CD-ROM Drives (Compact Disk-Read Only Memory)

_
Sawir muujinaya CD-ROM Drive (bidix) iyo saxanka CD-ga (midig)

CD-ROM Drive-ku waa halka kumbiyuutarka laga geliyo saxanka wareegsan ee loo yaqaan CD-ga ee kumbiyuutarrada lagu isticmaalo. Ereyga CD-ROM wuxuu u taagan yahay "Compact disk - Read Only Memory" taasoo muujinaysa samayska iyo isticmaalka saxanka CD-ga. "Compact Disk" waxay muujinaysaa in saxanka CD-gu uu samays ahaan yahay mid adag oo isku cufan oo aan si fudud loo qalloocin karin iyadoo aan dhibaato loo gaysan. "Read Only Memory" waxay muujinaysaa in saxanka loogu talagalay in wixii akhbaar ah ee ku jira laga soo akhristo oo kaliya ee aan wax lagu qori karin. CD-ROM-ku muddo dheer ayuu sidaa u shqayn jiray oo isticmaalkiisu uu ku koobnaa oo in wax laga soo akhristo oo kaliya, laakiin arrintaasi waxay wax weyn iska beddeleen markii ay soo baxeen noocyada CD-R iyo CD-RW oo ah saxammo loogu talagalay in wax lagu qoro waxna laga soo akhriyo. Noocyadaas waan ka hadli doonnaa hadduu rabi idmo.
Marka la eego Windows, CD-ROM Drive-ku ma laha xaraf go'an oo si joogto ah astaan ugu ah, laakiin waxaa astaan u noqda hadba xarafka ugu horreeya ee bannaan. Sidaa darteed waxaa laga yaabaa inaad aragto CD-ROM uu astaan u yahay xarafka D: iyo mid kale oo uu astaan u yahay xarafka E: ama F: iwm.

Baaxadda iyo cabbirka CD-ROM-ka

Baaxadda CD-ROM-ka waxaa, sida Hard Disk-ga iyo Floppy Disk-ga, lagu cabbiraa Byte, KB (kilobyte) iyo MB (megabyte). Haddaad u baahan tahay faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cabirradaas iyo waxa ay kala yihiin fadlan fiiri Casharka 14-aad gaar ahaan qaybta "Baaxadda Hard Disk-ga".
Saxanka CD-ROM-ka cabbirkiisu (dhexroorka) waa 4.72 inch (4.72") oo u dhaganta 12 cm, dhumucdiisuna waa 1.2 mm. Xagga baaxadda waxay CD-ROM-yada caadiga ahi qaadaan 650 MB, waxaase jira qaar ay baaxaddoodu intaa ka badan tahay oo qaada 750 MB in kastoo kuwaas isticmaalkoodu uusan badnayn.

Muhiimadda CD-ROM Drive-ka

CD-ROM Drive-ka muddo yar oo sanado ah ayay ku qaadatay in uu ka mid noqdo qaybaha asaasiga ah ee inta badan kumbiyuutar kasta la socda. Sidaan ku soo aragnay Casharka 18-aad CD-ROM-ku wuxuu xataa la wareegay inta badan hawlihii uu Floppy Disk Drive-ku qaban jiray taasna waxaa keenay qiimaha CD-ROM-ka oo aad hoos ugu dhacay iyo samayntiisa oo iyaduna aad fudud. Intaa waxaa sii dheer baaxadda program-yada kumbiyuutarka la geliyo oo aad sare ugu kacday tasoo keentay in CD-ROM-ku uu la wareego hawsha program gelinta kumbiyuutarka (Software Installation). Waayo halkii CD-ROM oo nooca caadiga ahi wuxuu la qaad yahay qiyaas ahaan 451 Diskette. Tusaale ahaan program-ka "Windows 98 Second Edition" oo laga reebay dhammaan waxyaabaha dheeriga ah ee la socda ayaa baaxaddiisu waxay tahay 120 MB wuxuuna u baahanayaa 84 Diskette. Si program-kaas oo Diskette-yo ku jira aad kumbiyuutar u geliso waxaad u baahan tahay inaad 84 Diskette marba mid geliso, taasoo sida aad garan karto ah arrin aad u adag. Sidaa darteed shirkadaha program-yada sameeyaa waxay program-yadooda iibiyaan iyagoo ku jira CD-ROM. Taasi waxay CD-ROM-ka ka dhigtay qayb asaasi ah oo aad muhiim ugu isticmaalka kumbiyuutarka.

CD-ROM-ka hawlaha loo isticmaalo ka mid ah:

  1. Kumbiyuutar gelinta program-yada cusub (Software Instalation)
    Arrinta ugu muhiimsan ee CD-ROM-ka ka dhigtay qayb lagama maarmaan u ah kumbiyuutarka waa program-yada cusub oo intooda badan la iibiyo iyagoo ku jira CD-ROM oo kaliya. Haddii kumbiyuutarkaagu uusan lahayn CD-ROM kuuma suurtoobayso inaad isticmaasho inta badan program-yada ganacsiga ah ee maanta isticmaalo. Waa dhif iyo naadir in la arko program-yo cusub oo Diskette-yo ku jira, hadddii ay jiraanna waa kuwo aad u yar yar.
  2. Kumbiyuutar gelinta program-yada ka shaqaysiiya qalabka kumbiyuutarka lagu xiriiriyo (Driver installation)
    Inta badan qalabka kumbiyuutarka lagu xiriiriyo waxay adeegsadaan CD-ROM si ay kumbiyuutarka u geliyaan program-yada la socda ee qalabkaas ka shaqaysiiya ee loo yaqaan Drivers-ka. Qalabka CD-ROM-ka noocaan u adeegsado waxaa tusaale ahaan ka mid ah daabaceyaasha (Printers), Monitors-ka, Scanners-ka, Sound Cards-ka, Joysticks-ka, Gamepads-ka iwm.
  3. Kaydinta iyo xafidaadda program-yada iyo akhbaaraha muhiimka ah (Backup)
    Markii ay soo baxeen noocyada CD-R iyo CD-RW oo suurtogal ka dhigay in CD-ga wax lagu qoro, ayaa waxaa billaabatay in noocyadaas CD-ga ah loo adeegsado in lagu keydsado koobi ka mid ah program-yada iyo akhbaarta muhiimka ah, iyadoo arrintaas loo adeegsanayo qalabka loo yaqaan "CD Burner".

Dhismaha CD-ROM Drive-ka

CD-ROM-ku wuxuu xagga dhismaha asaasiga ah ka shaabahaa Hard Disk-ga iyo Floppy Disk Drive-ka wuxuuse uga duwan yahay habka saxanka akhbaarta loogu qoro iyo habka looga soo akhriyo. Qaybaha uu CD-ROM Drive-ku dhismo ahaan ka kooban yahay waxaa ka mid ah:

  1. Head Assembly
  2. Head Actuator Mechanism
  3. Spindle Motor
  4. Connectors

Qaybahaas ayaan halkaan mid mid ugu soo qaadan doonnaa.

  1. Head Assembly

    Sida aad la socoto CD-ga hal dhinac ayaa akhbaarta looga qoraa, sidaa darteed CD-ROM Drive-ku wuxuu leeyahay hal Head oo wax ka soo akhriya dhinaca ay CD-ga akhbaartu uga qoran tahay. Head-ka CD-ROM Drive-ku wuxuu ka kooban yahay qaybo la isku dhisay (Assembly) wuxuuna u shaqeeyaa si ka duwan sida ay u shaqeeyaan kuwa Hard Disk-ga iyo FDD-ka. Taasna waxaa u sabab ah farsamada uu CD-ROM Drive-ku adeegsado si CD-ga akhbaar loogu qoro ama looga soo akhriyo oo ka duwan tan Hard Diska-ga iyo FDD-ka. Si akhbaar loogu qoro CD-ga waxaa la adeegsadaa ilays xooggan (laser) oo lagu gubo hadba meesha la rabo in wax lagu qoro.
    Si CD-ga akhbaar looga soo akhriyo waxaa oogada CD-ga lagu shidaa iftiin lagu toosiyo hadba meesha la rabo in akhbaarta laga soo akhriyo. Marka uu iftiinkaasi ku dhaco oogada CD-ga, wuxuu CD-gu dib u soo celiyaa qayb ka mid ah iftiinkaas. Xaddiga iftiinka ee uu CD-gu soo celiyaa waxay ku xiran tahay hadba meesha uu iftiinku ku dhaco. Iftiinka uu CD-gu soo celiyo ayaa waxaa loo rogaa awood koronto, taasoo loo sii turjumo akhbaartii loo baahnaa.
    Head-ka CD-ROM-ku ma taabto oogada CD-ga ee kor ayuu uga kacsan yahay, maadaama uu CD-ROM Drive-ku adeegsado iftiin marka uu CD-ga wax ka soo akhrinayo. CD-ga oo wareeganaya ayuu Head-ku dul socdaa oo uu ilayska ku shidaa isagoo u soconaya horay iyo gadaal. Wareegga CD-ga iyo socodka Head-ka ayaa waxay keenayaan in ilaysku uu ku dhaco hadba meel cusub oo ka mid ah oogada CD-ga.

  2. Head Actuator

    Head Actuator-ku waa qaybta dhaqaajisa Head-ka oo geysa hadba meesha la rabo in wax lagu qoro ama wax laga soo akhriyo. Head Actuator-ka CD-ROM Drive-ku wuu gaabiyaa marka la garab dhigo Head Actuator-ka Hard Disk-ga, arrintaas waxaan uga hadli doonaa casharrada dambe ee aan uga hadli doono xawaaraha CD-ROM Drive-ka.

  3. Spindle Motor

    Spindle Motor-ku waa qaybta wareejisa saxanka CD-ga ee markaa ku jira CD-ROM Drive-ka. Akhbaarta CD-ga ku keydsani waxay ku qoran tahay wareegyo aanay ishu arki karin oo loo yaqaan Tracks, sida kaaga muuqata sawirka tusaalaha ah ee hoose:


    Sida sawirka kaaga muuqata Track-yadu waxay u kala weyn yihiin sida ay u kala korreeyaan. Sidaa darteed akhbaarta ku qorani waxay u kala badan tahay sida ay u kala weyn yihiin. Haddaba si Head-ku uu akhbaar uga soo akhriyo Track-ga ugu weyn, wuxuu u baahan yahay wakhti ka badan inta ay ku qaadato Tracka-ga ugu yar. Taasi waxay keentay in xawaaraha Spindle-ku uu isla beddelo cabbirka Track-ga markaas wax laga soo akhrinayo. Mar kasta oo cabbirka Track-gu uu sii weynaadaba waxaa yaraanaya xawaaraha uu Spindle-ku ku wareego, si Head-ka loo siiyo wakhti uu akhbaarta ku soo akhriyo. Nidaamka noocaas ah waxaa loo yaqaan CLV (Constant Linear Velocity). Ujeeddada ugu muhiimsan ee nidaamka CLV-gu waa in xaddiga akhbaarta uu Head-ku soo akhriyo halkii ilbiriqsi (second) ay isku mid noqoto. Nidaamka CLV-ga waxaa isticmaala laga soo billaabo CD-ROM-yadii ugu horreeyay ilaa kuwa uu xawaarahoodu yahay 12X (xawaaraha CD-ROM-ka waan ka hadli doonnaa).

    Marka la eego Hard Disk-ga iyo FDD-ka, Spindle-koodu wuxuu had iyo jeer ku wareegaa xawaare isku mid ah oo aan isbeddelin, cabbirka Track-guna wax saamayn ah kuma laha xawaaraha Spindle-kooda. Nidaamka noocaas ah ee uu ku shaqeeyo Spindle-ka Hard Disk-ga iyo FDD-ka waxaa loo yaqaan CAV (Constant Angular Velocity). Nidaamka CAV-gu wuxuu isaguna xoogga saaraa in xawaaraha Spindle-ku uu had iyo jeer isku mid ahaado, tasoo keenaysa in akhbaarta uu Head-ku halkii ilbiriqsi ku soo akhriyaa ay sii yaraato mar kasta oo cabbirka Track-gu uu sii weynaadaba.

    Markii xawaaraha CD-ROM-ku uu aad kor ugu kacay ayaa waxaa farsamo ahaan adkaatay in xawaaraha Spindle-ku uu isla bedbeddelo cabbirka Track-ga, waayo taasi waxay wax weyn u dhintay xawaaraha guud ee CD-ROM-ka. Sidaa darteed CD-ROM-yada uu xawaarhoodu yahay 16X iyo wixii ka dambeeyay waxay qaateen nidaamka CAV (Constant Angular Velocity) oo ah midka ay Hard Disk-ga iyo FDD-ku isticmaalaan ee aan kor uga soo hadalnay. Nidaamka CAV-gu wuxuu keenayaa in CD-gu uu had iyo jeer ku wareego xawaare isku mid ah, laakiin akhbaarta uu Head-ku soo akhriyo halkii ilbiriqsi (second) ayaa is bedbeddesha.
    Waxaa kale oo jira qaar ka mid ah CD-ROM-yada oo isticmaala labda nidaam ee CLV iyo CAV oo la isku daray la iskuna celceliyey.

  4. Connectors

    CD-ROM Drive-ku wuxuu xagga fiilooyinka kala mid yahay Hard Disk-ga oo waxay run ahaantii isticmaalaan fiilooyin isku mid ah. CD-ROM Drive-ka waxaa sida Hard Disk-ga ku xirma oo kumbiyuutarka ku xiriiriya laba fiilo oo kala ah:

Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa xawaaraha CD-ROM-ka.

Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com


Waxaad tahay akhristihii 6948-aad laga soo bilaabo 2002-04-22

Casharkii Hore | SomaliSoftware.com | Casharka Xiga

Fikradda akhristeyaasha casharkaan

Halkaan waxaad ka akhrisan kartaa fikaradaha dadka cashirkaan akhriyay ay ka dhiibteen cashirkaan haddii ay jiraan dad fikraddooda ka dhiibtay. Waxaa kale oo aad halkaan ku soo gudbin kartaa waxa ay adiga kula tahay iyo sida aad u aragto casharkaan. Inuu adag yahay, inuu ku fiican yahay sida uu yahay iyo in aad jeclaan lahayd in wax laga beddelo iyo in kale.

MagacaFikradda Akhristaha
2008.11.02
Lowdhako
Ireland
Asalaamu caleykum wr wb. salaanta islamka ka dib walaalaha sameeyey website kan aad iyo aad baan uga helanay ugana faa ii deysanay allaah ha idinka abaal mariyo waxtarkaa aad noo soo bandhigteen casharada tirada badan ee qiimaha leh jazaka allaahu kheyran . halkaas ka sii wada. su'ashaydu waxaa aytahay adinko igarali ahanaya walaalayal maxaad ugu sodriwaysen casharada JAVA iyo CISCO oo ad sidaso kale uso tafatirteen? waad kumahad santihiin dhamaan sida aad isugu howsheen casharkaas iyo dhamaan kuwa kale oo aad sowadanba.
2008.08.08
maxamed xaashi
Pakistan
walaaliyaal marka hore waad salaaman tihiin dhamamaan bahda somalisoftware salaan kadib walaal waxaan idinka codsanayaa in aad ku soo kordhisaan barnaamijka html language oo faahfaahsan mahad sanidiin
2008.07.18
mohed shakul
Bangladesh
waxaan codsan lahaa in lagu soo kordhiyo web-kan faafaahin ku saabsan luuqada c programing, waxaan ahay arday jooga bangladesh,dhaka
2008.07.18
mohed shakul
Bangladesh
waxaan codsan lahaa in lagu soo kordhiyo web-kan faafaahin ku saabsan luuqada c programing
2008.06.17
cabdulahi cumar
Saudi Arabia
waxaan rabaaa sida loo joojiyo boro garaamada kumbiyuutaraka lashidma mar walbo ee iigu soo gudbi fadlan ii maylan shiirkole@hotmail.com
2007.11.28
Abdikani Ahmed Abdi
Malaysia
Background Information I am a 23 year old Systems Engineer from Hayes in London, England. I began programming in late 1994 with BASIC, before progressing rapidly to C and C in early 1995 for DOS application development, then onto 32-bit development under Windows. I moved to RAD with Borland's C Builder (essentially Delphi for C ) in 1998. In 1997 I became involved in Internet technologies, progressing to dynamic, database-driven websites. A combination of industrial experience and my degree has allowed me to work with a variety of technologies and develop software with a range of complexities and characteristics, from medium-sized web-based deployments to real-time control and embedded systems. I believe that more than just technical skill is required in the Computing industry so ensured I would have a basic knowledge of business processes and media concepts, which are vital to make technology work with a business rather than against it.
2007.08.16
Ahmed
Somalia
waan idin salaamay waxaan rabaa in aan idin weeydiiyo hadii aad i aqoon dhaan taan --computerkeyga ayaan codba lahaayn markaan rabo inaan dhageysto radio ama heeso ama wax walbo maqal ah markaan shido realply ama mediaply wuxuu ileyahay malahan sound-device ama wax kale ayaad gelisay boskii suond device kagii boskiisi markaa walaal hadaad i dhaantaan iigu soo hagaajiya emailkeyga -kalgacal113@hotmail.com waadna mahad santihiin
2007.06.28
cabdixakiin ali s sancad
Somalia
wadmahdsantihiin dhamaan somalisoftware waxaanu leenahy ilaah a inii sii sahlo waxda wayn e aad ugu jirtaan in aqoonta computrka aad uga so dhigteen af soomali
2007.06.28
cabdixakiin ali
Somalia
waxan halakn kasalamyaa soamlisoftware oo noo shashay in aan ku barno luuqad yad hooyo compurtka wad mahdsantihiin 100%
2007.06.21
SACIID XUSEEN CABDI MACRUUF
Somalia
waa cashar waxtar leh oo aad muhiim u ah waana ku mahad santihiin dadaalkiina waxaan cod sanayaa in aad ku soo dartaan casharo kale oo aad muhiim u ah ku waan waan fahanay
2007.06.04
khalid
Norway
waxaan u baahanahy wlaal in aad bal mar ka wax nooga sheegtid connectionka
2007.03.28
buubshe
Egypt
ASALAAMU CALEYKUM WARAHAMTULAHI WABARAKATUHU. Waxan hada dhameeyey akhrintii 19kii cashar ee aad uga hadleyseen habka uu u kala qeybsami personal computarku, ma waxbaa ka harsan qorkaalkiina kheyr alaha idin siiyee?
2006.09.18
kacaan
United States
salaamu calaykum, bacda salaan waad ku mahadsantiin aqoontaa aad na soo gaadhsiiseen waxaa kaloo loo bahanyey in aad ku dartaa networking hadii la karaayo, sidaa iyo nabad galyo ilaahay haydinka jasaa isiiyo
2006.05.31
AHMED C/SALAAM
Somalia
KHEYR ALLAHA IDIINSIIYEE HA KA DAALINA HOWSHA AAD HAYSAAN WELIGIIN EE SII BADIYA
2006.05.27
cabdifataax maxamed cali(arjotiin)
Somalia
walaal waxaad iiga jawaabtaa in dhamaan cdga wax lagu qoran karo iyo in kale
2006.04.23
ibrahim
Finland
walaal waxaan idin waaydiinlaa su aal ah hadii coputerkaagu is bakhtiiyo 10 kii minute ba mar waa maxay cilada haaysataa ama maxaad igula talinlaaydeeen ?!; waad salaamantiin dhamaantiin bahda somalisoftware sidoo kale waad mahadsantiiin walaal dhakhso iigu soo jawaaba.
2006.04.21
c/rashiid c/raxmaan
Somalia
anigu waxaan ka salamaaya bahweyna somali software oo aan uga mahad naqayo sida weyn oo ay uga qayb qaatey dad weynaha uu baahan tecnology ada caalamka aan waxa ba ka la socon ayaan dhihi laha sii wada waad gaadhi doontan
2006.04.07
maxamuud jaamc sahal
Somalia
wlaaal yaal waad mahad san tihiin (maxamuud217@hotmail.com)thank u all the people of somalisoftware
2006.03.18
Eng:Mohamed Abdulahi
Somalia
Waxaan ka mid ahay arkada sida tooska ah wax ugu barata somalisoftware aad ayaana ugu mahad celin somalisoftware
2006.03.12
xasan cilmi guure
Somalia
WWW.wanaag aad nosamayseen run ahaatiihalakn lagama soo koobikaro ilaahbaa idinkaa abaal marinaya laakiin waqtibadan ayaa loobaahanyahay waxaana ookale sida lguqorayo (WEBSITE-kaan) diinta ilaahay iyo waqtiga salaada ogaada yeysan idin mashquulin aduunyo ilay yurub walagu gaalooba lacag iyo aduun balaga fikiraa walaala yaal waad mahad santihiin diintana hadayicinina iantaad aduun kafikiraysaan Wacalykuma salaan waraaxmatulaahi wabarakaatuhu (guure34@hotmail.com)
2006.03.06
maxamed ismaciil xaji
Slovenia
SALAAMU CALEYKUM DHAMAAN WALLAALAHA MACAHADA MUDAN. WAAD MAHADSANTIHIIN MEEL WALBA AAD JOOGTAANBA,,,
2006.02.06
abdixakim
Somalia
waxaan dhamaan computer set up finished ayuu soo saarayaa markaa hadan waxba ma samayno
2005.08.14
xamse qumane
Somalia
walaal waad ku mahadsantihiin hawsha culus ee qabateen ilahay ha idinka abaal mariyo
2005.05.20
c/qaadir axmad muuse
Somalia
waxaan rabaa sadax inley kala bixiyo kow farqiga u dhaxeeya cd Rom ka iyo CD R ka iyi DVD ka waa maxay farqiga u dhaxeeya
2005.05.11
diini_sharmarke
Somalia
waxaaan umahad naqayaa macalimiinta ku hawlan sida ay dadkooda somaliyeed wax ugu qaban lahaayeen ha noqoto xaga technologiyada ama warbaahinta casriga ahee aan ugu baahanahay baahiyaha wax ogaaneed ee inagu wajahan haddaan nahay dad wax badan ay ka maqan yihiin,. kadar, kadaryaani22@yahoo.com
2005.03.07
kadar aidid idan(indhadoon)
Somalia
walaalayaal marka hore ilahay baa mahad leh oo idiin sahlay hirgelinta hawshan culus, walaalayaal waan idiin hambalyeynayaa ilahayna ha idinka abaal mariyo wax tarkaa aad dadkina u qabateen waxaan waxaan idin odhan lahaa hadii aad karaysaan sida looga shubo luguna shubo programmar_yada computerka
2005.01.30
cabdirisaaq maxamed cali
Somalia
marka hore waxaan idiin soo dirayaa salaan qiimo iyo qaayo badan waxaanan idinleeyahay allah ha idinka abaalmariyo casharada qiimaha leh ee aad noo soo fududayseen waxaan kaloo u baahnayn xadhkaha cableska iyo sida ay meelaha u kala galayaan
2004.11.29
khadar
Somalia
Aad ayay u wanaagsantahay in aad diyaarisaan program kan waxaana laga faa iidi doonaa waxyaalo fara badan khayr ilaahay ha idin siiyo
2004.11.28
ahmed osman dhoore
Somalia
ugu horaan waan idin salaamay salaan ka dib waxaan idinka codsanayaa in aad sii wadiin dadaalkiina aan u wadiin dhalin yarada soomaaliyadeed ee aan heysan la cag ey iskaga dhiibaan qarashkii ey ku baran lahaa yeen computer ka qeybihiisa
2004.11.11
abdikadir abdi
Somalia
waan idin salaamay marka hore marka xiga waxaad ku mahadsantihiin progaramkan muhiimka ah waxaan kufaraxsanahay inaan kala socdo barnaamijyadn computerka waxaan idinka codsaneynaa inaad kudartaan networkingka bybybyyyyyyyyyyyyy
2004.10.25
cabdicasiis guhaad xasan
Somalia
walaalo yaal waxaan idin ku salaamayaa 114 qur,aan kaa walaalo salaan kadib walaalo yaal aad iyo aad baad ugu mahad san tihiin program kan aad aad isugu tax luu jiseen markaas walaalo yaal waanu idin ku mahad celinay naa anagoo ah khadar cawil xasan igu cabdicasiis guhaad xasan oo ku magac dheer shegow
2004.10.02
maxamed siciid cubay
Paraguay
war waxaad qor teen waxaba kama jiraan waxsax ah soo qora iska hubi Email qadari70@hotmail.com
2004.07.17
injineer shawaal
Somalia
sd ga waa wax dhib badan aad iyo aad ayuuna u anfac badan yahay
2004.06.09
qanduureshe
Australia
taasi wa fikrad wanaga san
2003.07.17
maxamed dalnuuriye
Somalia
in the name of allah the most compassionate the most merciful, iam here by suggesting that iam very much interested to now much more about how to to instal with an empty computer
2003.06.19
mowliid cabdilahi
Somalia
waad salaamantihiin, waxaan odhan lahaa maa lagu daro sida loogu shubo kumbuyuutarka (programe). waad salaamatihiin
2003.06.19
mohamed abdi
Somalia
waxaan jeclaan lahayn inaad ereyada keyboark ee lasoo gaabiyay aad noo soo qortaan
2003.02.28
rooble
Somalia
macquul ma ahaan arintaan ee wax halaga badlo
2003.02.18
cabdiqafaar cali cabdi
Somalia
walaal marka hore salaamu calaykum waramatulaahi wabarakaatu walaal aad iyo aad ayaad ugu mahasatihiin sida aad isugu hawsheen inaad dadkiina wax wayn u tartaan ilaahayna haydinka ajarsiiyo aakhiro aduunyadab. aamiin
2002.11.16
abdulkadir farah doodi
Ethiopia
waxaan aad idiinka hanbalyeynaayaa sida wanaag san ee aad aad uqabateen howshan wanaagsan ee aad qabateen ilaahayna ha idinka abaal mariyointiini ka qayb qadatay oo dhan
2002.10.31
abdikani
Somalia
salaamu calaykum, bacda salaan waad ku mahadsantiin aqoontaa aad na soo gaadhsiiseen waxaa kaloo loo bahanyey in aad ku dartaa networking hadii la karaayo, sidaa iyo nabad galyo ilaahay haydinka jasaa isiiyo
2002.04.29
ABDURAHMAN ALI GELLE
United States
ASALAAMU CALEYKUM WARAHAMTULAHI WABARAKATUHU. Waxan hada dhameeyey akhrintii 19kii cashar ee aad uga hadleyseen habka uu u kala qeybsami personal computarku, ma waxbaa ka harsan qorkaalkiina kheyr alaha idin siiyee?

Fadlan halkaan ku qor fikraddaada

Magaca:
Waddanka:
Fikraddaada