Noocyada Hard Disk-ga
Casharrada 14-aad, 15-aad iyo 16-aad waxaan kaga hadalnay guud ahaan waxa uu Hard Disk-gu yahay iyo qaybaha uu ka kooban yahay oo aan ka soo qaadannay kuwa ugu muhiimsan. Casharkaana waxaan ku soo qaadan doonnaa noocyada Hard Disk-ga.
Habka uu Hard Disk-gu ugu xirmo akhbaartana ugu gudbiyo kumbiyuutarka intiisa kale waxaa loo yaqaan "Hard Disk Interface" aad ayuuna muhiim u yahay. Haddaba marka laga eego xagga Interface-ka Hard Disk-ga waxaa Hard Disk-yada maanta la isticmaalo loo kala qaadaa laba nooc oo kala ah:
Labadaas nooc ayaan halkaan mid mid ugu soo qaadan doonaa.
Hard Disk-yada isticmaala Interface-ka loo yaqaan IDE (Integrated Drive Electronics) waxaa lagu magacaabaa IDE Hard Drives, waana nooca ugu caansan uguna badan ee lagu isticmaalo kumbiyuutarrada uu noocoodu yahay PC-ga. Magacyada kale ee Interface-kaan loo yaqaan waxaa ka mid ah ATA, ATA/ATAPI, EIDE, ATA-2, Fast ATA, ATA-3, Ultra ATA iyo Ultra DMA. Magacyadaasi waxay ka turjumayaan marxaladihii uu Interface-ka IDE-gu soo maray iyadoo marka uu cillad weyn ka gudbo ama uu tallaabo weyn hore u qaadaba magac cusub loo bixinayay.
Markuu noocaani soo baxay wuxuu kor u qaaday xawaaraha, adkaysiga iyo is afgaradka Hard Disk-yada. Noocaan waxaa inta badan lagu isticmaalaa Kumbiyuutarrada loogu tala galay dadka caadiga ah iyo shaqaalaha kumbiyuutarka u isticmaala howl maalmeedkooda. Taasna waxaa u sabab ah qiimihiisa oo jaban iyo isticmaalkiisa oo fudud. Markii ay shirkadaha kumbiyuutarrada sameeyaa arkeen in kumbiyuutarrada ugu badan ee la gataa ay yihiin nooca loogu tala galay dadka caadiga ah iyo shaqaalaha ayaa waxay go'aansadeen inay soo saaraan kumbiyuutarro qiimahoodu jaban yahay oo uu Motherboard-kooda ku dhex dhisan yahay Interface-ka IDE-ga (fiiri Casharka 8-aad) islamarkaana uu la socdo ugu yaraan hal Hard Disk oo uu noociisu yahay IDE. Taasi waxay keentay in noocaani uu suuqa qabsado.
Sidaan hore u soo sheegnay Interface-ka IDE-gu wuxuu soo maray marxalado badan oo marba marka ka dambeeya waa la sii casriyaynayay. Billawgii waxaa inteface-ka IDE-ga loogu tala galay Hard Disk-yada oo kaliya, tiro ahaanna wuxuu qaadan jiray oo ku xirmi karay laba Hard Disk oo kaliya. Waayo wuxuu lahaa hal kanaal (waddada uu Hard Disk-gu akhbaarta u mariyo kumbiyuutarka intiisa kale) oo ay ku xirmi kareen laba Hard Disk oo keliya. Waxaa intaas sii dheeraa iyadoo Hard Disk-ga adeegsanaya Interface-ka IDE-ga uu qaadkiisu (size) ku koobnaa ugu badnaan 504 MB oo keliya. Waayo Interace-ka IDE-ga iyo BIOS-ka midna awood uma lahayn inuu maamulo Hard Disk uu qaadkiisu ka weyn yahay 504 MB.
Billawgii 1990-meeyadii ayaa waxaa la garawsaday baahida loo qabo in Interface-ka IDE-ga loo isticmaalo qalab kale oo aan Hard Disk ahayn. Taasina waxay keentay in wax laga beddelo sidii uu IDE-gu u shaqayn jiray si uu u aqbalo qalab aan ahayn Hard Disk-gii markii hore loogu tala galay. Interface-ka IDE-ga waxaa maanta Hard Disk-yada la wadaaga qalab kale oo ay ka mid yihiin CD-ROM (reader), CD-RW (Writer), Zip drives, Tape devices iwm, wuxuuna sida caadiga ah leeyahay laba kanaal oo ay kiiba ku xirmi karaan laba ka mid ah qalabka aan kor ku soo sheegnay. Guud ahaan waxay labada kanaal qaadan karaan 4 qalab oo isugu jira Hard Disk-yo, CD-ROM, Zip Drive iyo Tape device. Waxaa kale oo meesha ka baxay xadkii qaadka Hard Disk-gu uu ku xaddidnaa 504 MB oo waxaa maanta IDE adeegsada Hard Disk-yo uu qaadkoodu kor u dhaafayo 30 GB.
Waddooyinka uu Hard Disk-gu akhbaarta u mariyo kumbiyuutarka intiisa kale ayaa waxaa loo yaqaannaa Channels. Sidaan hore u soo sheegnay Interface-ka IDE-gu wuxuu sida caadiga ah leeyahay laba kanaal. Labadaas kanaal oo sidaan hore u soo sheegnay ku dhex dhisan Motherboard-ka waxay kala yihiin:
Mid kasta oo ka mid ah labadaas kanaal waxaa gala ama ku xirma fiilo ballaaran oo muuqaalka guud uga eg suunka ay askartu dhexda ku xirato (fiiri sawirka hoose).

Fiiladaasi waxay sida saawirka kaaga muuqata leedahay saddex af oo midkood ku xirmo Motherboard-ka. Labada kale waxaa ku xirmi kara mid ka mid ah qalabka isticmaala Interface-ka IDE-ga ee aan kor ku soo sheegnay. Qalabka labada af ee dambe ee fiiladaas ku xirmayaa waxay tusaale ahaan noqon karaan laba Hard Disk ama hal Hard Disk iyo hal CD-ROM iwm. Khasab ma aha in labada afba wax lagu xiro oo taasi waxay ku xiran tahay hadba tirada qalabka aad haysato. Tusaale ahaan haddaad haysato hal Hard Disk oo kaliya islamarkaana aadan haysan CD-ROM, markaa wuxuu Hard Disk-gaasi ku xirmayaa mid ka mid ah labada af ee Primary Channel-ka. Afka kale ee Primary Channel-ka iyo labada af ee Secondary Channel-kuba way iska banaanaanayaan oo waxba kuma xiraysid, illeen waxaad ku xirtaba ma hayside. Haddaadse haysato hal Hard Disk iyo hal CD-ROM markaa Hard Disk-ga waxaad ku xiraysa mid ka mid ah labada af ee Primary Channel-ka, CD-ROM-kana waxaad ku xiri kartaa afka kale ee Primary Channel-ka ama mid ka mid ah labada af ee Secondary Channel-ka. Sidaa iyo si la mid ah ayaad u isticmaalaysaa labada kanaal iyo afafkoodaba.
Master / Slave
Mid kasta oo ka mid ah kanaallada IDE-ga waxaa, sidaan hore u soo sheegnay, ku xirmi kara hal ilaa laba ka mid ah qalabka adeegsada Interface-ka IDE-ga. Haddaba si ay u suurto gasho in hal kanaal ay wada adeegsadaan laba shay, waxaa muhiim ah in la helo nidaam lagu kala garto ama lagu kala sooco labadaas shay. Sidaa darteed ayaa waxa la soo saaray nidaam faraya in labada shay midkood laga dhigo Master kan kalena laga dhigo Slave. Si mid ka mid ah labada shay looga dhigo Master ama Slave waxaa la adeegsadaa waxa loo yaqaan Jumper oo ah qolof yar oo madaw oo lagu daboolo laba ka mid ah ilko yar yar oo bir ah oo ku samaysan qalabka adeegsada Interface-ka IDE-ga (fiiri sawirka hoose).

Sawirkaas waxaa kaaga muuqda laba ilkood oo lagu daboolay Jumper islamarkaana ay labada dhinac ka kala xigaan min laba ilkood oo aan wax dabool ahi saarnayn. Sawirkaas oo muujinaya qaar ka mid ah Jumpers-ka Motherboad-ka waxaan ugu tala galnay oo keliya inaad ku fahamto waxa uu Jumper-ku yahay.
Qalabka adeegsada Interface-ka IDE-ga waxaa inta badan la socda akhbaar kuu sheegaysa sida qalabkaas looga dhigo Master ama Slave. Akhbaartaas waxaad had iyo jeer ka heli kartaa buugga yar ee la socda qalabkaas. Waxaa kale oo ay shirkadaha qaarkood akhbaartaas ku qoraan qalabka dushiisa ama warqad dusha looga sii dhejiyo qalabkaas. Sawirka hoose wuxuu muujinayaa Hard Disk lagu dul qoray akhbaarta sheegaysa sida Hard Disk-gaas looga dhigo Master ama Slave.

Sawirkaas waxaa kaaga muuqda lix ilkood oo laba laba isugu aaddan. Labada ilkood ee xiga dhanka bidixe waxaa ku hoos qoran xarfaha "MA" oo u taagan Master, taasoo micneheedu yahay in si Hard Disk-gaas looga dhigo Master Jumper-ka lagu daboolo labada ilkood ee bidixda xiga. Labada ilkood ee dhexe waxaa iyagana ku hoos qoran xarfaha "SL" oo u taagan Slave, taasoo uu micneheedu yahay in si Hard Disk-gaas looga dhigo Slave Jumper-ka lagu daboolo labada ilkood ee dhexe. Labada ilkood ee midigta xiga waxaa iyagana ku hoos qoran xarfaha "CS" oo u taagan Cable Select, taasoo uu micneheedu yahay in Hard Disk-gaasi uu adeegsanayo fiilo gaar ah oo iyadu awood u leh inay iskeed u kala garato Master iyo Slave iyadoo aan si cad loogu sheegin.
Xawaaraha IDE-ga
Hard Disk-yada uu noocoodu yahay IDE-gu xawaare ahaan way ka gaabiyaan nooca kale ee loo yaqaan SCSI oo aan ka hadli doono. Seek Time-ka Hard Disk-yada IDE-gu wuxuu u dhexeeyaa 8 ms ilaa 10 ms. Latency-gooduna wuxuu u dhexeeyaa 3 ms ilaa 5.6 ms. Celcelis ahaan xawaarahooda rasmiga ahi wuxuu markaa noqonayaa inta u dhexaysa 11 ms ilaa 15.6 ms. Xusuusnow in waxa la cabirayo uu yahay wakhtiga ay Hard Disk-ga ku qaadato in uu akhbaar ka soo akhriyo ama ku qoro Platters-ka. Taasi waxay keenaysaa in marka uu wakhtigu sii yaraadaba uu xawaaraha Hard Disk-gu sii kordho. Sidaa darteed Hard Disk-ga uu xawaarihiisu yahay 11 ms wuu ka dheereeyaa kan uu xawaarihiisu yahay 15.6 ms.
Nooca labaad ee Hard Disk-yadu waa kuwa adeegsada Interface-ka loo yaqaan SCSI (Small Computers System Interface) oo loogu dhawaaqo "iskaasi". Interface-ka SCSI-gu wuu ka heer sarreeyaa, xawaare ahaana ka dheereeyaa Interface-ka IDE-ga ee aan hore uga soo hadalnay, waxaana jira dhinacyo dhawr ah oo SCSI-gu uu kaga fiican yahay IDE-ga. Sidaa darteed ayaa SCSI waxaa inta badan loo isticmaalaa kumbiyuutarrada loo yaqaan Servers-ka ee loo isticmaalo inay xarun u noqdaan islamarkaana ay kala hagaan akhbaar ama howlo ay dad badani isla isticmaalaan. Kumbiyuutarrada noocaas loo isticmaalo waxaa tusaale ahaan ka mid ah Web Hosts (oo ah kuwa xarunta u ah Homepage-yada Internet-ka) iyo kuwa loo yaqaan Mail Servers (oo ah kuwa xarunta u ah E-mail-ka la isu diro) iyo kuwo kale.
Hard Disk-yada uu noocoodu yahay SCSI-gu way ku yar yihiin suuqa kumbiyuutarrada ay dadka caadiga ahi isticmaalaan, waayo qiimahooda ayaa ka sarreeya kan IDE-ga islamarkaana dhinacyada uu SCSI-gu kaga fiican yahay IDE-ga waa kuwo aan faa'iido sidaas ah oo la dareemi karo u lahayn dadka caadiga ah. Intaas waxaa dheer iyada oo SCSI uu xagga isticmaalka ka adag yahay IDE. Taasi waxay keentay in shirkadaha kumbiyuutarrada sameeyaa ay inta badan kumbiyuutarradooda u doortaan IDE.
Interface-ka SCSI-gu inta badan kuma dhex dhisna Motherboard-ka laakiin waa kaar ka gaar ah Motherboard-ka oo loo yaqaan SCSI Host Adapter oo la geliyo mid ka mid ah Buses-ka Motherboard-ka. SCSI wuxuu caan ku yahay tirada disk-yada iyo qalabka kale ee ku xirmi kara oo aad uga badan inta IDE ku xirmi karta. SCSI run ahaantii ma aha Disk Interface ee waa Bus gaar ah oo ay ku xirmi karaan ilaa 15 nooc oo ka mid ah noocyada qalabka kala duwan ee kumbiyuutarka lagu xiriiriyo. Kumbiyuutarrada badankoodu waxay qaadan karaan ilaa afar kaar oo SCSI ah oo kiiba ay ku xirmi karaan 15 ah qalab kala duwan. Laakiin sida xaqiiqada ah way adag tahay in hal kumbiyuutar lagu xiro tiro intaas le'eg oo ah qalab kala duwan, waayo waxaa jira dhawr arrimood oo arrintaas ka dhigaya mid aan munaasab ama suurtogal ahayn.
Si loo kala sooco qalabka ku xirmaya Interface-ka SCSI-ga waxaa mid kasta oo qalabkaas ka mid ah la siiyaa nambar u gaar ah oo lagu garto. Nambarkaas waxaa loo yaqaan SCSI ID wuxuuna ka billawdaa 0 (eber) iyadoo mar kasta lagu darayo hal, sida 0, 1, 2, 3, 4, 5, 6, 7 ... iwm. Hal nambar islama qaadan karaan laba shay ama wax ka badan, waayo haddii ay taasi dhacdo waxaa imaanaysa in labada shay ee isku nambarka ahi ay isku dhacaan oo la kala garan waayo. Sidaa darteed aad ayay muhiim u tahay in shay kastaa uu qaato hal nambar oo isaga u gaar ah.
Qalabka adeegsada Interface-ka SCSI-gu wuxuu u kala baxaa laba nooc oo kala ah:
Halka IDE markiisii hore loogu tala galay Hard Disk-yada oo keliya, SCSI waxaa markiisii horeba loogu talagalay inay isticmaalaan qalabka kala duwan ee kumbiyuutarka lagu xiriiriyo iyadoo aan Hard Disk-yada la siinin mudnaan gaar ah oo laga duulayay in Har Disk-yadu ka mid noqdaan noocyada qalabka kala duwan ee adeegsanaya Interface-ka SCSI. Taasi waxay keentay in SCSI uu xagga xawaaraha, tirada noocyada qalabka ku xirmi karaba kaga horreeyo nooc kasta oo ka mid ah noocyada Interface-yada loo isticmaalo kumbiyuutarrada uu noocoodu yahay PC-ga.
Xawaaraha SCSI-ga
Hard Disk-yada uu noocoodu yahay SCSI-gu xawaare ahaan way ka dheereeyaan nooca kale ee loo yaqaan IDE-ga. Seek Time-ka Hard Disk-yada SCSI-gu wuxuu u dhexeeyaa 4 ms ilaa 8 ms. Latency-gooduna wuxuu u dhexeeyaa 2 ms ilaa 3 ms. Celcelis ahaan xawaarahooda rasmiga ahi wuxuu markaa noqonayaa inta u dhexaysa 6 ms ilaa 12 ms. Xusuusnow in waxa la cabirayo uu yahay wakhtiga ay Hard Disk-ga ku qaadato in uu akhbaar ka soo akhriyo ama ku qoro Platters-ka. Taasi waxay keenaysaa in marka uu wakhtigu sii yaraadaba uu xawaaraha Hard Disk-gu sii kordho. Sidaa darteed Hard Disk-ga uu xawaarihiisu yahay 6 ms wuu ka dheereeyaa kan uu xawaarihiisu yahay 12 ms.
Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa Floppy Disk Drive-ka.
Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com
Waxaad tahay akhristihii 9001-aad laga soo bilaabo 2001-08-05
Casharkii Hore | SomaliSoftware.com | Casharka Xiga
| Magaca | Fikradda Akhristaha |
|---|---|
| 2010.02.02 c/laahi daahir osmaan Ethiopia | asc: salaankadib walal waad kumahadsantihiin Adegaan Aan lasoo koobikarin Oo Aad u qabateen bulshada soo maliiyeed waxaana dhahaa Alaah un baan gudinkara Aamaalkiina waadna ku mahadsantihiin walala yaal www |
| 2010.02.02 Ahmed mohamed Hussein Ethiopia | ASC: salaanma islaamka kadib walaalayaal Waad kumahadsantihiin howshaan Aan la soo koobikarin oo kal kaan Aad ku soo bandhigteen waxaana leeyahay Amaalkiina waxaa gudikara Alaah oo kaliya waxaana hawada u soo marinaa dhamaan dadkii ka geeystay gacanta programkaan oo Qofkasta oo daneynaa in uu barta micnaha computer waadna ku mahadsantihiin Adeegaan balaaran Ee Aad u qabateen Bulshada somaliyeed & qofkasta oo fahmaa luuqadaan Afkasoomaliga www |
| 2010.01.30 A.Hakiim United States | waxaaan umahad celinnayaa dhamaaan dad ka sharaftaleh ee udiyaariyay dad waynaha inay kafaa idaystaaan aqoonta ay ragani usoobandhigeeen waxaanan idin leeyahay noqda kuwii uu ilaahay abaalkooda siiyo waxaanan idiinku ducaynayaaaa inuu ilaahay |
| 2010.01.28 saciid aadan Somalia | waxaan salaamayaa dhamaan nbahda webka waxaan ku salaamayaa salaanta ka dhexeysa islaamka ee acs salaan kadibwaa maxay hard disk yaase soo saaraya goormeese lasoo saaray muxuuse faaido u leeyahay computerka iyo dadka isticmaalaya |
| 2009.12.12 Dj-ArImAhEeNa Somalia | 1st waad mhdsnthin asxbta soo fekertay in la abuuro webka somalisoftware laguna soo diyaariyo casharo muhiim u ah dadka somaliyed, anigana waan idinkaga mhadcelinayaa, waxaa kasii fiicnaan laheyd in loo badiyo sawiro muujinaya casharada (Tusaalooyin fara badan oo uu qofka akhrisanaaya ku fahmi karo).. waxaa kaloo ka codsanayaa maamulka somalisoftware in lagu soo kordhiyo webka hardware ma ahan inaad software keliya ku soo bandhigtaan.. mahadsanidin. waa Dj-ArImAhEeNa |
| 2009.11.13 nooh omar France | marka koowaadwaad ku mahadsan thiin barnaamijkan aad sooo bandhigteen abaalkiisana waad heli doontaan insha allah lkn idinkoo mahadsan ayaan waxaan rabay hada casharadani waa kuwo akhris ah ee iyagoo video leeh inaan noo soo galisaan ayaa ka wabagsanayd thanks |
| 2009.11.03 asc Somalia | waxaan diyaar u ahay in aan barto software waxaan aad u danaynayaa in aad hoo shaas wax igala qabataan mahad sanidiin |
| 2009.08.29 saadaq Somalia | waxaan umahad celinaa Allah kasokow daakii noo soo diyaariyay waxaan idin leeyahay allaha ajir idin kasiiyo |
| 2009.08.13 Abdi aziz yare United Kingdom | walaalayaal waxaan ku faraxsanahay in ay weli jiraan dad soomaliyeed oo jecel wanaaga dadka somaliyeed , hard work and your dreemas will come true ane day. abdi aziz, Bristol Uk |
| 2009.07.10 XUSEEN CARAAYE Uganda | SXBAYAALOOW CUNUG ILYAAS LADHAHAAYO AYAA IDHIBAY OO AAN WAX KA AQRISA LA'AHAY OO WAXBARASHADII II DIIDAY EE MAXAA TALO AH OO AAD IGU CAAWIN KARTAAN OO AAN FAADUMO KAXANAAQEYN by Xuseen |
| 2009.07.10 HUWEYN CADAADE Bolivia | SALAAN SARE KADIB WALAALAYAAL WAXAAN CODSANEYNAA INAAD SII WADAAN CASHARADA OO RUNTII AAN UGA FAA'IIDEYSANAY WAXAAN KA XUNNAHAY INAAD HAKAD GELISEEN MRA LABAAD WAXAAN IDINKA CODSANEYNAA INAAD SII WADAAN CASHARADA OO AAD MEEL QABYO UGA TAGTEEN DADKII U XIISO QABAY WAA AY KA NIYAD JABEEN XILIGA AAD JOOISEEN, WAA MAHADSANTHIIN WAXAAN RAJEYNAYNAA INAAD TIXGELISAAN CODSIGEEN |
| 2009.07.06 Osman Ahmed Omar Qatar | Walaal waan idin salaamay salanta islaamka ayaan idinku slaamay asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. salaan kadib ma aqaano waxa aan idin dhahaayo faraxd ayaa igabadatay walaaliyaal waxa aad noo sameyseen waa waxa aan iloowidoono mahaan waa qer sii soconayaao xita marka ilaah idin oofsado,maxa yeelay maanta waxaad la jeclateen walaalahiina somaliyeed oo heysta dhibatooyin kaladuwan oo lasoo koobi karin,dhalanyarada soo maaliyeed maanta ma awoodaan in bartaan wax un lakiin maanta waxa aniga nafsadeyda aan awood uhaynin hada ayaan ka fa ideysi doonaa marwalba waad liiwaani doontaan isnha alaaha. |
| 2009.06.20 sawir somali suugane Somalia | waxaan leeyahay looxaan faaqal looxaan waxkasoo baxayaa ma jiro ee bal dib isugu noqda |
| 2009.05.16 Hamza Sweden | ASC |
| 2009.04.16 Eng guuleed xasan kaarshe Djibouti | Aad iyo aad baad umahadsantihiin walaalayahayga soomaaliyeed |
| 2009.04.15 c/risaaqmaxamed Sudan | walaahay walaalayaal waxaan u arkaa hawshan mid aad iyo aad muhiim u aha oo lagu hor marinayo aqoont dadka soomaaliyeed tusaale ahaan hada aniga waxaan njoogaa sudan waana ku taxnahay cashiradan qaaliga aha wixii aan ku fahmi waayo sharaxa macalinka halkaan ayaan ula soo laabtaa waxaana ooga fahmaa siday ahayd marka walaal ilaahay ayaa idinka ajir siin ee walaal dadaalkiina sii wada |
| 2009.04.13 abdicasiis Somalia | waa cashir aad iyo aad ufiican walaal layaal mahadsanidiin (abdicasiis10@hotmail.com) |
| 2009.03.25 haji hashi India | ma shallah wa cashara fiican waxaana ula socaa si fiican day by day so thanks all .................... xaaji57@hotmail.com |
| 2009.03.11 barkhad21@hotmail.com Somalia | waad mahad santihiin |
| 2009.02.24 sanyare Somalia | waad mahad santihiin |
| 2009.02.18 liibaan Yemen Republic | asw. walaal waxaan doonaya in aaad i bartaa computerka ma qaano sida lo is ticmaalo |
| 2008.11.21 cabdi xasan cawaale qaydiid Ethiopia | waxan ahay aniga hogaamiyayaasha soomalida kuwooda ugu tanka waynaa hadana waxaa igu dhacday in ciida afka lay daro marka waxaan idinka codsanaa ganacsatada beesha sacad inay iu soo taakuleeyaan deeq lacageed si aan isaga soo baxo wadankaan oo hada waxaan ku jiraa dowlada iyadana way burburi rabtaa oo maalmo qura baa u dhiman oo madaxwaynihii wadanka ayaaba afkiisa kaqiray inaysan dowlad kajiran xamar marka waa iga codsi walaalahayow nimankii abgaal waxay ogaadeen xaalada siday tahay marka way isgacan qabanayaan anigana sidaa baan u baahanhaay |
| 2008.11.02 Lowdhako Ireland | Asalaamu caleykum wr wb. salaanta islamka ka dib walaalaha sameeyey website kan aad iyo aad baan uga helanay ugana faa ii deysanay allaah ha idinka abaal mariyo waxtarkaa aad noo soo bandhigteen casharada tirada badan ee qiimaha leh jazaka allaahu kheyran . halkaas ka sii wada. su'ashaydu waxaa aytahay adinko igarali ahanaya walaalayal maxaad ugu sodriwaysen casharada JAVA iyo CISCO oo ad sidaso kale uso tafatirteen? waad kumahad santihiin dhamaan sida aad isugu howsheen casharkaas iyo dhamaan kuwa kale oo aad sowadanba. |
| 2008.09.13 abdirizak mursal South Africa | Asc wr wb salaanka dib dhamaan waad mahad santihiin aqyaarta xilka iska saartay in walaalahooda u bahan qoonta ey jahliga ka saaraan intaas kadib ikhwaanii aadbaan ugu farxay barnaamijkaan run ahaantii waana wax loo baahan yahay waxaana Allaah SW idiinkiiga baryay in uu idinla garab qabto anagana naga dhigo kuwii ku jahli baxa Asc wr wb |
| 2008.09.01 ismail yusuf Sudan | walaalayaal salaan qaali ah kadib barnaamikiina wax barashada aad ayuu u fiicanyahay waana laga faaiideeystay ee waxaann rajeeyneeyna inaad sii hormarisaan |
| 2008.08.12 maxamed xasan warsame Somalia | i want the name last antivirus |
| 2008.06.02 liban m cali Somalia | fikradeedu waa tan walal computerada ugu casrisan qeybqheda kaladuwan ayaa ladoonayaa walal sodadal iyo sida loo helaayo walal |
| 2007.10.20 Ismail Jama Salah United Kingdom | Assalaama calaykum. Walaalayaal aad ayaad u mahadsan tihiin, waana wax lagu farxo arintan aad bilowdeen ee ku saabsan waxbarashada Computer'ka. Waxaan ka codsanayaa cidii igu dhaanta program'ka la yidhaahdo FLASH, inuu iga caawiyo GAME, E-mail'kaygu waa ijsalah@hotmail.com |
| 2007.10.12 abshir Somalia | asalaamu calaykum walaal ciid mubaarik meelkasta oo aad joogtaan dhamaan akhiyaarta isku hawshay in ay soodiyaariyaan qaybaha waxtarka u leh computerka ayna ka faaiidaystaan cidii u baahan in ay ka faaidaystaan maadaama oo uu noqday imika computerku qalinka waxlagu qoro ama looga faaiidaysto macluumaadka aan laga helin ama aan laga helin buuga ama qalinkan. waanad ku mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad u soodiyaariseen. |
| 2007.09.03 Abdi rabi abdi aziz omar Canada | waxaan ahay wiil soomaliyaad oo doonaya INUU helo mustaqbal fiican haduu ilaahay yiraahdo iyo mustaqbal fiican igana soo xiriira cinwaan kan hoos ku xusan ccadil@hotmail.com |
| 2007.09.03 Abdi rabi abdi aziz omar United Kingdom | waxaan doo nayaa inaaan helo jamad helo dalka india marka umada soomaliyeed ha ii soo duceeyaan wabilahi lowfiiq |
| 2007.07.31 xuseen cilmi cali otto dheere Kenya | dhamaan waad salaaman tihiin salaan ka dib waxan ka helay qaabka aad u uruurineysaan figradaha ,waadna ku mahadsan tihiin ,waxaan ahay ciyaartoydii hore ee xulka qaranka somaliyeedm hada waxaan ahay wariye ka howlgala idaacad ku hadasha afka somaliga oo la yiraahdo FRONTIER FM (CODKA SHACABKA) |
| 2007.07.06 c/qaadir maxamed ciise Somalia | waxaan ahay arday ka qalan jabiyay dugsi sare oo doonaya inuu deeq waxbarasho kahelo dalalka dibada ah aad iyo aad ayaan ugu baahanahay arintaas madaama dhanka waxbarashada wadankeena ku liito laakiin dagaalada kahor ok buu ahaa wadanka ilaahay ha'iifududeeyo insha alaah igala soo xiriira hadii aad arimahaas ii hayso : maslax60@hotmail.com |
| 2007.07.05 abdi rabi abdi asiis adil Somalia | waxaan jeclahay gabar layiraahdo nasra waxaana rabaa inaan guursado mustaqbalka dhow haduu alla idmo sidaa darteed waxaan ka codsanayaa inay walaalahayga muslimiinta ah inay iigu soo duceeyaan inaan helo inantaas waxaadna igala soo xiriiri kartaan krish.23@hotmail.com. abdirabi@hotmail.com |
| 2007.07.05 cabdi ra'uuf cabdi casiis cumar United States | walaalayaal waxaan idinka codsanayaa inaad diintii ilaalisaan meel kasta aad tagtaan maxaa yeelay wadamadaan gaalada waxay usoo jeesteen inay dadka duleeyan anigu waxaan jeclahay inaan helo naag muslim oo saalix ah maxaa yeelay waxaan ahay wiil dhalan yaro ah oo doonayo inuu guursado gabar wanaagsan igana soo xariira cinwaan keyga oo ah HANAD57@HOTMAIL.COM OR CABDIRAUUFYARE@HOTMAIL.COM |
| 2007.07.04 c/qani Somalia | waxaan ahay araday cusub oo dhigta hard ware waxaan doonayaa inaad ii soo dirtaa sawirada oo iyo casharada o xidhidhiia hadii aad kartaan waad mahadsantahiin |
| 2007.06.19 Mohamed Omar Mohamed ( Nageye) Somalia | LEt it be known chipset and jumbers in their difference i soon wait to get your reply dear brothers |
| 2007.06.19 Amina ALi Maxamed Canada | sidee loogu shubaa CD daatadaada |
| 2007.06.19 Amina ALi Maxamed Somalia | Waxaan idinka codsanaayaa in aa ii sheegtaan waamaxay waxa layiraahdo Harddisk |
| 2007.05.22 axmed waqooyi Somalia | walaal aad ayaad u mahadsantihiin shaqada aad khabaden waxaan in rajaynaa sifiican uguulaysadaan aniga waxaan rajaynayaa inaan ingu soobiiro sxb waad mahsantihiin2 byyyyyyyyyyyyy |
| 2007.05.02 saedbulhan Austria | waxaad ula dhacsanahay walalhayaga aad isu hawlay inay walalahood wax badan u faaiideeyaaaaaan inshallaaaaah walalo ha caajisin a dadaal aalle ayaa maciina ah |
| 2007.03.22 saeed issa United Kingdom | magaranayo |
| 2007.02.06 abdi rizaq Somalia | walal aad baad u mahadsantiin marka hore waxaan rabaain aad ii sheegtaan sida data base loo diyaariyo mahad sanid walal |
| 2007.01.22 mustafe cabdi iidaan Somalia | aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa bahadka site-kan abaabushey inshaa laahi waad heli doontaan abaalka aad dayarta barta cilmiga kombuyutar-ka aad u fududeyseen idinkoo afsoomali ugu turmujiyey waxaan idin leeyahay alle ha idin garab galo if iyo akhriba khatumadiina khayr alle ha ka dhigo |
| 2006.09.19 abdihakim Kenya | waxaan codsanaa in aan barto qeebta computerka ee fu fur ka taas malaygu caawin karaa |
| 2006.07.16 c/xakim Turkey | marka hore waad mahadsan tihiin waxaan idin leeyahay sii wada dadaalkiina ku soobsanaa aalada computerka, waxaan fidradeeda ku darayaa in aad ku soo dartaan barashada dream waever falash fı;rework iyo wixii la mı;d ah |
| 2006.06.25 cabdi raxmaan sheik cismaan cali Qatar | asc walaal intaa ka dib waxaan ahay ardday somaliyeed oo wax kadhigtaa wadanka qadar waaxaan idiin soo jeedinayaa mahad naq aad u wayn 009745134670 ddoha qataqr ama calawi505@hotmail.com |
| 2006.04.28 Mohamed Gandi Germany | Marka hore waan u mahad celinayaa dhamaan bahda somalisoftware iyo intii isku taxalujisay sameynta webkaan runtii waxaa hubaal ah in ay dad badani oo soomaali ah ay ka faaideysteen idinka alle ajar ha idinka siiyo waxaana ideen leeyahay halkiina ka sii wada bye |
| 2006.04.16 axmed muuse xusein Malta | aad iyo aad ayana ugu farxasanahya sida qiimaha weyn leh aad noogu faiideesen waxan idinleeyahay dadaalkiina siiwad aad walalihiina wax ku fahan sineesan waxadiga so xiriri kartan axmedmuuse8@hotmail.com |
| 2006.04.16 mustaf Malta | slc dhaman aad iyo aad ayad u mahad san tihiin walalaheena jecel in aay noo faiideyaan jecelna in ay horumar garsiiyaan walalahooda somaliyed jooga aduunyad dacaladisa wax aad manta ad u farxay iftiinka waxbarasho aad no muujiseen wana mahadsan tihiin meelkastoo aad jogtaan waxdna iga la so xiriri kartan shafi545@hotmail.com ,,,malta ,valletta |
| 2006.04.05 maxamuud jaamac sahal Somalia | wlaal la yaal waad ku mahad san tihiin maxamuud217@hotmail.com anigoo ad iga heli kartaan |
| 2006.03.12 xasan cilmi guure Somalia | WWW.wanaag aad nosamayseen run ahaatiihalakn lagama soo koobikaro ilaahbaa idinkaa abaal marinaya laakiin waqtibadan ayaa loobaahanyahay waxaana ookale sida lguqorayo (WEBSITE-kaan) diinta ilaahay iyo waqtiga salaada ogaada yeysan idin mashquulin aduunyo ilay yurub walagu gaalooba lacag iyo aduun balaga fikiraa walaala yaal waad mahad santihiin diintana hadayicinina iantaad aduun kafikiraysaan Wacalykuma salaan waraaxmatulaahi wabarakaatuhu (guure34@hotmail.com) |
| 2006.03.09 a/samed Somalia | waxaan mahad balaaran usoo jeedinayaa dhamaan akhyarta k aqayb qaatay dhismaha web pagekan lagu baranayo casharadan aad iyo adk au qiimo badan |
| 2005.12.21 w.barakat Lebanon | hey hey i wanna to join with u all .... and i like to help this country and thank so if any body can answear me |
| 2005.11.09 m.a.y Somalia | walaalayaalaad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin sida fiican ee aad walaalihiin ugu dadaasheen wa jazaa kumu Allahu khayran. |
| 2005.08.13 Asli Farah Ahmed (Urgub) United States | Asalaamu caleykum Waraxmatulaahi Wabarkaatu Salaantaas qiimaha badan kadib. Hilaah bey mahad oo dhan u sugnatey. Walaalayaal ilaahey ha idinka awaalmariyo casharadaan wanaagsan ee aad walaalihiin Soomaaliyeed ee aad u soo gudbiseen wuxuu ilaahey idin baray, qayr iyo xasanaad ilaahey ha idin kugu baldalo (Aamiin). Intaa kadib aad baan u fahmey ugana faa iideystey casharkan. Anigoo qaadanayo (Upgrading and Repairing PCs) Insha-allaah waxaan rajeynayaa in aan qaato degree ah Computer Information system. waad mahadsantihiin. Dadaalkiina halkaa ka sii wada, anagana ardeyda nahay(Somali)waan dadaaleynaa, Insha-allaah. |
| 2005.05.27 Ali Abdule Salaad Sweden | Asalaamu Calaykum Dhamaan walaaheega muslimiinta gaar ahaan Somaalida walaal aad ayaan ugu farxay hoosha meesha ka socoto iyo dadkii talada kulahaa waxaan idin leyahay meeshaas kasii wada ilaaheey ha idinla garabkagalo |
| 2005.05.26 baxsan Somalia | waxaan qabaa in ay wanaagsantahay in lahishiiyo si loo walaaloobo |
| 2005.05.04 caddaawe83 Somalia | walaal fikradaydu aad ayuu ilaa fiicanyahay web kaani9 inkastoo aanan wada akhrin laakiiin faahfaahin dheeraada ma laiga siink araa hadaan su alo idiin sooo gudbiyo wsc wr wbk |
| 2005.02.23 maxamed Somalia | FIKRADAYDU WAXA WEEYAAN IN AAN HELO BARASHADA SOFTWARE |
| 2005.01.27 maxamed Somalia | waxaan rabaa soo gaabanta hardware-ka iyo walaiba su'aalo iyo jawaabo walaal waad mahasan tihiin |
| 2004.12.18 Abdalla somali Norway | walaal waxaad warbixin iga soo si saan Capacity ugu fiiacan ee kubuytarka gacanta lagu qaato iyo sida aay u kala fiican yihiin |
| 2004.11.23 badrti xuseen geel Somalia | waad salaamantihiin dhamaan daadihiyayaasha website kan hadaad tihiin,walaal dadaaal kiina halkaa ka sii wada waa noo faa idaysaane allana ha idin ka jasaa,i siiyo inaxuseen@somalilife.com |
| 2004.11.18 axmed daa'uud Somalia | runtii howsha aad haysaan waa howl aad u muhiim ah, waxaanan oran karaa waxa lagaga kaaftoomayaa baahidii loo qabey in meelo kale oo ajnabi ah laga raadsado hadware, waxaanan idinkula talinayaa in aad howshaa sii wadaan oo aad horumarisaan. nabad gelyo |
| 2004.10.28 mahamed a/laahi Nigeria | Aaad aad ugu mahad santihiin Hawsha halyaynimada ah ee aad u haysaan walaalihiin somaliyeed idin ka ilaahay bedelkeeda ha idin siiyo. by. Agta_Xaji |
| 2004.10.04 mawliid Somalia | aad ayaad ugu madsantiin siga aad ugu faa ii dayseen walaal lihiina jecel |
| 2004.08.04 farxaan Kenya | ac wr wb walaalayaal waad salaamantihiin salaan kadib waxaad ku mahad san tihiin howlsha aad u qabateen umada soomaaliyeed oo aan u arko in ay muhiim u tahey jiilka hada soo kacaaya ilaahey hadinka abaal mariyo wa salaamu calwykum |
| 2004.06.02 cabdirisaaq daacad Norway | (f)ا; ح;ب;ك;م; ف;ي; ا;ل;ل;ه; (f) Awalana Al xamdulilaah waxeey mahad u sugnaatey Allaah idiin samaxay in aad walaalihii kale u faa ii deysaan Jazakumullaahu kheeyran jamiican walaalaha webkaan sameeyey Insha Allaah Anigana waxaan u sii gudbin doonaa walaalo badan oo u baahan. webkaan wabilaahi towfiiq asalaamu caleeykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu |
| 2004.04.03 c/qadir sugulle Somalia | walaal waa mahadsan tihiin, dhammaan dadka ka shaqeeyey isla markaana diyaariyey bogga somalisoftware kaas oon run ahaan tii si wacan uga faa'iidaysanay aniga iyo ciddii ila mid ahba. walaal waxaan fikrad ahaan idiin soo jeedin lahaa inaad ku soo kordhisaan boggan sharafta leh qaybo kale oo ku saabsan software iyo operating systems ka sida(windowsya, 98, me, 2000, iyo xp), run ahaan tii baahi ballaaran ayaan u qabnaa inaan helno gacan ku saabsan programadaaas aan soo sheegnay. sidaas iyo nabad galyo, kheyr guul baan u rajaynaynaa shaqaalaha webkaas |
| 2004.03.11 Yaaska Netherlands | Aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin sida aad bulsho weynta somaliyed uga haqab tirteen baahida computerka..Waxaana idiin leeyahay meeshiina ka sii wada. |
| 2003.11.30 cabdirisaaq xasan xirsi cadaawe(father_of_love11@hotmamil.com Somalia | walaalayaal haad baad umahadsantihiin dhamaantiin haad baan ugu faa iideytay wax barashada computerka waxaana jogaa meel lagu barto internet iyo computerka aad baan ku is ticmaalaa interneka qeebta somalisoftware.com waan mahasantihiin dhamaantiina (Write By cabdirisaaq xasan xrsi cadaawe"; father_of_ove111@hotmail.com |
| 2003.11.12 ibraahin cumar jaamac Somalia | walaalayaal aad baad u mahadsan tihiin hadaad tihiin bahda somalisoftware,intaa ka dib waxaan aad ugu faraxsanahay hawshan aad dadka soomaaliyeed u qabateen oo ah mid aad mafcigeeda helaysaan allah hortiis. |
| 2003.09.21 cabdiraxman said mahamud Somalia | marka hore salama caleecum waxaan amaan ucelinaa qofkii ama dadkii soo sameehay ama ufududeehay arintaan waxaana leenahay ahagana waxa eeraban alaha ufududeeyo aamin |
| 2003.08.22 haji-jiidhe (laalays) Somalia | fadlan waxaan idinka cdsanayaa inaad ugu soo shubtaan ardayda ku nool daafaha dunida wax kasta oo macluumaad ah si ay ula jaan qaadaan ardayda jaamacadaha wax ku barata oo ay u noqdaan arday iyagu wax is bara (intaas ayaan idinka codsanaya hadaad tihiin ingineerada computerada ) |
| 2003.08.16 kalle Senegal Republic | kalle wanna know what this is!;!;!; |
| 2003.08.08 Ahmed Hassan New Zealand | walaal ilaah ayaa mahad iskaleh intaas kadib waad mahadsantihiin bahda somalisoftware sida aad ugu faa ideeseen somlida ilaah hadinka abaal mariyo wabilaahi towfiiq |
| 2003.08.02 Youth Development Organization (YoDO) Bosaso Somalia | hadaa naha y ururka horumarinta dhalin yaradaee YODO waxaan mahad balaaran u soo jeedineynaa dhamaan dadkii soo diyaariyay barnaamijkan brashada computerka, waana wax ay dhalinyarada soo maaliyeed kafaa ii deysan doonto, waxaana dadka barnaamijkjan wado ku dhiia galineynaa in ay horay u sii socdaan. byeee YODO BOsaso. |
| 2003.08.02 cabdiqani daahir yuusuf Somalia | bismilaahi. s.a dhamaan aad iyo aad ayaanugu faraxsanahay,barnaamijkan ku saabsanbarashada computer ka, waana arin aad iyo aad loogu farxay,waxaan mahad balaaranuga soo jeedineynaa dhalinyradii soo diyaarisay, waana wax taariikhda gali doona. mahasanidin. |
| 2003.05.11 Hashi Deck Buraalle Kenya | Waxaa mahad leh ilaahii inoo suurta galiyay dhamaanteen howshan kiisameeyay iyo kii akhristayba. Intaa kadib way kumahadsanyihiin walaalahayaga isxilqaamay ee arkay baahida loo qabo computerka iskuna dayay inay kahaqabtiraan dadka soomaaliyeed ee ubaahan. Hadaba waxaan idin leeyahay hakadaaline sii wada. Ugu danbeeyntii waxan idin dhihi waxaad moodaa in dadka aad oogu talogasheen inay akhristaan ay farabadanyihiin marka waxaa fiicnaanlahayd bay ila tahay inaad stage stage uyeeshaan. By: hashideck@draac.com |
| 2003.05.02 Dayib Xaashi Kadiye Sweden | Qalad saxid qoraalka hoose--> java, javascript, c, c++, vb(visual basic) |
| 2003.05.02 Dayib Xaashi Kadiye Sweden | Marka hore Asalaamu Caleykum --> Marka Xigtana waxaan meeshaan Ugu Mahad celinayaa Dadka Isku soo duba riday Bogaan waxaana Aamin sanahay in aad farxad galiseen dad badan oo walaalahiin ah oo jecel barashada Computer ka --> Aniga waxaan ahay arday somaliyeed oo Computer Science sannadka labaad ka barta Wadankan Sweden jecelna Programmering sida Java,javaScript, c, c++, Authoware programering, Vb iyo lisp oo hadda aan barto... waxaan jeclaan lahaa hadii eey jirta arday somaliyeed oo xiiseysa Programmering ama aan wax iska caawino fadlan igala soo xariira dayib@spray.se |
| 2003.04.21 Mukhraar Dheeg Kenya | ACWW, Waxaan mahad balaaran u celinayaa dhamaan intii ka danbaysay fulinta somalisoftware, waxaad u fududayseen walaalihiin somalieed ee ubaahan in ay waxbartaan ee aan tagi karin goobaha wax lagabarto, waxaan idikula talinayaa in aad dadaalkiina sii wadaaan thanks |
| 2003.03.24 abdim Kenya | Asalaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu. salaantaa kadib waxaan idinka mahad celinayaa xilka aad iska saarteen in aad umadiina soomaaliyeed uga faaideysaan cilmiga computer-ka oo aad waliba xil gaar ah iska saarteen in aad ku soo diyaarisaan Af-kii soomaaliyeed casharo faa ida badan u leh umada casrigan si aayba cidna u seegin, ayada oo aay maanta xaalada soomaaliya meel xun ka daganeysa. aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin waxaan idinkula dardaarmayaa gaar ahaan adinka guud ahaan umada soomaaliyeed in xil sare aay iska saaraan inta wax taqaan sidii aay umadooda uga faa'ideyn lahaayeen cilmigooda ee uu Alaah u hibeyay. cid kasta taariikhda ayaa xusi doonta kune xusi doonta xumo ama samo. adinka waxa aay idinku xusi doontaa dhana samada. wabilaahi towfiiq, wasa/ war/ waba. |
| 2002.10.06 Hassan Haji Finland | Waxaan aad iyo aad idiinku mahadcelinayaa dadaalkaan aad ka marteen hagaajinta iyo isku dabaridka barnaamijkaan wax barida aradada soomaaliyeey. Anigu waxaan dhigtaa HELTECH (Helsinki City College of Technology) sanadka labaan oona waxaan bartaa Computer Hardware iyo Network. Mar alaala markaan aan wax yaabaha qaarkood aan fahmiwaayo halkaan ayaan ka helaa wixii jawaabo ah. Mahadsanidiin walaalayaal. |
| 2002.04.16 Abshir Cabdi Cumar Norway | Walaalayaal assalaamu caleykum. Marka koowaad waan idiin mahad celinhayaa run ahaantii sida walaalnimada kujirto ee aad waxbarashadiina noogu wada anfacdeen. |
| 2002.02.21 maxamed Netherlands | asalaama caleykum walaal yaal waxaan rabaa in aan wax ka ogaadoo shirmah in laa is timaalii karoo iyo in kele |
| 2002.02.19 Maxamed Muuse Cali Denmark | Waxaan dhamaan salaan kal iyo laab ah hawada u marinayaa dhamaan shaqaalaha Shir mah programming walaal salaan ka dib aad ayaan ugu farxay fekradan aad samayseen ilaahayna hadin la qabto run ahaantii taasi waa mid aad loogu riyaaqo sababtoo ah qof kasta oo ku hadla af Somali oo qori iyo akhrin kara uu aad ugu faa";iideyn karo oo diyaar u ah in uu wax barto marka walaalayaal waad daddaasheen oo aad udadaasheen umadda soomaaliyeed meel kasta ay joon gaan oo heli kara Computerka waa maxamed muuse oo idin leh ismadhaafno waa billaahi tawfiiq |
| 2002.02.15 Ali Yare Portugal | Aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihiin, casharadaan fiican oo aad noo diyaariseen Rabbi ha idinka abaalmariyo,umada Somaliyeed meelkasto oo ay joogaanba waa idiin soo mahadceliyeen, sida uu yiri Ninka Mohamed said(Socdaal)";nasiib uma yeelan boqolaalka bog ee internetka ku jidho amaantaan";. Waa runtiis, Amaan ma helaan intooda badan, taana waxa aad ku mutaysateen casharadi fiican oo aad noo diyaarseen. Sii wada dadaalkiina. |
| 2002.02.11 C/qaadir,Muslimo,fardowso,naciimo iyo Nafiso. Sweden | Salama caleykum,Salaan ka did waad ku mahad santihiin,waxaad sameyseena waa arin aad iyo aad ufiican,Ilaahana ajir ha idika siiyo. |
| 2002.02.10 Mohamed Ali Switzerland | Salaanta Islaamka kaddib, runtii anig mahaayo erayo ku habboon oo aan ku cabbiri karo qiimaha ay leedahay howsha aad qabateen; waxaanse kaliya oo aan idin dhihi karaa kaha daalina dadaalkiinna,ILAAHNA ha idiinka abaal mariyo. M. Ali |
| 2002.01.31 Mohamed Said Yusuf(Socdaal) United Kingdom | Salaamu calaykum Run,ahaantii SHAQSIYAN si aad ah ayaan uga faa,iidaystay casharadiina dhaxalgalka ah, waana idiinka mahadcelinayaa hadaa tihiin SHIRMAH waxaana idinleeyahay RABBI ha idinka abaalmariyo barnaamijkaan qiimaha iyo qaayaha leh oo aad inoo soo diyaariseen. Waxa aan umalaynayaa abaalmarinta RABBI ka sokow, in ay idin qancindoonto bahdiina SHIRMAH, kumanaanka kun oo Soomaaliyeed oo aduunka dacaladiisa idinka soo mahad celinayso, kana faa,iidaysatay casharadaan dhaxal galka ah!;!;!;. Waa hubaal in ay jirtan umalaymayo(Aragtidayda) soo dhawaynta iyo hambalyooyinka aad ka helaysaan kumanaanka kun oo Soomaaliyeed oo kala joogta darafyada aduunka, Bogaadintaan oo kale nasiib u,mayeelan boqolaalka bog ee af Soomaaliga ku qoran oo ku jirto Internet-ka. taasina waxa aad ku kasbateen casharada nacfiga iyo naruuraha xambaarsan oo aad usoo gudbiseen dadkii aad u,dhalateen, waxna aad u barateen. Guntii iyo gabagabadii ha ka caajisinina in aad sii kobcisaan kaalintiina. msocdaal@hotmail.com |
| 2002.01.29 Asha Hussein Canada | Aad ayey ugu mahadsan yihiin dhamman dadkii sida balaran uga shaqayey howlahan mahadsanidiin mar labaad......... |
| 2002.01.24 Mohamood Ismail(H Cadhoole) United Kingdom | Asalaama Calaykum, waxaan fikrad ahaan ka odhan barnaamijkan waxbarasho ee aad wadaan in uu yahay mid aad iyo aad u qiimo badan ahna wax aad iyo loogu baahnaa waxaan walaalayaal idinku guubaabinayaa in aad intii karaankiina ah sii wadaan hawshan qiimaha badan Haddii Ilaah idiin idmo Waxaan idiin rajeynayaa caafimaad iyo camal suuban ARDEY BAA AHAY AKHRITA CULUUMTA LA YIDHAAHDO CHEMISTRY MAGAALADA BRISTOL EE CARIGA INGIRIISKA WASALAAMU CALAYKUM. |
| 2002.01.22 Khadar Ahmed Canada | waad salaamantahiin, waan idiin mahadcekiniya sida fiican eed barmamushka isugo soo duba rideen, isago oo ah mid aad loogu baahna runtiina anigu gaar ahaan waanku farxay markaan arkay,Ilahay haydinla garabqabto, waad mahadsantihiin. |
| 2002.01.08 Suradley.com. Somalia | halkaa kawada aad ayaad udadlaaysaane. maxaad u malaynaysaan insha alaaahu hadii wadankii lagu noaaqdo kaalinta uukumbuyutarku ka qadanaayo dib u dhiska dalka ? |
| 2002.01.08 IBRAHIM.A.. Denmark | AAD AYAAD UMAHAD SANTIHIIN HALKAS KAWADA FAVELED |
| 2001.12.27 abshir ali gabaad Netherlands | Aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin dhamaan dadkii ka dambeeyey fursadan qaaliga ah. |
| 2001.12.23 abdi wahab hared United States | waads mahad san tahiin saxibayaal waxaana idin leenahay hambalyo meelfiican baad kawdaan waxaan rajaynayaa inaan idin ku soobiiro hadii ale idmo mahad sanidin |
| 2001.12.23 m.yusuf Netherlands | slm clykm salaan iyo mahadnaq kadib waxaad u faa'iidayseen umadiina,tasina waxay ka midtahay nuurcusub oo soo baxay,waxan idin odhanlahaa sii wada dadaalkiina ALLAHA ha idin gargaree |
| 2001.10.24 abshir ali mahamoud(gabaad) Netherlands | Aad iyo aad ayaan idiinku mahad celinaynaa maadaama aan maanta afkayaga aanu fursad ku helanay in aanu wax ku barano,mahad alaah ayaa iska leh iyo ragii fursadan u helay. |
Fadlan halkaan ku qor fikraddaada