Floppy Disk Drive (FDD)
___________
Floppy Disk Drive uu cabbirkiisu yahay 3.5" oo la
sawiray isagoo marna kumbiyuutarka ku rakiban (bidix) marna
keligii gaar loo soo furay(midig)
Sida aan ku soo aragnay casharka 3-aad, Floppy Disk Drive-ku waa halka kumbiyuutarka laga geliyo cajaladda yar ee kumbiyuutarka lagu isticmaalo loona yaqaan "Floppy Disk" ama Diskette, waxaana astaan u ah xarafka A:. Floppy Disk Drive-ka oo loo soo gaabiyo FDD wuxuu ku dhex dhisan yahay santuukha kumbiyuutarka wuxuuna ka mid yahay qaybaha asaasiga ah ee kumbiyuutarka ilaa waagii la soo saaray la socday, marka laga reebo in yar oo ka mid ah kumbiyuutarrada yar yar ee gacanta lagu qaato (Portable Computers) oo la iibiyo iyaga oo aan FDD lahayn.
Baaxadda iyo cabbirka Floppy Disk-ga
Sida Hard Disk-ga ayaa baaxadda
Floppy Disk-ga waxaa lagu cabbiraa Byte, KB (kilobyte) iyo MB
(megabyte). Haddaad u baahan tahay faahfaahin dheeraad ah oo ku
saabsan cabirradaas iyo waxa ay kala yihiin fadlan fiiri Casharka 14-aad gaar ahaan qaybta "Baaxadda Hard Disk-ga".
Diskette-yadii ugu horreeyey aad ayay u waa weynaayeen
cabbirkooduna wuxuu ahaa 8 inch (8") oo u dhaganta 20.32 cm,
baaxaddooduna waxay ahayd 360 KB. Muddo ka dib waxaa soo baxay
diskette-yo uu cabbirkoodu ahaa 5.25 inch (5.25") oo u
dhiganta 13.34 cm. Diskette-yadaas mudo dheer ayaa la
isticmaalayay waxayna lahaayeen baaxadaha kala ah: 160 KB, 320 KB
iyo 1.2 MB. Muddo aan sidaa u sii fogayn ayay shirkadaha
kumbiyuutarrada sameeyaa joojiyeen samaynta FDD-yada iyo
diskette-ya uu cabirkoodu yahay 5,25, sidaa darteed waxaa laga
yaabaa in aad aragto kumbiyuutarro duq ah wata FDD noocaan ah.

Diskette uu cabbirkiisu yahay 3.5"
1987-kii ayaa waxaa soo baxay nooc uu cabirkiisu yahay 3.5 inch
(3.5") oo u dhaganta 8.89 cm. Noocaan oo ah nooca ilaa iyo
maanta la isticmaalo wuxuu u kala baxaa saddex nooc oo xagga
baaxadda ku kala duwan. Saddexdaas noo waxay kala yihiin: 720 MB,
1.44 MB iyo 2.88 MB.
Labada nooc ee ay baaxaddoodu kala tahay 720 MB iyo 2.88 MB inta
badan lama helo oo suuqa way ku yar yihiin, waxaase aad loo
isticmaalaa oo kumbiyuutar kasta la socda nooca ay baaxaddiisu
tahay 1.44 MB.
Labada nooc ee uu cabbirkoodu kala yahay
5.25" iyo 3.5" way isa soo gaareen, intii muddo ahna
waxaa la soo saari jiray kumbiyuutarro wata labo FDD oo uu
cabirkoodu kala ahaa 3.5" iyo 5.25". Haddaad u fiirsato
xarfaha astaan ahaan u taagan Hard Disk-ga, Diskette-ka,
CD-ROM-ka iwm, waxaad arkaysaa inay kala yihiin A:,
C:, D:, E:
iwm. Haddaad arrintaas mar labaad u sii fiirsato waxaad arkaysaa
in laga booday xarafka B: oo waxaa laga yaabaa
in aadan marna arkin qayb ay astaan u tahay B:.
Xarafkaas waxaa loo daayay oo loo isticmaali jiray FDD-ka labaad.
Laakiin markii FDD-ka uu cabirkiisu ahaa 5.25" uu suuqa ka
baxay ayuu xarafka B: banaanaaday ilaa iyo
maantana waxba looma isticmaalo, maadaama kumbiyuutarrada maanta
la isticmaalaa ay inta badan wataan hal FDD oo uu cabirkiisu
yahay 3.5". Laakiin qofkii doonaya inuu kumbiyuutarkiisa ku
isticmaalo labo FDD oo uu cabbirkoodu kala duwan yahay ama isku
mid yahay wuxuu xarafka B: u isticmaali karaa
mid ka mid ah labadaas FDD. Markaa labada FDD midka noqonaya A:
iyo midka noqonaya B: waxay ku xiran tahay hadba
afka ay kaga xirmaan fiilada xiriirisa FDD-ka iyo kumbiyuutarka
intiisa kale. Fiiladaasi waxay sida caadiga ah leedahay laba af
oo u kala taagan A: iyo B:.
Casharkeenna inta ka hartay waxaan uga hadli doonnaa nooca
3.5"-ga ah.
Muhiimadda Floppy Disk Drive-ka
Kumbiyuutarradii ugu horreeyey ee uu noocoodu ahaa PC-gu ma aysan lahayn Hard Disk waxayse lahaayeen FDD, dhammaan akhbaarta uu kumbiyuutarku u baahdo inuu kaydiyana wuxuu ku kaydin jiray Floppy Disk (Diskette). Xilligaas wuxuu FDD-ku ahaa qayb aad u muhiim ah oo la'aanteed uusan kumbiyuutarku qiimo badan lahaan jirin ama uu isticmaalkiisu aad u adkaa. Dawrka FDD-ku wuxuu hoos u dhacay markii uu Hard Disk-gu soo baxay ee uu la wareegay kaalinta 1-aad ee hawsha kaydinta akhbaarta iyo program-yada kumbiyuutarka ku jira. Markaa Taasi waxay keentay in FDD-ku uu soo galo kaalinta 2-aad hawshiisu ay isgu soo ururto qodobada kala ah: akhbaar u kala gudbinta kumbiyuutarrada (File Copy) iyo program-yada cusub ee kumbiyuutarka la geliyo (software installation). Markii uu CD-ROM-ku soo baxay islamarkaana baaxadda program-yada kumbiyuutarka la geliyaa ay sare u kacday ayaa waxaa dhacday in FDD-ka xataa kaalintii 2-aad lagu qabsado oo CD-ROM-ka ayaa la wareegay in badan oo ka mid ah hawsha program gelinta kumbiyuutarka (Software Installation). Maanta dawrka FDD-ka iyo diskette-yadaba aad ayuu hoos ugu dhacay, waxaase weli loo isticmaalaa hawlaha ay ka mid yihiin:
Dhismaha Floppy Disk Drive-ka
FDD-ku wuxuu xagga dhismaha shabbahaa Hard Disk-ga inkastoo halka uu Hard Disk-gu ka isticmaalo Platers isaga ku dhex dhisan, FDD-ku uu isticmaalo Diskette dibedda ka ah oo markii loo baahdo la geliyo, diskette-kaas oo uu ku dhex jiro saxan jilicsan oo u dhigma Platers-ka Hard Disk-ga (fiiri sawirka hoose).


Floppy Disk la kala furay oo qolofkiisii (bidix) iyo
saxankiisii (midig) la is garab dhigay
Xagga dhismaha FDD-ku wuxuu ka kooban yahay qaybaha ay ka mid yihiin:
Qaybahaas ayaan halkaan mid mid ugu soo qaadan doonnaa.
Heads-ka
FDD-ku waxay sida kuwa Hard Disk-ga hawshoodu tahay inay
waxna ku qoraan waxna ka soo akhriyaan Diskette-ka markaa
ku jira FDD-ka. Heads-ka FDD-ku waxay si toos u taabtaan
oo ay ku dhagaan saxanka diskette-ka ay wax ku qorayaan
ama ay wax ka soo akhrinayaan, halka Heads-ka Hard
Disk-gu ay kor uga yara kacsan yihiin oo aysan taaban
Platters-ka. Taasna waxaa u sabab ah saxanka diskette-ka
oo aad uga jilicsan Platters-ka Hard Disk-ga iyo
xawaaraha FDD-ku uu ku wareego oo aad uga hooseeya kan
Hard Disk-ga, taasoo keenaysa in Heads-ka FDD-ku aysan
xoqin oo aysan dhibaato u geysan saxanka Diskette-ka. Si
kastaba ha ahaatee waxaa dhacda in istaabashada Heads-ka
iyo saxanka diskette-ku ay muddo ka dib keento in qashin
ku samaysmo afka Heads-ka taasina ay keento in Heads-ku
aysan u shaqayn sidii loogu tala galay, waxayna markaa u
baahanayaan in la nadiifiyo.
Saxanka diskette-yada maanta la isticmaalaa wuxuu sida
Platters-ka Hard Disk-ga leeyahay laba dhanac oo wax
looga qoro, sidaa darteed wuxuu FDD-ku leeyahay laba Head
oo uu midba dhanac uga dhago saxanka diskette-ka (Fiiri
sawirka Heads-ka ee Casharka 15-aad)
Head Actuator-ku waa qaybta dhaqaajisa Heads-ka oo geysa hadba Track-ga la rabo in wax lagu qoro ama wax laga soo akhriyo. Head Actuator-ka FDD-ku aad ayuu u gaabiyaa marka la garab dhigo Head Actuator-ka Hard Disk-ga, taasina waxay ka mid tahay arrimaha keena in FDD-ku uu guud ahaan aad uga gaabiyo Hard Disk-ga.
_____
Floppy Disk Drive-ku guud ahaan aad ayuu u
gaabiyaa, baaxadda diskette-yaduna aad ayay u yar tahay oo wax
badan ma qaadaan. Intaa waxaa sii dheer Diskette-yada oo aan
adkaysi badan lahayn si fududna ku kharribma. Boorka, qashinka,
taabasha faraha iwm ayaa diskette-yada kharriba, taasoo keeni
karta in akhbaarta aad Diskette ku kaydsato aad ka soo akhrisan
weydo markaad u baahato oo lagu yiraahdo diskette-ka wax lagama
akhrin karo. Sidaa darteed waxaa muhiim ah in Diskette-yada ay
kuugu kaydsan tahay akhbaarta muhiimka ah aad si gaar ah u
xannaanayso oo aad ka ilaaliso wixii keeni kara inay kharribmaan.
Haddii uu Diskette kaa kharribmo waxaad Diskette-ka marisaa
program-ka ScanDisk ee la socda Windows oo aad
ka helayso Start => Programs => Accessories =>
System Tools. ScanDisk waxaa loogu tala galay inuu
badbaadiyo wixii akhbaar ah ee ku jira Disk-yada dhaawacma,
inkastoo ay dhacdo in mararka qaarkood uu hawshaas ku guul
darraysto.
Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa CD-ROM-ka.
Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com
Waxaad tahay akhristihii 13415-aad laga soo bilaabo 2002-03-24
Casharkii Hore | SomaliSoftware.com | Casharka Xiga
| Magaca | Fikradda Akhristaha |
|---|---|
| 2009.12.13 Geelle C/laahi Geelle Somalia | Asalaama Caleykum Waraxmatulaahi Wabarakaatu dhamaan tiin waad salaaman tihiin walaal salaan ka dib waxaan aad iyo aad idiinka mahad celinayaa dedaalka iyo wakhtiga aad kubi xiseen inaad halkan ku soo gudbisaan Casharo Muhiim ah ku waas oo dad aad iyo aad u fara badani ka faa iidaysnayaan markaan akhriyey run ahaantii waanka helay Casharan dan aad soo diyaariseen aad iyo aad ayaan idiinkaga mahad celinayaa mar labaad dedaalka iyo wakhtiga aad ku bixiseen Casharadan Email Carab8008@hotmail.com |
| 2009.07.06 osman ahmed omar Qatar | walaaliyaa markale macquul matahay casharada malinkasta aad bixisaan ma iiguso xdiri kartaan e-mailka waa shanbiir@yahoo.com waad mahadasantiin ilaah ah idinka abaal mariyo. |
| 2009.04.21 hooyo macaan Kenya | c/s w/r ilaheyba mahad iskaleh wax barasho saas wax dhadka loma baro dhadka rawa in wax barayo wa in is il qama mesho jooga waxa laga rawa in so ban dhgo video sida dhadka u urkaan qoroal waxba matarayo walaal somalisofware fadlan halbil ayaa wax la gubarta computerka sida web disan webseda losameyo iyo acontica manement sida mamulka goley meshash ayaa byy kasim juma from kenya mombasa kalintown afven str by @kasim_234@hotmail.com |
| 2009.04.08 hassan haaji Yemen Republic | marka hore aad ayan ugu mahad celinayaa dhamaan dhalinta isku howshay arinkan ,xaqiiqdii howshani waa guul u soo hooyatay dhamaan dadyoowga ku hadla afka somaaliga meel kastooy joogaan , dhalintan kaliya waxaan ku tilmaami karaa khubaradan halgamayaal muhiim noo ah dhamaanteen ,tan kale aniga runtii aad ayaan uga faa'idaysay habkaan fudud , waxaan aad u codsanayaa in la igu soo hagaaji dhamaan websityada ka hadla madooyinka waxtarka u leh bulshada sida maadadan oo kale , waxaan sidoo kale aad u jeclaan lahaa inaa igu soo hagaajisaan web ka hadlaya biology kuna baxa afka soomaaliga sida kan oo kale kuna soo hagaaji sxb/sbxbad....... rafiil40@hotmail.com . waad mahadsantihiin dhamaantiin . |
| 2009.03.21 mahamed husein bile United States | waan idin salaamay bcd slm waxaan ahay wiil somaliyeed oo jecel inuu ku taqa quso networking marka waxaan rabaa inaan somali ahaana u barto idinkoo mahadsan igana caawiya wax yaalahaan idiin soo ban dhigo ana waan idin ka caawiya hadii cilad kaa haysato si aan idiiku soo gudbiyo cilad saar keeda mahadsanidin walaala yaal devidyare143@hotmail.com waan idin ka war sugin . ASCWW. |
| 2009.02.24 maxamad Somalia | waad mahad santihiin |
| 2008.11.02 Lowdhako Ireland | Asalaamu caleykum wr wb. salaanta islamka ka dib walaalaha sameeyey website kan aad iyo aad baan uga helanay ugana faa ii deysanay allaah ha idinka abaal mariyo waxtarkaa aad noo soo bandhigteen casharada tirada badan ee qiimaha leh jazaka allaahu kheyran . halkaas ka sii wada. su'ashaydu waxaa aytahay adinko igarali ahanaya walaalayal maxaad ugu sodriwaysen casharada JAVA iyo CISCO oo ad sidaso kale uso tafatirteen? waad kumahad santihiin dhamaan sida aad isugu howsheen casharkaas iyo dhamaan kuwa kale oo aad sowadanba. |
| 2008.09.15 maxamed United States | aniga oo ah wiil somaliyeed jecel inuu barto soft ware waxaaan u baahn aya in la iii faaahfaahiyo sida aaan u badala lihaaaaaa vcdaaan ugu digan lahaaa computerkeyga dvd ha la i caawiyo casharadaaan waaan ka helay |
| 2008.09.15 maxamed United States | asc |
| 2008.08.03 axmed Kenya | aad iyo aad ayaad oogu madahsantihin waxa aad u qabteen dadkiina dadka sameyey webkan |
| 2008.06.21 hassan a/laahi Somalia | habalyo waxan idinka habalyenaayaa barnamishaka internedka oo lugu kordhiye af somaliyeed in aad balaariseen ok bey magaceyga waa xasan ilkacase |
| 2008.06.21 sahra canshuur abtow Somalia | marka hore waxaad gudoontaan salaanta muslimka ay wadaagaan marka xiga waxaan idiinku habalyeeynayaa barnaamijkaan oo ah ka baro alada enternaaydka qaasatan wabsaadhka somalisoftware waxaan iidiin leeyahy habalyo |
| 2008.06.04 Rashid Karshe United Kingdom | Many, many thanks for all your efforts and dedication to put this programme together, and specially in our own language. I was wondering why I haven't seen this on any other Somali website. Well done to you and may Allah reward you greatly in the hereafter. Best wishes. Rashid Karshe. rashid@medecho.com |
| 2008.05.09 c/qadir xasan gooni Somalia | a/c dhalinyaradda sida hagar la'aanta ah u diyaarisay barnaamijkan qiimaha ugu fadhiya dhamaaan dadka soomaaliyeed, kuna qoran af -somali aan filaayana sida aan ugu faaideystay in dhalin badan ay sidaas oo kale ugu faa i dayso |
| 2007.11.22 cabdikariin xaaji mahamed South Africa | walaalayaal waad ku mahad santihin sida baaxada leh aad isugu howsheen barnaamijkaan wax barashada fudud ah aniga waa markii ugu horeeysay aan furo web kaan tan kale waxaan idunku baraarujihaa in aad kor usii talaabsataan oo barnaamijyo live ah aad sameeysaan si jiilka cusub ee soomaalda eey wax uga faa iideeystaan waadna mahad santihiin inti isku hoowshay barnaamijkaan all |
| 2007.11.09 xareed Kenya | thanks walaalayaa ma iigu soohagaajin kartiin e,mailkayga cashar walba oo baxa e.mailkayga waa xareed1234@hotmail.com |
| 2007.05.23 intisar sulieman Somalia | Asalaamu calaykum salaan kadib aad ayaa u mahadsan tihiin aqoontaa aad walaalihiin aduunka ku kala baahsan u fidiseen aakhiro iyo aduunkana ilaahay xasanaad ha idinka siiyo |
| 2007.03.09 BLAH United States | what language is this? |
| 2006.12.13 xasan cabdilahi jamac Somalia | mahad sanidin |
| 2006.09.10 guuleed xasan kaarshe Somalia | waxaan dadka akhristayaasha ka codsanayaa inaan halka loogu talagalay in loogu mahad celiyo dadkii hawshan qabtay aanay ku badalin cay iyo aflagaado ka reeban saxaafada iyo dhaqanka suuban waxaan ka codasanyaa dadka alkhrisayaasha inay wixii faaiido dheeraad ah ee ku saabsan tan bogan la iisoo diro idinkoo ciwaanadan hoos ku qoran isticmaalaya by guuleed xasan kaarshe kaarshe144@gmail.com kaarshe144@hotmail.com kaarshe144@myway.com |
| 2006.09.10 guuleed xasan kaarshe Somalia | assalaamu calykum walaalayaal waxaan idiinku ducaynayaa in ilaahay dadaalka aad soomaali oo dhan aqoontiina ugu deeqdeen isuguna hawsheen inuu idinka abaal mariyo walaalayaal waxaan bahda somali software inay wixii aad is leedihiin dadku waa ka wada dharagsan yahay ee ku saabsan computer ka iyo axwaashiisa aad aniga si khaas ah iigu soo dirtaan waxana ugu badan soft ware inta la isku yidhaado iyo hard ware ka ionat ka dhiman inta halkan ku qoran wabillaahi towfiiq by kaarshe@gmail.com |
| 2006.07.26 cabdirixmaan maxamuud Somalia | waxaan hayaa fikrad fiican oo ah in aan sifiican uakh riyay waraaqda [aad iyo aad baaidiin mahad celinayaa} Wabillahi tawfiiq walaalayaal |
| 2006.05.31 khadar cawaale cabdi Somalia | flopy disk noocyada ugu fiican isheega walaayaal waxaa kaloo aan idin weydinayaa csharo kale oo ku saabsan software makudari kartaan |
| 2006.05.22 nuur United Kingdom | waad mahadsan tihin 100 kiiba boqol dadaalka sii wada nur_ali@mail.co.uk |
| 2006.04.20 ismaaciil maxamedrashiid Aadan Canada | I am so galad to see like this programe concerning acomputer terminology, I wanna say those people who prepaid this knowledge anad even interpreted in to our mother toung, i would like to say, U try to do More and more what U R doing know. thank U my Alla with U guys |
| 2006.04.20 maxamed c/rashiid xaaji Kenya | waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in aan helno barnaamijyo noocaan oo kale ah, oo inoo sahlaya barashada computerada ayadoo waliba naloogu fasiray luqadeena soomaaliga ah, kolley waxaan leeyahay dadka soo qaban qaabiayay baranaamijkaan aadka uu xisaha badan waad mahadsantihiin. maxamed22@hotmail,com |
| 2006.04.06 maxamuud jaamac sahal Somalia | walaal a yaal waligay waan idiin mahad celin doonayaa walaala yaal runtii aad ayaad noogu faa idayseen walaalayaal mida kale aan maanta idinka codsanaya waxay tahay waxaan aad uga danbeeyaa maadada la yidhaahdo mathamatics ama maths walaal yaal maadaadaa oo aad u faah san naga soo dhaadhiciya maadaama walaalayaal aad joogtaan meelihii aduuntyada ugu wax barashada wanaag sanaa walaal |
| 2006.04.06 maxamuud jaamac sahal Somalia | walaal a yaal waligay waan idiin mahad celin doonayaa walaala yaal runtii aad ayaad noogu faa idayseen walaalayaal mida kale aan maanta idinka codsanaya waxay tahay waxaan aad uga danbeeyaa maadada la yidhaahdo mathamatics ama maths walaal yaal maadaadaa oo aad u faah san naga soo dhaadhiciya maadaama walaalayaal aad joogtaan meelihii aduuntyada ugu wax barashada wanaag sanaa walaal |
| 2006.03.12 xasan cilmi guure Somalia | WWW.wanaag aad nosamayseen run ahaatiihalakn lagama soo koobikaro ilaahbaa idinkaa abaal marinaya laakiin waqtibadan ayaa loobaahanyahay waxaana ookale sida lguqorayo (WEBSITE-kaan) diinta ilaahay iyo waqtiga salaada ogaada yeysan idin mashquulin aduunyo ilay yurub walagu gaalooba lacag iyo aduun balaga fikiraa walaala yaal waad mahad santihiin diintana hadayicinina iantaad aduun kafikiraysaan Wacalykuma salaan waraaxmatulaahi wabarakaatuhu (guure34@hotmail.com) |
| 2006.02.28 fadxi Somalia | aad iyo aad ayaad imahadasantihiin soo bandhiga aad noosoo ban dhigteen casharada. ee hanaga daalina soowada idinka oo mahad san |
| 2005.06.25 xaafid axmed maxmed Somalia | aniga oo ah akhris tayaasha wab baj kan aad baana iduun ku mahaad celi nayaa dhamaan tiin xaafid_@hotmail.com |
| 2005.06.21 qamar shiiraar Somalia | walaal waxaan marlabad idinkugu hamabalyeeynayaa fikrada fiican ood noo kenteen madaama aad tihiin dad soomaaliyeed oo aad ufiican waxaan rabaaa inan barta soft ware programs ee fadlan iisoo sheego sida oogu sahlan aan kubarankara maadaamaa aan hada kuguda jira barashadaas ayna igu adagtahay waxaadna iigu soo hagaajisaan qamareey1@hotmail.com |
| 2005.06.21 qamar shiirar Somalia | walalayaal waad mahadsantihiin aad ayaad umahadsantihiin |
| 2005.03.16 Liban mohamed Syria | aad ayaad ugu mahad santihiin sida fiican ee noogu soo gudbisaan casharada |
| 2004.12.04 cabdoumagid India | walaal waa mahadsantihiim dhamantiin intaan barmaamijka sooo saarteen waxan idin leeyahay sii wada halkaas wayo dad badan ayaa ka faa idiisatay waxan ku dartaan waxkasa sawirkiisa sida ku caalamka oo kale lakiin waad wanaagsantihiin ilaahay ajar ha idin ka siiyo walaal |
| 2004.12.04 cabdoumagid India | walaal waa mahadsantihiim dhamantiin intaan barmaamijka sooo saarteen waxan idin leeyahay sii wada halkaas wayo dad badan ayaa ka faa idiisatay waxan ku dartaan waxkasa sawirkiisa sida ku caalamka oo kale lakiin waad wanaagsantihiin ilaahay ajar ha idin ka siiyo walaal |
| 2004.11.29 cabdi fataax aadan jaamac xiiqsane Finland | walaalayaal aad aad u mahadsan tihiin sida fiican aad wax u soo diyaariseen walaale ,marka waa saas |
| 2004.11.01 mukhtaar Ali Omer Angola | aad ayaad ugu mahad santihiin sida fiican ee noogu soo gudbisaan casharada |
| 2004.08.17 hudhaa United Kingdom | a/s/c walaal marka hore salaanta muslinka ah marka xigta walaalayaal hadii aan fikradayda ka dhiibto waxaa oron lahaa waa fursada aad umuhiim ah oo qofkasta oo danayna in uu coputerka barto ufududayna kara in uu si fudud ku barto sidaas iyo nabad galyo |
| 2004.08.17 faysal Somalia | marka hore salaanta muslinka marka xigta hadii aan ra yigayga ka dhiibto anigu run ahaantii waxaa barnaamijkaan u arkaa mid hormar u leh dhalinyarada somaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waayo wuxuu ku qoran yahay afkaagii hooyo wuxuuna kuu fududaynayaa fahamkii iyo akhriskii marka waxaaa leeyahay qof kasta oo dhalinyara ah ha faa iidaysto fursadaan dahabiga ah ee kusoo martay sidaas iyo nabad galyo a/s/c/ faysalcabdi88@hotmail.com |
| 2004.05.08 maxamed deeq Belgium | aniga waxaan raba in aan o gaado sida page ka loo dhiso maadaam aana aqoon u lahay aana ka mid ahay dadka page marwalbo soo booqdo ma o gaan karaa oo wax faala ah malayga siikaraa adinkoo raali ah waxaana layga helaa emailkan deeqow1@hotmail.com ----asalaamu calaykum waraxmatu laahi wabarakaatuhu |
| 2004.04.10 sanbuuus Somalia | fadlanigu soo hagaajiya cinwaankeey ga oo ah sanbuus2 |
| 2003.12.07 Abdinasir Kenya | suaashan iiga soo jawaaba walaalayaal hadii waqtigu idiin saamaxo hadii uu shaqeyn waayo floppy drive ka isaga oo active ka ah BIOS ka cable laduna ay si sax ah ugu jiraan floppy drive kuna wanaagsan yahay cilada xagee bay ka jirtaa |
| 2003.11.08 c/laahi maxamuud xirsi (neyruus43@hotmail.com United States | waxaan aad iyo aad ugu mahad celinyaa walaalaheena i noogu deeqay waxbarashada dhanka computerka dhab ahaantii waa dad juhdi ku bixiyay sidi ay walaala hooda soomaaliyeed ee burburku ku habsaday hurumar u gaadhsiinlahaayeen ku dadaalay waxaan oronlahaa dhab ahaanti aadbaa looga aqristaa wadankan aan joogo casharada aad bixisaan ku dadaala sidi aad u sii wadai lahaydeen s/c by nayruus cade |
| 2003.10.19 xasan556@hotmail.com Somalia | marka ugu horraysa illaahay ayaa mahad leh marka labaad waxan u mahad celinayaa bahda somali software waxaan jeclaan lahaa inaan waydiiyo su'aal ,su'aashaas oo ah cajalad cd,ga drive a cabirkiisu ugu waynyahay waa imisa |
| 2003.08.13 mahad Botan United Kingdom | salaan kadib saaxibayaal marka hore waad salaamantiihin salaan kadib. waad mahadsantihiin balse waxaan idinkula dar daarmayaa inaydaanka caajisin sida macaan ee aad halkan wax u soo galisaan waayo dhalin yaro badan oo somaliyeed ayaa ka faa'idaysta waxaa aad meesha ku soo qortaan iyo webside kiinaba markaa waxaan jeclaan lahaa in aad sii balaarisaan ama wax ka badan waxaad soo galisaan in aad soo galisaan oo ah qoraal iyo computerka sawiradiisa labadaba waxaana filayaa mustaqbalka danbe in aad see wasicin doontan hormar wayn ayeyna taasi samaynaysaa oo macno wayn ugu fadhiya umada somaliyeed. thank you |
| 2003.07.19 mustafe axmed haybe Somalia |
waxaan idinka codsanaynaa in aad ku soo dartaan powersupply-ka iyo noocyadisa. Jawaab: Walaal casharrada ku saabsan dhismaha kumbiyuutarka waa kuwo taxne ah oo qaybaha kumbiyuutarka hadba qayb lagu soo qaato. Qaybahaas waxaan u soo kala hor marinaynaa sida aan u aragno inay isu leeyihiin una kala muhiimsan yihiin. Waxaan ka billawnay santuukha kumbiyuutarka iyo qaybaha ku dhex jira, iyaga ayaanan weli ku jirnaa. Qaybta Power Supply-ga oo ka mid ah qaybaha ku jira santuukha kumbiyuutarka waxaan hadduu rabbi idmo uga hadli doonnaa casharka 24-aad. Waad mahadsan tahay. Somali Software. |
| 2003.06.01 fartuun axmed ibraahim Somalia | walaalyaal aaad iyo aad ayaad umahad santihiin sida fiican ood noo rali galisaae waxaana dhihi lahaa in aat iyo in ka dadaal badan by fartuun cadey |
| 2003.06.01 ismahaan Somalia | walaal yaal waad mahad san tihiin sida fiican ood oogu saha sheen wax barashada wanagsan waadna mahasan tihin mar labaad by |
| 2003.05.21 c/qaaliq yassin abdi diiriye ali Azerbaijan | a/c waxaan hal kaan kasalaamayaa walaalahayga ku diyaariye luuqada afka hooyo bacdi salaanwaxaan urajeeyneynaa jano alidiiriyeabdi asalaamucaleeykum |
| 2003.01.29 sharmaarke gallan Somalia | Waad mahadsantihiin madaama aad hindisteen in aad soo saartaan barnaamijkaan qiimaha leh waana idiin mahad celinaynaa anaga oo ka mid ah dhalinyarada barata Hardwareka oo kunool wadankooda hooyo anaga oo ka joogna Dawlad G/ptland Caasumada Boosaaso Mahadsanidiin |
| 2003.01.17 Sayidcali xuseen Barbados | Walaayaal idiin ma dhahaayo waa mahadsan tihiin balse waxaad u faa'iidayseen walaalahiina idiinkala socdo internetka oo aad kaga faa'iidayseen wixii aad dhaantee marka ilaahay ajar ha idiinka siiyo. |
| 2003.01.08 cali gaab Somalia | walaalayaal waad mahadasan tihiin waxbarashada lacag la'aanta ah ee aad noo soo bandhigteen waxaan fikradeyda ka dhiiban lahaaain barnaamijkaan lagu soo kordhiyo cilad bixinta kumbiyuutarka waad mahadasan tihiin |
| 2002.11.16 abdulkadir farah doodi Ethiopia | salaamu calaykum walaal waxad aad ugu mahad santihiin sida wanaagsan ee aad noogu soo habayseen nooguna fududeeseen howshan balaran ee aad qabateen ilaahay ha idinka abaal siiyo salaamu calaykum |
| 2002.10.07 gooye Estonia | mahad sanidiin |
| 2002.07.05 FADUMO AHMAD ALI Aruba | HADAAN JEEDIYO FIKRADDEEDA AAD AYAAN ULA DHACAY SIDA USOO GODBIYEEN WALAALAHA QEEMAHA IYO QAAYAHA BADAN CILMEGOODA KUSAABSAN XAGA COMBIYUUTARKA WAX BADANA WAAN KA FAAIDAYSANAY JASAKUMULAAHU QEERAN |
| 2002.06.25 Ahmed Mohamed Hassan Saudi Arabia | Asalamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakatuhu. Marka hore waxaa mahad is kaleh allaha awooda badan ee suurogeliyay howshan muhiimka ah, marka xigta waxaan mahad u celinayaa labada dhalinyaro (Mahdi & Shirre) ee waqtigooda qaaliga ah u lumiyay sidii ay ugu faa'iideyn lahaayeen walaalahooda soomaaliyeed xagga Cilmiga Computer. Walaalayaal (Shirre & Mahdi) run ahaantii waan ka faa'iidnay boggan internetka waxaana idiinka rajeynaynaa inaad sii kordhin doontaan dadaalkiina ee aadnaan noqon kuwii ugu horeeyay iyo kuwii ugu dambeeyay ee cilmigan oo kale soo bandhiga, dhalinyarada kale ee soomaaliyeedna ee aniga ka mid ahayna ka codsanayaa inay idiinku daysadaan oo ay soo bandhigaan waxa ay cilmiga u leeyihiin si soomaalida oo dhan ay isaga faa'iideysato. Waad mahadsan tiihiin illaahna ajar iyo xasanaad ha idiinka siiyo |
| 2002.05.14 Nasro Abdullahi Sweden | walaalayaal ugu horeentii waan idin salaamay waxaan idinku salaamay salaanta ugu qiimaha iyo qaayaha badan Asalaamu caleekum warxmatulaahi wabarakaatuhu salaan kadib walaalayaal waxaan rabay in aan idin waydiiyo in aad qorteen Databashantering oo soomali ku qoran haduu jiro iyo waxaan rabay boga uu ku qoranyahay mahadsinidiin |
| 2002.05.04 Jamaal Cali Max'ed Saudi Arabia | Bismilaah, ugu horeyn waxaan mahdinayaa Allahiii idin waa fajiyay fikradan, tan xigta Mahad & shire oo aan si loogu mahad noqo aan lagaranayn Allaha idinka abaal siiyo wax ka weyn oo aan idin dhihi lahaa majirto run ahaantii aniga wax weyn ayaan ka faa'ideystay marnaamijkan dadkalena uga faa'ideeyay, waxaan idinka rajeynayaa in aad noo sii wadaan Allaha idinka abaal siiyo aamiin |
| 2002.04.18 khaliif abdullahi United States | waad na caawiseen waxaadnah qabateen shaqo aan cidnah sugeyin ilaah ha idinka abaalmariyo.wax kasii badan intaan banu idinka rajeyinneynaa.thank u |
| 2002.04.13 Bashir Switzerland | Marka hore waad salaaman tihiin dhamaantiin,salaanta kabacdi waxaad diyaariseen Casharo aad iyo aad muhiim u ah oo ay dad badana ka Faaideysteen kana faaidaysan doonaan,marka walaalayaal dadaalkiina siiwada.Mahadsanidiin |
| 2002.04.04 sharmarke United Kingdom | walaalayaal waan idinsalaamey,wax fiican ayaad qabateen ilaahey qeyrkeeda ha idin siiyo.walaalayaal waxaad mooddaa inay yara koobantahay,waxan idin weydiinayaan haddad awooddaan inaad balaarisaan. |
| 2002.03.30 A/rizak Mooge Dheere India | ugu horeyn aad baad u mahad san tihiin websitkan som. ee ad soo diyaariseen.waxaan jeclaan lahaa idikoo sii balaadhiya imika waxaad moodaa inuu kooban yahay.Runtii aad baanu u jeclaysanay hadaanu nahay Dhaliyar wax ka barata India. |
Fadlan halkaan ku qor fikraddaada