DVD Drive-ka

DVD Drive  
Sawir muujinaya nooc ka mid ah DVD Drive-yada suuqa ka jira

DVD drive-ku waa halka kumbiyuutarka laga geliyo saxammada DVD-ga ee lagu daawado filammada iwm. Waxa kale oo DVD drive-ka loo adeegsadaa in saxammada DVD-ga akhbaar lagu kaydiyo ama akhbaar ku jirta wax laga beddelo ama lagaba tirtiro. Saddexda xaraf ee DVD-ga waxaa la sheegaa in ay u taagan yihiin "Digital Video Disc" ama "Digital Versatile Disc", hase yeeshee dadka qaar ayaa waxay ku doodaan in saddexdaas xaraf la iska doortay oo aysan wax micne leh u taagnayn.

DVD drive-ku sida CD Burner-ka ayuu xagga muuqaalka, cabbirka iyo dhismahaba wuxuu kala mid yahay CD-ROM Drive-ka oo aan uga soo hadalnay Casharka 19-aad iyo Casharka 20-aad. DVD drive-ku wuxuu kumbiyuutarka ugu xirmaa sida CD-ROM Drive-ka wuxuuna santuukha kumbiyuutarka ka galaa halka uu CD-ROM Drive-ku ka galo. Marka la eego Windows, waxaa DVD drive-ka astaan u noqda hadba xarafka ugu horreeya ee bannaan. Sidaa darteed waxaa laga yaabaa inaad aragto  DVD drive uu astaan u yahay xarafka D: iyo mid kale oo uu astaan u yahay xarafka E: ama F: iwm.

DVD Drive-ku wuxuu in badan kala mid yahay CD-ROM Drive-ka iyo CD Burner-ka sidaa darteed waxaad akhbaar badan oo ku saabsan DVD Drive-ka ka helaysaa casharrada ka hadlaya CD-ROM-ka iyo CD Burner-ka. Haddaba mar kasta oo aan ka hadlayno dhinacyada ay isaga midka yihiin waxaan kuu tilmaami doonaa casharradaas.

Baaxadda iyo cabbirka saxammada DVD Drive-ka

Baaxadda saxammada DVD-gu aad ayay uga weyn tahay kuwa CD-ROM-ka iyo CD Burner-ka waxayna baaxaddoodu gaaraysaa inta u dhexeysa 4.7 GB ilaa 17 GB (xusuusnow in halkii GB uu u dhigmo 1000 MB). Kordhinta baaxadda DVD-ga waxaa keenay arrimaha soo socda:

  1. Marka saxammada DVD-ga iyo CD-ga akhbaar lagu qorayo waxaa oogada saxanka lagu gubaa dhibco aad u yar yar oo ili ma aragtay ah. Haddaba si looDVD bits CD pits kordhiyo baaxadda saxanka DVD-ga waxaa la yareeyay dhumucda dhibcaha lagu gubo oogada DVD-ga iyadoo halkii dhibicba dhumucdeeda laga dhigay ugu yaraan 0.4 microns (0,001 mm) halka dhumucda dhibicaha lagu gubo oogada CD-gu ay ka tahay ugu yaraan 0.83 microns. Teeda kale waxa la yareeyay fogaanta u dhaxaysa Track-yada saxanka DVD-ga oo fogaantaas waxaa laga dhigay 0.74 microns halka fogaanta u dhaxaysa Track-yada CD-gu ay ka tahay 1.6 microns. Halkaa waxaa ka dhashay in akhbaarta lagu qoro DVD-gu ay aad isugu cufnaato, taasoo keentay in saxanka DVD-gu uu qaado akhbaar gaaraysa ilaa 4,7 GB. Fadlan fiiri labada sawir ee midigta ka muuqda kuwaas oo muujinaya farqiga xagga cufnaanta akhbaarta ee u dhexeeya CD-ga iyo DVD-ga.
  2. Waxaa la suurto galiyay in akhbaarta saxanka DVD-ga lagu qoro laba lakab (layers) oo is dul saaran iyadoo halkii lakabba uu qaado 4.7 GB, taasoo keentay in DVD-gu uu qaado akhbaar gaari karta ilaa 8.5 GB. 
  3. Waxaa kale oo la suurto galiyay in saxanka DVD-ga labada dhinacba wax looga qoro taasoo iyaduna keentay in hal saxan uu qaado akhbaar gaari karta ilaa 17 GB.

Marka laga eego xagga baaxadda waxaa guud ahaan saxammada DVD-ga loo kala qaadaa afar nooc oo kala ah:

  1. Single sided / single layer oo micneheedu yahay in saxanka akhbaarta hal dhinac looga qoro, islamarkaana akhbaarta lagu qoro hal lakab oo kaliya. Saxammada noocaan ah waxay qaadaan akhbaar gaari karta 4.7 GB.
  2. Single sided / Double layer oo micneheedu yahay in saxanka akhbaarta hal dhinac looga qoro, islamarkaana akhbaarta lagu qoro laba lakab oo is dul saaran. Saxammada noocaan ahi waxay qaadaan akhbaar gaari karta ilaa 8.5 GB.
  3. Double sided / Single layer oo micneheedu yahay in saxanka labada dhinacba akhbaarta looga qoro, laakiin dhinac kasta akhbaarta lagu qoro hal lakab. Saxammada noocaan ah waxay qaadaan akhbaar gaari karta ilaa 9.4 GB.
  4. Double sided / Double layer oo micneheedu yahay in saxanka labada dhinacba akhbaarta looga qoro, islamarkaana dhinac kasta akhbaarta lagu qoro laba lakab. Saxammada noocaan ah waxay qaadaan akhbaar gaari karta ilaa 17 GB.

Saxammada DVD-gu waxay xagga cabbirka kala mid yihiin kuwa CD-ROM-ka sidaa darteed fadlan fiiri Casharka 19-aad gaar ahaan qaybta uu ciwaankeedu yahay "Baaxadda iyo Cabbirka CD-ROM-ka".

Muhiimadda DVD Drive-ka

DVD Drive-ku wuxuu faa'iidooyinka CD-ROM-ka iyo CD Burner-ka ee aan hore u soo sheegnay ku sii kordhiyay iyadoo baaxadda saxammada DVD-gu ay aad uga weyn tahay tan saxammada CD-ROM-ka iyo kuwa CD-Burner-ka. Hal saxan oo DVD ah ayaa waxaa lagu kaydin karaa akhbaar la mid ah inta ay qaadaan 7 ilaa 26 saxan oo ah CD-ROM-ka caadiga ah. Taasi waxay keentay in hal saxan oo DVD ah lagu kaydiyo:

Faa'iidooyinka kale ee uu DVD Drive-ku leeyahay waxay la mid yihiin kuwa CD-ROM-ka, sidaa darteed fiiri Cashar-ka 19-aad gaar ahaan qeybta uu ciwaankeedu yahay "Muhiimadda CD-ROM-ka".

Dhismaha DVD Drive-ka

DVD Drive-ku wuxuu xagga dhismaha guud kala mid yahay CD-ROM Drive-ka iyo CD buirner-ka, sidaa darteed fadlan fiiri Cashar-ka 19-aad gaar ahaan qeybta uu ciwaankeedu yahay "Dhismaha CD-ROM Drive-ka".  Si kastaba ha ahaatee waxaa jira dhinacyo uu DVD Drive-ku kaga duwan yahay CD-ROM-ka iyo CD Burner-ka. Dhinacyadaas waxaa ka mid ah:

  1. Head-ka DVD drive-ku wuxuu adeegsadaa farsamo u suurto galinaysa in uu iftiinka Laser-ka ku beego hadba dhinaca saxanka iyo lakabka uu rabo inuu wax ku qoro ama wax ka soo akhriyo. Taasoo micneheedu yahay in DVD drive-ku uu awood u leeyahay in iftiinka uu saxanka uga shido dhinaca hoose islamarkaana uu ku beego oo uu wax ka soo akhriyo dhinaca kore lakabka ugu sarreeya. Haddii tusaale ahaan uu saxanku yahay Double-sided / Double layer wuxuu markaa iftiinku ka gudbayaa saddex lakab oo akhbaar ah si uu u soo akhriyo akhbaarta ku qoran lakabka ugu sarreeya isagoo aan akhbaarta isku khaldayn.
  2. DVD Drive-ku wuxuu u baahan yahay saxammo gaar ah oo samays ahaan isaga loogu tala galay saxammadaas oo u kala baxa sida aan kor ku soo sheegnay. 
Marka laga reebo in saxanka DVD-ga akhbaar lagu qoro, waxaa kale oo DVD Drive-ka loo adeegsadaa in lagu soo akhriyo wixii akhbaar ah ee ku jira saxammada DVD-ga, CD-ROM-ka, Audio Drive-ka (Stereo) iyo kuwa CD-R iyo CD-RW oo ay DVD drive-yada badankoodu wax ka soo akhrin karaan. Markaa wuxuu DVD Drive-ku u shaqeeyaa sida CD-ROM-ka caadiga ah. Taas micnaheedu wuxuu yahay in DVD Drive-ku uu qaban karo dhammaan howlaha ay qabtaan CD-ROM-ka iyo CD Burner-ka iyo in kale oo lagu sii kordhiyay. Haddaba sida aad halkaa ka garan karto DVD Drive-ku wuxuu ku socdaa in mustaqbalka uu suuqa ka saaro CD-ROM-ka iyo CD Burner-ka labadaba.

Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa noocyada iyo xawaaraha DVD Drive-ka.

Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com


Waxaad tahay akhristihii 8013-aad laga soo bilaabo 2003-06-01

Casharkii Hore | SomaliSoftware.com | Casharka Xiga

Fikradda akhristeyaasha casharkaan

Halkaan waxaad ka akhrisan kartaa fikaradaha dadka cashirkaan akhriyay ay ka dhiibteen cashirkaan haddii ay jiraan dad fikraddooda ka dhiibtay. Waxaa kale oo aad halkaan ku soo gudbin kartaa waxa ay adiga kula tahay iyo sida aad u aragto casharkaan. Inuu adag yahay, inuu ku fiican yahay sida uu yahay iyo in aad jeclaan lahayd in wax laga beddelo iyo in kale.

MagacaFikradda Akhristaha
2008.11.20
faysal
Somalia
woooooooooooooooow goooooood website
2008.11.10
cadow
Yemen Republic
cabirada computerka..... waa imisa .walaal
2008.11.05
maxamed
Canada
waadmahadasanthiin dhamaan tiin inta soo diyaarisay iyo in ta wax barashada jecal
2008.11.05
m
Canada
abooweyaal waadmahadsantihiin dhamaantiin dadkii nala socod siiyay
2008.11.05
no
United States
walaalayaal waad mahadsantihiin dhamaan tiin cidii soo diyaarisay aalada casriga ah
2008.11.05
siil macaansade
United States
warya waxaan kuu sheegayaa waxan kahaytaa waxaa aad sheegay so d h b markaa waxaan kuu sheegayaa dad ka saas laguma qaldo fadlan ka daa sidaa dadka hadaad u baahan tahay inaan kuu faaiideeyo waxaad igala soo xidhiidhaa siilmacaansade@gmail.com waxaan ku sii nayaa waxaad u baahan tahay waxaadan aqoon waxaa kuu yaqaana walaal kaa markaa anaa kuu aqaana adna waxaad iitaqaanaa waxaanan aqoon aniguna waxaa halkan ila jooga inan la liita xanuunka looyaqaan ismayiir ama kacsi darane markaa walal isna waxaa uu ku leeyahay maxaa u daawo ah hadaad garanay so fadlan igala soo xidhii dhabqsade@myway.com magiciisawaxaa ladhahaa qasmadhige
2008.11.04
baashaal inqaas
Kenya
waad ku mahad santihiin sida aad nuugu soo diyaarisen waxana iniga codsanayaa inaad noogu dartii kuwo kale hadaad awoodin
2008.11.02
c/rashiid c/raxman
Somalia
walalayaal marka hore waxan idiinku salamaya salaan islaama walalayaal horta anigu aad ayaa ooga faaideystey walalayaal sidaas daraadeed walalayaal waxaan aad ugu faraxsanahey websityada aduunka o lacag wax lagu barto oo maanta ay keneen halyeyyadii somaliyeed computer idilkii walaahi waa wax lagu farxo marka walalayaal aad ayaan idinku soo duceyneynaa aad ayaad umahadsantihiin walalayaal aad ayaan idiinku riyaaqney walalayaal waayo anigu halkan intaan wax ka bartey ayaan hada ku shaqeeyaa wixii kasto oo cilad ahna halkan ayaan kala soo baxaa aad ayaad umahadsantihiin wabilaahi towfiiq
2008.11.01
cabdisalan mah,ud jibriil
United Kingdom
Walaalyaal aad baad Ugu mahadsantihiin casharadan aad halkan ku soo bandhigteen, wallaal laakin su'aal baan doonaya in aan idin waydiiyo hadaad tihiin bahda somalisoftware, casharado miyey sii socon doonan mise sidaa ayey ku dhamaadeen, waayo qayb kale ayaa hadhsan sidaa software {OS} wallaal aad iyo baad u mahadsantihiin
2008.09.17
abuabdalah
United Arab Emirates
walaalayaal waad mahadsantihiin wa jazaakumu laahu khayraa. waxaanse intaa ku darayaa madaama oo aad juhdi badan u bixiseen walaalihiina Soomaaliyeed, mafiicnaan lahayd in aad cashada ku soo dartaan marba waxa ku soo cusboonaada caalamu computer-ka walaamu calaykum
2008.07.18
cabdiqani jamac cali
Somalia
jasakalaahu khayr illahay haydin siiyo waa noofa ideeseen walalyal tasi waata. waxa aan idin odhan laha walal waxa aad noogu dartan aqoonkale oo ku sabsan it ka sida network, programingka software ka waxkasta oo aad faido u aragtan ooku sansan computerka. wasalamu calaykun waraxmatulahi wabarakatuhu
2008.07.16
Aadan Hure Diiriye
Kenya
walaalayaal waxaa mahad weyn usugnaatay allaha ina wada abuuray nimcadana inoogu faray marka xigta waxaan mahad balaaran u celinayaa dhamaan inta fikaradeeda iyo soo diyaaarinteeda iska lahaa cashiradan qofka ka caawinaya inuu si wanaagsan u barto aalada computerka waliba afkiisii hooyo runtiina aad iyo aad ayaan ugu farxay markaan arkay webkaan qiimaha badan waadna mahadsantihiin
2008.07.05
ahmed
Somalia
walaahi aad iyo aad ayaan ugu farxay marka aan arkay arinka igu cusub waxaa ii sheegay wil aan saxib nahay oo jooga wadanaka Djbouti aad iyo aad ayaad u mahad san tihiin
2008.07.03
kamal
Ethiopia
sxb yaalaad ayaan idinku mahadnaqayaa waxaana idinka codsanayaainaad casharo kusbaasnan networkinka aad iigusoo dirtaan immellkayga kamaal_40@yahoo.com sida layskuxiriiriyo computerobadan iyo xargaha loo isticmaalo fadlan jawab wacan mahadsanidiin
2008.06.16
xasan adan xasan
Kenya
anigoo ah xasan adan xasan waxaan idanka codsanaa in aad ku soo dartiid qeybta printerka looga hadlaayo idinkoo madsan
2008.05.03
fuad c/raxman khalif
Somalia
walalayaal marka hore waan idiin salaaya salaantaa oo oo aan aan umaleynayo inayna jirin salaan intan la mid ah oo aan qof udirey marka walalayaal anigu run ahaan waan ka faa iday programkan walalayal anigu waxaan ahey ardey aad u jecel barashada computerka hadana macalin ku ah computerka dalka kenya walal marka anigu aad ayaana ooga faaiday laakin anigu walallayaal anigu casharada aan kala dhex baxay progrmakan maan raacin somalisoftware ayaan ka soo qaatey marka dee waxaan ahey nin jecel inuu dadku yiraahdaan marka walalayal sidaa iyo nbadg alyo
2008.04.17
SACIID MACRUUF
Somalia
casharkaad runtii waa mid aad iyo aad aan uga faa iideystey waana cashar si fiican lo soodiyeeriey waxaan dhamaan shaqaalaha iyo hawlwadeenada web ka ka codsanayaa in la diyaariyo casharo kale oo ku saabsan computerka gaar ahaan barnaamijyada la xariira neshqadeyta web ka sida PHP iyo barnaamijyo kale waana mahadsantihiin
2007.12.04
Wadani
Somalia
Asc Wr wb Marka hore walaaleyaal waxan idinku salaamay salaanta islaam-ka salaan kadib walaaleyaal waxaan doonaya in aan idin weydiisyto ongolansho ah kuxisabsan ufaidenta walaalaha somaliyeed mel kasto ay joogan sida wanaagsan ee aad sameyseen hadii aan soo koobo warkeyga walaaleyaal waxan raba inaan flash sameeyo halkaas oon iskugu keeno barashoyin kala duwan sida computer/webprogramming iyo c marka waxan idinka codsanaya in aanku darsado qoralada computer-ka aad halkaan ku haysan laakin ooka duwan sida aad kusoo bandhigteen marka ongolansho ayan idinka doonaya mahadsanidiin
2007.11.15
mohamed haghi ahmed
South Africa
waxaan dhamaan halkaan kasalaamayaa shaqaalaha site-ka somali software iyo dhamaan soomaalida kukala nool dunida dacaladeeda anigoo ah mohamed haghi ahmed waan idiin soo dhaweeynayaa dhamaantiin Address-keeyguna waa:qanciye183@hotmail.com byeeeeeeee
2007.11.15
mohamed haghi ahmed
South Africa
aad baad ugu mahadsantihiin laakiin waxaan idiinka codsanayaa inaad innoosoo sharaxdaan barnaamijyada web designing sida dreamwaver 5.0 swish 7.8 macromadia flash 8.0 and firewall and photoexpress 8.0
2007.08.27
fadomo
China
tijabo idil-14@hotmail.com
2007.07.17
xanka
Kenya
ugu horeentii waan idiin salamay asxaabta oo dhan waadna ku mahadsantihiin aqoontaan aad dadka u fududeyseen ane waan ku faraxsanahay hal dhib ayaa jira qofka aan soo baran siduu ku shaqo galaa sida aniga oo kale walaalyaal waan idin mahad celiyey
2007.07.08
abdixakiin ali s sancad
Somalia
wax aan halak salan sare iyo mahad celin balaadhan uga soo jeedinya shaqalah soamlisoftware waxaan leeyahay aad ayaad uamahd santihiin
2007.06.29
JasonX
Turkey
Cool website!; Good work. Good resources here. Best regards!;
2007.06.20
cabdiqaadir
United States
horta aad baan ula dhacay waanan hubaa inay waxtar u tahay dadka jooga guud ahaanaba wadan kii marka ay da' yartu af somali ku helaan computerka barashadiisa oo afka hooyo ku qoran iyada oo ay sidaa tahayna fikradahaan waxaan ku talin lahaa barta luuqadaha kalena waxay idinka caawin doontaa wax aydaan halkan ka helin ama aanu haynba macalinka ku diiqay buugan waad ,ahadsan tihiin
2007.06.17
mahad
Switzerland
tip top waaye this page
2007.06.14
xuurshe
Azerbaijan
shaqala aan ayaa idin heysa
2007.06.14
SACIID XUSEEN MACRUUF
Somalia
WAA DADAAL HORO UKAC BADAN SAMEYNAYA EE HAKA DAALINA
2007.06.07
abdulkader ali
Yemen Republic
waa fikrad aad iyo aad u wanaagsan waana ku mahad santihiin dhamaantiin inta isku soo dabariday howlaha noocan ah
2007.06.06
Xasan Nuur Maxa'ed
Somalia
Magaceygu waa Xasan Nuur Max'ed Waxaan ku Noolahay Kismayo, Waxaan ahay Macalin computer Run ahaantii casharada aad ku soo bandhigtaan webkani aad ayay u faa'iido badanyihiin waana wax lagu farxo oo jahli ka bixineysa ummadda soomaaliyeed ee jecel barashada farsamada casriga ah ee computerka waad ku mahadsantihiin siina kordhiya dadaalkiina walalayaal. Mahadsanidiin.
2007.05.11
buubshe
Egypt
Marka waa idin salamaya kadib, runtii aad iyo aad ayan u fahamay cashar wax badana ka koror saday marka waxan soo jeedin fahan uu aad u wanaagsan yahay intii noo soo diyaarisay waan kaga mahad celinayaa Shukran
2007.04.30
c/rashiid c/raxmaan khalif
Somalia
marka hore waxaan somalaya bahda somalisoftware walalyaal anigu waxaan ;ahey nin ardey ah oo ku nool magaalada boosaaso aad ayaana ooga faaiddeystey bogaan websitekan walalayaa anigu waxaan idiin dhihi lahaaka sii wada halkaad hada jogtaan ba arinkan hormarinta ummada baa ba/adey walalyaal
2007.04.24
maxamed
Egypt
waxaan idiin shegaya sxb yaal in aan sameeyay web oo chat leh somalida bas sxb ana iskugu iumano wana lakiin qofkii uu ufurmi waayo ha sug wax yar kabacdi mehsa ha ku dhufto meel ayuu ku geynayaa kabacdi download dheh sxb yaal wa kaas webkana waa {www.storelove.piczo.com}
2007.04.01
hassan
Netherlands
walalayaal waa ku mahadsantihiin sida sharafta leh oo aad isku xilqaanteen oo aad ugu faa idayseen walalhiina somaliyeed meel walbo ay joogaan thanks
2007.04.01
Musse Abbi
Somalia
Asalamu Aleikum Salaan Ilaahay ayaa mahad iska leh walaalaheenaa weaa fajiyay inay hawshan qabtaan aad iyo aad ayaanan ugu mahad celinayaa dhamaan asxaabta ka qayb qaadatay samaynta hawshan aadka u adag ee wax tarka badan u leh dhamaan dadka soomaaliyeed ee jecel inay wax bartaan waxan leeyay haka daalina hawsha aad u haysaan dadkiina taakulada u baahan wa salaam aabi_5@hotmail.co.uk
2007.03.27
cabdiraqiib
Ethiopia
figradayduwaa eedo As/caleykum: Ugu horeyntii Allaah ayaa mahad buuxdo leh.wa bacd waxaan ahay wiil soomaaliyeed oo ku nool dalkan Hong Kong mudo 13 sano ah waxaan bartay cilmiga Computerada sida A ,Network ,Server ,I-Net ,Linux/Unix,Novell, MCSE,VBasic,Web design,MS-Offices-Word/Excel/Access/Powerpoint/DataBase Puplisher,Sql iyo Hacking.Dhamaan maadooyinkan barashadooda ma fududa laakiin hadaad waqti siiso waad gaareyaa guul. Waxaan dhamaan Walaalaheyga Soomaaliyeed Rag iyo Dumarba u soo jeedinayaa inay bartaan Cilmiga Computer-ka iyadoo aad Lacag fiican aad ka heleyso xaga shaqada iyo wax u tar dad/dalkaada Hooyo, ugu danbeyntii Waxaan Rabi ka baryayaa in dhamaan dadkii qoray chasharadan iyo kuwa HTML-ka iyo C inuu idinka dhigo kuwii Liibaanay Aduunyo iyo Aakhiro teeda kale waxaan idinkula dardaarmayaa Nafsadeyda iyo tiinaba CABSIDA ALLE meel walba oo aad joogtaan Fii Amaanillaah
2007.03.17
ismael
United States
walaal aad ayaad u mahadsantihiin sida haqablaida aad ugu shaqeysen dhalinyarada soomaaliyeed. merci
2007.02.14
Abshir Hussein Hassan.
Canada
aad iyo aad ayaanu idinku mahad celinaynaa saaxiibayaal sida qiimaha badan ee aad dhalinyarada ugu adeegtaan. waa abshir hussein oo dhalasho ah nin SOMALILANDER AH.
2006.12.14
xasan cabdilahi jamac
Somalia
hada sanid Maxamuud Cabdi Jaamac (Shire Dheere
2006.10.29
Mahdi
Sweden
Tijaabo
2006.10.10
mahad Abdirahman Abdulle
Somalia
Waan u mahadcelinyaa dhamaan umada somaliyeed gaar ahaan dhalinyarda fulisay adeegan hufan oo aan is iri waxay faaiido u tahay dhamaal shacbi waynaha somaliyeed. wax walbana waxay ku fiican yihiin markii la is dhaafsado aqoonta hadana waxaa nahay dad isu dhaw oo somali wada ah. marka waxaan ugu baaqayaa dhamaan dhalinta somaliyeed meel walbaba ha joogee in uu sameeyo si kasta oo u faiden dhalinta kale oo la is leeyahay waa ku dhamaa dhanka aqoonta. somalidu waxay tiraahdaa hadii aan lakala roonaan roob ma da'o marka waxaa loobaahanyahay wax walba oo fiican in lagu dhaqaaqo sida walaalkay somaliga ah oo soo saaran adeegay uu u qabtay dhamaan samalida ku nool dal iyo dibadba. waana ugu mahadcelinayaa meel walba u joogba ama ay joogaan ba isaga iyo ragga ay isla shaqeeyaanba. mida kale waxay tahay waxaa loobaahanyahay inaan la jaanqaadno aduunka kale ileen muddo baanu dawla'aan aheen waana ka danbeenaa xaga tacliinta dawladaha kale oo isku levelka ahayn. run ahaantii waagii ay dawlada jirtay wadamo badan oo african ah iyo Asian ba waan dhaanay xag dhaqaale iyo xag waxbarasho. marka waxaa loobaahan yahay in aanu nin walboow ninkuu wax dhaamo uu u faaiideeyo si ay somalidu heer ka gaaraan wx barshada. mahadislan@hotmail.com mahadislan@walla.com
2006.09.17
Said Elmi
Netherlands
Walaalyaal aad baad Ugu mahadsantihiin casharadan aad halkan ku soo bandhigteen, wallaal laakin su'aal baan doonaya in aan idin waydiiyo hadaad tihiin bahda somalisoftware, casharado miyey sii socon doonan mise sidaa ayey ku dhamaadeen, waayo qayb kale ayaa hadhsan sidaa software {OS} wallaal aad iyo baad u mahadsantihiin
2006.09.05
Jidde Arts
Ethiopia
Aad baad ugu mahad san tihiin sida daacad nimo eed dadka ugu faa iidayseen waxaanuna idin ka codsanaynaa inaad windows iyo office soomaali ah soo saartaan
2006.08.29
Cabdilaahi Jawhar Cabdi
Ethiopia
Aad baad ugu mahad santihiin faa iidada aad dadka u faa iidayseen halkaana ka sii wada
2006.08.09
cabdiraqiib she abiib sh,xasan
Somalia
Maasha aalaaah aad iyo aad ayaad umahadsantahiin somali sofware sifiican ayaan uga faa'iidaysanaa websetka somali software 100% waan idinku mahadnaqayaa waxaan idinka codsanaynaa sida loosameeyo ama loo dhiso websetka (websaydad) vipcabdi@hotmail.com
2006.08.03
cali
Switzerland
waad kumahadsan tihiin sida wanaagsan ee aad noogu faafaahiseen baraamijyada waxaanse jeclaan lahaa hababka wax duubida inaad sifiicannoogu soo sharaxdaan ,waayo waxaan kala kulanaa dib badan,oo cajladii mararka qaarkood iyadoo ay ku qorantahay (recodible)bayan wax baduubayn. mana aanan garan sababta....waad mahadsan tihiin
2006.07.31
huda
Somalia
fadlan iisii dir
2006.07.24
sacad yuusuf ahmed
Nepal
aad baad ugu mahadsan tihiin walalayaal in aad naga caawisan xaga waxbarashada ilaahybana idinka jasaai marin doona
2006.07.23
Ahmed jama{hiilato}
United Kingdom
MARKA HORE WAXAAN SALAAMAYAA ASALAAMA CALAYKUM WALAADA KU BAHOOBAY SOMALISOFTWARE EE SUURTA GALIYEY SIDA HUFANA USHARAXAY CASHARADA WAXAANAN IDILEE YAHAY JASAAKALLAAH KHAYR AYAAD SHAQAYSATEEN ILLAHAYNA HAYDINSIIYO AJARKEEDA SABADTOO AH CILMIGU DIINIYAN AMA MAADI MIDKUUDOONABA HA AHAADEE NUUR AMA LIYSKA NAFTA WEEYE WAXAANAN KU SOO GABAGABAYNAYAA SII WADA DADAALKA WABILLAHI TAWFIIQ GOORGOR@HOTMAIL.COM
2006.07.12
sss
United Kingdom
salaan
2006.06.26
maxamedfani
Austria
walaalayaal marka hore waan idin salaamayaa marka labaad waxaan idinka mahad celinayaa dadaalka dheer aad umuujiseen dadkiina waxaana idin oranlahaa haka daalina waligeen, mahadsinideen
2006.06.15
muuse faarax muuse
Somalia
walal waan idin salaamayaa marka hore salaan kadib waxaan ka bartaaa somalisoftware barashada computerka iyo wixii la mid ah mhadsnidiindhamaantiina
2006.05.09
maxamuud
United Arab Emirates
waad salaaman tahiin kadib waxaan u baah nahay gabadh aan guur sado
2006.05.08
c/risaaq axamed c/laahi
Somalia
waan iddiin salaamy dhamaan shaqaalaha websitka software.com................. waxaan aaad iyo aad u gu farax sanahay qaabka wanaagsan ee aad isugu dubarideen barnaamijkan, ku saabsan barashada computerka aad baan ugu mahadsantihin waxaan kalo idiin rajaynaayaa inaad kusoo kordhisaan barnaamijyo kale oo ku saabsan qaabkaan hore aad usoo qorteen kumbuyuutarka qaab kasii fuduud oo ay dadku ku fahmaan al madaha ingiriisa ah ee aad ku qorteen noocyadda kumbuyuutarku ka koobanyahay oo idil,............. wabilaahi towfiiq
2006.03.26
cabdi qaadir maxamed yuusuf
Somalia
marka hore waan idin salaamay salaan qaali waxaan jacalahay in aan ka dhiibto ra, yigeeyg halgaani ariga loo qayaqaano jambalka sadee muu loo galiyaa cDroomka waxaa cajiin
2006.03.12
xasan cilmi guure
Somalia
WWW.wanaag aad nosamayseen run ahaatiihalakn lagama soo koobikaro ilaahbaa idinkaa abaal marinaya laakiin waqtibadan ayaa loobaahanyahay waxaana ookale sida lguqorayo (WEBSITE-kaan) diinta ilaahay iyo waqtiga salaada ogaada yeysan idin mashquulin aduunyo ilay yurub walagu gaalooba lacag iyo aduun balaga fikiraa walaala yaal waad mahad santihiin diintana hadayicinina iantaad aduun kafikiraysaan Wacalykuma salaan waraaxmatulaahi wabarakaatuhu (guure34@hotmail.com)
2006.03.11
Abdirisak Husein Ali {badwi}
Malaysia
a/c waxan arkayay dhalin yaro Run ahantii aan hadalo fiican kuhadlayn Sikastaba ha'ahaatee waxan filayaa inad aragteen Emailada ay soo dirayaan waxa ku qoran marka 1000 jer rali noqda waayo waa dhalin yaro aan markaan fiirinayn faa'iida ay leedahay aqoon iswaydaar siga laakin waxay Oganayaan malin kale iyana waxan leenahay Danbigooda & danbiga warid koodba allaha dhaafo allahana soo hanuuniyo thanks all of you
2006.02.20
Issa Hayatu
Bangladesh
salaan kadib waad ku mahdsantihiin haddii aad tihiin bahda somali software... Ta kale waxa aan idin wediin lahaa haddii uu jiro barnaamij Af-somaali ah oo ku saabsan web designka??? waxa aad iigu soo hagajinkartan jawaabta E-mailka ah ciisexayatu@yahoo.com waxa aanidin rajeynayaa kheyr..
2006.02.01
maxamed
Egypt
Asc Wr Wb Waxaan Marka Hore Halka ka Salaamayaa Bahda Barnaamijkan Isku Soo Daba Riday Uma Hurtay Qalbi Iyo Aqoon Waqtina Siisay Allaha ka Abaal Mariyee Aqoonta Ay Ugu Deeqeen Walaalahood Somaliyed Meel Walba oo Ay Joogaan Marka Xigiga Waxaan Halka Salaamayaa Dhamaan Umada Somaliyed Meel Walba oo ay joogaan waxaan lee yahay happy new year laakiin ha u qaadan 2006 waxaan ula jeedaa 1427 sanadka hijrada cusub ee u dhashay muslimiinta meel walba oo ay joogaaba hadana waxaan idin kaga tahay raxmada alle
2006.01.30
Maslax Shariif
Somalia
Assalamu Calaykum,,, Salaanta Islaamka ka dib, walaalayaal bahda (team-ka)Somali Software waxaan Alle idinka baryayaa inuu Alle idinka abaalmariyo dadaalka iyo juhdiga aad ku bixiseen sida aad ummadda ugu gudbin lahaydeen aqoonta casrigan inta karaankiina ah, waxaan boggan booqday 3 sano ka hor waxaanna ka faa'iideystay mas'alooyin fara badan oo horey mugdi uu iiga jiray waxaanse idinku biirin lahaan talo anigoo isleh wax waa ay kaaga bilaaban yihiin computer-ka; (1)Walaalayaal isku daya in aad wax ku kordhisaan macluumaadka site-ka gaar ahaan software-ka sida aad hardware-ka u bayaaniseen oo kale. (2)Isku daya Updating joogto ah in lagu sameeyo Site-ka adinkoo kusoo kordhinaya macluumaad kala gedisan Networking, Internet study, etc. Walaalayaal aad ayaan idinku bogaadinayaa dadaalkiina waadna ku mahadsan tihiin..... Wassalamu Calaykum,,, Maslah Sharif Mogadishu - Somalia
2006.01.11
bucurde
Somalia
walaal salaamu calaykum, horta dee bucurdaa lay yiraahdaayo waa iska fahamaa bahalka laakiin dee walaal hadaad ku soo dari lahaydeen networkking-ka ayaaan aaad u jeclaan lahaa. wallaahu aclam.
2005.12.14
gele
United States
asalaamu calaykum. war walaalayaal miyaaydaan ogayn in baahidu ugu weyni iyo dhibaatatad ugu weyni ay tahay C ama visual basic maxaad ugu soo dari weydeen maxaa jira tan iyo intii bahalka la aasaasay waa qeylinaynaye
2005.12.12
maxamuud abuukar huseen (max)
Somalia
waxaan idi sheegayaa in ay jiora wax yaabo fara badan oo loo baahan yahay in laga faa iideysto walaalayaal maxad nalagu talin lahaydeen
2005.11.14
maxamuud ";geel-jirer";
Canada
asalaamu calaykum. war walaalayaal miyaaydaan ogayn in baahidu ugu weyni iyo dhibaatatad ugu weyni ay tahay C ama visual basic maxaad ugu soo dari weydeen maxaa jira tan iyo intii bahalka la aasaasay waa qeylinaynaye
2005.10.18
saciid Axmed
Somalia
To: Somali software Waxaan halkaan ka salaameynaa dhamaan shaqaalaha shabakadda Somali software, marka labaad waxaan idinkugu hambaleyeynaynaa sida aad uga shaqeyseen ama aad u soo saarteen casharo ka hadlaya barashada computerka kuna qoran af Soomaali waana runtii kuwo wax tar weyn u leh dhamaan bulsho weynta Soomaaliyeed gaar ahaan da’;yarta. Waxaan nahay arday Soomaaliyeed oo barata computerka qeybihiisa kala duwan kana barata machadka socomin oo ku yaala magaalada Muqdisho. Waxaan akhrinay qaar ka mid ah casharada ku qoran Somali sotware gaar ahaan kuwa ka hadlaya barashada hardware-ka waxaanan u qabnaa baahi weyn weliba waa kuwa aan hadda ka barano machadkan waxayna ku qoran yihiin kuwa aan hadda baranaa af ingiriisi waxaan markaasi u baahanahay si aan si fiican u ugu fahamno in aan daabacano casharadaasi oo aan guryaheena ku akhrisano maadaama aanan internetka qarash intaa la ek aanan maalin walbaa u heli Karin, guryahana uusan noo oolin iyaga oo coyp rightkooda leh oo aanan ku xad gudbeyn coyp rightkooda markaasi waxaan idinka codsaneynaa in aad noo fasaxdaan in aan daabacano casharadaasi Sidaas ayaanan isku raacnay in aan jawaab idinka sugno. maadaama ay leeyihiin coyp right .Walaalayaal waxaan idiin rejeyneynaa qeyr badan iyo horumar intaan ka balaaran waana tageersan nahay qaabka aad wax ku wadaan waxaanan idinku bogaadineynaa in aad ku soo dartaaan programyo sidaan oo kale ah af Soomaali ku qoran Waa af hayeenka ardayda Saciid Axmed oo idin leh baay email: toosane24@hotmail.com WAA BILAAHI TOWFIIQ

Jawaab:
As-salaamu calaykum,

Salaan ka dib walaalayaal waad ku mahadsan tihiin salaantii qiimaha badnayd ee aad noo soo dirteed, annaguna waxaan hawada idiin soo marinaynaa salaan taa la mid ah, waana ku faraxsannahay idiinkuna hambalyaynaynaa dadaalka iyo daacadnimada aad muujiseen.

Intaa ka dib walaalayaal si aad casharrada Somali Software u kobiyaysataan waa inaad dhawrtaan labada shardi ee soo socda oo midkood aadba noo sheegteen inaad dhawraysaan:

1. Waa in aadan ka raadin wax faa'iido ah.
2. Waa in aad dhawrtaan xuquuqda qoraalka (Copyright), idinkoo mar walba koobiga raacinaya sadarka la socda cashar kasta ee sheegaya in Somali Software ay leedahay xuquuqda qoraalka ee casharrada. Sadarkaas oo aad ka helayso dhammaadka cashar kasta wuxuu u muuqdaa sidan: "Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com."

Haddii aad labadaas shardi dhawrtaan casharrada waad koobiyaysan kartaan sidaad doontaan ayaadna u ga faa'iidaysan kartaan. Xataa waad sii faafin kartaan oo dad kale ayaad uga faa'iidayn kartaan.

Waxaan idiin rajaynaynaa horumar iyo mustaqbal wacan
Somali Software
2005.10.18
saciid Axmed
Somalia
sdvsdfgsdfdadfads
2005.10.18
saciid Axmed
Somalia
To: Somali software Waxaan halkaan ka salaameynaa dhamaan shaqaalaha shabakadda Somali software, marka labaad waxaan idinkugu hambaleyeynaynaa sida aad uga shaqeyseen ama aad u soo saarteen casharo ka hadlaya barashada computerka kuna qoran af Soomaali waana runtii kuwo wax tar weyn u leh dhamaan bulsho weynta Soomaaliyeed gaar ahaan da’;yarta. Waxaan nahay arday Soomaaliyeed oo barata computerka qeybihiisa kala duwan kana barata machadka socomin oo ku yaala magaalada Muqdisho. Waxaan akhrinay qaar ka mid ah casharada ku qoran Somali sotware gaar ahaan kuwa ka hadlaya barashada hardware-ka waxaanan u qabnaa baahi weyn weliba waa kuwa aan hadda ka barano machadkan waxayna ku qoran yihiin kuwa aan hadda baranaa af ingiriisi waxaan markaasi u baahanahay si aan si fiican u ugu fahamno in aan daabacano casharadaasi oo aan guryaheena ku akhrisano maadaama aanan internetka qarash intaa la ek aanan maalin walbaa u heli Karin, guryahana uusan noo oolin iyaga oo coyp rightkooda leh oo aanan ku xad gudbeyn coyp rightkooda markaasi waxaan idinka codsaneynaa in aad noo fasaxdaan in aan daabacano casharadaasi Sidaas ayaanan isku raacnay in aan jawaab idinka sugno. maadaama ay leeyihiin coyp right .Walaalayaal waxaan idiin rejeyneynaa qeyr badan iyo horumar intaan ka balaaran waana tageersan nahay qaabka aad wax ku wadaan waxaanan idinku bogaadineynaa in aad ku soo dartaaan programyo sidaan oo kale ah af Soomaali ku qoran Waa af hayeenka ardayda Saciid Axmed oo idin leh baay WAA BILAAHI TOWFIIQ
2005.10.13
dalmar axmed cabdi
Somalia
waaliyaal waa mahadsantihin walaliya hurumarkan aad sameyseen baidoa somalia
2005.08.29
C/qadar Mire Adan
Somalia
asalaamu caleykum waraxmatu laahi wabarakaatu salaanta muslimka ka dib walaalayaal waad ku mahad sandtihiin sida aad noogu sahasheen DVD iyo sharaxaada oo dhanba waan ku qancay fikir fiican ayaana hada ka qaatay jizaakadeeda allaha idinsiiyo amin
2005.08.26
jaamac cali
Somalia
walaal waanidin salaamayaa salaanta islaamka. Asalaamu calaykum"; intaa kadib walaalayal Ilaahy abaalkiina idinka abaalmari dadkiina iyo carruurtiinana Ilaahay idiin hagaaji,nolosha adduunyo iyo tan aakhirona raxmad,dembidhaaftaama, camal mutaqabala iyo weliba riziq waasaca baanu Ilaahay idiin waydiinaynaa.. AAMIIN<AAMIIN<AAMIIN... laakiin dee walaal kus oo dara networkingka iyo weliba programmingka.. Inshaa Allaah ,.. Ilaahayna awood iyo waqti ha idiin siiyo Inshaa Allaah.. aamiin---aamiin--aamiin.. w/s/c
2005.08.22
soomaalia
United States
waxaan rabaa in aan shaqaysto
2005.08.18
maxamed
Somalia
waxaan jeclaan lahaa hadii aad awoodiin in aad kusoo dartiin networkinka waxaana inkugu mahaceli nayaa sida sharaftaleh oo aad udiyaariseen waana dadaal aad uqabateen dalkiina iyo dadka somaliyeed waan mahad santiheel walaala yaal
2005.08.08
muuse
South Africa
waar yaa waxan akhrista aad wadaaan horta
2005.08.08
yuusuf
Somalia
waxaan qabaa inuu arrinka aaad ufiican yahay aniga yuusuf ahaan waxaanan rajaynayaa inaaan kafaa iidaysan doono
2005.06.26
CAwil
Somalia
Walaalayaal waxaan idinka mahad celinayaa casharada Muhiimka ah ee aad ku diyaariseeen halkan,kadib markii aan aqriyeyna waxaa ii soo baxay in aad idin soo weydiiyo Su'aalahan soo socda: 1-waxaa jirta jambaro ku yaal matherboardka kuwaasoo ah saddex ilkood oo hadba markii labo ka mid ah la galiyo Jambarka uu is badel yimaado waxaan idinka codsanayaa in aad jambaradaasi kuwo ugu muhiimsan shaqadooda ee sheegtaan. 2-Sram waxaa la iigu sheegay wax ku dhegan Matherboardka oo aan laga fujin karin,casharkana waxaa ka muuqata in uu yahay wax la soo iibsanayo,arrintaasi maxaa ka jira,haddiise lasoo iibsan karo ma lagu xiri karaa comp.Pc ee aan haysano,casharka Sram aakhirkiisa waxaa ku jira in Sramka loo Cach memory taas maxaa loola jeedaa.
2005.06.14
maxamed axmed yuusuf
Somalia
walaal waan idiin salaamay ugu horreyn salaanta islaamaka. intaa kadib walal waad mahadsantihiin khayrka aad la damacdeen walaalihiin,laakiin walal miyaydaan noogu darayn programmin-ka bahalkaa waxaan doonyaa inaad hammuunta iga tirtaan walal..haddii Alla aydhi fadlan walal jawaabtawaxaad iigu soo hagaajisaan ciwaanda kala ah (sooyaal05@hotmail.com & osmania_500@yahoo.com),hadba walal kaad doontaan haddii Alla yadhi waana idinsugayaa.., wsc...
2005.06.06
Abdulaziz Ahmed (Reytaan)
Somalia
Marka hore salaan iga hanta aniga oo aad iy aad ugu faraxsan shaqada weyn ee ad umada soomaaliyeed u haysaan waxaana idin leeyahay shaqada sii wada. macsalaama
2005.06.06
MAXAMED XAAJI
Argentina
WAAN IDIN SALAAMAY SALAAN KA DIB AAD IYO AAD AYAAN IDINKUGU HANBALYEEYNAYA SIDA AD UGA HAQAB TIRTEEN BARNAAMIJKA COMPUTERKA WAXAANA RABAA INAAD IIGAGA SOO JAWAABTAAN WAA MAXAY CILMI?
2005.05.30
Ashqaraar_000
Haiti
niyaw anigu shakhsi ahaan aad baan uga mabsuuday fikrada ah sameeya wax A KU SAABSAN SOOMALI KU SHARAXA AAD IYO AAD NA WAAD U MAHADSANTIHIIN CAMALKIINUNA WAAMID ADII ILAAHAY YIDHAA DADKEENA SOMALIYEED IMIKA INBADANI MAFAHANSANA CILMIGANE LAAKIN MAALIN BAA AAD IYO AAD LAYDUNKU XUSI DOONA ILAAHAYNA HA IDINKA ABAAL MARIYO
2005.05.20
c/qaadir axmad muuse
Somalia
waxaan ad ugu farax sanahay in aan helo aqbaar intaas oo ku saabsan dvd lakiin waxaa rabaa maku fiirsan kara cajalad dvd ah cd room
2005.04.19
Abdalle Abdirahman Farah
Somalia
A,C,W. waxaan salaamayaa dhammaan bahda hormoodka ka ah somilsoftware ee sida hagar la aanta ah isugu hawshay samaynta websiteka si ay ugu faaiideeyaan walaalahooga soomaaliyeed. mahadsanidiin
2005.04.18
ahmed hajji hussein
Tanzania
asalaamu caleeykum bahda somalisoftware waxaan idhin leeyahay waad ku mahad santihiin sida hakab la'aanta ah aad inooku faahfaahiseen computer-ka
2005.04.11
axmednaasir maxamuud xasan
Somalia
waan idinka kaga mahad celinayaa sida hagar la'aanta aad isugu hawsheen arin faa'iidada leh
2005.04.01
khadar mahad cabdilaahi
United States
waad mahadsatihiin sida fiican ee aad usoo diyaariseen barnaamijkan hadaba waxaan idinka cosanayaa inaad noogu soo dartaan network af somaaliya fadlan taas ayaan idinka cosanayaa khadar09542@hotmail.com
2005.03.18
Xasan C/raxmaan KASHKA
United States
Walaal Waan idin salamaay waana ku mahadsantihiin
2005.03.18
Muqtaar Maxamed Abtidoon
Somalia
Waan idin salaamay walaalayaal , waana ku mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad ummada soomaaliyeed u caawisaaan.... Mukhtaar Mohamed Abtidoon
2005.03.14
alqaasimi
Somalia
aad iyo aad bad ugu mahad san tihiin fikradan horu marka leh aad soo kordhiseen. waxaanna idinka codasanaya in aad ku soo dartaan waxyaabaha cusub ee ku soo biira technolagy- yada mahad sanidin
2005.01.30
siil
Somalia
ma walan tihiin
2004.11.13
mr miikaal
Somalia
asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabakaatuhu waad salaaman tihiin bahda somalisoftware waana ku mahadsan tihiin sidii aan aqoontiina nooga faaiidayseen oo aad sakadii la idinku lahaa uga dhiibteen mahad celintaas ka dib waxaan idinka rajaynaynaa inaad inoo soo gudbisaan barnaamijyo kale oo aad noo soo doortaan oo aad is leedihiin way anfacayaan bulshada soomaaliyeed hadii ay ahaan lahaayeen barnaamijyada software,networking,iyo waxii kaloo ay idinla noqoto waad mahadsan tihiin walaalayaal
2004.11.12
axmed
Portugal
waad mahadasantihiin walalayaal aad baan uga faa,iidesto
2004.11.08
Hussein ali ibra
Somalia
walaal anagoo kala ah Hussien ali iyo Max'ed raage shaqadeena ayaa ah software& Hardware waxaan u shaqeynaa shirkada Hormuud Telecom waad ku mahadsantihiin howsha aad qabateen barasho wanaagsan wabillahi towfiiw in badan waan idiinla soo xiriiri doonaa
2004.10.29
Ugaas
Somalia
Waxaan ahayn arday marna macalin computer waxay aqoontaydu gaaraysaa ilaa heer jaamacadeed inkastoo aysan ahayn walaalayaal mid ku tacaluqda Information Technology marka waxaan idinkula talin lahaa in aad cashirada u kala saartaan Software iyo Hardware oo aad waliba Softwareka xooga saartaan Programka Accesska waa mahadsan tihiin walaalayaal Waqtiga aad galiseen
2004.07.13
xasan
Somalia
Walaalayaal Shire Iyo Mahdi, Marka hore waan idin salaamayaa idinka iyo dhamaan aqristayaasha soomaaliyeed. Website-kaan SomaliSoftware.com aniga xiiso gaar ah ayuu ii leeyahay website-kaan waxaan ka aqristaa oo si wanaagsan aan u sii bartay Hardware aad ugu faalootaan dhamaan waxa uu ka koobanyahay. Waxaa codsi iga ah in aad ku soo biirisaan cashro Networking , Web Designing iyo Computer Programming .... Siiba waxaan idinka codsan lahaa in aad ku soo dadaashaan casharada web designing-ka ah ,, idinka oo noo tilmaamaya meesha aan ka haleyno cajaladaha web-ka lagu sameeyo aniga hada waxaan aqaan Dreamweaver iyo Flash Mx ,,, barnaamijyo fara badan ayaa jira marka noo sheega magacyadooda iyo Code-kada noo soo galiya.. Waxaan idinka rajaynayaa in aad tixgalisaan codsigayga , codsigaan kaligeey kuma ahi waxaan nahay 25 qofood
2004.06.28
Abdifitahaam
United Kingdom
Walaalayaal Shire Iyo Mahdi, Marka hore waan idin salaamayaa idinka iyo dhamaan aqristayaasha soomaaliyeed. Website-kaan SomaliSoftware.com aniga xiiso gaar ah ayuu ii leeyahay website-kaan waxaan ka aqristaa oo si wanaagsan aan u sii bartay Hardware aad ugu faalootaan dhamaan waxa uu ka koobanyahay. Waxaa codsi iga ah in aad ku soo biirisaan cashro Networking , Web Designing iyo Computer Programming .... Siiba waxaan idinka codsan lahaa in aad ku soo dadaashaan casharada web designing-ka ah ,, idinka oo noo tilmaamaya meesha aan ka haleyno cajaladaha web-ka lagu sameeyo aniga hada waxaan aqaan Dreamweaver iyo Flash Mx ,,, barnaamijyo fara badan ayaa jira marka noo sheega magacyadooda iyo Code-kada noo soo galiya.. Waxaan idinka rajaynayaa in aad tixgalisaan codsigayga , codsigaan kaligeey kuma ahi waxaan nahay 69- qof oo soomaaliyeed waxaana dhiganaa Jaamacada Oxford.... MAHADSANIDIIN
2004.06.21
Siidmohamed Abdulle Hassan
Somalia
dhamaan bahda somalisoftware ee sharafta leh waan idiin mahad celinayaa sida weeyn ee aad naga saacideen barashada computerka qeybahiisa kala duwan waana idiin mahad celinayaa markasta nabadgalyo
2004.06.15
Abdirashid Dahir Ali Jumale
Somalia
walaalayaal waa dadaasheen sidii loo bahanaay ayaad sameyseen sxb waana ku mahad santahiin dhaaman tiin Abdirashid
2004.05.27
Ahmed
Somalia
Walaalayaal waad ku Mahadsan tihii hawshaas aad qabateen ,ilaahayna haydinka jazaa'i siiyo.
2004.05.25
cabdilaahi
Somalia
waad ku mahadsantihiin sida aad isu wada waafajiseen sawirka iyo qoraalka waxaanan rajaynayaa inaad noo soo kordhin doontaan programyo kale oo dheeri ah
2004.05.15
ABDI
Sweden
Walaal waad mahadsan tihiin, Aad iyo aad baad ugu mahadsan tihiin howsha fiican ee aad haysaan.
2004.05.15
ABDI
Sweden
Walaal waad mahadsan tihiin, Aad iyo aad baad ugu mahadsan tihiin howsha fiican ee aad haysaan.
2004.05.15
ABDI
Sweden
Walaal waad mahadsan tihiin, Aad iyo aad baad ugu mahadsan tihiin howsha fiican ee aad haysaan.
2004.04.15
maxamad maxamuud siciid
Somalia
waan idin salaamayaa dhamaan shaqaalaha somalisoftware wax badan ayaan ka faa'iideeystay wax barashada kumbuutarka
2004.04.15
cabdirisaaq xasan xersi
Somalia
walaal waan ku faraxsanahay kafaa iideeysiga somalisoftware waan ka faa iideeystaa mar kasta oo aan fadhiyo internetka
2004.04.09
Urur Ismaaciil Xasan
Somalia
Dadka arrintan u bareeray waxaa ay muu jiyeen horu kac dhan kasta ah, waxaanan idin leenahay meeshiinaas ka sii wada.
2004.04.05
hirsi
Swaziland
jazaakumulaahu khayran.aad ayaad u mahad san tihiin,baryahan cashar cusub idinkama hayno waxaan filayaa inaad mashquusheen ilahay haydiin fududeeyo dvd burner ayaa cusub,iyo pc yada cusub ee aduunka ku soo biiray hadaad figrad guud noo soo dhigtaan way fiicnaan lahayd
2004.03.28
c/risaaq nuur maxamed
Somalia
waad salaamantihiin marka hore waxaan jaclaan lahaa in lagu daro barnaamijka cilad bixin macsalaamu jawaab aan idinka helo cinwaan qibrad@hotmail.com
2004.03.27
aw qaasib aw hurre
Australia
waxaan aad ujeclahay inaad kudartaan barnaamij horleh oo aykaqaa dan karaan dadka boo qanaya cashirradda ay ubaa han yihiin si markay doo naan ay ugadaa bacdaan markaane aad uga heshaan ama usamaysaan mayl ay idinku soo xawillaan wixii kharash ah
2004.03.12
mohamed abdi egal
Kenya
aad baan idiinku mah celinayaa dhamaantiin sida sharf taleh eeaad noogu soo bandhiteen casharadaan qaaligaa aad ban wax uag fahnaa idinkana waxaan idiin rajynaynaa khayr dhamaantii
2004.03.09
somalia
Somalia
aniga somali
2004.02.28
abshir siciid
Somalia
Waxaan idin lee yahay waxaad noo soo sii daysaan hard ware-ka computer-ka hadii uu eebe idmo
2004.02.21
sacad saciid max'ed
Somalia
aad iyo aad baa ugu mahadsan tihiin hawshaas iyo wax qabadkiinaa qiimaha iyo qaayahaba leh. WANAAG EEBE HA IDINKA SIIYO. Sacad Saciid IYO jaamac Yuusuf Burco Somaliland.
2004.02.12
Aadan kharash
Finland
Walaalayaal aad ayaad ayaan niga mahad cilinayaa dadaalka dheer ee aad suubiseen waxaan ilaaheey inaga baryayaa ajar idanka siiyo, intaas kadib. Walaal waxaan idinka codsanayaa haddii aad awoodaan in aad iisoo dirtaan cashiradoo dhan oo ingiriis ah, iigu soo dira iimaylka gannaane_7@hotmail.com
2004.02.12
abuyuusuf
Finland
ALLE KHEER HA NIGASIIYO
2004.02.08
amore
Somalia
walalayaal waxaan rabaa inaan idin weydiiyo sida computerka loo dhiso
2004.01.31
ibraahin cumar jaamac
Somalia
walaalayaal aadbaan idiinku mahad celinayaa sida wanaagsan ee aad walaaladiin u taakulaysaan hadaba walalayaal bal ka warama hadaad noo soo tebisaan koorso gaaban oo ah networkin
2004.01.06
abuxafsa
Switzerland
Walaalayaal ilahay khayr haydinka siiyo sida aad cilmiga aad barateen ugu gudbinaysaan walaaladiina soomaliyeed waxaa halkaa kamuuqata inaydaan ahayn xaasidiin,waayo waxaan naqaan dadka kale ee cilmigan bartay inay lacag kuxidhaan shayga ay rabaan inay dadka u sheegan,kaliya waxaan idin xasuusinayaa inaad waxa cusub ugu soo dartaan walaladiin khaasatan casharku halka uu marayo dvd burner
2004.01.03
Abdulaahi Hassan Ali
Somalia
Marka hore waxaa mahadleh alihii idinku hogaamiyay fikaradan aad u horseedeen umaadiina waadna ku mahasantihiin 100%
2003.12.26
Xaamud Maxamed Ibraahim
Somalia
Marka hore Asalaamu calaykumsalan ka dib walaal aad ayaad ufiicantihiin sida fiican ee aad l
2003.12.22
cabdirisaaq xasan xirsi
Somalia
walaal yaa waad mahadsantihii dhamaantiina waan ka faa iideystaa markasta aan fariitso internetka somalisofatware.com
2003.12.16
maxamd sheekh ali
Somalia
A/S walaalayaal waa mahadsan tihiin ilaahay waxaan idinka barinay in uu dadaalkiina ila qabo
2003.12.02
Eng-fayal xasan
Somalia
a/s walala yaal waad mahadsan tahiin lakin waxaaa ka muuqata intii waayadanin aydan wax ku kordhin meesha ay maryaa computerka iyo marka waan in asugyaa hadii alle idmo
2003.12.01
ISSA CARALE
Switzerland
ASSALAMUCALAYKUM WARAXMATULAHI WABARAKATU.AAD AYAAD WALAALADIINA UGU FAAIIDAYSEEN ILAHAY CAMALKAA HAYDINKA JAZAAISIIYO HANA KADALINA KOLBA WIXII CUSUB NOSOO GUDBIYA WAJAZAKUMULAHU KHAYRAA.
2003.11.22
Prof.Ahmed H.Adan
Somalia
Asalamu Calykum, Allah ayaa mahad leh intaasi ka dib, Waxaan aad ugu farxsanahay inaan galo website aad ku diyaariseen casharadan aad juhdiga badan ku bixiseen. Ma garanayo waxaan idhaahdo aan ahayn Allah ha idinka abaaliyo waxtarka aad ummadiina u qabateen. Halkan aanu joogono ee Somaliya waa meel aad looga bahan yahay casharo sidan loo soo habeeyay, maxaa yeelay ma yaaliin buugaag , ma jiraan Maktabdo wax la akhriyo sidaa darteed ahmiyad weyn ayaanu siinyanaa wax kasta oo aanu ka helno Internetka, gaar ahaan kuwan bisil ee la turjumay ee aan u baahanayn diyaarin. Waxaan idinka codsan lahaa , idinka jooga meel waxa kasata aya yihiin diyaar (Available) ee ummaddin aqoonbta ugu soo gudbiya websiteka. Halkan waxa keliya ee laga heli karaa waa internetka ay keeneen shrikadah iyagu qudhooda dadaalay si kasta haloo dhaliilee. Waayo cid Somaliya joogat uma suurtagasheen inay galaan website. A;llah mahad leh.
2003.10.06
Osman Hassan
United Arab Emirates
Assalaamu aleykum,salaan kadib aad ayaan idiinkaga mahad celinayaa casharadan wanaagsan ee qiimaha badan,ilaahayna waxaan karajaynayaa inuu niyadiina iyo camalkiinaba idiin wanaajiyo. Waxaanse jeclaan lahaa inaan idiin waydiiyo adinkoo iga raali ah casharo kale oo qiimaleh miyaad umada soomaaliyeed usoo bandhigi doontaan mase mase waa daasheenoo halkaa ayey idiinkaga dhamaatay?,waad mahadsan tihiin,salaamullaahi caleykum.
2003.09.11
bashiir
Somalia
waat salaamatihiin dhamaan
2003.07.26
axmedwali ali yanyo
Norway
As.w.w. walaalayaal waad ku mahad santihiin sida wacan ee aad ugu qeyb qaadateen aqoonta cusub ilaahey ajar ha idiiinka siiyo . wasalaamu caleykumwaraxmatulaahi wabarakaatuh.
2003.07.14
Sayid cali mumin
Hong Kong
As/caleykum: Ugu horeyntii Allaah ayaa mahad buuxdo leh.wa bacd waxaan ahay wiil soomaaliyeed oo ku nool dalkan Hong Kong mudo 13 sano ah waxaan bartay cilmiga Computerada sida A ,Network ,Server ,I-Net ,Linux/Unix,Novell, MCSE,VBasic,Web design,MS-Offices-Word/Excel/Access/Powerpoint/DataBase Puplisher,Sql iyo Hacking.Dhamaan maadooyinkan barashadooda ma fududa laakiin hadaad waqti siiso waad gaareyaa guul. Waxaan dhamaan Walaalaheyga Soomaaliyeed Rag iyo Dumarba u soo jeedinayaa inay bartaan Cilmiga Computer-ka iyadoo aad Lacag fiican aad ka heleyso xaga shaqada iyo wax u tar dad/dalkaada Hooyo, ugu danbeyntii Waxaan Rabi ka baryayaa in dhamaan dadkii qoray chasharadan iyo kuwa HTML-ka iyo C inuu idinka dhigo kuwii Liibaanay Aduunyo iyo Aakhiro teeda kale waxaan idinkula dardaarmayaa Nafsadeyda iyo tiinaba CABSIDA ALLE meel walba oo aad joogtaan Fii Amaanillaah
2003.07.10
Maxamed Cabdulle Xasan(siidi) Jowhar
Somalia
walaalayaal abaalkiina lama gudi karo ee qeyr ayaan idiin rajeynayaa
2003.07.03
Said Mumin Roble
United Arab Emirates
Waa shaqo hersare ah waad ku mahadsantihiin ee ha ka daalina
2003.07.02
A/rizak Omar
Somalia
waad mahadsanyihiin, runtii waa wax lagu farxo websitekan aadna faa'iido ugu leh. lakin waxa aad idin weydiin lahaa maxaa heysta chasharada waan sugi lanahay saaxiibayaal waxaa igala soo xiriirin doontaan ccm_furso@hotmail.com
2003.06.30
walaal ku nool finland
Finland
AS.WR.WB. walaalayaal dadkii horeeyeen oo kutubtii ay roqeen ayaa maanta jaamacadaha dunida lagadhigaa. idinkuse walaahi khayr badan baa ALLE idinka baryayaa. duruustu waxay u socotaa si fiican ALLE kheyr ha idinkugu badalo, ilayn abaalmarinkale oo idin qalanto mahayo,ws.wr.wb
2003.06.15
maxamed nooor
Somalia
waad ku mahad san tihiin inaad na caawisaaan dhinaca waxbarashada
2003.06.11
Farah Sh. Hassan
Somalia
Walaalayaal waa sadaqa jaariya ah howshan aad wadaan waxaana rajeynayaa inaydan ka daalin dhameystirtaana waxa ka haray insha allaah. Waayo walaalayaal waxa laga yaabaa in horumarka soomaaliya uu ka galo NO. 1 page-kaan. taariikhda ayaana idin xusi doonta insha allaah.
2003.06.08
ABdul Rashed Wacays
Somalia
waad ku mahadsantihiin Hawsha aad u haysana Daka somaliyeed ee waxbarashada Jecel
2003.06.05
Maxamed Cabdulle Xasan
Somalia
walaalayaal waad mahadsan tihiin 100%.

Fadlan halkaan ku qor fikraddaada

Magaca:
Waddanka:
Fikraddaada