Xawaaraha Hard Disk-ga

Sawir muujinaya qaybaha Hard Disk-ga
Casharka 14-aad iyo Casharka 15-aad waxaan kaga hadalnay guud ahaan waxa uu Hard Disk-gu yahay iyo qaybaha uu ka kooban yahay oo aan ka soo qaadannay kuwa ugu muhiimsan oo ah kuwa sawirka kore ka muuqda ee ay nambarradu ku ag qoran yihiin. Casharkaana waxaan ku soo qaadan doonnaa xawaaraha Hard Disk-ga. Waxaan ka hadli doonnaa qaybaha saamaynta ku leh xawaaraha Hard Disk-ga. Si aan qaybahaas u tilmaanno waxaan adeegsan doonnaa sawirka kor kaaga muuqda oo aan casharkaan ugu soo darnay arrintaas darteed.
Xawaaraha Hard Disk-ga waxaa loo kala qaadaa dhowr qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin:
Saddexdaas qodob ayaan halkaan mid mid ugu soo qaadan doonaa.
Si Heads-ku ay akhbaar uga soo akhriyaan ama ugu qoraan Platters-ka Hard Disk-ga, waa inay horta tagaan Track-ga markaas la rabo in wax laga soo akhriyo ama wax lagu qoro. Wakhtiga ay arrintaasi qaadataa wuxuu ku xiran yahay inta ay le'eg tahay fogaanta u dhexaysa Track-ga la raadinayo iyo Track-ga ay markaas Heads-ku taagan yihiin. Wakhtiga celcelis ahaan ay Heads-ka ku qaadato inay tagaan hadba Track-ga loo baahan yahay ayaa la yiraahdaa Seek Time. Seek Time-ku wuxuu si toos ah ugu xiran yahay xawaaraha Actuator-ka oo ah qaybta isku haysa isla markaana dhaqaajisa Heads-ka (Fiiri sawirka kore qaybta uu nambarkeedu yahay 4). Seek Time-ka waxaa lagu cabiraa waxa loo yaqaan milliseconds oo loo soo gaabiyo "ms" una dhigma hal ilbiriqsi (second) oo loo qaybiyay milyan qaybood qayb ahaan. Seek Time-ka Hard Disk-yada casriga ah ee maanta la isticmaalaa wuxuu celcelis ahaan u dhexeeyaa 4 ilaa 10 ms. Arrintaa Waxaad garab dhigtaa xawaaraha Memory-da oo sidaan Casharka 13-aad ku soo sheegnay lagu cabiro nanoseconds (ns) oo u dhigma hal ilbiriqsi oo loo qaybiyay bilyan qaybood qayb ahaan. Horeyna waxaan u soo sheegnay in Memory-du ay aad uga gaabiso Processor-ka.
Halkaa waxaad ka garan kartaa in Hard Disk-gu uu ka mid yahay qaybaha kumbiyuutarka kuwa xawaare ahaan ugu gaabiya. Waxaa in badan dhacda in qaybaha kale ee kumbiyuutarku ay iska fadhiyaan oo ay sugaan in Hard Disk-gu uu hawsha qaybta kaga aaddan soo dhammeeyo. Seek Time-ku wuxuu ka mid yahay uguna horreeyaa waxyaabaha Hard Disk-ga wakhtiga ugu badan ka qaata, mar kasta oo uu Seek Time-ku sii yaraadana waxaa kor u kaca xawaaraha Hard Disk-ga taasoo iyaduna kor u qaadda xawaaraha hawl qabadka guud ee kumbiyuutarka. Sidaa darteed shirkadaha Hard Disk-yada sameeyaa waxay ku tartamaan xoogna ay saaraan in ay had iyo jeer hoos u dhigaan Seek Time-ka Hard Disk-ga. Waxaa suuqa Hard Disk-yada caadi ka noqotay in Seek Time-ka laga dhigo xawaaraha Hard Disk-ga oo dhan. Waxaad meelaha Hard Disk-yada lagu gado inta badan ka maqlaysaa iyadoo tusaale ahaan la oranayo xawaaraha Hard Disk-gaani yahay 9 ms, taasoo inta badan lagu saleeyo Seek Time-ka Hard Disk-gaas. Taasina waxay kuu caddaynaysaa sida uu Seek Time-ku muhiim ugu yahay xawaaraha Hard Disk-ga.
Sida aan hore uga soo hadalnay marka Platters-ka waxa laga soo akhrinayo ama wax lagu qorayo waxaa loo baahan yahay in Heads-ku ay horta tagaan Track-ga markaas loo baahan yahay. Marka ay Heads-ku halkaa tagaan waxay sugaan inta Sector-ka ay akhbaartu ku qoran tahay uu ka imaanayo halka ay Heads-ku markaa taagan yihiin. Wakhtiga ay taasi qaadato wuxuu ku xiran yahay fogaanta uu Sector-ka la rabaa u jiro halka ay Heads-ku markaa taagan yihiin. Celceliska wakhtiga ay qaadato in Sector-ka la rabaa uu ku yimaado halka ay Heads-ku joogaan ayaa la yiraahdaa Latency. Latency-ga Hard Disk-gu wuxuu si toos ah ugu xiran yahay xawaaraha uu ku wareego Spindle-ka Hard Disk-ga oo ah tiir dhexaadka ay Platters-ku ku dul rakiban yihiin ee wareejiya (Fiiri sawirka kore qaybta uu nambarkeedu yahay 3). Xawaaraha Spindle-ka waxaa lagu cabiraa waxa loo yaqaan RPM (Revolutions Per Minute) oo u taagan inta wareeg ee uu Spindle-ku sameeyo halkii daqiiqo. Xawaaraha Spindle-ka Hard Disk-yada maanta la isticmalo wuxuu u dhexeeyaa 4200 RPM ilaa 15000 RPM.
Latency-ga waxaa sida Seek Time-ka lagu
cabiraa Milliseconds (ms) waxaana xisaab ahaan lagu helaa
30000 (soddon kun) oo loo qaybiyey xawaaraha Spindle-ka.
Tusaale ahaan haddii xawaaraha Spindle-ku uu yahay 4200
RPM, markaa wuxuu Latency-gu noqonayaa 30000/4200 = 7.1
ms. Haddiise uu xawaaraha Spindle-ku yahay 15000 (Shan
iyo tobon kun) RPM, markaa Latency-gu wuxuu noqonayaa
30000/15000 = 2 ms.
Marka laga hadlayo xawaaraha Hard Disk-ga waxaa sidaan
hore u soo sheegnay inta badan aad looga hadlaa Seek
Time-ka, waxaadse halkan ka aragtaa in Latency-gu uu door
weyn ka cayaaro xawaaraha Hard Disk-ga oo uusan Seek
Time-ka kaligiis ku filnayn cabirridda xawaaraha rasmiga
ah ee Hard Disk-ga. Sidaa darteed waa muhiim in marka aad
Hard Disk gadanayso aad ogaato Latency-gu inta uu yahay
ama ugu yaraan xawaaraha Spindle-ku inta uu yahay si aad
markaa iskaa ugula soo baxdo Latency-ga.
Qodobada saamaynta ku leh xawaaraha Hard Disk-ga oo la isu geeyay ayaa waxaa la isku yiraahdaa Access Time. Qodobada uu Access Time-ku ka kooban yahay waxaa ugu muhiimsan labada qodob ee aan kor uga soo hadalnay ee kala ah Seek Time iyo Latency. Haddii uu tusaale ahaan Hard Disk-ga Seek Time-kiisu uu yahay 8 ms, Latency-giisuna uu yahay 5 ms, markaa wuxuu Access Time-ka Hard Disk-gaasi noqonayaa 8 + 5 = 13 ms. Access Time-ku waa qodobka ugu muhiimsan ee lagu cabbiro xawaaraha dhabta ah ee Hard Disk-ga waayo wuxuu sheegayaa wakhtiga ay Hard Disk-ga ku qaadato inuu akhbaar ka soo akhriyo ama uu ku qoro Platters-ka.
Inkastoo uu Access Time-ku yahay qodobka ugu muhiimsan xaqiiqadana ugu dhow ee lagu cabbiro xawaaraha Hard Disk-ga, haddana waxaa la yaab leh in ay yar tahay inta la isticmaalo oo shirkada Hard Disk-yada sameeyaa waxay had iyo jeer ka door bidaan qodobada kale sida Seek Time-ka. Waayo qodobada oo la kala qaado ama xataa mid keliya laga soo qaataa waxay Hard Disk-ga u muujinaysaa sidii inuu ka dheereeyo xawaarihiisa dhabta. Sidaa darteed waa muhiim in marka aad Hard Disk gadanayso ama aad is barbar dhigayso laba Hard Disk aad ogaato Access Time-ka Hard Disk-ga si aad u ogaato xawaaraha dhabta ah ee Hard Disk-gaas. Haddii aysan kuu suurtoobayn inaad ogaato Access Time-ka waxaad ugu yaraan codsataa inaad hesho Seek Time-ka iyo Latency-ga. Waayo labadaas qodob oo la isu geeyay waxay ku siinayaan qiime aad iyo aad ugu dhow Access Time-ka Hard Disk-gaas.
Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa noocyada Hard Disk-ga (IDE ama SCSI).
Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com
Waxaad tahay akhristihii 6491-aad laga soo bilaabo 2001-06-05
Casharkii Hore | SomaliSoftware.com | Casharka Xiga
| Magaca | Fikradda Akhristaha |
|---|---|
| 2008.11.11 xafsa saciid cali Somalia | walaal yaal waxaa naga rabe waa maxy fat file system barnaamijka waa ka waaye mawduucaas waana ubaahanahy waad mahadsantihiin |
| 2008.11.01 Lowdhako Ireland | Asalaamu caleykum wr wb. salaanta islamka ka dib walaalaha sameeyey website kan aad iyo aad baan uga helanay ugana faa ii deysanay allaah ha idinka abaal mariyo waxtarkaa aad noo soo bandhigteen casharada tirada badan ee qiimaha leh jazaka allaahu kheyran . halkaas ka sii wada. su'ashaydu waxaa aytahay adinko igarali ahanaya walaalayal maxaad ugu sodriwaysen casharada JAVA iyo CISCO oo ad sidaso kale uso tafatirteen? waad kumahad santihiin dhamaan sida aad isugu howsheen casharkaas iyo dhamaan kuwa kale oo aad sowadanba. |
| 2008.10.25 cali cabdi xassan Canada | waxaad meesha ku heesiin malahan ee sidaan wax ka badala hab casriyeesan la imaaada oo dadka fahmi karo. |
| 2008.09.16 Cali Cabdi Somalia | Aad iyo aad ayaan uga helay Casharada halkaan aad ku soo bandhigteen waxayna Quseeyaan Maadada aad aadka u jeclahay, islamarkaana aan doonayo in aad si qoto dher u barto (Jazakumullaahu Kheyr) |
| 2008.09.06 nuurmaxamuud ahmed oday Somalia | Webkaaan waaaa muhiim madama calamka oo dhan ooo uu ka shaqeeyo dadka hardware ka baranayana waaa u muhiim |
| 2008.07.31 mohamed hanad United Kingdom | aad ayaan u xiiseeyaa webkiinan waad mahad san tihiin |
| 2008.07.26 Abdirahmaan Awil ALi Bare Somalia | Alaa mahad leh sida kale aad iyo aad baan oga faaidaysanaa arintaan ah Waxbarasho fariiga ah ee aan ka daalacano web brouserka Marka labaad su'aashayda Ma noogu soo dari kartaan casharadan Muuqaal ama aalado sahlaya daawashadiisa igala soo xariiir Email,cayuune@hotmail.com Email.Abdirahmaan_uk@yahoo.com |
| 2008.07.25 cabulaahi barre shukri Somalia | waxaan aad ugu mahad celinayaa sida qiimaha iyo qaayaha badan oo aad ugu fikirteen arrintaan wanaaga badan leh waxaana marwalbo idiin rajaynayaa horumar ,aqooneed iyo sii kordhin dadaalka aad wadaan waxaadna naga helaysaan taageero fara badan haddaan nahay dhalinyarada soomaaliyeed waxaan idinka tagayaa farxad iyo rayn rayan |
| 2008.04.25 c/asiis aadan qaaasim Ethiopia | maxaanu ku gaari karnaa mise ku heli karnaa buug hardware ah oo afka somalika lagu qora? |
| 2007.12.06 mohamed Somalia | marka hore mahad oo dhan ilaah ayaa iska leh marka xigta aad ayaad umahad san tihiin siina wada dadalkiina ilaahayna miisaan kiinaxasanaadka ha idin ku daro. |
| 2007.09.23 axmed takciib Sweden | waad ku mahadsantihiin sidaad ugu dadaasheen inaad dadka somalida ah aad ugu sahashaan sida ay kumbuyuutarka si fudud u fahmi lahaayeen oo aad afkooda hooo ku soo qorteen |
| 2007.04.14 saed A. mahad bulhan Swaziland | walaal waa salaaman tihiin asaalu calaykum aad ayaan u daadasheen si web kan aad ugu salayseen baahida ay u qabaan dhalin somliyeed meel walba oo ay joogaan insha allah aale ha iniii siyaadiyo dadaalka aad hurteen walaaleheen soomaaaali alle ha siiyo dawlad loo dhan yahay saedbulhan@gmail.com |
| 2006.07.08 www.shortal.com/maxamedwagar Somalia | haa waa mahadsantihiin maxamed www.shortal.com/maxamedwagar |
| 2006.06.22 ciise Somalia | run ahaantii anigu waxaan ka mid ahay akhristayaasha casharkan aadka iyo aadka u fiican wayna ku mahadsanyihiin soo qorayaasha u soo qoray sida sharafta leh oo ay uga faa'iidaysanayaan walaalahooda jooga dunida dacaladeeda. waana mahadsantihiin. |
| 2006.04.26 Caato Aden Guled India | Runtii casharkaan aad aan uladhacay waana mid aad iyo aad muhiim u ah Thanks |
| 2006.04.03 maxamuud jaamac sahl Somalia | walal yaal runtii cashar kan wa casharkii aan si aada ula dhacay iyo qaabka aad u soo dityaariseen runtii si cajiiba ayaad u soo dityaariseen mahad sanidinwalaalayaal (maxamuud217@hotmail.com) |
| 2006.03.12 xasan cilmi guure Somalia | WWW.wanaag aad nosamayseen run ahaatiihalakn lagama soo koobikaro ilaahbaa idinkaa abaal marinaya laakiin waqtibadan ayaa loobaahanyahay waxaana ookale sida lguqorayo (WEBSITE-kaan) diinta ilaahay iyo waqtiga salaada ogaada yeysan idin mashquulin aduunyo ilay yurub walagu gaalooba lacag iyo aduun balaga fikiraa walaala yaal waad mahad santihiin diintana hadayicinina iantaad aduun kafikiraysaan Wacalykuma salaan waraaxmatulaahi wabarakaatuhu (guure34@hotmail.com) |
| 2005.12.15 sdsdsd Bangladesh | sdsd |
| 2005.12.15 daadir colow Somalia | walaal aad ayaad ugu mahadsantihiin barnaamij kaan waxaan idin ku soo kordhinayaa oo kaliya hadaan joogno soomaaliya barnaamiyo badan aan aqoon oo faa iido badan ayaajiro sidaa daraadeed waxaan adin kacodsaneynaa in aad nooga faa ideysaan mahadsanid |
| 2005.12.13 guuleed Somalia | waad mahad santihii gaar ahaan dadkan brogramkan soo diyaariya sidaana ula shaqeeya soomalidiina waad mahadsantihiin mar labaad |
| 2005.11.02 maxamed Somalia | haaaaaaaaaa maxamed indhacade jooga somaliland |
| 2005.11.01 maxamed c/raxmaan indhacade Somalia | aniga oo magacaygu yahay maxamed c/raxmaan ku magac dheer (INDHACADE)joogana wadan ka somalia gaarahaan hargeisa waxaan idiin ku mahad celinayaa sida wanaagsan ee aad ugu hagar baxaysaan walaalihiina soomaaliyeed ku wadan hana ka caajisina E-mailkaygu waa maxmamed979@hotmail.com |
| 2005.06.11 omar Somalia | wamaxa mather borodku |
| 2005.05.02 axmad xuseen jaamac Somalia | walaalo asalaamucalaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh walaale waxaan idiin dardaarmayaa cabsida allaah iyo in cilmiga sharciga ah labarto scww email :jablibaax9@hotmail.com |
| 2005.04.17 xasan maxamuud Somalia | Aad ayaan ugufarxay sidaad noogu sharaxdeen kambuyuutarka waayo waliba anigoo kadhiganaya jaamacada hargaysa information technology ITda ayaan ujeedaaye markaa si wanaagsan ayaan uga faa idaysanayaa waanad kumahadsan tihiin sinawada dadaalkiina ha caajisin abaalmarinta waxaad kahelaysaan rabigiin |
| 2005.03.06 Ibraahim Omer Hassan Somalia | HABKA AAD WAX UGA JAWAABTAAN FADLAN WAX KA BADALA IDINKA OO MAHADSAN |
| 2005.02.28 suniilsheyti97@hotmeilcom Canada | waxaanjoogaacanada |
| 2004.11.15 shariifcali Somalia | asalam calaykum waraxmatulahi wabarakatuh. marka hore waad salaaman tihiin marka xiga runtii waa website cajiib ah waxaana dhihi karnaa waa horumar weyn oo u soo hooyatay ummadda soomaaliyeed iyadoo aan aaminsanahay inaan xitaa laga heleyn websiteyada ugu waaweyn dunida inta aan booqday cashar sidaan oo kale ah oo weliba free ah (BUY NOW) aanay ku jirin waana ku mahadsantihiin. waana ugu hambalyeynayaa bahda barnaamijkan iyo dhammaan bahda websitekan waxaana idin leeyahay sii labanlaaba dadaalkiina allena ha idinka ajar siiyo... |
| 2004.07.18 SuperJii Somalia | Waa Website Cajiib ah, laakiin mawduucyada qaar baanan loo baahnay sida ";Seek Time"; iyo ";Latency";. Waana idinku daadsantahay ee injinneer soo kireysta idinka saxa casharrada yaah |
| 2003.12.15 bargaan Egypt | waa mahad san tihiinh walaalayaal |
| 2003.10.17 nageeye Netherlands | waa mahadsantihiin walaalayaal sidi aad had iyo jeer aad walaalihiin ucaawineeysan waana idinsugaynaa wixii kale ee inoo haysan casharkaan kadib |
| 2003.04.25 sidiiq Somalia | aad ayaad u fikradwacantahay |
| 2003.02.11 Ismail sh Ibrahim (zaaky) Trinidad & Tobago | walaalayaal waad mahad santihiin maanta aad baan ugu farxay sidaad noo cawiseen. maxaa yeelay meelo badan oo mugdi iiga jiray ayaad iga bartay. waxaana joogaa Trinidad& Tobago ee latin America. Allaa mahad leh |
| 2003.02.11 Ismail sh Ibrahim (zaaky) Trinidad & Tobago | walaalayaal waad mahad santihiin maanta aad baan ugu farxay sidaad noo cawiseen. maxaa yeelay meelo badan oo mugdi iiga jiray ayaad iga bartay. |
| 2003.01.18 abdulkaadirosman Canada | waxaan jeclahay inaan wax ka fahmo wadanka kanada |
| 2003.01.06 maxamed xasan maxamed yare Somalia | waan idiin mahad celinayaa waxaan ahay wiil yar oo kunool magaalada muqdisho oo daneeya computerka walaalayaasha dhiira geliyey waa mahadsantihin walaalayaal waxaan idin leeyahay ajir alaha inka siiyo mida kale fikrad waxaan k darsan lahaa sida aad computerka noo bareysaan oo kale ingilishka in aad wabsite noogu sameysaan walaalayaal taas ayaan idinku darsanlahaa walalayaal walaahi mahadbaad mudan tihiin macasalaama waa anigoo ah maxamed yare muqdisho Banadir Somalia |
| 2002.12.26 hassan abdi Somalia | anigoo ah mid ka mid ah macalaminta hard ware waxaan halkan soo jeedinayaa in aan ka hadalo qeybta hard disk ka kaha qeybtas oo ah hadii sectorka 512 oo yahay tracks 63 |
| 2002.09.23 khadar ali mohammed Canada | asalaamu calaykum walalayaala.. aad iyo aad ayaada ugu mahadsan tihiina sida fiican ee aada noogu sharaxadeena ilaahayna ha idina ka jasaaisiiyo aamiin aamiina aamin.. walaalayaala haddii aada karaysaan in aada iigu soo diretaana emailkaga walaal iigu soo dire.. plz if u can send me all this thing plz try to send me on my email.(khadar_yare99@hotmail.com) walaal sidaa iyo nabad galyo mahadsanida walaalayaala... asalaamu calaykum |
| 2002.07.15 hanad abdullah jama jirac Somalia | waa maxay XP raacsan the lastest operating sytem in Windows 2002 Xp |
| 2002.05.14 maxamed abdullahi Netherlands | asalamu caleekum walaayaal waan ini salamay. salaan kadid waad ku mahad santihiin sida aad cumbutarka nuugu sharaxdeen walayaal waxan kaloo dhihilaha danbigiina ale ha dhaafo,asxaanka aad noo qabateena ale unbaa xisaabin kara walaalyaal.wax kaloo sheego maqaane walayaal maca salaama. |
| 2002.03.22 maxamed Netherlands |
salaan ka dib walaallayaal casharadaa maa soo kodhisaan maayaa misee waad ka jisteen mise wax kele ayaad garan waydeen cashrada soo kordhiya hadii aad wax kele haysaan sxbyaal ama xarfaantaa hollan jooga wax cusub haa idiin shegeene laa soo xiiriiraa Jawaab: Walaal waad ku mahadsan tahay fikradda aad noo soo gudbisay, waxaanan adiga iyo inta kale ee casharrada ku taxanba idiin kaga cudur daaranaynaa muddadii uu casharrada hakadku galay. Taasna waxaa u sabab ahaa wakhtiga oo nagu yaraa iyo casharrada oo u baahday wakhti dheeri ah oo lagu soo diyaariyo. Waxaanse hadda iyo wixii ka dambeeya ku dadaali doonnaa in aysan casharradu hakan oo ay u socdaan sidii ay u socon jireen (Inshaa Allaah). Waad mahadsan tahay Somali Software. |
| 2002.03.01 ibrahim saeed United Arab Emirates | Marka hore waa salaaman tihiin salaan kadib waad ku mahadsantihiin websitka fican ee aad samayseen iyo barnaamijka aad ku diyaariseen . |
| 2002.01.08 najiib United Kingdom | marka hore aad baaad u mahadsantihiin 100% dadaalka xaddhaafka ah ee aad muujiseen,marka xiga waxaan idinka codsanayaa inaad waxoogaa sharraxaad dheeraad ah iga siisaan waxa loo yaqaanno (scsi) iyo sida loo install gareeyo. wabillahi towfiiq najiibabdul@hotmail.com |
| 2001.07.02 C/risaaq Xuseen Fiqi Netherlands | Marka hre waan idinb salaamayaa Marka xiga waan idiin mahadcelinayaa Dadaalka Aad samayseen kaasoo ah mid miro Dhal ah. Waxaan idinku boorinayaainad dadalka sii wadaan siina siyaadisaan Waad mahadsantihiin |
Fadlan halkaan ku qor fikraddaada