Dhismaha Hard Disk-ga

Sawir muujinaya qaybaha Hard Disk-ga
Casharka 14-aad waxaan kaga hadalnay guud ahaan waxa uu Hard Disk-gu yahay iyo qaybaha uu ka kooban yahay. Qaybahaas waxaan sheegnay inaan ka soo qaadan doonno kuwa ugu muhiimsan oo ah kuwa sawirka kore ka muuqda ee ay nambarradu ku ag qoran yihiin. Waxaan ka soo hadalnay qaybta 1-aad oo ah Platters-ka, casharkaanna waxaan kaga hadli doonna inta ka hartay qaybahaas innagoo u soo qaadan doonna sida ay nambar ahaan u soo kala horreeyaan.
Qaybaha aan halkaan ku soo qaadan doono waxay kala yihiin: (fiiri sawirka qaybaha ay nambarradu ku ag qoran yihiin):
Heads-ku waa qaybta wax ku qorta waxna ka soo akhrisa Platters-ka Hard Disk-ga. Sidaa darteed ayaa waxaa loo yaqaanaa oo ay caan ku yihiin magaca Read/Write Heads. Dhinac kasta oo ka mid ah labada dhinac ee Platter-ka waxa ku dul rakiban hal Head oo u qaybsan inuu wax ku qoro waxna ka soo akhriyo dhinacaas. Tusaale ahaan haddii uu Hard Disk-gu leeyahay saddex Platters, wuxuu markaa yeelanayaa lix Heads oo mid kastaa uu wax ku qoro waxna ka soo akhriyo mid ka mid ah lixda dhinac ee saddexdaas Platters-ka. Heads-ku waxay qaab ahaan u eg yihiin isku sina u shaqeeyaan saxanka jiiro-digsiga (stereo) madaxa ku dul rakiban ee ka akhriya soona saara wixii cod ah ee ku duuban. Platters-ku waxay u wareegaan sida saxanka jiiro-digsiga in kastoo ay ku socdaan xawaare aad u dheereeya. Platter kastaa wuxuu ku wareegaa inta i dhexaysa labada Head ee kor iyo hoos uga rakiban. Halka ay Platters-ku ka wareegaan Heads-ku waxay u socdaan midig ama bidix si ay marba u tagaan Track-ga iyo Sector-ka markaas la rabo in wax laga soo akhriyo ama wax lagu qoro (fiiri sawirka kore).

Sawir aad loo weyneeyay oo muujinaya laba Head oo laga
dhex saaray Platter-kii u dhexeeyey
Heads-ku waxay ka mid yihiin qaybaha Hard Disk-ga ugu muhiimsan uguna qaalisan xagga samaynta, waxayna door weyn ka cayaaraan xawaaraha iyo tayada hawlqabadka guud ee Hard Disk-ga. Xawaaraha uu Hard Disk-gu akhbaar ku soo akhriyo ama uu ku kaydiyo wuxuu si toos ah ugu xiran yahay xawaaraha ay Heads-ku wax ku qoraan waxna ku soo akhriyaan.
Marka uu Hard Disk-gu dansan yahay ama uu fadhiyo oo uusan wax shaqo ah haynin Head kastaa wuxuu dul saaran yahay oo uu ku dhaggan yahay oogada (seface) Platter-ka uu ku dul rakiban yahay. Laakiin marka uu Hard Disk-gu kaco si uu hawl u qabto Heads-ku in yar ayay kor u kacaan oo oogada Platter-ka ma taabtaan. Waayo haddii ay Heads-ku taabtaan oogada Platter-ka iyadoo uu Hard Disk-gu shaqaynayo waxay taasi keeni kartaa in uu dhaawac gaaro Platter-ka ama Heads-ka laftooda ama labadaba. Taasoo keeni karta in Hard Disk-gu uu guud ahaanba kharribmo halkaasna ay ku lumaan wax kasta oo ku kaydsanaa. Sida keliya ee hadday taasi dhacdo looga soo kaban karo waa inuu jiro koobi (Backup) aad horay akhbaarta uga samaysay oo ama Diskette ama Hard Disk kale ku kaydsan. Waayo Hard Disk-gaasi waa ku daayay oo isaga iyo wixii ku kaydsanaaba waa tuuris. Haddii uu Hard Disk-gaasi ahaa midka kaliya ee uu Kumbiyuutarkaagu lahaa, markaa waxaad ku khasban tahay inaad Hard Disk cusub soo gadato, haddii kale kuuma suurtoobayso inaad kumbiyuutarka isticmaasho. Dhaawaca noocaan ah waxaa keeni kara dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin:
Sidaa darteed aad ayay muhiim u tahay in aadan kumbiyuutarka xoog u dhaqdhaqaajinin isagoo shidan. Haddaad isagoo dansan qaadaysana aad si taxadar leh u qaaddaa si uusan kaaga fakan waayo taasi waxay keeni kartaa in Heads-ku ay qalloocsamaan oo marka dambe ee kumbiyuutarka la shido ay xoqaan Platters-ka. Arrintaan waxay si gaar ah muhiim ugu tahay kumbiyuutarrada yar yar ee gacanta lagu qaato (Portable Combuters) oo iyagu si fudud kaaga dhici kara. Waxaa kale oo iyaduna aad muhiim u ah in inta uu Hard Disk-gu caafimaad qabo aad had iyo jeer koobi (Backup) ka samaysatid akhbaarta muhiimka ah ee kumbiyuutarka kuugu jirta si aad ugu baxsato marka ay baahideedu timaaddo.
Spindle-ku waa matoorka wareejiya ee ay Platters-ku ku dul rakiban yihiin (fiiri sawirka kore ee muujinaaya qaybaha Hard Disk-ga). Spindle-ku wuxuu, sida sawirka kaaga muuqata, tiir dhexaad u yahay oo uu isku hayaa dhammaan Platters-ka Hard Disk-ga, wuxuuna Platters-ka ku wareejiyaa xawaare aad u dheereeya si uu ula shaqeeyo ulana qabsado xawaaraha Heads-ka. Sidaa darteed xawaaraha Spindle-ku wuxuu muhiim u yahay xaawaaraha hawlqabadka guud ee Hard Disk-ga.
Heads-ka Hard Disk-gu waxay fiidda hore uga rakiban yihiin gacmo dhaadheer oo loo yaqaan Head Arms. Gacmahaasi waxay iyaguna ku sii rakiban yihiin oo isku haya qaybta loo yaqaan Actuator (fiiri sawirka kore ee muujinaaya qaybaha Hard Disk-ga). Actuator-ka shaqadiisu waa inuu isku mar dhaqaajiyo gacmaha ay Heads-ku ku rakiban yihiin si ay Heads-ku hadba u tagaan Track-ga iyo Sector-ka ay akhbaarta markaas loo baahan yahay ku kaydsan tahay. Sida aan hore u soo sheegnay xawaaraha ay Heads-ku wax ku soo akhriyaan ama wax ku qoraan wuxuu aad muhiim ugu yahay xawaaraha hawlqabadka guud ee Hard Disk-ga. Laakiin Heads-ku iskood uma dhaqaaqaan ee waxaa dhaqaajiya Actuator-ka. Sidaa darteed xawaaraha Heads-ku wuxuu si toos ah ugu xiran yahay xawaaraha Actuator-ka. Taasina waxay Actuator-ka ka dhigaysaa qayb kale oo iyaduna aad muhiim ugu ah xawaaraha howlqabadka guud ee Hard Disk-ga.
Interface Connector-ku waa halka ay Hard Disk-ga kaga xiranto fiilada isku xirta ee akhbaarta u kala gudbisa Hard Disk-ga iyo kumbiyuutarka intiisa kale (fiiri sawirka kore ee muujinaya qaybaha Hard Disk-ga). Fiiladaasi waa fiilo ballaran oo u eg sidii suunka dhexda lagu xirto waxayna u muuqataa sida aad ka arki karto sawirka hoose.

Fiilada akhbaarta u kala gudbisa Hard Disk-ga
kumbiyuutarka oo uu nooceedu yahay IDE
Sida sawirka kaaga muuqata fiiladaasi waxay dhinaca ku leedahay diillin guduudan (cas). Diillintaasi waxay muujinaysaa dhinaca ay fiiladu Hard Disk-ga u galayso. Inkastoo Hard Disk-yada casriga ah ay fiiladaasi hal dhinac oo kaliya u gali karto haddana waxaa jiray xilli ay labada dhinacba u gali jirtay oo ay aad u sahlanayd in si khaldan loo galiyo. Sidaa darteed diillintaas waxaa loogu tala galay in looga hor tago khaladkaas. Marka fiilada si sax ah loo galiyo Hard Disk-ga waxay diillintaasi maraysaa dhinaca xiga Power Connector-ka oo ah halka uu Hard Disk-gu korontada ka qaato. Interface Connectors-ku waxay u kala baxaan laba nooc oo kala ah IDE iyo SCSI. Labadaas nooc iyo wax ay ku kala duwan yihiin waxaan ku soo qaadan doonnaa casharkeenna kan xiga.
Sida aan horay u soo sheegnay Power connector-ku waa halka uu Hard Disk-gu korontada ka qaato (fiiri sawirka kore ee muujinaya qaybaha Hard Disk-ga). Sida kaaga muuqata sawirka uu casharkani ku billawdo Power Connector-ku wuxuu leeyahay afar ilig oo fiilada korontada waddaa ay ku xaranto. Fiilada Hard Disk-ga korontada siisaa waxay iyaduna leedahay afar duleel oo ay afarta ilig ee Power Connector-ku kala galaan, sida kaaga muuqata sawirka hoose.

Fiiladaas dhinaceeda kore ee halka af leh wuxuu ku xirmaa kumbiyuutarka qaybta ugu qaabilsan qaybinta korontada ee la yiraahdo Power Supply. Dhinaca hoose ee labada af leh wuxuu afkiiba ku xirmaa Hard Disk-ga, CDROM-ka iwm. Taasoo uu micneheedu yahay in Hard Disk-gu uu ku xirmo mid ka mid ah labda af ee dhinaca hoose. Labada af waa isku mid oo kii lagu xiraaba wuu ku shaqaynayaa. Fiiladaan waxaad iyadana aragtaa inay leedahay dhinac guduudan (cas). Dhinacaas waxaa isagana loogu tala galay in looga hor tago khaladkii aan kor ku soo sheegnay. Laakiin Hard Disk-yada maanta la isticmaalo hal dhinac oo kaliya ayay fiiladaasi u gali kartaa oo maba dhici karto in si khaladan loo galiyo.
Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa xawaaraha Hard Disk-ga.
Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com
Waxaad tahay akhristihii 12280-aad laga soo bilaabo 2001-05-01
Casharkii Hore | SomaliSoftware.com | Casharka Xiga
| Magaca | Fikradda Akhristaha |
|---|---|
| 2010.01.05 cabdi qaasim abshir Somalia | waan idin salaamay dhamaan dhalin yarada aad u wanaagsan waxaan idin waydiin su, aalo marka nooga soo jawaaba waxaan rabaa inaan ogaado markii ogu horeesay oo computer la sameeyey taariikhdii iyo ninkii sameeyey iyo marka uu anaga nasoo gaarey ok thanks waa cabdi qaasin oo idin leh guuleysta cawaankeygu waa cabdiqaasinlove44@hotmail.com |
| 2009.12.07 nooh United Arab Emirates | first waad zalaman tihiin 2nd waad mahadsan tihiin waxam kalooo rabaa horta anoo ah wiili age kiisu yahay 16 lkn jecek waxbarashada computerka markaa waad ku mahadsan tihiin waayo walaalahayga kale ee somalia jooga ayaad aad ugu faa idayseen thanks |
| 2009.11.12 Mustaf /karim Nur Somalia | sxb aad baad u dadaasheen softwarerad ii gu soo dira daafir@hotmail.com |
| 2009.10.08 cabdi kariim shibiin Somalia | waxaan rabaa inaan wax kabarto koombuyuutarka anigoo ah nin ing; microwave ah sidaa daraadeed waxaan xiiseeyey inaan kabarto kombuyuutarka anigoo jooga goobtayda shaqada |
| 2009.08.15 cabdi qani du aale Somalia | walaal marka hore waxaan idin soo jeedinayaa salaan marlabaad waxaan idinka mahadna qayaa sida wacan ee aad usoo diyaariseen casharada |
| 2009.08.04 mohamoud hussein mohamed (cashara) Somalia | ACWW walaalayaal waad ku mahdsan tihiiin cilmigan aad na barteeen saasna ku sii wada iam staying in erigavo sanag somaliland |
| 2009.07.15 iid xussen muxumed Somalia | waxba meesha kuma haysaan ee iska daaya waxanaad soo gudbinaysaan iska jira hawashaad |
| 2009.06.29 ayaanle abdinuur Kenya | waad mahadsantihiin dhamaantiin waana kafaa iidaysanaynaa casharada muhiimka ah ee kusaabsan computerka ilike it and i say hi and thanks all of yours wish u good wish me lucky byee |
| 2009.06.29 hilaal Somalia | walaal waad mahad santihiin dadaalkaad samayseen awgeed balse sideed su aalo as exam ahaana usamayn kartaan |
| 2009.06.16 ENG'SAEED ADAN SAEED United Arab Emirates | WA FIKIR WACAN KEEP IT UP BUDDY |
| 2009.05.04 maxamed amiin Somalia | walaalayaal waan idin wada salaamay salaanta ugu qaalisan asc salaan kadib walaalayaal waad kumahadsantihiin waxbarashada aad ugu talagasheen walaalihiin muslimiinta ah waxaan idin leeyahay ilaahay ha idiin dambi dhaafo |
| 2009.04.19 cabdifataax axmed haabiil Somalia | A/C waa arin lagu farxo taasoo dadaal dheeri ah ay ku bixiyeen walaalaha soomaaliyeed ee qurbaha jooga,mahad aan lasoo goobi karin Allah ha'idnka siiyo juhdiga (dadaalka )aad siiseen in walaalihiin soomaaliyeed meel waliba ay joogaan in ay ka faa'iideestaan qaybaha Computer-ka iyo habka uu isu haysto .Mar 2aad Allah ha'idinka abaal mariyo W/C/W/W habiil46@hotmail.com |
| 2009.01.21 mahad cabdulle maxamad Somalia | walaalayaa waa'aan idin salaamayaa salaan kadib waan idiin mahad celinayaa sida wayn amaba qaaliga ah oo aan lahelikarin oo aad noogu soogudbiseen aqoon aan meel fog uraadinlahayn taasina waa mid ilaahay looga mahad naqo. walaalayaal khayr ayaan idiin rajaynayaa waxana idinka codsanayaa in aad dadaalkiin sii wadaan maadaama dadkeena soomaaliyeed uu jahli wareeriyay. waxana aan rabilahaa in aad isku daydaan dhankaa iyo maadooyinka kale ee aad is oran kartaan way ku haboontahay walaalihiin soomaaliyeed. |
| 2009.01.18 yaxye cade Malaysia | all salan ..aad ayaa ugu mahd santihin fikiradihina iyo dadaalka aad u qabateyn walaalihina..waxaan idin leyahay yanan lajoojin aqoon kororsiga aad walaalihina u qabaten ,,mahd sanidiiin |
| 2009.01.12 ibrahim cali Viet Nam | ugu horeyn waan idin salaama salaan ka dib waxaan u arkaa howshiina inay tahay mid wanaagsan oo in badan laga faa'iiday |
| 2008.12.09 liibaan ali haashi Somalia | waad mahadsantiihiin waxaan leeyahay waxaad haq abtirteen baahi jirta runtii waxaan ka faa'iideystay baahideyda ku aadaneyd computerka |
| 2008.12.02 maxamed dhakuul bayr Somalia | kadib salaan qaali ah oo aan u diraayo dhalinyarta noogu deeqday in aanu ka faa iidaysano casharadaan waaana uga mahadcelinayaa sida wacan ee ay usoo qoreen casharadaan qaaliga ah |
| 2008.11.29 cali maxamed cilmi Somalia | waxaan halakaan ka salaamayaa dhamaan umada soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba marka xiga waxaan halkaan ka salaamayaa salaan qiimo badan walaalaha soomaaliyeed oo wakhtigooodii qiimaha badnaa ku lumiyey inay wax barasho free ah u fidiyaan umada soomaaliyeed oo ay ku habsatay jaahilnimadu waxaan leeyahay noqda kuwii guulaysta goorwalaba(tell=0025290754720) |
| 2008.11.29 maxamed cismaan cilmi Somalia | waxaan halkaan ka bartay wax aanan aqoon waxaana suurto galiyey dhalin isu xilqaantay arinkan waxaan leeyahay noqda kuwii guulaysta goorwalba |
| 2008.11.21 Zaki cali gurey Somalia | asalaamu caleykum waraxmatulaahi wa barakaatuh salaanta islaamka ka dib walaalyaal ugu horeyn waxaan idiin kugu mahad celinaa sida wanaagsan aad dadyowka ku hadla soomaaliga aad ugu soo qorteen maqaalkaan xambaarasan muhiimda sare waxaana leeyahay sii wada dadlkiinana wax badam ayaana ka faa'iifady waa saaxiibkaa daacadaa zaki cali gurey kaan faa'iiday wax badan iga hano mahanaq balaaran |
| 2008.11.01 lowdhako Ireland | Asalaamu caleykum wr wb. salaanta islamka ka dib walaalaha sameeyey website kan aad iyo aad baan uga helanay ugana faa ii deysanay allaah ha idinka abaal mariyo waxtarkaa aad noo soo bandhigteen casharada tirada badan ee qiimaha leh jazaka allaahu kheyran . halkaas ka sii wada. su'ashaydu waxaa aytahay adinko igarali ahanaya walaalayal maxaad ugu sodriwaysen casharada JAVA iyo CISCO oo ad sidaso kale uso tafatirteen? waad kumahad santihiin dhamaan sida aad isugu howsheen sharkaas iyo dhamaan ku kale oo aad sowadanba |
| 2008.10.26 abdikani Ethiopia | walal aad iyo aad ayaan ugu bogay wanad ku mahadsan tihiin dhamaantiin |
| 2008.10.05 Maxamed Adan Hussein (Arusa) Somalia | Salaanta Muslimka Kadib Waxaan idin waydiinayaa Wadankee aad Nooga soo qortaan Datadan oo Muhiimka ah. tan kale waxaan u baahanahay in aan barto qaabkee ku baran karaa. Waxaan Joogaa Baydhabo Janaay. |
| 2008.09.23 c.qaadir c.laahi xirsi (cidiyacade) tel 2521-5525000 Somalia | sidee baan ku heli karaa in aan barto |
| 2008.09.14 maxamed cabdi faarax Somalia | waad mahadsantihiin hawshan aad qabateen |
| 2008.08.27 mohamuud shire warmajaanle Pakistan | walaalo yaal horta s/c kulikiina oo dhan kadib aniga hada ban aragay websetkan kadib waxan go aan ku garaya in aan casharadaan qaato idinka na illah ha idinka abaal mariyo si aad dadkiina ugu dadalaysaan dhamaantiiin markaan akhriyo casharadaan na dhambaal kale ban idiin soo diraya hadii illah idmo bye |
| 2008.07.15 Abdirahmaan Awil Ali Somalia | Asalamu Alaykum Marka hore Illaah baa mahad is kaleh sida kale aad iyo aad baan uga faaideysanay barnaamijkan cashar bixinta dhalin yarada soomaliyeed waxaan dhahi lahaa kawada faai'deysta barnaamijka Su'aal:::Maku soo dari kartaan barnaamijka Muuqaalo qofka u sahlaya ama ka dhaadhicinaya sida Machineku u shaqaynayo |
| 2008.05.14 Mohamed Haji Aadan {Kaamil} Somalia | Aad baan idiin salaamyaa dhamaan bahda soo diyaarisay brogaraamka iyo waliba ku wa ka wada faaiidaysanaya barnaamijkaa salaan kadib waxaan idiin ku hambalyey hoemarklaan bulshada soomaaliyeed aad ugu talagasheen uguna horseedeen aqoontaa maadaama aysan jirin Dowlad kafarakarta hormarka bulshada soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan . In badan ayaan idiin hambayley waxaana igala soo xiriiri kartaa Email-kaamilhaji_5@hotmail.com or kaamilhaji_5@yahoo.com Tell;-2525-90778118 Thaks |
| 2008.04.27 cabdiqani cabdilaahi cali Somalia | saaxiibayaal waad mahadsan tihiin marka xigtta waxaan idinka codsanyaa inaad iga jaahil saartaan su'aasha ah haddii uu beytariga computerku xumaadu maxaan ku garanayaa sidee se ugu badalayaa saaxiibayaal iiga soo jawaaba su'aashayda iiguna soo dira E-mail(abdiqani02522@hotmail.com) |
| 2008.04.16 SAACID LOVE Somalia | walaalo yaal marka hore salaan marka xigta waxaan lee yahay aad ayaad u mahad san tihiin waxaad noo soo ban dhigteen marka labaad waxaan leeyahay waxaa laydiin ka baahan yahay waxaas iyo wax ka badan in aad soo bandhigaan allena ha idin la qabo w/w/w |
| 2007.11.23 adan Kenya | salan sare kadbi iyo bogadin waxan jeclanlahaa in aad wax iga faidaysaan suaashan o ah computer aan isticamalayay aya iga diiday in aan cajal ku shubto cd room ka wu fiican yahay o cajaladaha kale wu ku shaqaynayaa cajalka office 2003 ama 2002 kuma shaqaynaya cajaladaha xitaa wan baray waa cd ma ahan cajaladha kale oo la isticmalo wayna cusubyihiin mahadsanidiin |
| 2007.11.17 mohames amiin (Mr. A) Kenya | asc waad mahad santihiin dhamaan |
| 2007.11.16 Abdinasir Dahir Alihashi Kenya | ASC, waxaan salaamayaa dhamaan |
| 2007.11.01 omar abdullahi sheikh mohamed Malaysia | waan salaamay dhamaan dadka isticmaalo barnaajimkan iyo booqadayaasha mida kale waxaan u mahad celinayaa dhamaan soo saarayaasha barnaamijka oo noo suuro galiayay inaan isticmaaalno barnaamijkaan oo kale oona ku dadaalay hormarinta isticmaalka computerka |
| 2007.10.22 yussuf Kenya | waxan qaba in hadii la kordhiyo barashada computerka wax walbo lagu kordhin karo lagana naqusiyo ... as wr wb |
| 2007.10.16 Abdulfitah ahmed arisona Ethiopia | Salan kadib aad iyo aad ayaa dugu mahadsan tihiin wallaayaal si fudud ee aad inoogusoo tarjumateen luuqadeena lakin walaalayaaal waxaan idiinka codsanaynaa inaad Networking aad inoogasoo qayb galisaan |
| 2007.10.10 dajiye Syria | ASWW waxaan aad ugu farxay hawlkarnimada aad muujiseen walalayaal,waxaanan filayaa inaan ada uga jaahil bixi doono dhibaatooyinkii iga haystay xagga computerka. ilaahay ha idinka abaal mariyo dhamaantiin |
| 2007.10.01 shamsa Somalia | wad mahadsantahiin dhaman dad ka ku howlan website kan |
| 2007.09.18 jamaal c/raxmaan c/laahi Somalia | walaal waad mahadsantiihii sida aad u fiican aad inoo siisaan cashiradda waxaan wax ka bartaa jaamacadda mogdishoqo qeebta itka |
| 2007.09.08 Saleman Sweden | waxaan salaamayaa dhamaan maamulayaasha Somalisoftware. waxaan raba in ley sharaxo marka aan kumbuyuutarka dhiso oo aan usku xerxero (Motherboard)(Soundcar play centre) (Graphicart)(Memory) (Hard Disk Drive) (DVD Drive)(floppy disk)(all Connectors) oo aan diyaariyo sideen kusoo sari karaa sawirkii ama aan kushidi karaa si ay caadi ugu shaqeyso? maxaanse aan ubaahnahey in aan u isticmaalo sidii aan ugu dhihi laha Kumbuyuutar caadi ah ? Tan kale haddii anoo isticmaalaya kumbuyuutarka iska damo oo Dhaladiba aan waxba ka arki waayo maxaan sameyn karaa sideen caadi ugudhigi karaa ? ciladahaas ayaa iheysta waana idiin salaamayaa. My E-mail saleman30@hotmail.com |
| 2007.09.04 Saleman Sweden | waxaan salaamayaa dhamaan maamulayaasha Somalisoftware. waxaan raba in ley sharaxo marka aan kumbuyuutarka dhiso oo aan usku xerxero (Motherboard)(Soundcar play centre) (Graphicart)(Memory) (Hard Disk Drive) (DVD Drive)(floppy disk)(all Connectors) oo aan diyaariyo sideen kusoo sari karaa sawirkii ama aan kushidi karaa si ay caadi ugu shaqeyso? maxaanse aan ubaahnahey in aan u isticmaalo sidii aan ugu dhihi laha Kumbuyuutar caadi ah ? Tan kale haddii anoo isticmaalaya kumbuyuutarka iska damo oo Dhaladiba aan waxba ka arki waayo maxaan sameyn karaa sideen caadi ugudhigi karaa ? ciladahaas ayaa iheysta waana idiin salaamayaa |
| 2007.08.10 Ismail Hashi Ali Malaysia | Mar ku gu horeysa waxaa mahad oo idil u sug naatay alle marka xiga waxaan jec lahay inaan u mahad noqo bahda ka soo shaqeysay bar naa mijkaana la gu maranayo computerka waqtiga badana u huray anoo alle uga barya inuu janadii far dooso ka waraabiyo |
| 2007.08.09 maxamed cabdi fitaax t Somalia | fikaradayda waxaytahay in aad waxka barto kumbuyuutarka si aan u an faco dadkayga iyo dalkayga burbursan |
| 2007.07.14 Abdifatah Haji Abdi Ethiopia | waxaad iga gudontaan salaan aad qaali uh aniga oo ku faraxsan sida fiican eed shaaxa uga bixiseen computerka iyo waxa uuyahay oo maanta dadbadan aad uga faa,iideysen. markaaa kuwada ayaan idin leeyahey . waad salaaman tihiin |
| 2007.06.21 maxamuud siciid Somalia | waad mahadasantihii aad iyo aad walaalo isdaad noogo hawlyareeseen waxa barashada computerka taasoo aad iyo aad ugumuhiim ah umada soomaaliyeed ee iskadayacan waana umuhiim aad iyo aad taasi waa iniiga hanbalyaynayaa aad intaa haan halkaa kudhaafo w/l waxaan doonaayay inaan iniwaydiiyo suaal inigoo raali ah waxay tahay suaashaydu {inaad iga caawisaan sida loogushubo borgaram ka computerka tusaale ahaan sida loogushubo windowska computerka iyo wixii lahalmaala ee lugushubo computerka waana mahadsantihiin sidaa iyo waxa barasho wacan ok |
| 2007.05.29 xusen muuse barre South Africa | marka hore waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka asalaamu caleeykum aad ayaa umahadsantiin shaqada aad qabateen jasakalaah |
| 2007.05.06 adan muuse Kenya | walaalyaal aad iyo aad ayad u mahadsantihiin sida aad u so diyarisen ok hadab waxanrabaa in aan wax ka ogaado speedka aan is ticmalayo ama mesha aan ka ogankaro |
| 2007.04.07 iid c/laahi { iidsancaawi } Somalia | marka hore salaan guud marka xiga salaan gaar oo ku socota bahda isku hawshay programkan faa'iidada badan ee ku saabsan comperka iyo farasamadiisa runtii aad bay u adagtay marka lasoo diraan dhiraandhirinayo cilmi ahaan laakin way ku guulaysteen . mar labaad aad bay u mahadsanyihiin bahdan dhalinyaro iyo waayeelba dumar iyo gabdhaba marka xiga waxaan u soo jeedin lahaa qolada hambalyada bixinaysa in ay ay waxay qorayaan ka fiirsadaan runtii dad aad u badan oo waxaa ku jira mutacaliin ah laakin markad dadka qaar u fiirsato waxay ku hadlayaan waad fajacaysaa runtii , tusaale ahaan nin baa wuxu soo qoray aniga iyo jacalkayga noo soo duceeya markaa waa wax lala yaabo maxaa jacalkiisa meelahaa ka dhigdhigay ama dadka uu ka maqashiinayaa miyaanu ina xishoonayn , takale dadka su'aalaha soo waydiinaya ayaad yara moodaa in ay si bilaa xishood ah isticmaalayaan. sidaa iyo nabad galyo raalina iga ahaada hadalka aan idinku badiyay |
| 2007.03.26 aden Kenya | shaqalha softwere wan salamay salan kadib waxan donayaa in aad iga cawisan waxa iga halaysan CBU sidu u shaqaynayay ayuu iga amusay waxanajogaa mel usan jogin fundi anigana cilmi sidaas ah umalihi marka help ayan rabaa |
| 2007.03.14 Caaqib Somalia | aad iyo aad ayaad umahadsantahatihiin casharda Muhiimka ah aad noo soo gudbineysaan Mahadsanididiin |
| 2007.02.26 qadar Somalia | walaal waan madahsantihiin dhamaan inta isku howshay barnaamijkaan waaxaana walahai si aad ah looga faaidaysan karaa maadama uu afka uu ku tujuman yahay afkii hooyo in badan ayaan ka fahmay kana fahmindoonaa dhaman soomalida ku howlan qeybaha barashada computerka waxaan i din leeyahay siiw ada hana ka adalina barnaamijkaan iyo kuwo kale oo badan o so o socda waadna maha sand thihin |
| 2007.01.29 mustafe ciise Somalia | waar waxaan idin idhi waad mahad santihiine miyeydaan badelin waxan waayo intan waanuxifdinee |
| 2006.12.26 maxamed maxamud maxamed Somalia | maraka hore asalaamu calayjum salaan kadi waxaan doonaya walaal ina aad ii sheegataaan ama aan wax ka ogaado in E-mail qof loo diri karo hadal EXAMPULE imainka MP3 ayaad ahdal ku soo duubatay kadibna cobuterka ayaadku shubtay sidee ayaa lgu dirika qof see programke ayaa la istic maali karaa walaal intaa iga soo jahli, saara tiriig2@hotmail.com |
| 2006.10.12 mohamed hagy France | Assalaamu caleykum. Waxaan rabaa inaan wax ka ogaado, mala sameynkaraa haddii uu xumaado Hard disk mise waaba la tuurayaa gebigiisaba ? wasalaamu caleeykum. |
| 2006.09.06 salman Somalia | waxaa iga halaabay komputer markaan kiciyo waxow ii soo qoraa bress f2 to set up iyo press f11 windowka ma ii kodbinaayo waa maxay ciladaas |
| 2006.08.27 ahmed Somalia | waxaan rabaa in aad sii waadaan aqoonta sxb bayaal byee sanka195@hotmail.com by |
| 2006.08.13 c/risaaq Somalia | Asalaamu calaykum, marka xigtana waxaan halkaan hanbalyo ugu diraayaa qofkii asaasay somalisoftware.com meelkasta hajoogee iyo dadka kale ee isku soo duba riday ka shaqaynta barnaamijyada ka baxa wabsitka, iyo dhamaan shabaabka jecel inay markasta ka faa,iidaystaan wabsitekaan oo u suurta galiyay inay ka dhigtaan sxb maalinkasta la jooga oo ay waydiinkaraan su,aalaha ku saabsan computerka, aad iyo aad baad u ga farxiseen dadka soomaaliyeed ee jecel wax barashada computrka, madaama aad tihiin dadkii isku soo dubariday barnaamijkaan, run, ahaantiina hadii layiraahdo abaalkiina halagudo maahan mid lagudikaro xitaa hadii laysku dayo in waxyar lagaguday ilama,ahan waad mahadsantihiin |
| 2006.05.05 diini yare Norway | aad ayaan uxiiseeyaa barashada laakin waxaan igu dhib ah loqada waxaan kufarxay makaan jolay loqda hooyo oo kuqurq soomali waadna kumahad aan ta hiin mattaanaha2004@hotmail.com |
| 2006.05.01 ibrahim Sao Tome | somaliland waad mahadsantiin saaxiibayaal laakiincasharada sii kordhiya oo intaa ka badiya saxiib waaad mahadsantiin |
| 2006.04.02 maxamuud jaamac sahal Somalia | walaala yaal waan idiinmahad celinayaa fig rada aan galabta dhiibanayaa wana awxay tahay in hawshan aad qabateen ee aad ka muhiiim ka u ah waxaa laga ayabaa soomaali badan oo walaaladeena oo aqoon leh hase yeeshee aan awoodin sidii looga faa iidaysan lahaa aqoontooda markaa walaalayaal waxaan idin ka cod sanayaa si ay aqoontuna noogu sii koredho ragaa waa in aad la kaashataa ay daan o dhan waa gaajo idin koo ee gaya wadani nimo nin walboo dhibaataysana waxad ku fakartaan maadaama uu yahay awlaal kiininaad ka fakartaa taasina waa mid umada soo maaliyeed oo dhan waa jib ku ah idinkuna dhiiri gali ardayda iyo macalimiinta taana waad ku mahad san tihiin hadii aad aniga ii baahataan igala soo xidhiidha maxamuud jaamac sahal aniga ooah ciwaan kayguna yahay (maxamuud217@hotmail.com) |
| 2006.03.12 axmedayaasinn Austria | www,walaalayaal anigooha axmed yaasinn waxaan joogaa wadanka Austria halakn waxaan salaan iyo farxad leh ugu dirayaa saaxiib tayda qaaliga ha yaas miin saalax aan jeclhay waxaadna noogu soo docaysaan inaan kuwada kulanao caafimaaf iyolol raaxo leh ayadan waxaankacid sanyaaiany ilasoo xiriito ninki yaqaan fariiintaa ugudbi gabadhaa waxay joogtaa bosaso imalkeedana hala ii sheego salaan kaloo qaali ha hlaagn waxaan ka salaamayaa saaxiibada leh somali.software waadkmaah san tihiin dadaalka aad noo qabateen than all of you by( qanyare_1552hotmail.com) by |
| 2006.03.02 Nadiira United States | Asalaamu caleykum wr wb. salaanta islamka ka dib walaalaha sameeyey website kan aad iyo aad baan uga helanay ugana faaideysaney allaah ha idinka abaal mariyo waxtarkaa aad noo soo bandhigteen casharada tirada badan ee qiimaha leh jazaka allaahu kheyran . halkaas ka sii wada. Asalaamu caleykum wr wb |
| 2006.02.23 ismail Bangladesh | runtii aad iyo aad ayaan oogu farax sanahay sida aad oogu faa'ideysay umudda soomaaliyeed. |
| 2006.02.12 MOhamed Hussein DeLter Canada | thnx Dhamaan bahda isku XiL Saaartay in Ey uga Faa`iideyaan walaalahooda somaliyeed |
| 2006.02.10 rashid ali Djibouti | iam very glad this lesson |
| 2005.10.10 naasir axmed ibraahim Somalia | waxaan halakan uga mahad naqayaa dhamaan shaqaalaha somalisoftwere oo aan aa dula dhacay casharada sida ay usoo diyaariyaan ee quruxda badan by |
| 2005.10.02 xasan cabdi maxamed Somalia | sxb yaal waan idin salaamay marka hore salaan kadib aad iyo aad ayaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad ugu faa iidaydeen umada soomaliyeed .... |
| 2005.08.30 idiriis Somalia | Waxaan Qabaa in computer gabigiisaba la iska dhaafo sxb oo aalado kale labillaabo.......... |
| 2005.08.29 nuur cumar Norway | asalaamucalaykum wrwb walaalayaal aad iyo aad baa kugu mahadsantihiin si wanaaagsan ee dadka somaliyeed igu da dashen waleba igu soo dirysan wax barshadda biilashaka ah iyo casharda computarka ee ka baxaya afkadii ayaya u dhashen walaalayal dhammantiin waa ku mahadsantihiin ilaahay idinka jezayii siiyo aamiin ayanu anaguna leeyahay waa biilhitufiiqii ilaahay baa mahad iska lehe waxa kale idin odhanmayey halka kaga hayayaun ilaahay idin la qabten |
| 2005.08.28 amadeeya Denmark | aad bey u fududahey casharda ilaa hada aan soo aqriyey ,,,si ka fudud inta ka baden oo qoraal iyo muuqaal ah u maleymaayo in ey jirto mahadsanidiin |
| 2005.08.10 caydaruus United Kingdom | A.C.W.W Dear brothers aad iyo aad ayaad ugu mahadasan tihiin barnaamijkan qiimaha badan ee aad soo diyaariseen, kaas oo waliba ku baxaayo afka soomaaliga mahadsanidiin. |
| 2005.07.27 abdikarim mohamed Uganda | A.C.W.W Run ahaantii aad iyo aad ayay u mahadsan yahiin dadka ka soo shaqeeyey web-site-ka oo ku soo diyaariyay casharo aad iyo aad qiimo u leh taas aniga ay tahay web-site-ka ku baxa af soomaaliga kana hadlo barashada computer-ka midka ugu fiican uguna caansan , Run ahaantii aad ayay u mahadsan yahiin dadka isku xilqaamay in ay hormariyaan aqoonta dadka soomaaliyeed ee jecel barashada computer-ka iyadoo waliba lacag la`aan ah. thanks brothers. |
| 2005.07.21 cali maalin ibraahin Somalia | waa markii igu horeysay ooaan aqristo waxaan idin aad iyo ad umahad santihiin anigu software iyo hard ware kaba waanbartay kaana kaalmo ayey iitaha |
| 2005.07.04 yaxye United States | walaal aadbaad ugu mahad san tihiin barnaamijyada aad noo soo diyaariseen waayo caruurtaanu dhalnay ayaa ba afsoomaaligeena ku baranaysa waanan idiin soo ducaynayaa |
| 2005.07.01 farxaan yasiin mire(isqootax) Somalia | aad iyo aad ayaad u mahad san tihiin wana ku farax sanahay casharada aad noo faa iiday seen ilahay na naxariis ha idin siiyo aamiin aamiin aamiin |
| 2005.05.25 daah xariir Belgium | waxaan aad ugu fraxsanay inaand dwlaalayaay naga djaahil saarteen dbadabn carqaladhii naga hor imaan jdiray dxafga dee kombuudtarka tusaale ahaan anigu markii hore dwax aad kmaan aqoon aad kamaan aqnoon bll se wabaa ii dkordhau ee ilaahay ha idiinka abaal madryo |
| 2005.04.28 Mohamed Hussein Farax Kenya | Assalamu Caleykum walaalayaal aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin sida aad noogu sahasheen oo aad luuqadeenii wax noogu soo bandhigteen Hardware and software |
| 2005.04.20 mohamed husein abdi Sudan | aad iyo aad ayaa u mahad santihiin inaad noo soo turjumtaan cashardaan aad iyo aad ka faa iida uleh arday barato computerata |
| 2005.04.12 mustaf Somalia | waxaan jelaa lahaa inaad kusoo dartaa webdisighning |
| 2005.03.26 abdi ali tooxow Soloman Island | aad iyo ad baan uga helnay waadmahadsantihin |
| 2005.02.17 Ali xio, Hong Kong | am glad 2 see some article ";web, like this one, so i would like 2 thank the whole stuff who prepared this web-page, to their people, and we will try 2 get more than this ";technology"; |
| 2005.02.04 shaamil Kenya | walal waxaan rabaa inaan la socodo barnaamijkan aad soo diyaariseen waana mahadsantihiin |
| 2004.12.11 axmed xuseemn muxumed Somalia | walaal marka hore waad salaaman tihiin dhamaan intii ka soo shaqaysay soona diyaarisay barnaamishkan aad afka soomaliga noogu soo diyaariseen waanad ku mahad san tihiin hawshana sii wada hana ka caajisina |
| 2004.10.18 kaysar ibrahim Ethiopia | walaal ad baan ugu farxay casharkan wanaagasan ee an fahmi krayo ahna afkayga hooyo wan raadin jiray waligay hadana wan helay wad mahad santihiin ee halkaas kawada umada soomalyeedna ufaa iideeya horumar hagaadhee ka qaybqaata dhismaha soomaliya |
| 2004.09.26 email gaa ii soo gali yawaxaan idin ka soo cdsado widhwidh55 United States | ok waan salaamayaa lakii kahore wax ii sheega maxxaD MEE SHA LAKU HAY YAA WAAN SOOGALY WAX BA MA FIIRIN WATT FIKRA DAY DO WATAA |
| 2004.09.18 aweys Somalia | walaalayaa waad mahadsantihiin laakiin kudara qeybta internetka waad mahadsan tihiin |
| 2004.07.07 Ifraax Max'ed Somalia | A/S/W/W/ WALAALAYAAL AAD AYAAD U MAHADSANTIHIIN WAXAANNA ILAAH IDINKA RAJAYNAYAA IN AAD CILMIGIINA ADDUUN KU DARTAAN MIDKA AAKHIRIRO WABILAAHI TOFIIQ.( Mahadsanidiin ) |
| 2004.07.07 Max'ed Axmed (Ganeey) Somalia | A/S/W/W/ WALAALAYAAL AAD AYAAD U MAHADSANTIHIIN WAXAANNA ILAAH IDINKA RAJAYNAYAA IN AAD CILMIGIINA ADDUUN KU DARTAAN MIDKA AAKHIRIRO WABILAAHI TOFIIQ. |
| 2004.06.01 ibrahim hasan gabow Somalia | waad salaaman tujhiin salaan ka dib waan idinku bogaadinayaa barnaamijkan dadka soo diyaariyey iyo inta ka qayb qaadatay guuleysta |
| 2004.05.29 ahmed qarwac Somalia | waxa aan aad uga xumahahay in aan si aad iyo aad ah aanan loo faah faahin dadaalkaan oo ah mid aan la gaari karin balse u bahan mahad naq sare n.b. sharaxaada a yaa ah mid aan koobneeyn s.no laheyn oo loo isticmaalo balse waa amaanantihiine inta dhiman oo aan sheeganay noogu soo dara fadlan walaalayaal. |
| 2004.05.28 maxamed ax,med xirsi Somalia | waxaan doonayaa inaad faahfaahin dheerada ah ka bixisaan sida dadka soomaaliyeed ay u isticmaalaan computerka sababtoo ah waxaad arkaysaa midaan aqoon software iyo hardware midna oo computerk iska soo gadanaya xagee buu u wataa maxaase uu u isticmaalayaa bal faafaahin dheeraad ah ka so bixiya arintaan |
| 2004.05.13 ifrax macalin jamac Somalia | walaalayaal waan ida salaamay |
| 2004.02.20 bashka Canada | haa walaalayaal hadaa rabtiin inaa sharaxo ORACLE SQL.PL/SQL ILA SOO XIRIIRA SI AAN DADKA UGU FAAIDEEYO i am certified OCP and also work my field |
| 2003.12.06 c/wali Somalia | waxaan qabaa in laga jilciyo sidan hadii ay jirto si ka fudud oo lagu baran karo |
| 2003.10.30 qumane India | asalaama caleykum runtii markii ii gu horaysey waan layaabay waxa la sharaxaayo laakiin markaan akhriyey baan fahamey waan laqabsadey aad iyo aad na wan ugu bogey sidaas iyo nabadgelyo |
| 2003.07.29 munga Australia | mahalleh yallah halley?? |
| 2003.07.01 jaaman yare Mali Republic | A/CALEYKUM Salaan ka bacdi walaalayaal waxaan idiinka mahad celineynaa howsha aadka muhiimka u ah ee aad isku xilqaamteen adinkoo wax faa,ido ah naga dooneyn marka walalayaal waxaan idin lee yahay waxaad noqotaan madaalayaal wcs;wr;wb |
| 2003.05.14 anis yassin abdi Kenya | a/c/ waxaan hal kaan oogu maadinayaa dhalin yaradii soo diyarisay bar naamij kaan in uu ilaah ugu deeqo jano wax kas too ay ku korr dhini karaan in ay noogu soo kor dhi yaan anis a/c |
| 2003.05.08 adbdulqadir Somalia | waxaad aad idinkula talin lahaa inaad ku dartaan casharo Networking ah si aan uga gaa'iidaysano dadkayaga jooga Somalia, mahadsanid |
| 2003.05.08 adbdulqadir Somalia | waxaad aad idinkula talin lahaa inaad ku dartaan casharo Networking ah si aan uga gaa'iidaysano dadkayaga jooga Somalia, mahadsanid |
| 2003.04.27 Ax'ed Xoosh Macalin Kenya | Asc.w.w waxaan halkaan Amaan iyo salaan sharaf leh uga jeedinayaa bahda ku dadaashay Hindisaha soo saarista iyo suurto galinta mashruucaan oo ah mid kaamil yeelidoono in ay dad badan oo soomaali ah ka baahitiro dhibaatooyin xaga kororsiga cilmiga ah waxaan qiyaasayaa in ay tilaabadaani tahay mid booskeeda ku haboon islamar ahaantaasna looga mahad celiyo dhalinti soo saartay rag iyo dumarba.waxaan walaalaha sharafta mudan ugu baaqayaa in ay markasta sii hormariyaan dadaalkooda ay ku soo bandhigeen qorshahaan qaaliga ah oo ah mid ay dadka soomaaliyeed kaaga faa,iidaysan karaan dareenkooda waxbarasho waxaan qiyaasayaa in ay tahay fursad cad oo la mid ah waa baryey oo kale markii loo eego tilaabada ay ku yeelan karo bulshada ummadda soomaliyed qorshahaan cusub. walaal mahadsanidiin dhamaantiin waxaana idinka filayaa dadaal Hormarsan oo sare u qaada baahida ummadda soomaaliyeed. wabilaahi Towfiiq by Shoodhe Xoosh |
| 2003.02.20 Mohamed Abdi gelle Kenya | Assalaamu Caleykum W/W. Walaalayaal Waxaan idin ku salaanay salaanta sharafta leh oo uu illaahey umadiisa raali ooga noqday salaantaa soo dusha sare ku xusen.Salaan iyo Ducaba ka dib walaalayaal ugu horey waxaan u mahadcelinayaa walaalaha Page-kan soo saaray uguna talagalay in ay wax ka faa'iidaystaan walaalahood somaliyeed aqoonta Computer siiyana waqtigooda qaali ah in ay u faa'iideeyaan walaalaha somaliyeed meelkasta ha joogeenee. mid kale shaqsi ahaa haddii aan iska hadlo waxaan ka shaqeeyaa Internet Cyber Cafe fursadaana waxaan raadin jiray in badan maantase aad ayaan ugu faraxsanahay in aan wax ka faa'iidayso Somalisotfware.com walaalayaal ilaahay ha idiinku guuleeyo manhajkiina aqooneed wabilaahi towfiiq.. |
| 2003.01.31 Abdirahmaan Qalinle Somalia | Macalin aad ayaad ugu mahad san tahay Casharkaan Waana u Bogney waana ka faaiidaysan doonaa hadii illaah idmo |
| 2003.01.27 abdul siraj Somalia | macalinka cashirka, markahore waad mahadsantahay sida aad ummada udufaaiidaynayso. marka xigta anigu waxaan jeclaanlahaa inaad gaar ahaan igacaawisid suashan; ";How can i install two hardisks at the same computer? making one primary and the other secondary Slave? mahadsanid |
| 2003.01.25 mohamed Pakistan | waa ficantahay ] |
| 2002.09.11 Ahmed Abdullahi Abocar PARADOX Somalia | Waxaan aad oogu faraxsanahay inaan kamid noqdo dadyowga soomaaliyeed ee wax ka faa'ideysta casharada halkan ku xusan waxaana si gaar ah ugu mahad celinayaa dhamaan inta isku howshay arintan iyada ah salaan qaas ah saaxiibkey oo aan in mudo is moogeyn oo aan isna halkan ka aqristay fikradiisa ku aadan casharadan kuna nool magaalada Austarelia lana yiraahdo Ahmed A. Tohow fadlan E-mail kaaga aan helo mahadsanidiin |
| 2002.08.16 dayax90 Somalia | walaal aadbaan ugu faraxsanahay in aan ku barto luqadeena hooyo copmuterka sidaana waxaa ku leh mahad bacdalaahi idinka |
| 2002.06.10 kalaay Swaziland | S/caleykum Wr Wb walaalayal waxa keliya oo aan idin leeyahay waa Ilaahay ha idinka Ajar siyo sida fudeedka aad noogu soo gudbiseen S/caleykum |
| 2002.05.19 xuseenmakaranan@hotmail.com United Arab Emirates | walaalayaal asalamu calykum.waad ku mahadsantihiin gudbinta cilmigan qiimaha badan,laakinse waxaan jelaanlahaa inaad kusii dartaan in aan daabacan karno,bal xal iisoo sheega.mahadsanidiin asalaamu calykum. |
| 2002.04.29 mukhtaar Netherlands | salaama alaykum walaalo yaal. marka hore ilaahay ha idinka ji saa i siiyo cilmiga aad u faa ii daynaysaan dadkiina, walaalo yaal waxa aan idin ku soo kor dhinayaa hadii ay suuro gal tahay in aad badisaan sawirada casharka waayo dadkeenu waxay aad u fahmaan muuqaalka. wasalaama alaykum |
| 2002.01.27 bashiirooooow saabeeeey Netherlands | A/S/W/W/ WALAALAYAAL AAD AYAAD U MAHADSANTIHIIN WAXAANNA ILAAH IDINKA RAJAYNAYAA IN AAD CILMIGIINA ADDUUN KU DARTAAN MIDKA AAKHIRIRO WABILAAHI TOFIIQ. |
| 2001.11.12 Bashir Qaye Kaarshe Switzerland | Waad mahadsan tihiin,aad baan ula dhacay waanan ka faaiidaystay sida fiican eed u shsraxdeen. hlakaas ka sii wada. Su'aal Meeq bilood ayaad sidan bilaash nooqgu wadaysaan. |
| 2001.10.24 abdirasiid Netherlands | waxaan idin leedlahay walaalayaal allah ha idinka jiseeyo aakharo iyo aduunba waadna mahadsantihiin. |
| 2001.10.22 abshir yare Netherlands | salaama caleeykum waxaan leeyahay dhalinta soomaliyeed wakhtiga halaga faa,iidaysto!;inta uu ku Jarin adigu Jar. |
| 2001.08.28 Horseed United States | ASWW waxaan aad ugu farxay hawlkarnimada aad muujiseen walalayaal,waxaanan filayaa inaan ada uga jaahil bixi doono dhibaatooyinkii iga haystay xagga computerka. ilaahay ha idinka abaal mariyo dhamaantiin |
Fadlan halkaan ku qor fikraddaada