CD Burner-ka (CD-R / CD-RW Drivers)

CD-R / CD-RW Driver
Sawir muujinaya nooc ka mid ah CD Burner-yada jira  iyo saxammada CD-ga ee uu qaato

CD Burner-ku ama CD-R / CD-RW Drive-ku waa qalabka la adeegsado marka la rabo in CD akhbaar lagu kaydiyo ama akhbaar CD ku jirta wax laga beddelo ama lagaba tirtiro. Run ahaantii magaca rasmiga ah ee CD Burner-ku waa "CD-R Drive" ama "CD-RW Drive" oo ah labada nooc ee uu u kala baxo, laakiin wuxuu ku caan baxay oo ay dad badani u yaqaanaan magaca "CD Burner" oo wax ka tilmaamaya hawsha uu qabto. Sidaa darteed waxaan doorbidnay in casharkaan aan ku isticmaalno magaca "CD Burner". 
CD Burner-ku wuxuu xagga muuqaalka, cabbirka iyo dhismahaba kala mid yahay CD-ROM Drive-ka oo aan uga soo hadalnay Casharka 19-aad iyo Casharka 20-aad. Sida aan
casharradaas ku soo aragnay saxanka CD-ROM-ka in wax laga soo akhriyo ma ogiye wax laguma qori karo. Arrintaasi waxay wax weyn iska beddeleen markii uu soo baxay CD Burner-ka iyo saxammada CD-R iyo CD-RW oo ah saxammo loogu talagalay in wax lagu qoro waxna laga soo akhriyo.  CD Burner-ku wuxuu kumbiyuutarka ugu xirmaa sida CD-ROM Drive-ka wuxuuna santuukha kumbiyuutarka ka galaa halka uu CD-ROM Drive-ku ka galo. Marka la eego Windows, waxaa CD Burner-ka astaan u noqda hadba xarafka ugu horreeya ee bannaan. Sidaa darteed waxaa laga yaabaa inaad aragto CD Burner uu astaan u yahay xarafka D: iyo mid kale oo uu astaan u yahay xarafka E: ama F: iwm.

CD Burner-ku wuxuu in badan kala mid yahay CD-ROM Drive-ka sidaa darteed waxaad akhbaar badan oo ku saabsan CD Burner-ka ka helaysaa casharrada ka hadlaya CD-ROM-ka. Haddaba mar kasta oo aan ka hadlayno dhinacyada ay isaga midka yihiin waxaan kuu tilmaami doonaa casharradaas.

Baaxadda iyo cabbirka saxammada CD Burner-ka

Saxammada CD Burner-ku waxay xagga baaxadda iyo cabbirkaba kala mid yihiin kuwa CD-ROM-ka sidaa darteed fadlan fiiri Casharka 19-aad gaar ahaan qaybta uu ciwaankeedu yahay "Baaxadda iyo Cabbirka CD-ROM-ka".

Muhiimadda CD Burner-ka

Haddaan dib ugu yara noqonno CD-ROM-ka, wuxuu sida aan hore u soo sheegnay la wareegay oo uu fududeeyay in badan oo ka mid ah howlihii loo isticmaali jiray diskette-ka. Waxaan soo sheegnay in CD-ROM-ku uu aad uga qaad weyn yahay Diskette-ka oo hal CD ayaa wuxuu qaadaa akhbaar qiyaas ahaan u dhiganta inta ay qaadaan 451 diskette. Arrintaasi waxay si gaar ah faa'iido weyn u noqotay shirkadaha sameeya program-yada kumbiyuutarka, waayo waxaa u suurtogashay in hal CD ay ku kaydiyaan program ama program-yo ay baaxaddoodu gaarayso boqolaal MB. Si kastaba ha ahaatee dadka caadiga ah suurtogal uma aysan ahayn in arrintaas ay si buuxda uga faa'iidaystaan, waayo si CD-ROM-ka caadiga ha akhbaar loogu kaydiyo waxaa loo bahan yahay qalab gaar ah oo loo yaqaan "CD Press".  Qalabkaas waxaa lagu tilmaami karaa inuu yahay warshad yar, waayo waxaa loogu talagalay inuu halkii mar soo saaro boqolaal kun ama in ka badan oo CD ah oo ay isku akhbaar ku keydsan tahay. Sidaa darteed qalabkaasi ma aha mid ay dadka caadiga ahi isticmaali karaan.
CD Burner-ku wuxuu faa'iidooyinka CD-ROM-ka ee aan hore u soo sheegnay ku sii kordhiyay isagoo dadka caadiga ah suurtogal uga dhigay inay saxanka CD-ga akhbaar ku kaydsadaan iyadoo kharash iyo wakhti badan toona uusan uga bixin. Taasi waxay
dadka caadiga ah suurtogal uga dhigtay in ay hal CD ku kaydsadaan dhammaan (ama inta badan) akhbaarta muhiimka ah ee kumbiyuutarka ku jirta iyo in ay hal CD ka samaystaan dhowr koobi si haddii uu mid dhaawacmo ay kuwa kale ugu baxsadaan.

Faa'iidooyinka kale ee uu CD burner-ku leeyahay waxay la mid yihiin kuwa CD-ROM-ka, sidaa darteed fiiri Cashar-ka 19-aad gaar ahaan qeybta uu ciwaankeedu yahay "Muhiimadda CD-ROM-ka".

Dhismaha CD Burner-ka

CD Burner-ku wuxuu xagga dhismaha guud kala mid yahay CD-ROM Drive-ka, sidaa darteed fadlan fiiri Cashar-ka 19-aad gaar ahaan qeybta uu ciwaankeedu yahay "Dhismaha CD-ROM Drive-ka".  Waxaase jira laba dhinac oo muhiim ah oo CD Burner-ku uu kaga duwan yahay CD-ROM-ka. Labadaas waxay kala yihiin:

  1. Head-ka CD-Burner-ku wuxuu adeegsadaa iftiin ah nooca loo yaqaan Laser-ka oo aad uga xoog badan kan CD-ROM-ka, iftiinkaas oo suurtogaliya in saxanka CD-ga wax lagu qoro.
  2. CD-Burner-ku wuxuu u baahan yahay saxammo gaar ah oo samays ahaan loogu tala galay in wax lagu qoro oo ka duwan kuwa CD-ROM-ka caadiga ah. Saxammadaasi waxay u kala baxaan laba nooc oo kala ah CD-R (CD-Recordable) iyo CD-RW (CD-Rewriteable). Labadaas nooc waxay ku kala duwan yihiin dhinacyada soo socda:
    Nooca hore ee CD-R-ka waxaa loogu talagalay in meel kasta oo oogada CD-ga ka mid ah hal mar wax lagu qoro, meeshii wax lagu qorana lagama tirtiri karo. Noocaan magacyada loo yaqaan waxaa ka mid ah CD-WO (
    Write Once) oo loo fasiri karo "hal mar wax ku qor" iyo CD-WORM (Write Once Read Many) oo loo fasiri karo "hal mar wax ku qor oo in badan wax ka soo akhri".
    Nooca labaad ee CD-RW-ka waxaa loogu tala galay in waxa lagu qoro lagana tirtiro, qiime ahaanna aad ayuu uga qaalisan yahay nooca CD-R-ka. Waxaa kale oo noocaan loo yaqaannaa CD-E (
    CD-Erasable) oo tilmaamaysa in CD-ga wax laga tirtiri karo.
Marka laga reebo in saxanka CD-ga akhbaar lagu qoro, waxaa kale oo CD Burner-ka loo adeegsadaa in lagu soo akhriyo wixii akhbaar ah ee CD-ga ku jira. Markaa wuxuu CD Burner-ku u shaqeeyaa sida CD-ROM-ka caadiga ah oo wuxuu wax ka soo akhrin karaa saxammada CD-ROM-ka iyo xataa kuwa Audio Drive-yada (Stereo-ga). Taas micnaheedu wuxuu yahay in CD Burner-ku uu qaban karo dhammaan howlaha uu CD-ROM-ku qabto iyo in kale oo lagu sii kordhiyay.

Noocyada CD Burner-ka

CD Burner-ku sida saxammadiisa ayuu wuxuu u kala baxaa laba nooc oo kala ah CD-R Drive iyo CD-RW Drive.
  1. CD-R Drive (Recordable CD)

    CD-R Drive-ku wuxuu adeegsadaa oo uu wax ku qori karaa nooca saxammada loo yaqaan CD-R-ka ee aan hore uga soo hadalnay. CD-R Drive-ku wuxuu CD-ga wax ugu qori karaa laba siyood oo kala ah: Single Session oo keenaya in dhammaan akhbaarta la rabo hal mar lagu wada qoro saxanka CD-ga wax kalena aan gadaal looga dari karin xataa haddii ay CD-ga qayb ka bannaan tahay. Iyo Multi Session oo keenaya in saxanka CD-ga lagu qoro qayb ka mid ah akhbaarta, kadibna marba qaar gadaal looga daro ilaa uu CD-gu buuxsamo. Akhbaarta uu CD-R drive-ku ku qoro saxammada CD-R-ka isagoo adeegsanaya nidaamka Single Session-ka waxaa lagu soo akhrin karaa dhamman noocyada CD Drive-yada sida CD-ROM-ka, CD-R-ka, CD-RW-ka iyo xataa Audio Drive-ka (stereo-ga iwm).
    Laakiin akhbaarta uu CD-R drive-ku ku qoro saxanka CD-R-ka isagoo adeegsanaya nidamka Multi Session-ka waxaa lagu soo akhrin karaa oo kaliya CD Drive-yada af garan kara nidaamkaas sida CD-ROM-yada casriga ah, CD-R iyo CD-RW.

    Saxanka CD-R-ka wixii lagu qoro kas iyo kama' toona loogama tirtiri karo, sidaa darteed marka la rabo in akbaarta aan wax laga beddelin waxaa la door bidaa in la adeegsado saxan uu noociisu yahay CD-R. Arrintaasi waxay si gaar ah xiiso ugu leedahay dadka sameeya program-yada la iibsado, waayo dadkaasi ma rabaan in program-ayadooda la tirtiro ama wax kale lagu dul qoro.Waxaa kale oo ay arrintaasi xiiso leedahay marka aad CD-ga ku kaydsato akhbaarta muhiimka ah ee kumbiyuutarka kuugu jirta si haddii ay akhbaarta kumbiyuutarka kuugu jirtaa kaa kharribanto aad ugu baxsato midda aad CD-ga ku kaydsatay (backup). Markaa waxaad ku xisaabmi kartaa in akhbaartii aad CD-ga ku kaydsatay aad ka helayso maadaamaa aan sina loo tirtiri karin. Arrintaasi waxay isla mar ahaantaas ka mid tahay waxayaabaha uu CD-R-ku ku xun yahay, waayo waxaa laga yaabaa inaad CD-R akhbaar ku kaydiso ka dibna muddo kadib aad u aragto in akhbaartaas aadan u baahnayn. Markaa waxaad ku khasban tahay inaad CD-gaas iska tuurto ama aad akhbaartaas iska haysato adigoo aan u baahnayn, waayo CD-gaas wax kale uma isticmaali kartid.
    Haddaba waxay arrintaasi guud ahaan ku xiran tahay hadba akhbaarta aad kaydinayso iyo sida aad mustaqbalka ka yeelayso.
  2. CD-RW Drive (Rewriteable CD)

    CD-RW Drive-ku wuxuu adeegsadaa oo uu wax ku qori karaa saxammada CD-R-ka iyo kuwa CD-RW-ka labadaba. Taasi waxay keenaysaa in CD-RW Drive-ku uu qaban karo dhammaan howlaha uu CD-R Drive-ku qabto iyo in kale oo uu ku sii kordhiyay oo ah in uu saxammada CD-RW wax ku qoro waxna ka tirtiro. Sidaa darteed marka dhankaas laga eego CD-RW Drive-ku xagga isticmaalka wuu ka fudud yahay CD-R Drive-ka, waayo haddii ay wax kaa khaldamaan waad iska tiritiri kartaa ama akhbaar kale ayaad ku dul qori kartaa. Waxaa kale oo uu kuu suurto galinayaa in saxan aad hore u isticmaashay aad wixii ku jiray oo dhan ka tirtirto kadibna aad akhbaar hor leh ku kaydsato.
    CD-RW Drive-ku marka uu CD-ga wax ku qorayo wuxuu had iyo jeer adeegsadaa nidaamka Multi Session-ka ee aan kor uga soo hadalnay, sidaa darteed CD-yada uu CD-RW drive-ku qoro waxaa lagu soo akhrin karaa oo kaliya CD Drive-yada af garan kara nidaamka Multi Session-ka sida CD-ROM-yada casriga ah, CD-R iyo CD-RW. Intaa waxaa sii dheer iyada oo iftiinka ay soo celiyaan saxammada CD-RW-ka marka wax laga soo akhrinayo awooddiisu ay ka yar tahay awoodda iftiinka ay soo celiyaan saxammada CD-ROM-ka, taasna waxay keentay in CD-ROM-yada duqa ahi aysan saxammadaas wax ka soo akhrin karin. Marka la fiiriyo xagga qiimaha CD-RW Drive-ku wuu ka qaalisan yahay CD-R Drive-ka.

Xawaaraha CD Burner-ka

Xawaaraha CD burner-ka waxaa loo cabbiraa sida CD-ROM-ka sidaa darteed fadlan fiiri Cashar-ka 20-aad oo ku saabsan xawaaraha CD-ROM-ka. Si kastaba ha ahaatee xawaaraha CD burner-ku wuxuu ku xiran yahay hadba hawsha uu markaa qabanayo. Marka uu wax qorayo ama uu wax tirtirayo wuxuu inta badan adeegsadaa xawaare ka hooseeya kan uu wax ku soo akhriyo. Marka la sheegayo xawaaraha CD-R drive-ka waxaa la sheegaa xawaaraha wax akhriska iyo kan wax qoridda. Marka la sheegayo xawaaraha CD-RW drive-kana waxaa la sheegaa xawaaraha wax akhriska, kan wax qoridda iyo kan wax tirtirka ama ku dul qoridda.
Tusaale ahaan waxaa laga yaabaa inaad aragto CD-RW drive ay ku qoran tahay 32X/10X/40X. Taasoo u taagan in xawaaraha wax qoriddu uu yahay 32X, kan ku dul qoridduna uu yahay 10X halka kan wax soo akhrintuna uu ka yahay 40X. Waxaad halkaa ka garan kartaa in uu farqi weyn u dhexeeyo xawaaraha akhrinta iyo kan ku dul qoridda. CD-R drive-ka isaga waxaa lagu qoraa laba tiro sida 32X/40X oo sheegaysa in xawaaraha wax qoriddu uu yahay 32X kan wax soo akhrintuna uu yahay 40X.

Program-yada CD burner-ka

CD burner-ka waxaa inta badan la socda program loogu tala in lagu hago lagana maamulo hawlaha uu CD burner-ku qabto. Program-kaas waxaa loo adeegsadaa in lagu diyaariyo akhbaarta la rabo inta aan CD-ga lagu qorin. Tusaale ahaan haddaad rabto in akhbaarta muhiimka ah ee kumbiyuutarka kuugu jirta aad CD ku kaydsato wuxuu program-kaasi kuu suurto galinayaa in akhbaartaas aad isu soo ururiso oo aad nidaamiso inta aadan CD-ga ku qorin. Marka aad go'aansato in akhbaarta aad CD-ga ku qortana isla program-kaas dhexdiisa ayaad CD burner-ka ka amraysaa inuu akhbaarta CD-ga ku qoro. Waxa kale oo program-kaasi uu kuu suurto gelinayaa inaad doorato nidaamka CD-ga wax loogu qorayo sida Single Session ama Multi Session iyo nooca akhbaarta CD-ga lagu qorayo sida Data ama Audio. Sida aad halkaa ka garan karto program-kaasi wuxuu fududeeyaa hawsha koobiyaynta iyo wax ku qoridda CD-yada iyo guud ahaan isticmaalka CD burner-ka. Sidaa darteed waa muhiim in haddii aad CD burner gadaynayso aad iska hubiso in uu wato program hawlahaas loogu tala galay iyo weliba dukumenti sharraxaad fiican ka bixinaya sida program-kaas loo isticmaalo.
Program-yada noocaan ahi way fara badan yihiin waxaase kuwa ugu caansan ka mid ah Nero, Clone CD, Easy CD Creator, Roxio iyo kuwo kale.

Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa DVD Drive-ka.

Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com


Waxaad tahay akhristihii 6964-aad laga soo bilaabo 2003-03-16

Casharkii Hore | SomaliSoftware.com | Casharka Xiga

Fikradda akhristeyaasha casharkaan

Halkaan waxaad ka akhrisan kartaa fikaradaha dadka cashirkaan akhriyay ay ka dhiibteen cashirkaan haddii ay jiraan dad fikraddooda ka dhiibtay. Waxaa kale oo aad halkaan ku soo gudbin kartaa waxa ay adiga kula tahay iyo sida aad u aragto casharkaan. Inuu adag yahay, inuu ku fiican yahay sida uu yahay iyo in aad jeclaan lahayd in wax laga beddelo iyo in kale.

MagacaFikradda Akhristaha
2010.02.27
SOMALI
Norway
THANKS ALL SOMALI SOFTWARE
2009.09.01
nuux omar
Australia
horta marka hore wad zalaaman tihiin zalaan ka dib waxaad tihin dad aad uwanazan waadna ku mahadsan tihiin csharadfan aad u faa ii dayseen somalida walaaleheen ah lkn mid ayaan rabaa ianaad iiga jwbtaan oo ah maxaad dadka uga soo jwbi waydaan hadaad rabtaana email_kayga waa binucumar02@.......... and byyyyyyyy
2009.08.11
Abdirahman dhagahor
Ireland
wad ku mahadsantihin walalaha sameyay webkan aan ka wada fa,iidaysay waxan codsanaya in ardayda in badan laga caawiyo JAVA iyo Cisco iyo hada awoodan oo afsomali ah wad mahadsantihin
2009.08.09
hafiz ahmed
Somalia
aad ayaan umadsantihiin walalahayga xilka iska saaray in aad cilmigan ku turjuntaan af keena hooyo kaas oo an facaya ardayda jecel in aybartaan IT coputer science waana iidiin hanbalyaynayaa
2009.07.07
maxamed
Somalia
waxaan doonayaa qaybta inji ooda
2009.03.05
abaubakar
United Kingdom
as/cl/jaazakullahu khar software casharo ma u smayseen aad baan u jeclaan lahaa iany walaalu ii soo jawaabaan.
2008.11.03
Lowdhako
Ireland
Asalaamu caleykum wr wb. salaanta islamka ka dib walaalaha sameeyey website kan aad iyo aad baan uga helanay ugana faa ii deysanay allaah ha idinka abaal mariyo waxtarkaa aad noo soo bandhigteen casharada tirada badan ee qiimaha leh jazaka allaahu kheyran . halkaas ka sii wada. su'ashaydu waxaa aytahay adinko igarali ahanaya walaalayal maxaad ugu sodriwaysen casharada JAVA iyo CISCO oo ad sidaso kale uso tafatirteen? waad kumahad santihiin dhamaan sida aad isugu howsheen casharkaas iyo dhamaan kuwa kale oo aad sowadanba.
2008.10.29
Madar
Somalia
You guys you did it, I wish you’ll do many more. well done
2008.10.06
cabdulaahi
Kenya
wadan ka coawaa heesta
2008.08.22
Maxmuud-JEEXAA
Nepal
Asc wr wbr. ILaahbaa mahad iska leh SHW, Marka xigtana walaalaha somaliyeed ee cilmigan Computerka soo diyaariyay baan baa mahad iska leh. Walaalayaal waxaad tihiin ijikeytaris aqoonleh intaas iyo inkabanba dadka ufaa'ideeya aqoonyahano dalku ubaahan yahay baad tihiin masha allah. goodluck
2008.06.19
A/najah Ismail Abdi
Hong Kong
dear brother i very appreciated how to prepare the lessons, i wish u to expand if allah says and i will give ahand Eng.A/najah
2008.05.30
kayse
Somalia
maxaa sababa in uu system unitka datekiisa uu is badalo marka qaarkaad waxaan ku arkaysaa dateka systemka oo ay ka hormarayso zero mana o qaalaanayo wax update ah in lagu sameeyo anti virus ama activate in lagu sameeyo mahadsanadiin
2008.05.27
yahye omar suleiman
Somalia
kumbiyuutarka wuxuu faa'iido u yahay bini'aadamka oo dhan gaar ahaan qofka markaasi isticmaalaya maxaa yeelay computerku waa aalad wax fududeeysa meesha aad wax ku qabsanlaheed saacado badan ayuu wuxuu kaaga qabanayaa saacado ka dhow kuwii hore aad wax ku qabsaneeysay ninka computer uleh aqoonta wuxuu faa'iido weyn u yahay dadkiisa iyo dalkiisa mahad sanidiin
2008.05.27
moh'ed qadar ali (nero)
Sweden
waad ku mahadsantihiin walaalayaal maadaama aad howl muhiim ah u qabateen bulshada soomaaliyeed oo ku dhaqan dunida daafaheeda kala duwan anigana waxaan kula talinaa inay ka faa'iideestaan fursadaan qaaliga ah oo kusaabsan aqoonta casriga ee computer oo ah isbar macalin la'aan mahadsinidiin
2007.12.11
kkkk
United States
Emotionele intelligent
2007.09.04
cabduqaadir
Somalia
aad ayaad ugu mahadsantahiin somalisoftware casharada aad bixisaan
2007.08.21
cabdixakin cali s sancad
Somalia
waad kumahsantihin aad baan idgu abal ciliyaa soamli software cashada aad kabixisaan haslakan
2007.08.21
cabdixakin cali s sancad
Somalia
waad kumahsantihin aad baan idgu abal ciliyaa soamli software cashada aad kabixisaan haslakan
2007.08.06
c/rashiid c/raxman
Somalia
walal marka hore waan idiin salamay salaaan ka dib aad baan idinku ma had naqaaya programkan aad dhalinyarada xaga computerka ku xeel dheer ooga faa ideysaan iney ka bartaan hardwareka walalayal lakin mid baaad balaayo ku dhigteen cidna oo ma soo jawaabtaan lakin waxaan rajeynay inaad dadka usoo jawaabtan walalayaal
2007.08.01
Mahad Haangenet
Somalia
Asalaama calaykum aad iyo aad ayaan uga faa'iidaystay waadna ku mahadsan tihiin Ilaahay ha'idin ka awaal mariyo......
2007.07.27
axmad
Finland
waxaan rabaa sida computerka loo barta
2007.06.20
ismail
Malaysia
asalaamu caleykum salaan ka dib walaalayaal aad iyo aad ayaad umahadsan tihiin shaqada aad u qabateen waalalihiina soomaaliyeed adinkakana ilaa hey ha idinka amaal mariyo
2007.06.14
saciid xuseen cabdi(macruuf)
Somalia
asalaamu caley aad iyo ayaan inkaga mahad calenayaan sida aad sida aad usoo diyaariseen casharkaan iyo kuwa kale sidoo kale waxaan si aad ah daka maan ta dadaalka dheer ugalay sidii ey luqada soomaali ga ah ugu heli ahaa yeen aray bixin ku aadan cilmigaan casriga ah, baaxada weyn . udanbeen tii waxaan idin leeyahay siiwada dadaal kiina oo haka caajisina waad mahad santihee wabilaahi towfiiq
2007.05.06
Abdal hakim
Somalia
Walaalayaal Marka hore waan idin salaamayyaa marka labaad walaalayyaal aad baad u mahadsantihiin saad Ummadda somaliyyeed ayaad Cilmi usoo bandhigteen ayna fahmi karraan walaalayaa run ahaantti wax weeyn Bad Qabattten Alaha idinka abaal Mariyyee, Waxaan ka codsanaya Dadka somaliyeed inay ka faaidaystaan Cilmiga AY walaalahaan soo bandhigeen ,,Wa Bilaahi Towfiiq,,.//////////////Urs,Abdalhakim.
2007.04.29
guled ali robleh
Somalia
walaalayaal horta waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka (ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULAAHI WA BARAKAATUHU) salaan ka dib walaalayaal waad ku mahadsan tihiin sida wacan ee aad casharkan ugu soo bandhigteen walaalihiina soomaaliyeed ee ka dhaga la'a cilmiga Computer ka iyo waxa uu yahay hadaba walaalayaal Ra'yi ayaan idinku dari lahaa hal shay oo ah in aad casharada u soo kordhisana walaalihiina baahan ee u baahan barashada computerka iyo macluumaadkiisa walaalayaal idinkoo eegay faa'iidada ay ku qabaan umadeena somaliyeed maalkasta oo ayjoogaan hada way ka faa'iidaysteen hadana way ogsoonyihiin waxa uu yahay computerku maraa walaal waxaan idin odhanlaha casharada soo badiya si ay mar labaad uga faa'iidaystaan WA BILAAHI TOWFIIQ byeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee
2007.04.13
Ahmed
China
walaal aad baad u mahadsanthiin sida xilkasnimada leh ee aad dadka u baraysaan aalada computerka ... waxaanan idin odhan lahaa mar haddaad aqoontii networking-kana haysaan kusii dara casharadiisa
2007.03.08
hamdi naynti ina ismail
Somalia
waa sharci yaqaan wax ka barta kuliyada sharciga ee hargiesa kaana caawin kara wax allale waxii ku taaluuqa sharciga si hagabla aana ah .. dhinaca kalana waxaan walaalaha way ku mahadsanyihiin sida wanaagsan ay isoo diyaariyeen waxaanse rajeynaa inaysan ka caajisin dadaalkooda waayo since 2000 ilaa & hada qeeybta software ka ma bilaabin marka maxaa dhacay hadii saacidaad u baahantihiin soo gudbiya see you soon
2007.02.19
cali faarah jeette
United Arab Emirates
Waxan Aniga doonayaa inaan fahmo kumbuyuutar-ka si'aan mustqbal-ka somaliya wax ugu qa
2007.01.13
hamdi ismail (mr.taagane)
United Kingdom
walaalayaal marka hore asalaama caleykum waraxmatulaahi wabarakaatun, marka xiga lama soo koobi karo fikiradaha aad kusoo kordhiseen ajar iyo xasanaadna alaha idiinka siiyo teeda kale walaayayaal waxaan jeclaan lahayn inaad ku soo kordhisaan qaabka loogu shubo cajaladaha Istolooshinka Computer-ka idinkoo ku mahadsan dadaalkiina
2007.01.13
xamdi ismail c/laahi taagane
Somalia
xamdi ismail c/laahi taagane waa sharci-yaqaan(adovcate)kana tirsan jaamacada hargaysa gaar ahaan kuliyada sharciga waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa bahwaynta website ka somalisoftware hawsha muhiimka ah ee ay u hayaan umada somaaliyeed. intaa waxaan raacin lahaa inaan diyaar kuula ahay inaan ka caawiyo qof kasta oo somali ah si free ah wixii uu uga baahdo dhinaca sharciga,isaga oo igala soo xidhiidhi kara ciwaanada kala ah XAMDAAYE007@YAHOO.COM, ama telephone number 00 252 2 4409175
2006.12.27
aadan maxamed weerar
Somalia
Waxaad Bilowdeen casharo Faa'iido leh iyo Prograamyo iyan Fiican oo Faa'iido leh haseyeshee wax horumar ah muu samayn Boggu oo waxa uu fadhiyaa halkii uu joogay maalintii ugu horraysay ee aan bartay oo ahayd 2002.Haddaba waxaad mooddaa inaad wax bilowdeen haddana aad ka harteen, markaa waxaan idin kual talin lahaa inaad sii waddaan, waxa kale oo aanu si aanu aad u xiisaynay Programm ka ganacsiga oo aad sheegteen inaad soo waddaan welina waxa ku Qoran wuu soo socdaa markaa miyaad iska deyseen. Allaa mahad leh
2006.12.20
cabdiraxman waraabe cade
Somalia
Runtii waa arin layaable nina dadkoodii iyo dalkoodii ayuu u hurayaa wakhtigiisa iyo cilmigiisa nina wuu burburinayaa waa kaaf iyo kala dheeri walaalayaal waxan idin leeyahay waamahad santihiin byeeeeeeeeeeeee.....
2006.09.29
news
Benin
{Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu} Salaan ka din waan idin salaamay dhamaan bahda somalisoftware dadaalkii dheeraa ee aad kusoo gudbiseen waana fikir aad muhiim u ah oo ilaa iyo hadda aanan lagu arag website-yada qaarkood maadaama aad inoo fududeeyseen qaabka barashada aaladaha kala duwan ee computer-ka, waxaanse idinka codsanayaa inaad kusoo kordhisaan programka ah (Networking) By: shiine0@hotmail.com shiine0@yahoo.com shiine0netzero.com MAHADSANIDIIN
2006.09.29
MUUUuuuuuuuaa
United States
{Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu} Salaan ka din waan idin salaamay dhamaan bahda somalisoftware dadaalkii dheeraa ee aad kusoo gudbiseen waana fikir aad muhiim u ah oo ilaa iyo hadda aanan lagu arag website-yada qaarkood maadaama aad inoo fududeeyseen qaabka barashada aaladaha kala duwan ee computer-ka, waxaanse idinka codsanayaa inaad kusoo kordhisaan programka ah (Networking) By: shiine0@hotmail.com shiine0@yahoo.com shiine0netzero.com MAHADSANIDIIN
2006.08.13
maxamuud jaamac sahal
Somalia
waxaan idinka cod sanaya walaalayashayoow in aad noo kordhisaan casharada aydaan kaga hadhin intaad sanadada ka hor qorteen indhawayd waxb idinka mahayno walaal idinkaa noo macalmiine dhan noo kaxeeya wa cod maxamuud217@hotmail.com
2006.08.13
maxamuud jaamac sahal
Somalia
walaalayaal waan idin salamaayaa salaan aad u qaalisan walaalayaal waad ku mahad san tihiin waxa wayn aad noo qabateen mahad sanidi maxamuud217@hotmail.com
2006.08.02
cali xuseen
Switzerland
salaama caleykum,bacda salaan waxaad noo samyseen barnaamijyo leh intifaac aad ubadan,waxaadna nabarteen,noona fududayseen cilmi aanu baahi weyn uqabnay,,,,,waxaan ilaahay idiinka baryanaaa inuu muraadkiina aakhiro iyo aduunba idiin sahlo.....waxaana idiin rajaynaynaa inaad halkaa nooga sii wadaan wixii aqoona ee aad nagu dhantaanoo ku saabsan kumbuutarka iyo isbedeladiisa...
2006.08.01
hind ismacil
Bahrain
wad ku mahad snatihiin sida ficaan ee aad noola dada;aysaa
2006.07.13
ibrahim
Finland
walaal waad mahadsantiin balse niyoow maxaa dhacay ee aaydun casharada halkaa u dhaafin waaydeen . hadaay aqoontiinii intaa ku dhamaatay rag baa jooga halkan NOKIA programada u sameeyee ku wareejiya xilka ama wax ka korodhsada
2006.07.11
aadan maxamed weerar (mr.indhodoon)
Somalia
walaalayaa casharadan sii wada oo haka caajisina ayaan idin leenahay wanad ku mahadsantihiin . alla mahad leh
2006.07.11
aadan maxamed weerar
Somalia
walaalo marka hore mahad oo dhan alle ayaa iska laeh ,marka xiga walaalayaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihiin casharadan aad noo soo diyaariseen si aan uga faaiidaysano. walaalayaal waxaan idin leeyahay siiwada casharadan ilaahayna ha idinla qabto . waxaan filayaa inay dad badani ka faaiidaysteen casharadiinan oo ay dad abdani ka faaiidaysteen. alle ha idinla qabto walaalayaal. alla mahad is leh
2006.07.02
Cabdirashiid
Somalia
Waad ku mahadsantihiin intii kufekertay inta soo diyaarisay iyo intiina noo soo gdbisayba.
2006.05.13
mukhtaar .I. cige
Somalia
marka hore aad iyo aad ayaan idiinku mahad naqayaa walaalaha somalisoftware. marka xiga anigu waxaan aad u xiiseeyaa inaan barto noocyada kala duwan ee computer(ka).waxaan idinleehay ha ka caajisina sidaa ku wada, haduu ilaahay idmo waxaad gaadhi doontaan guul. Email: mukhtaar24@hotmail.com
2006.05.09
sacad
Somalia
waad mahad santiin wax walba in layska mahadiyo weeye walaal anigu waxaan jooga somaliland jamhuuriyada layidhaahdo markaa waxaan codsanayaa inaanaydin isku kaaya odha n soomalia
2006.05.09
khayre_2006@hotmail.com
Philipines
waad ku mahasan tihiin figradan cusub ilaahay ba idinka abaal sinaya walaalayaal waxaa ku dartaan qaybta maqalka iyo muuqaalka waad mahad santihiin thank you
2006.04.29
DALMARAANI
Somalia
WAR WAA MAHADSANTIHIIN SIDA WANAAGSAN EE AAD WAX NOOBARTAAN LAAKIIN ANIGA WADANKA AAN JOOGO WAA SOMALILAND REPUBLIC LA SOCDA MAGAALADA XEEBTA EE BERBERA WAA MAHADSANTIHIIN WAX WALBA BERBERA AYAAN KU HAYSTAA MAAN SHA ALAAH.
2006.04.26
gacure@hotmail.com
Somalia
waad mahadsantihin walalayaal waxaan codsanyaa inaad isoo sheeggataan si lo furo baaswoodh aanan garanayn hana noqoto mid rasiifar iyo kambiyuutarba iigu soo hagaaji bogoskaas
2006.03.13
gaanbiye
Somalia
walaal waxaan aad iyo aad idiinku mahadcelinayaa sida fiican aad wax u wadan markaa waxaan ilaahay idiinka baryayaa in ilaahay idinla qabto fakrada aad u wadaan walaalihiin aamiin aamiin aamiin
2006.03.13
gaanbiye
Somalia
waad mahad santihiin si fiican
2006.03.12
xasan cilmi guure
Somalia
WWW.wanaag aad nosamayseen run ahaatiihalakn lagama soo koobikaro ilaahbaa idinkaa abaal marinaya laakiin waqtibadan ayaa loobaahanyahay waxaana ookale sida lguqorayo (WEBSITE-kaan) diinta ilaahay iyo waqtiga salaada ogaada yeysan idin mashquulin aduunyo ilay yurub walagu gaalooba lacag iyo aduun balaga fikiraa walaala yaal waad mahad santihiin diintana hadayicinina iantaad aduun kafikiraysaan Wacalykuma salaan waraaxmatulaahi wabarakaatuhu (guure34@hotmail.com)
2006.03.05
mxamamuud
Soloman Island
waad ku mahd santihiin waxtarka aad soo kordhiseen waa nu idiin mahd celinaynaa thank u
2005.12.17
nur cumar
Egypt
WAXA MAHAD ISKA LE ILAHAY INA BABURAY MAANTA OO AYNUU KALA JOOGNO SHANTA QARADOOD AYANUU HADAN WAXA KA BARAN KARA LADDAN LA ISTCIMAL DADKU BADNAKOOD HADDABA WAXAN IDIN OO JEEDAYAYA BAHA WEYNTA SOMALISOFWARE WAA DADASHEEN KA CAJIISAN EE KU SI WADA DAD BADAN AYA IDIN KA FAAIIDIYSTA SIDEN ANIGU QABO MID KALE NOO SOO DIRA WIXI KU SOO KORDHAY CASHARADA KA SII DAYEYSAN AMA AA SOO GALIYSAN WEBSITKII WALAALYAAL SI AANU LOO LAA SOCANO HA IYO JEER WANUU SOO BOOQAN WEBSITKA WAA BILAHITUFIIQ
2005.11.17
axmed daarood(dujaana)
Somalia
walaal wadku mahad santihin shaqad ad ugukhidmanaysan umada halak kasiwada walaalayal wixidhimana kudadala
2005.10.08
Siciid maxame
Somalia
Waad mahada santihiin sida fiican ee aad nooc aawiseen ilaahyna ha idinka jaaaisiiyo sida fiican ee aad dadka u caawiseen waanad mahdsantihiin ee ha ka daalin caawinta dadka soomaaliyeed ee walaalhaa h Cismaan20@hotmail.com Burco Somaliland
2005.10.02
Axmed Muuse Cabdulle idaawaqaca
Somalia
waad ku mahadsasn tihiin dhamaan inta ka shaqaysay
2005.09.25
Muuse Cali Cige
Somalia
Waxaad Bilowdeen casharo Faa'iido leh iyo Prograamyo iyan Fiican oo Faa'iido leh haseyeshee wax horumar ah muu samayn Boggu oo waxa uu fadhiyaa halkii uu joogay maalintii ugu horraysay ee aan bartay oo ahayd 2002.Haddaba waxaad mooddaa inaad wax bilowdeen haddana aad ka harteen, markaa waxaan idin kual talin lahaa inaad sii waddaan, waxa kale oo aanu si aanu aad u xiisaynay Programm ka ganacsiga oo aad sheegteen inaad soo waddaan welina waxa ku Qoran wuu soo socdaa markaa miyaad iska deyseen. Allaa mahad leh
2005.08.31
Amiin Shiikh Maxamed
United Kingdom
asxaabta Boggaan waan u mahad helineynaa waxaana ka dalbaneynaa Haddii ey awoodaan duruusta iney ku daraan Programing casharo ah sida C,C ,java iwm
2005.08.14
xamse cabdilahi qumane
Pakistan
waad mahadsantihiin waxaad ku dartaan oo kale sida loo sameyo programmada yar yar hadii aad awoodaan
2005.06.28
A\qadir Mah'ud Jama
Somalia
waxaan idiinka mahad naqayaa casharkan aad ugu fududayseen dadka wax ku akhriya afsoomaaliga, waxaanan idin leeyahay hacaajisina.
2005.06.22
maxamed cabaas xasan
Somalia
aad ayaad ugu mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad u soo diyaariseen cashiradaan af-somaliga ku turjuman oo aad kala dhig dhigteen ilahey ha idinka abaal mariyo
2005.05.29
Qowdhan
India
waryaada intaan waa inaf..waxaan u maleenaa inaan loo nagu bari jirey iskuul
2005.03.10
fatxi maxamed
Somalia
marka hore waxaan salaamayaa diraayiyaasha barnaamijkan waxaanan leeyahey aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihin waanan ka faa'iidney
2005.03.07
khadar caydiid iidaan
Somalia
marka hore salaan iyo hambalyo waad ku mahadsantiin hawsha aad u qabateen inta u bahay wanan idinku taageersanay sii wadida casharadan ee walaalayaal ha ka caajisina ha kana niyad_jabina kadar aidid idan mr indhadoon
2005.03.01
M.H.O Caate
Somalia
Run ahaantii ammaan aad u wayn ayaad mudan tihiin haddii aad tihiin bahda somalisoftware. Bulsho waynta soomaaliyeed wax wayn ayaad u qabateen.Ammaantiina iyo wax qabadkiina runtii haddii la isku dayo in la soo koobo lama soo koobi karo waxaan idinku dhiirin lahaa in aad sii laba jibaartaan dadaalkiina.aad iyo aad ayaana ugu taxanahay barnaamijyadiina dhalintana waan ku dhiiri geliyaa in ay ka faaideystaan websitekaan.Taariikhda ayaa idin xusi doonta oo baal dahab ayaad ka gelaysaan mahadsandiin. caate@msn.com
2004.12.30
jacfar cabdi
Ethiopia
walaal waad mahadsantihin aad iyo aad ayan idiinku mahad celinayaa
2004.11.25
Khadar axmed cilmi
Somalia
{Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu} Salaan ka din waan idin salaamay dhamaan bahda somalisoftware dadaalkii dheeraa ee aad kusoo gudbiseen waana fikir aad muhiim u ah oo ilaa iyo hadda aanan lagu arag website-yada qaarkood maadaama aad inoo fududeeyseen qaabka barashada aaladaha kala duwan ee computer-ka, waxaanse idinka codsanayaa inaad kusoo kordhisaan programka ah (Networking) By: shiine0@hotmail.com shiine0@yahoo.com shiine0netzero.com MAHADSANIDIIN
2004.10.18
maxa,muud cismaan cabdi
Sweden
waxaan u mahad naqayaa walaalaha sida fiican isugu dayey inay ku turjumaan habkan cilmi baarists leh ee ay luuqadeena hooyo igu heleen barashada furfurida ee cunbuyuutarka
2004.06.09
cawad999@hotmail.com
Somalia
asalaamu calaykum walaal waad ku mahadsan tihiin dedaalkinaa walaal waxaad ku soo kordhisaan networking
2004.05.19
golis computer
Australia
waad ku mahad san tihiin fadlan emailkaan ha liga la soo xiriiro nin kii imtixaan rabo oo aan ka qadayo tasti aliade1@hotmial.com
2004.05.18
bashiir
Somalia
aniga oo ka mid ah akhristayaasha somalisoftware. waxaan marka hore idiin soo jeedinayaa salaan aanan halkan ku soo koobi karayn waayo. waxaad aad u fudaydiseen. sid waxlooga baran karo computerka oo aad ka soo dhigteen af somali aad ayaan ta idiinku mahadniyaa. ta kale waxan halkan ka dhiibanayaa. aniga oo ah akhriste had iyo jeer booqda bogan somalisoftware. inaad iga soo siisaan wax informatoin- ah oo ku saamsan sida aan u heli karo sawirada computerka oo ah cajalado cd ah hadii aan halkan ka daalacan karo ii soo jawaaba waanad mahadsanitiin. E=mail:ina_awmuuse@hotmail.com thanks
2004.04.27
wadani
Somalia
walayaal waxaa rabilahayn waxaan laga isticmaalaa somalia Exel ka iyop barnaamijka Queckbooks marka majiraan iyagoo af somali ah oo cajalado ah si looga dhooloongareesto oo ah maqal iyo muuqaal waxaan idinka sugaaba waa jawaab deg deg ah waadna mahadsantihiin
2004.02.15
Maxamed yusuf
Denmark
Assallaamu calaykum wr wbr Walaalayaal waxaa la yiri hadal badan haan ma buuxsho. Anigu waxaan idin leeyahay Jazaakumu Allaahu kheyran jazaa Wa axsana Allaahu ileykum
2003.11.29
ABDURAHMAN M HIRSI
United States
ASALAAMU CALEYKUM WARAHMATULAHI WABARAKATUHU. Kheyr allaha idinka siiyo dadaalkiinan weyn ee aad noo qabateen. Waxaan yara codsan lahaa hadii aad ku soo dari kartaan qeybaha kala duwan ee troubleshootinka(ciladbixinta) maadaama ay waxbarasho ka mid ah barashada computerka. waad mahadsantihiin qore:abdurahman m hirsi
2003.11.22
Abdishakur Abdulahi Hassan
India
Asalaamu calaykum warax matullahi wabarakatu.salaan ka dib walalhayga sharafta lahow waxaan hawada idin soomarinayaa salaanta islaamka salaan ka dib.aad iyo aad ayaad ugu badasan tihin sida fiican ee aad u soo diyaarisen barnamijkan somalisoftware. Waxaan idinka codsanayaa in aad ku soo dartaan waxa intaa ka badan?
2003.11.16
maxamuud cismaan cabdi
Ethiopia
waad ku mahadsantihiin barnaamij kan sida haqab la aanta ah ee aad ugu hagar baxdeen dhamaan dadaka/dhalinta soomaaliyeed ee soo diyaa riasay nimcadan by mahadsanidin
2003.11.05
Hussein Nuuraani
United Kingdom
Marka hore Waxaan idinku salamayaa salanta islamka kabacdi Waan idiinka mahad celinayaa waxan aad umada soomaliyeed uqabateen waxaan filayaa in hadii cidwaliba waxay baratay soobandhigi lahayd sida aad yee sheen waxaan filayaa in umada somliyeed ay cilmi kabuuxi lahayd. waxana ku jirta meesha kudayasho waad mahadsantihiin
2003.11.02
cali rigaax
Ethiopia
waxaaaaaaad aad iyo aad ugu mahadsan tihiin sida fiican eed nooga caawiseen barashada computerka. waxaan leeyahay halkaa kaga wada oo hakadaalina.
2003.07.29
ways mohamed
Finland
waad ku mahadsantihiin sidaad noogu hagar baxdeen
2003.05.17
sharif shelilla mowlaana
Netherlands
waad ku mahadsan tihiin sida aad noogu sharaxdey,muraadkiina ilaah ha din sahlo
2003.05.13
Maxamed CAbdulle Xasan(siidi)
Somalia
walaalayaal marka hore asalaama caleykum waraxmatulaahi wabarakaatun, marka xiga lama soo koobi karo fikiradaha aad kusoo kordhiseen ajar iyo xasanaadna alaha idiinka siiyo teeda kale walaayayaal waxaan jeclaan lahayn inaad ku soo kordhisaan qaabka loogu shubo cajaladaha Istolooshinka Computer-ka idinkoo ku mahadsan dadaalkiina
2003.05.13
MAxamed CAbdulle Xasan(siidi)
Somalia
walaalayaal marka hore asalaama caleykum waraxmatulaahi wabarakaatun, marka xiga lama soo koobi karo fikiradaha aad kusoo kordhiseen ajar iyo xasanaadna alaha idiinka siiyo teeda kale walaayayaal waxaan jeclaan lahayn inaad ku soo kordhisaan qaabka loogu shubo cajaladaha Istolooshinka Computer-ka idinkoo ku mahadsan dadaalkiina
2003.05.08
Ahmed yare mo'allim Moh'ed
Australia
waa ku mahad santihii ee waxaad ku sii dadaashaan horu socodkiin waana mahadsanthii
2003.04.28
Rageedii
United States
waad ku mahadsan tihiin hawshaa aad qabateen ee fadlan bal soo sheega waxa idinku dhacay ee aad halkaa uga sii socon waydeen.
2003.04.21
Xarir A.Mohamoud
Somalia
Aad baad u mahadsan tihiin,Khayr badanna Ilaah baan idiin weydiinayaa dedaalkiina awgeed.
2003.03.21
hacker
United Kingdom
s.c walaalaha way ku mahadsanyihiin sida wanaagsan ay isoo diyaariyeen waxaanse rajeynaa inaysan ka caajisin dadaalkooda waayo since 2000 ilaa & hada qeeybta software ka ma bilaabin marka maxaa dhacay hadii saacidaad u baahantihiin soo gudbiya see you soon

Fadlan halkaan ku qor fikraddaada

Magaca:
Waddanka:
Fikraddaada