomaliyeed ee isu taagay ama isu xilqaamay wax qabadakan lataaban karo.walalayaal ilaahay haynika jizaakayeelo amin. waxaan si aad ah idiinka codsanaynaa wax yaaabo farrabadan ayaa ka maqan inaad ku soo dartaan dadaal kiinina aad dhamaystirataan wabilaahi towfiiq |
| 2008.04.21 c/karim mohamed bootaan Somalia | bismillaah aad baan ugu mahadinayaa walaalahayga somalida ah oo u istaagay run dadaal balaaran oo faa'iido u leh umadda somaaliyeed meelkasta oo ayu joogto. |
| 2007.10.09 Maxamed Dheere Somalia | Waa Mahad Sanyihiin walalaheen arinkan ka soo shaqeeyey maadaama uu aduunku isu badalay IT waxaa lagama maarmaan ah in la helo barmaamujkan oo kale waana ku mahad sanyihiin |
| 2007.09.18 C/Qaadir C/Raxmaan (Albaani ama Qase) United Kingdom | Assalaamucalaykum waraxmatulaahi wabarakaatu. marka hore waxaan umahad celinayaa Rabiga na abuurtay ee aanu adoomadiisa nahay naga na dhigay umada kuwii uugu khayrka badnaa ee naga yeelay muslimiin. waxaan marka labaad umahad celinayaa bahda barnaamijkan soosarta wax ku oolka leh iyagana Illahay dambi dhaaf ha uugu badalo iinsha allah. Aad iyo aad baanan uugu farxay maanta markaan helay barnaamijkan Allena hanaga dhigo kuwii ka faa iidaysta iinsha allah ( mucaad114@hotmail.co.uk) |
| 2007.09.12 c/fataax ibraahin Ethiopia | walaal waan idiin salaamay salaan qaaliya kadib walaalayaal waad dadaalaysaan illaahayna haidinka jasaai siiyo,walaal fikradaydu waa inaad sii kordhisaan dadaalka aad haysaan iyo daabacaada inta dhiman wabillaahitowfiiq |
| 2007.08.29 maxamed xuseen cumar Somalia | walaal waxa kale ooloo baahanyahay arimo badan |
| 2007.08.26 c/xafiid yaasiin xuseen Somalia | Asalaamucalaykum.wr.wb. marka hore allah jalla wacalaa ayaa mahad oo dhan usugnaatay allahaas oo idinkaraynsiiyay ama idiin suurtagaliyay inaad ufaaiidaysaan walaalihiina muslimka ah khaas ahaan soomaalida ah.ilaahay miisaanka xasanaadka ha idinkugu kordhiyo howshaan ajarkeeda |
| 2007.08.16 mahamed hasen ali Canada | walal waxan doonyaa inaan kusoolaabtao wadan kaygii ooaan mudo kamaqnaa waayo qurbo majoogi karo hooyaday iyo umadaydii ayaan jecelelay |
| 2007.07.24 cabdixakin cali s sancad Somalia | waxaan halakn ugu mahd celinyaa dhamaan somalida jecel in ay dadkooda wax baraan oo jaheli kasaaraan sida soamli software aad iyo aad bay umahad sanyihiin dhamaan shaqaalaha companiga |
| 2007.07.09 Abdihakim United States | WALAALAHA KA SOO SHAQEEYAY ARINTAAN WANAAGSAN MAHAD BALAARAN AYAAN U SOO JEEDINAAAA: |
| 2007.07.09 Bosteyo United States | walal aad ayan ola dacsanahay sida aad wax u qabateen waanan idin mahad celinaya waxanan jeclan laha in aad kentan Barnamijyo cusub oo dadka ku sii dhiiri galiyo in ay la socdan maclumadka somalisoftware waxaan idin ka codsanayaa inaad ku dartan qayb dhagaysi ah bye Bosteyo |
| 2007.06.15 salman Somalia | waa mahadsanyhay qofkii isku soo daba riday cashirkaan waxaana rabaa in la ika jaahil bixiyo ram yar hadow komputerkayka ku rakiban yahay maxaan naqsaha ku badin karaa ram kale maku dari karaa yacni waad mahadsantihiin |
| 2007.06.05 Amina Ali Maxamed Somalia | marka hore walaal waan idin salaamay. waxaan jeclaan lahaa in aad ii kala saar sheegtaa waxa uu kakooban yahay raamka computerka |
| 2007.05.22 Abdirisak Abadir Ibrahim Somalia | Aad ayaad ugu mahadsan tahay sida fican ee aad u soo diyaarisay waxaanan ku leeyahay halkaa ka sii wad walaal |
| 2007.05.10 cumar Djibouti | asalaama calaykum waraxmatulaahi wabarakaat walaalayaal aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin sida hagar la aanta aad noogu soo diyaariseen barashada kumbiyuutarka |
| 2007.05.03 C/qaadir Maxamuud Guuleed Somalia | A/S .aad baan ugu faraxsanahay inaan arko dad soomaali ah oo sameeyay dadaal intaan le'eg si ay wax ugu qabtaan walaalohooda soomaaliyeed waxaana idin leeyahay ilaahay haidinla garabgalo dadaalkiina , ajar iyo xasanaad aan la koobikarina ha idinka siiyo ,hana ka daalina hawlaha aad ummadiina wax ugu taraysaan sida tan oo kale. wsalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu . |
| 2007.04.29 Walid Kaise Yousuf Ethiopia | waxey mahadi usugnaatey allihii koonkan aabuurey iyo Rasuulkeenii Muxamed Naxariis iyo Nabad galyoba Korkiisa Ha ahaatee mahad gaar ahna waxey usugnaatey dhamaan Howlwadeenada sida fiican isug howley iney nafahan siiyaan wax yaalo badan oo naga dhinaa aan ugana mahad celineyno teeda kale waxaan halkan Waxaan sifiican wax ugu sheegayaa dadka qalad fahmey websitekan sida aflagaada lehna ugu soo jawaaba macalimiinta webkan kuwaas oo macalimiintu usoo jeediya dhaleecoon farabadan waxaan ku waaninayaa sida gabadha Hodan Nuur oo kale ineysan mardanbe webkan soo booqan waayo wax aqli ah oo ayku fahanto haddeysan lahayn mahan meeshan hoygii bukaankala gudaaweyn jirey ee waa hoygii lagu daaweyn jirey computerka marka cafwan macalimiinta yaanla dhibin amaan bey mudan yihiin war allaan idin ku dhaar sheeyaa hela sharaxaad bilaash ah oo computer ah inkastoy doonto ah ahaatee bal eeg halkana casharo tayo leh oo bilaash ah oo waliba fah fahsan ayaad heleysaa kadiba waaku jisaareysaa ( horey soo malidu u tidhi) Bas Baas ninkii Beertaaku gubta ) waa gar inaad macaliinta aflagaadeysaan waayo ayaga ayaa jaahiliin rabey ineyka saaran mugdiga ... waxaan idin leeyahay macaliin maxumidin amaan inta uu leeyahay qof noole ah leeyahay kabadan ayaad leedihiin waxaana ladhahay Halbaruur ayaaa qudhmisa baruuro badan taasna yeysan dhicin .... Amaane alle contact me Computeryare@yahoo.com Qofkiiraba fii amaanilaahi |
| 2007.03.27 Cusman Axmed Germany | WALAALAHA KA SOO SHAQEEYAY ARINTAAN WANAAGSAN MAHAD BALAARAN AYAAN U SOO JEEDINAAAA: |
| 2006.12.12 A/rahman moh,oud A/rahman [,A/rahman waraabe cade] Somalia | Ishaa allaah waxan idiin rajaynayaa in ala indinka dhigo kuwii dalkooga iyo dadkooga horumar gaash siiya ee dadaalka siiwada Good byeeeeeeeeeeeeeee......... |
| 2006.12.12 A/rahman mohamoud A/rahman Somalia | horumar waynu kugaadhi karnaa sida tanoo kale hadii aynu samayno |
| 2006.11.03 Ahmed Khaalid ali(Taajir) India | salaaaaaaamu caleykum dhamaantiin marka hore salaaantaas ka gadaaal waxaa mahad iska leh eebeweyne waxaan kaloo halkan aan mahad aan la qiyaasi karin hawada u marinayaa walaal qiimaha iyo sharafta mudan ee isku taxluujiyey inay walaalahood u faaiideeyaan aad ayaad u mahasantihiin |
| 2006.10.26 ibtisaan Somalia | al xamduliaah illaahay baa mahadleh sharafna nabi mahamed baa leh umadiisaana karamaleh walaalayaal waxaan aad uugu bogay sida layaabka badan ee aad usharaxdaan casharada waa nolashayda markii uhoraysay ee aan isticmaalo web-kiina.october/26/2006 waanan kahelay sidaad howsha uwadaan waanan uriyaaqay. lakiin nasiib daro lamaan socon casharada kuwan kahoreyay waxaan daalacay baogan mahad celinta dad waynaha idin lasocda ama aad waxa kabarta web-kiina waxaa jiro dhalin umalay naysa inay aqoon buux da uleeyihiin cilmigan kuwaasoo dhaliilo idiin sioo gudbiyay intaa kasokow waxaan idin ka cod sanayaa inaad haday suuro gal tahay inaad aniga casharadii oodhan iisoo dirtaan si aan -u-pringting-garaysto oo aan uulasocdo waa caodsi ee maaha kalifaad baan umalaynayaa haday idin la wanaag sanaato fikradaydu fadlan iigusoo dir Email-kayga oo ah ibtisaan_63@hotmail.com somaliland |
| 2006.09.19 c/qaadir maxamed cali Somalia | waxaan rawaa in aad sharaxaad kooban la iga siiyo word iyo execl |
| 2006.09.07 cise faarax xasan Sudan | aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin sida aad u haqabtirteen baahida soomaliweyn |
| 2006.08.12 cabdi raqiibs Somalia | walaalayaal Alaayacizak somalisofware 100 % aad iyo aad ayaad umahad santahiin thank you |
| 2006.08.04 saidi hersi United States | Allow alle, waxaan jeclaan lahaa in soomaali ay noqoto wadan adduunka laga tixgeliyo, koonfur baan ku dhashay, haddana waan jeclahay soomaali oo dhan. Insha allaah!;!;!;!;!;!;!;!;!;!;!;!;!;!;!;!;!;!;!;!;!;!;!;!;!;!;!;!;!; |
| 2006.08.02 farah Somalia | walaalayaal waad ku mahadsantihiin sida fiiican ee aad u habeeyseen software-ka hal su'aal ayaan doonaya inaan idin waydiiyo oo ah computerku laba ram ma qaadi karaa waxaad jawaabti igu soo tebesaan boyofyear_2009@hotmail.com |
| 2006.08.02 Ahmed Hassan Somalia | waamaxay Network Maxaase ukalqaybsamaa?? |
| 2006.07.31 Mohamed Abdullah Saudi Arabia | waa barnaamij aad u fiican waan ugu mahad celinayna dadka isku mashquuliyay in aay dadkoda u faiideyana walaalyaal Ajar Allah idinka siiyo |
| 2006.07.16 ABDIFATAH MOHAMUD ELMI United States | WAAD KU MAHAD SANTIHIIN SOFTWAREKAN AAD NOO SOO FUDUDAYSEEN BARASHADA KUMBIYUUTARKA |
| 2006.07.12 Jmakekh khaan Somalia | marka hore waad salaamantihiin umada soomaaliyeed meelkasta oo ay joogtaba gaar ahaana bahda somali software salaan ka dib waxaan doonayaa inaan barto computer programing markaasi waxaan u baahanahay wax yaabaha aasaasiga ah ee loo baahanyahay marka aad doonaysid inaad noqotid programer. jmakekh khan email: khaan13@hotmail.com |
| 2006.07.12 Hassan Somalia | waad mahadsantihiin software group sida fiican ee aad ugu faa'iidayseen walaalihiina soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba idinka oo kusoo qoray afkii hooyo si qof walba u fahmo waxaan rabaa inaad iga caawisaan sida loo isticmaalo Software and Hardware iyo sida ay iskugu xidhanyihiin. waanad mahadsantihiin Hassan Suleiman Ahmed (Hasan Internet) Email: hasan_internet@hotmail.com |
| 2006.07.10 Abdirashid Dahir Ahmed Somalia | walaal hadii aad tihiin bahda somali software aad iyo aad ayaan idinku mahad celinayaa sida wacan ee aad dadkiina uga haqabtiraan baahida computerka |
| 2006.06.15 Mahad Netherlands | s/c wr wb waxaa mahadleh allaha subxaanuhu watacalaa wax walba noo sahlay. marka labaad waxaan halkaan mahad ooga soo jeedinayaa walaalaha ku dadaalay in ay u faaideeyaan walaalahooda kale waxaan leeyahay waxaad sameyseen dadaal waxaana jeclaan lahaa in aad dadaalkiina halkaas kasii wadaan waana mahadsantihiin!; |
| 2006.04.29 Ahmed Nagey Canada | salaan dhaman aqayarta fikradan ka danbeysey iyo dhamaan kuga la holgaley waxan dhihi lahaa inaan aniga garahaan aan kaheley wax barashada aad meshaan ka sojedineysaa wana ku mahad santihin macaliminta add iyu aad |
| 2006.04.16 yonis A\rahman yonis Sudan | anu waxaan qabaa walaalo in aad noo soo biirisiin habka set upka iyo dhamaan sida ay ugu shaqeeyaan electric iyo electronic ahaanba waad mahadsantihiin |
| 2006.04.09 maxamed sh isxaaq Qatar | A/c Salaan kadib waxaan umahadl cilinayaa mutadawiciintii khayrkaan badan sameeya ilaahay waxaan ugu baryayaa in uu ka ajarsiiyo. |
| 2006.03.30 maxamuud jaamac sahal Somalia | walaalayaal waligay idinka hadhimaayo waadna ku mahad santihiinwalaalyaal waxaan idinka cod sanayaa in aad isoo caawisaa culeen tay dooontaba ha noqotee iiguna soo hagaajisaan |
| 2006.03.21 Abdifitah mohamud hassan Ethiopia | marka hore waad salaamantihiin marka xigta waxay tahay figradayda taasoo aan doonayo in aan u dhiibto walaalahayga somaliyeed meel walba oo ay joogaan ayaa ah. computer waa waxa kiliya oo u isticmaali karno sida maskaxda binu aadanka. ok waan fahamnay hadii aan su aal u dhiibtana waxay tahaya su'aashayda maxuu yahay java programing muxuuna u qabtaa computerka. maxayna ku kala duwanyihiin c progaraming. hadii aad haysid jawaabta rasmiga ag fadlan iigu soo dir ciwaankan wosman2006@ahotmail.com Thank u very much!;!;!;!;!;!; |
| 2006.03.16 akhbaal Sweden | waxii aan dhihilahaawaxaa yiri daka iga hoyey eewalaalaha nahay waxaan ku darayaa kuwa wax bartow ogaada inay idin sugayaan kuwa raba in la wax la baro mahadsanidiin towbada ilaah hangu dilo (walaa tamuutuna ilaa wa antum muslimuun)sadaqa laahu cadiim* |
| 2006.03.12 (Xasan cilmi guure) Somalia | WWW.wanaag aad nosamayseen run ahaatiihalakn lagama soo koobikaro ilaahbaa idinkaa abaal marinaya laakiin waqtibadan ayaa loobaahanyahay waxaana ookale sida lguqorayo (WEBSITE-kaan) diinta ilaahay iyo waqtiga salaada ogaada yeysan idin mashquulin aduunyo ilay yurub walagu gaalooba lacag iyo aduun balaga fikiraa walaala yaal waad mahad santihiin diintana hadayicinina iantaad aduun kafikiraysaan Wacalykuma salaan waraaxmatulaahi wabarakaatuhu (guure34@hotmail.com) |
| 2006.03.08 aadan jaamac siciid Somalia | salaan ka dib waxaan illaahay idiinka idiinka baryayaa denbi dhaaf, waxaan hawada idiin soo marinayaa salaan aan la soo koobi karin, waxaana aad iyo aad idiinka mahad naqayaa wax terka aan la qiyaasi karin ee aad noo qabateen aad iyo aadna waad ugu mahad san tihiin. waxaanaan si wanaagsan uga faa'iidaystaa cashradan aad diyaariseen. |
| 2006.02.26 Abdulkadir Ibrahim Ali Somalia | aad baad ugu mahadsan tihiin sida caqli galka ah ee aad isu xilqaaddeen,waxaanse idiin waydiin lahaa ma soo saarteen buugaag af soomaali ku qoran ama aad idinkuba tarjunteen oo ku saabsan barashada Computerka. waad mahadsan tihiin |
| 2006.02.23 Dr Burcaawi Somalia | Waad ku mahdsantihiin sida fician ee aad dadka ugu adeegtan ilahayna ha idinka abaal mariyo waxad haysaan hawal qaran ee ha daalina ha caajisina hawshan ha dhiman ankuna waanu idin garab taaganahay byeeeeeeeeeeeeeee cismaan20@hotmail.com |
| 2006.02.05 Hassan Osman Haji United Arab Emirates | Waad salaaman tihiin dhamaan inta kudadaashay barnaamijkaan, Iyo inta fikirkaba ku dartay,mahad oo dhana alle ayaa iskaleh, intaa kadib, fadalan waxaan usoo jeedinyaa macalimiinta bogaan in ay isku dayaan hadii ay karaan in ay kusoo daraan barnaamijyadda kale ee computerka. fujeerah@hotmail.com |
| 2006.01.19 Eng. C/qaadir Saalax Iidle Somalia | Runtii aad bay ii qancisay fikradiina iyo horumarkiina aad hadh iyo habeen ugu soo jeedaan siday umadani horumar u gaadhi lahaayeen. waxaan jeclaan lahaa in aad ku soo kordhisaan wab page-ka barnaamijyo sida adobe and illustrate photoshopes nabad galyo!; |
| 2006.01.16 feedho Somalia | waxaan rabaan inaad ku dartaan qayabaha cilad ka saarista walaalo idinkoo mahadsan address waa feedho3@hotmailcom |
| 2006.01.09 mohamed siciid Egypt | salaan sare ka dib walaalayaal aad ayaad u mahadsantihiin faa'ideeynta aad noo faa'ideyseen waxaan lee yahay ciid wanaagsan dhamaan |
| 2005.11.30 saleymaan Somalia | waxaan aad ugu faraxsanahay hababka aad uwadaan casharada waa saleymaan oo idin leh by |
| 2005.11.17 Arsalna Somalia | War niman yahow waxaad tihiin dad ku dayo mudan oo taariikhdu xusi doonto aniga qof baan ahay waxaan ku fahmi waayay iskuul baan halkakan ku fahmay thank you contact with me qaay@hotmail.com |
| 2005.11.14 jaamac cabdalle United Kingdom | asalaamu calaykum . hey de waa sidee walaalayaal ma jaahilnimadaad nala ogolaateen maxaad programmin-kii iyo networkingkii ugu soo dari weydeen, miyaydaan Ilaahay ka baqayn. ahahahahaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa |
| 2005.11.14 maxamed warsame United Arab Emirates | walaal aad baad u mahasan tihin,intaa ka dib weli waxaa idinka madhan parnaamijkii aanu doonayney ee visual basic ama programming-ka afafkiisa kale. haday dhibaato jirto halkaa headline-ka noogu soo qora dhibaataa jirta.. waxaan aad u rajaynayaa in naloo tix gelinayo baahidayada. |
| 2005.10.24 hodan nuur Somalia | waxan kaqabaa fikradan wax khalada casharka ima qancin |
| 2005.10.18 Ismael Spain | Waxaan u mahadnaqayaa Mahad iyo shire ee asaasay site kana kaas oo ka faa'iidaysanaayaan walaalahooda soomaliyeed ee meel kasta ku nool |
| 2005.08.27 Adam Abdirahman Sh. (Aadamnuur) Kenya | walaalayaal aad iyo aad ayaan oola dhacay Cashirada aad bixiseen waxaana dhihi lahaa waxaad qabateen wax aysan wali u qaban somalida Web webka badan samaysatay waadna ku mahadsantihiin akhristayaasha ayaga waxaan dhihi lahaa iska daaya si yaasada oo aqrista Webkaan wax tarka leh by Aadamnuur (nuurka23@hotmail.com ) |
| 2005.06.21 cabdi qaadir maxamuud jaamac Somalia | waan ku faraxsanhay casharadan waxaan leenahay waad ku mahadsantihiin dad badanbaana ka faa'iidaystay website kiinan waxaan se idin odhan lahaa miyadaan samaykarin isagoo vidio ah. |
| 2005.06.04 Mohammed haji Hussien Austria | thanks, to all owners of this website who was created before, thanks |
| 2005.06.04 Ahmed Omar Elmi United States | walaal marka hore waad ku mahadsanihiin maadama aad sameyseen website-kaan anagana aad kaga faaideysankarno anaga oo aan helin macalimiin somali ah thanks |
| 2005.05.19 Emed mad maamud Somalia | marki hori siin salaamahay salaan kubacdi may siin ki mah di yeey hoolung wiin oo in qobiteen dadkaani may weeli wadankaan lang kali oo hadi in moqin male saas dar ti yee qi qasbintiin Email saxaafi2@hotmail.com baydhabo janaay somalia xarunta inter natka bay internet cafe |
| 2005.05.19 Axmed Maxamed Maxamuud Somalia | S\W\W\ SALAAN KADIB WALAALAYAL AAD IYO AAD AYAAD UGU MAHAD SANTIHIIN HOWSHAAN AAD QABATEEN WAJAZAAKUMUMULAAHUKHEYRA BAIDOA,SOMALIA Email bay_online1@hotmail.com |
| 2005.04.22 xasan xaraf India | mebsite kaan school miyaa mise waa website oo ma il cawo ayaa iheyda waan yaaban website saan ahaa ilaahow kuwii sameeyay ka amaal sii waaba macalincaadi ah |
| 2005.04.22 xasan c/laahi aweys( xasanyare) Switzerland | maashaa alaah waxaadba u moodaa oo uu kasiifiicanyahay schoolada lagu barto computerka walaalayaal ilaah ayaa abaalkiina gudi kara waxaan iraahdo magaranaayo waayo farxadii ayaa iga badatay oo barnaamijyadii aan school kabaran lahaaa ayaan somalisowfware kabaranaayaa habeenkasta ilaah abaalkiina ha idin ka waraabiyo ayaan hadal ku soo goobayaa |
| 2005.03.18 jabarti Pakistan | waxaan walaal raba in aad ogaado qeexida ama qaybaha Bandot codes oo aan in muddo ah isku hawlay THANKS |
| 2005.03.08 Ahmad United Kingdom | a/c Salaan Aad u Qiimo Badan Kadib Walaalayaal Aad Ayaa Idiin Ka Mahad celinaya Walaalaheena Soo Diyaariyay Page-kan 100% Waa Ay Mahadsanyihiin Alaah Khayr Ha siiyo Ws Wr Wb By: Ahmad E-mail:Axmad@hotmail.co.uk |
| 2005.02.14 XASAN QORANE Finland | WALAALAYAAL AAD AYAAD UGU MAHADSAN TIHIIN ABAALKA INTAAS LE'G EE AAD U GASHEEN UMADA SOOMAALIYEED |
| 2005.02.10 kaarshe South Africa | walaalayaal waxaad sharax kooban naga siisaan ciladaha ku dhaca harddiskiga. |
| 2005.02.10 abdalla Somalia | walaalayaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihiin sida aad noogu soo fududeyseen baahida computerka anagoo in badan raadinaynay website sida tan oo kale ah waana ku mahadsan tihiin. www. |
| 2005.02.01 cabdi cismaan yasir Zimbabwe | waa maxay hard disk ee ayaa ugu fiican |
| 2005.01.13 ilkacase Somalia | waan kahelay fikradiin dhamaatiin aad iyo aad ayaan ughelay dhamaantiin aad iyo aad umahad santihiin waan idi salaamayaa issalaamu calaycum waraxmatulaa kulimuumin islaam a/s/c www |
| 2004.11.11 yusuf Sweden | waa ey fiicantahay laakiin waxaa ka sii fiic laan laheed masawirka iyo fasiraada iyo magaca in la isku dhajiyo |
| 2004.10.18 warsame mahdi Ethiopia | walaalayaal dhamaan waad ku mahadsantihiin diyaarinta casharadan iyo waliba isku mashquulinta aad isku hawlaysaan dadka aan anuu ka midka ahay run ahaantiina waa arin farxadle hadaad samayseen page ku qoran afkeena hooyo |
| 2004.09.21 badri Canada | walxamdu lilaah marhadii cilmigii oo af somaliya maanta lagu wadaagayo alaadan cusub waanad mahdsantihiin walaalyaalkayaga noo soo bandhigow inaxuseen@somalilife.com |
| 2004.09.19 claahi xuseen Somalia | aad iyo aad ayaad ugu mahad san tihiin |
| 2004.08.12 mahamed oo kumagac dheer barqadle Egypt | s/c salaan kadib aad ayaa ugu mahadsantihiin webkaan wax barashada aad furteen ilaah ha idn ka abaal mariyo dadaalkiima aad la imaateen aad ayaan ugu qanacsanahay bowduucaan ilaah ha unaxariisto dhamaan waliidken iyo mashaa iqdeena iyo macalaminteena iyo inta ku mashquulsan in een walalalahooda wax u faa'ideeyaan dhamaan iyo inta wax kabarato (asalaamu caleekum warax matulaahi wabarakaatuhu ) |
| 2004.07.13 baylood Somalia | waxaan |
| 2004.06.03 mohamed husein geel Somalia | walaahi aad ayaa aad u mahadsantiin dhamaan raga indhahooda u huray website kan,xaqiiqdii waa faa'iido umada somali yeed usoo hoyatay marka laga hadlayo wax ka barashada aalada cusub waxaanan idin leeyahay halkaa kasii wada waa noo dane xuseen95@hotmail.com |
| 2004.06.03 badri cali Australia | marka hore waad salaamantihiin dhamaan bahda somali software runtii aad ayaa ugu mahadsantihiin barmaamijyada halkan aad kusoo ban dhigtaan waxaa aan waliba aad u jeclaan lahaa inaad si waadaxa ugu sheekaysaan sida website loo samayn karo waanad mahadsantiin |
| 2004.05.14 mohamed hassan Somalia | walaal marka hore waan idin salaamayaa salaan ka bacdi waxaan doonayaa in aad iigu soo dirtaan boxkayga inta unit ee uu ka koobanyahay computerka idinka oo mahadsan walaal salaamu calaykum waraxnatulaahi wa barakaatahuu |
| 2004.05.01 C/daahir (qarandoone) Somalia | waan idin salaamayaa dhammaan walaalahayaga isu xilqaaman barnaamijkan, run ahaantii aad baan ugu faraxsanahay becouse waa barnaamij bare u ah dhalinta soo kacaysa ee niyadda u haysa waxbarasho. waana mahadsantihiin. |
| 2004.03.03 cabdi yaasiin colaad Somalia | waad mahadsantihiin laakiin casharada update ku sameeya oo computereda soo baxay casharkan kadib sida pentium4 ka ku soo dara waad mahadsantihiin mar labaad |
| 2003.11.17 C/shakuur Abdulaahi Hassan India | Salaamu calaykum Waraxmatulaahi Warabakaatu, Salaan ka dib waxaan halkaan hambalyo iy Salaan qaali ah ugu dirayaa dhamaan walalhayga isku soo daba riday barnaamijka la magaca baxay somalisoftware Runtiina taaso ay ku dheehan tahay aqoon aad iyo aad wax loga faa'idaysan karo waxaan idin lee yahay waxaad ku mahadsan tihiim Waxan doonayaa in aan fikrad ka dhiibto barnaamigkan,Qodobada aad ka hadashaan badankoodu waxay ku salaysan tahay oo keliya Hardware?maxaa logu soo dari waayay instulation iyo networking? |
| 2003.10.30 Mohamedjama Somalia | Asalaamu calaykum waraxmah, Walaalayaal Rabadaan kariim ilaahayna khayr khayrkeeda ha inasiiyo teeda kalena waxaan ilaahay karajaynaynaa in bash bash iyo barwaaqo inagu gaadhsiiyo, Intaa kadib waxaan u mahadcelinayaa ilaahay khayr ha siiyo'e Nimanka sidan isugu hawlay inay uga gargaaraan walaalahooda somaliyeed inay aqoon ahaan ka haqab tiraan cilmiga computerka kaas oo ay waliba sanadahan danbe aad ugu soo batay suuqyada somaliyeed Ilahay haydin ka Jazaa i siiyo waxaan kula talin lahaa cidii aqoon u leh ee awooda ee somaaliyeed inay iyaguna hindisaan sidii ay ugu dari lahaayeen aqoontan cilmiga NETWORK iyo sida laysugu xidho computerada iyo waliba Programming kooda iyaga oo kaga dayasho samaynaya walaalahooda kale ee gartay inay u soo bandhigaan aqoontan walaalahooda somaliyeed. Rabadaan kariim |
| 2003.07.16 mukhtaar jaamac muxamad New Zealand | unfortunatly Ican,t write somali letters but I would like to says to you many thanks |
| 2003.07.07 mohamad abdirahman ahmad Somalia | waad mahad san tihiin dhamaan tiin yar iyo wayn ciroole iyo caruur |
| 2003.05.13 yassin abdi diriye Kenya | a/s/ c/ waxaan ka dhiibanaayaa fig ra deey da aad ayeey ugu mahad san yi hiin dhaliin yaradaa soo diyaarisay br naa mij kaan faan ku farax sanahay asalamu caleey kum |
| 2003.05.13 ayuub yassin abdi diiriye Kenya | a/salaamu caleey kum walalaa heen noo di yaariye bar naamijkaan waxaa ale oo ga bar yaynaa cimri dheeri iyo cibaado suuban aygoo ay soomalidu had u bateen cas ri gii jahiliyad |
| 2003.05.13 yassin abdi diriye Kenya | a/salaamu caleeykum waxaan hal an ooga hanbal yeynayaa walaalaheene ugu tala galey in aay wax nagu fahan siiyaan af soomaliga in uu ilaah ugu deeqo jano iyo abal marin dheeriah a/s/c |
| 2003.02.18 maxamed cismaan cabdi Somalia | walaal marka hore aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin dhamaantiin walaalayaal markaan arkay weppage kiinan ee aan akhriyay aad iyo aad ayaan ugu farxay waxaan ahay inan somaliyeed oo jooga hargaysa oo aad u jecel inuu computerka wax badan ka barto kuna shaqayta computerka iyo arimihiisa markaa walaal wax badan ayaad ii tarteen aadna waxaan rabaa inaad ii cawisaan Emailkaygu waa Email: Moh_paradise@hotmail.com |
| 2003.02.07 Axmed M. Xuseen Denmark | Waxaan aad iyo aad ugu faraxnasahay in aan aragno dhalin soomaaliyeed oo la jecel in ay walaalahooda soomaaliyeed ufaaideeyaan. Walaalayaal waxaanu idinleenahay Rabi weyne haidinka ajar siiyo Aamin. Waxaana idinku boorinaynaa in aad dadaalkiina sii wadaan, oo aad kudartaa qaybaha kale oo tabayni sida Network ga oo kale. |
| 2003.01.30 Ibrahim Said Mohamed Egypt | Walaalayaal aad iyo aad ayaa ugu mahadsnathay sida sharafta leh oo aad ugu gacan qabateen walaalaheena soo koreya dhinaca Computer-ka ama Software-ka wax ka baranaya waxaana idin leeyahay dadaalkiina sii wada, |
| 2003.01.11 Mustafeamiin xaaji Pakistan | Salaan sare dhamaan aqyaarta isku hawshay sida clear ka ah ee aad noogu faah faahiseen sortware computer ka , runtii markii hore ee aan bilaabayay IT ga aad bay dhib iigu ahayd inaan fahmaayi se meelo badan ayuu iga caawiyay website kani taasina aad baan idiinku mahad naqaynaa dhamaan aniga iyo sxb kayba oo isaguna ah wiil ajanabi ah se hadii aan fahmay anigu isaguna waa fahmay bay ka dhigan tahay oo anigaaba u turjumi doona thnks a lot baan idin leeyahay khayr keedana xaga ale baad ka heli doontaan insha alaah salaamu laahi calaykum |
| 2002.10.13 Hussein Iido Somalia | Computer maxaa loola jeedaa? |
| 2002.08.27 bashiir cabdi gurey Kenya | as/ca/wa walaalayaal aad baad ugu mahadsantihiin dadaalkaa aad noo sameyseen mahadsanidiin walaalayaal |
| 2002.06.28 farah barre buluf United States | waaxaan idinku mahad celinayaa sada aad noogu faa'idaynaysaan waadna ku mahadsan tihiin |
| 2002.06.24 dalmar Netherlands | salaan ka dib waxaan idin leeyahay oo kaliya jazzaakumullaahu khayran hawshan aad u qabateen umadiina!;!;!; |
| 2002.05.13 Maxamed cismaan(keyse) Netherlands | Walaal waxaan doonayaa in aa idiin mahad naqo, aad iyo aad ayaa u mahdsan tihiin sidaa wananagsan ee noogu sharxdeen duruudtaa aa halkan kusoo ban dhigteen wax weyna waa noo faa,iidayseen, ilaahay waxaan ka baryayaa in uu idinka jazaai siiyo , w/s wr wb |
| 2002.04.26 keise Hashi Australia | Hi, brothers!; salaan ka dib, waxaad runtii qabateen hawl aan la hilmaami karin faaiidadeedana aan la koobi karin, dadaaalkaas wada waxaadna ka heleysaan ajar iyo dhalinyaro idinku dayata oo tusaale noqda sidiina. |
| 2001.11.14 waasue Netherlands | ASALAAMU CALAYKUM ALLAHA IDINKA AJAR SIIYO WAXA AAD UNOQOTEEN SOOMAALI TUSAALE. |
| 2001.10.21 liibaan United Kingdom | asalaamucaleykum. Waxaan mahad celinayaa Mahad iyo shire iyo qofwalba oo ku saacidey diyaarinta barnaamijyadan, raasuulkeena s.c.w.waxa uuyiri,qofkii aan dadka umahadcelin allena uma mahadceliyaan.waana xadiis saxiix ah. Waxaan kacodsanayaa maamulka shirmah in ay iga saacidaan(visual Basic) |
| 2001.08.03 C/raxman Netherlands | Walaalayaa waxa aan i diin dhaho ma garanayo oo aan ahayn alla ajir ha idiin ka siyo sida aad walaalahiin Soomaaliyeed uga caawiseen xaga wax barashada |
| 2001.02.09 muridi United Kingdom | walaalayaal aad ayaad u mahadsan tihiin sida aad ugu hagar baxdeen umada soomaaliyeed, mida kale fikradan waa mid maskaxdeeda ku jirtay,waxaan mar labaad idinku mahad celinayaa waqtiga aad ii seef-gareyseyn.waxaaan idin leeyahay ka sii wadaa halkiina wax walba oo aad iigaga baahataan diyaar ayaan idinla ahay. Walaalayaal waxaan ahay arday dhigta jaamacada middlesex ee ku taala North-London, waxaan bartaa Networking & Comp system. waxaan jeclaan lahaa in aan idinla xiriiro. by |
| 2001.01.30 salah abdullahi salah Finland | waa ku mahadsantihiin ilahayna haydinsiiyo kharkeda wayo waxay ahayd waxaan u baahnayneyn umada soomaliyeed\! waa mahadsantihiin |
| 2001.01.24 C/razaq Greenland | Asallaamu calykum. wallaalayaal aad iyo aad ayaad u daddaalaysan waana barnaamij muddan inoo barashadiisa lagu daddaalo,marka waxaan ALLAH iddiinka baryayaa inuu khayrka ina waafajiyo dhaanteenba. ALLAHNA ha'idnka Ajarsiiyo shaqaddan aydun wallaalihiina ku kaalmeyseen. Wallaalayaal sidda aynu wada garan karno aad ayaa loogu baahan yahay barnaamijkan oo kale. Ugu mabeyntiina waa wallaalkiin oo idinleh daddaal wacan ismana dhaafno. |
| 2001.01.09 Sheikh Cabdulqaadir macalin xassan Qatar | Assalaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatu Walaalayaal Aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin, Ilaahey ajar ha'idin ka siiyo. Laakiin waqti badan ayaa loobaahanyahay Waxaan ook kale sida lagu qoraayo (WEBSITE-Kaan) Diinta ilaahey iyo Waqtiga salaada ogaada, Yeysan idinka daciifin Ileen Yurup waa lagu gaaloobaa ama lacag iyo ADUUN kaliya baa laga fikaraa Marka Waad mahadsantihiin\! Diintiinana Ha Dayactirinina intaad aduun kafikareysaan Wacaleykum salaam waraxmatullaahi Wabarakaatu |
| 2000.12.30 Cali Sayidbakar Canada | Aad baan ugu farxsanahay\! waxan aad samayseen Ilaahay ha idiinka abaal mariyo walow wax adduunyo uun iska yihiin kollayba waa waxaad dad u qabateen |
| 2000.12.12 abdikadir abdullahi Netherlands | Waan kufaraxsanahay inaan arko DAD Soomaaliyeed oo doonaya in ay ufaa idayaa wallaalahooda kale. |
Fadlan halkaan ku qor fikraddaada