Qaybaha Motherboard-ka (Way socotaa...)

Sidaan ku soo aragnay Casharka 5-aad , Casharka 6-aad iyo Casharka 7-aad waxaan Motherboard-ka u qaybinay 11 qeybood oo kala ah:

  1. Processor Socket ama Slot (sawirka nr 4)
  2. Chipset (sawirka nr 1)
  3. BIOS (sawirka nr 10)
  4. Battery (sawirka nr 9)
  5. Memory SIMM/DIM sockets (sawirka nr 8)
  6. Bus Slots (sawirka nr 2 iyo 3)
  7. Processor Voltage Regulator
  8. Storage Device Interfaces (sawirka nr 11)
  9. Serial Ports (sawirka nr 6)
  10. Parallel Ports (sawirka nr 5)
  11. Mouse and Keyboard connectors (sawirka nr 7)

Casharka 5-aad , Casharka 6-aad iyo Casharka 7-aad waxaan ku soo qaadannay qaybaha 1-aad ilaa 7-aad. Casharkaan waxaan ku soo qaadanaynaa inta ka hartay qaybaha Motherboard-ka innagoo ka billaabayna qeybta 8-aad.

  1. Storage Device Interfaces

    Storage Device Interfaces waa meelaha Hard disk-ga, Floppy disk-ga (ama Diskette Station), CD-ROM-ka iwm ay kaga xirmaan Motherboardka (fiiri sawirka nr 11). Sidaan ku soo aragnay Casharka 3-aad ,Hard disk-gu waa halka si joogto ah loogu kaydiyo akhbaarta iyo program-yada kumbiyuutar-ka ku jira. Floppy disk-guna waa halka kumbiyuutarka laga geliyo diskette-ka (cajaladda yar ee kumbiyuutarka lagu isticmaalo). CD-ROM-ku waa halka kumbiyuutarka laga geliyo cajaladda CD-ga. Hard disk-ga, Diskette-ka iyo CD-ROM-ka iyo noocyadooda waxaan midba uga hadli doonnaa cashar u gaar ah.

    Storage Device Interfaces-ka Motherboard-yada casriga ah waxaa ugu caansan oo maanta la isticmaalaa laba nooc oo la kala yiraahdo IDE iyo SCSI. Labadaas nooc ayaan halkaan mid mid ugu soo qaadanaynaa.

  2. Serial Ports

    Serial Ports waxay ka mid yihiin meelaha asaasiga ah ee kumbiyuutarka looga xiriiriyo qalabka ay ka mid yihiin Modem-yada, Mouse-yada, Scanner-yada iyo qaybaha kale ee kumbiyuutarka la sameeya xiriir laba dhinacle ah oo micnihiisu yahay inay kumbyuutarka akhbaarna u gudbiyaan, midna ka soo qaataan. Serial Ports-ku waxay ka mid yihiin afafka ka muuqda kumbiyuutarka xaggiisa dambe ee fiilooyinka la galiyo (fiiri sawirka nr 6). Serial Ports-ka waxaa loogu tala galay inuu kumbiyuutarku kula xiriiro qalabka dibedda looga xiriiriyo ama uu xataa kula xiriiro kumbiyuutar kale.

    Serial Ports-ku waxay u shaqeeyaan sida fiilada laynka telefoonka. Akhbaarta laga soo akhriyo kumbiyuutarku waxay raacdaa fiilo u gaar ah, akhbaarta kumbiyuutarka loo gudbinayana waxay raacdaa fiilo kale oo iyada u gaar ah. Akhbaarta waxaa fiilada loogu diraa si unug unug (bits) ah islamarkaana isdabajoog ah. Taas ayaana keentay in lagu magacaabo Serial Port. Motherboard-yada casriga ahi waxay leeyihiin 1 (hal) ilaa 2 (laba) Serial Ports oo Motherboard-ka ku dhex dhisan. Waxaase jira Serial Ports ku dul samaysan kaarar si gaar ah loo soo gadan karo oo kumbiyuutarka lagu xiriirin karo si aad u hesho in ka badan laba Serial Ports.

  3. Parallel Ports

    Parallel Ports-ku waxay iyaguna ka mid yihiin meelaha asaasiga ah ee kumbiyuutarka looga xiriiriyo qalabka kala duwan. Parallel Port-ku waxay ka kooban yihiin siddeed fiilo oo is garab socoto. Akhbaarta la diraayana waxaa loo diraa si unug unug (bits) ah iyadoo unugyada uu hal xaraf ka kooban yahay (8 bits) mar kaliya si barbarro ah loogu diraayo siddeedaas fiilo. Taas ayaana keentay in lagu magacaabo Parallel Port. Parallel Ports-ku way ka dheereeyaan Serial Ports-ka waxaana markiisii hore loogu tala galay in loo isticmaalo daabacayaasha (Printers) oo kaliya. Laakiin muddo kadib waxaa si aad ah u batay qalabka isticmaala Parallel Port-ga. Maanta waxaad heli kartaa LAN adapters, CD-ROM-yo iyo Modem-yo kumbiyuutarka kaga xirma Parallel Ports-ka.

    Waxaa kale oo jira program-yo loogu tala galay inay laba kumbyuutar akhbaar u kala gudbiyaan. Program-yadaasi waxay isticmaalaan oo ay akhbaarta ku diraan Parallel Ports. Program-yadaas waxaa ka mid ah program-ka la yiraahdo Interlnk ee ka mid ah MS-DOS (Fiiri program-ka ISBAR-DOS qeybta seddexaad). Waxaa kale oo program-yadaas ka mid ah program-ka la socda Windows 95/98 ee la yiraahdi "Direct Cable Connection" oo aad ka heli karto Start - Program - Accessories. Dokumentiga la socda Windows ama Help-giisa ayaad ka heli kartaa sida loo isticmaalo program-kaas. Si program-yadaas iyo kuwa la midka ahi ay laba kumbiyuutar akhbaar ugu kala gudbiyaan waxaa loo baahan yahay fiilo gaar ah oo loo yaqaan "Null Modem Cable".

  4. Mouse and Keyboard connectors

    Waa halka Motherboard-ka looga xiriiriyo Keyboard-ka iyo Mouse-ka. Connectors-kaani waxay qaab ahaan leeyihiin af wareegsan oo leh duleello yar yar.

    Connector-ka Keyboard-ku wuxuu u kala baxdaa laba nooc:

    Connector-ka Mouse-ku wuxuu isaguna isticmaalaa nooca dambe ee Mini DIN Connector oo leh lix duleel. Taasi waxay keenaysaa in Mouse-ku uu geli karo Connector-ka loogu tala galay Keyboard-ka iyo in Keyboard-ku uu gali karo Connector-ka loogu tala galay Mouse-ka maadaamaa ay isku duleello iyo cabbirba yihiin. Laakiin si kasta oo uu Mouse-ku u galo halka Keyboard-ka loogu tala galay haddana kuma shaqaynayo. Sidoo kale Keyboard-kuna kuma shaqaynayo Connector-ka loogu tala galay Mouse-ka. Sidaa darteed shirkadaha kumbiyuutarrada sameeyaa waxay inta badan Connectors-kaas u yeelaan astaamo lagu kala garto si aan la isugu khaldin. Qaar waxay isticmaalaan sawir muujinaya Keyboard ama Mouse hadba kii Connector-kaas loogu tala galay. Qaarna waxay isticmaalaan midab iyagoo Connector-ka iyo fiilada galaysa isku midab ka dhiga.

Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan ku soo qaadan doonnaa Processor-ka iyo noocyadiisa.

Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com


Waxaad tahay akhristihii 8512-aad laga soo bilaabo 24-07-2000

Casharkii Hore | SomaliSoftware.com | Casharka Xiga


Fikradda akhristeyaasha casharkaan

Halkaan waxaad ka akhrisan kartaa fikaradaha dadka cashirkaan akhriyay ay ka dhiibteen cashirkaan haddii ay jiraan dad fikraddooda ka dhiibtay. Waxaa kale oo aad halkaan ku soo gudbin kartaa waxa ay adiga kula tahay iyo sida aad u aragto casharkaan. Inuu adag yahay, inuu ku fiican yahay sida uu yahay iyo in aad jeclaan lahayd in wax laga beddelo iyo in kale.

MagacaFikradda Akhristaha
2008.11.01
Lowdhako
Ireland
Asalaamu caleykum wr wb. salaanta islamka ka dib walaalaha sameeyey website kan aad iyo aad baan uga helanay ugana faa ii deysanay allaah ha idinka abaal mariyo waxtarkaa aad noo soo bandhigteen casharada tirada badan ee qiimaha leh jazaka allaahu kheyran . halkaas ka sii wada. su'ashaydu waxaa aytahay adinko igarali ahanaya walaalayal maxaad ugu sodriwaysen casharada JAVA iyo CISCO oo ad sidaso kale uso tafatirteen? waad kumahad santihiin dhamaan sida aad isugu howsheen casharkaas iyo dhamaan kuwa kale oo aad sowadanba
2008.08.12
Abdikaafi mahamed
Nepal
walaalayaaal aad ayaan idinkaga mahad celinayaaa sida hagar la,aanta ku jirto oo aad ardayda somaliyed uga faa iideyseen waxa uu yahay computer iyo qaybahiisa kala duwan aad ayaana idinkaga mahadcelinayaa sidaad inooga saacideen dhanka computerka asaga oo lagu tarjumay afkeena hoyo kaafi-055@hotnail.com
2008.07.15
Abdirahmaan Awil Ali Bare {korwadaadle}
Somalia
Asalaamu calaykum dhamaantiin waan idin salaamayaa salaan ka dib teeda kale waanka faaideysanay dadka soomaaliyeed waxaan ku boorinayaa inay kawada faaideysataan fursadaan qaaliga ah Su'aal ::casharbixinta ma noogu soo dari kartaan casharo muuqaal ama cajalado ama video oo kale ? Jawaabta igala soo xariira Cayuune@hotmail.com
2008.07.03
Abdifatax Cali Nuur
Somalia
asaamu caleeku warax matulaahi in taa kadib waxaa mahad leh alle marka xiga waxaa mahad leh dadkii isku dayey in ay sameeyaan juhdi aad ubadan oo soo diyaariyey casharadaan in ay noogu soo daran maqal iyo muuqaal oo ah sameynta iyo furfurida hardwareka isaga oo ah soomaali
2008.05.15
nuur cali
Soloman Island
ss
2008.04.15
jeylaani muuse
Somalia
asalamu calaykum all walalayaal waxan uarkaaa fikradii ugufiicnayd oo dhalinyaro soomali ahi qabato ilaa burburkii kadib wana kafaiidaysanay ani iyo dadka aqrista bugan ilaahbaaa mahadleh iyo dhalinta isuxilqantay hawshan waxan idinleeyahay (hawl hakadaalina ee wali waaa hogadii) siiwada wanaga ad uhaysaan umadiina iyo dhalintiina rafadsan dhankasta mahadsanidin by jeey
2007.11.26
ilhaan ahmed jama
United Arab Emirates
waan idin salaamay dhaman waxan ahayd ardayad dhigata computer sceince marka website kan aad ayaan ugu mahad celiyaniya iyo howlwadeenadiisa waayo waxan ka faa ii daystay wax yaabo fara badan wuxuuna muhiim u yahay dhamaan dadka somalida oo jecel in ay afkooda ku bartaan kumbuyuutarka waxaana ku dhiiri galininaa dhaman howlwadeenada inay sii wadaan howshooda ilahay aya ka jaaiso siiniyayeee anagana wixii dhiiri galin ah waan la garab taaganahay bye
2007.11.10
maxamed xirsi yaasiin
Somalia
marka hore salaamu calaykum warax matulaahi wabara kaatuhu salaanta walaal waxaan idiinku mahad naqayaa dhamaan sida wanaagsana sharaxa iyo macaanidabada qiimaha iyo qaayaha badan ee aad dadka soomaliyeed ugu soo gudbiseen casharadan qiimaleh aadka ubadan ee kusaabsan kuunbiitarka aniga oo idiinku mahadnaqaya taa ilaahayna idiinka rajaynayaa ajri iyo abaal wayn iyo in alle cadaabka qabriga iyo aakhiro idinka badbaadiyo wixii islaamaba waxaan jeclaan lahaa aniga oo jooga magaalaa hargeisa ahna wiil dhalinyaraa uu yahay iimaylkaygu dhamac2006@hotmail.com oo aa iigu soo hagaajinkartaan waxaa talo iyo nasteexo kusaabsan aaladan kuunbiitarka iga siin lahaydeen walaalayaal waxaan jeclahay aan xiiseeyaa inaan barto itga ama kuunbiitar sayniska hasayeeshee wali iima wada suura galin duruufaha jira awgood oo iisaamixiwaayay codsigayga oo ah inaa iga caawisaan sida loo boro garaamiyo kuunbiitarka iyo sida wax loogu kala duubo kuunbiitarka aniga oo rabaa tusaalahaan ant virus kujira internetka oon soo dhownlood gareeyay sidaan cajalad uugaga qaadanlaha ama cod sida quraan kujira sidaan netka uuga duuban lahaa siidhii ahaan iyo waxii kale idinkaa iigu dari waana mahadsantiin ilaahay xaqa hadinku kudilo ha idinkuna soo saaro waxaan idinka sugayaa arintaa wasalaamu calaykum waxmatulaahi wabara kaatuhu
2007.07.23
sahal saleebaan muxumed
United Kingdom
sahal saleebaan waxa uu halkan ka salaamayaadaadihiyayaasha qolada casharada kasoo jawaaba waxaan idin waydiinayaa idinka oomahadsan maxaykukala duwanyihiin hadware & software iyo su,aasha labaad muraayada maxaa kujiraimisa qaybood iikala sheegna
2007.07.23
jimcaale saleebaan muxumed
Somalia
computerka imisaa loo qaybiyaa
2007.06.29
calas yare cali
Somalia
aad baad u fiicantiin
2007.06.14
saciid xuseen cabdi (macruuf)
Somalia
aad iyo aad ayaad ugu mahad santihiin sida aad noogu soodiyaariseen casharkaan iyo casharada kalaba wabilaahi towfiiq
2007.03.24
elmi Mohamed
Somalia
walaal aad iyo aad baan ugu farxay waanad ku mahadsan tihiin sida aad noogu soo diyaariseen asalamu calaykum waraxmatulaahi wa barakaatu
2007.02.23
aadan caato
United States
waan idij salamay qoladan soanmalisoftaware waxaad ku mahdasn thiin sida ad adadka somaliyeed wqx ula qabanysaan waxaan jeclaan lahaa inad ku soo dartaan wax ylo kale maadama aan intan ku arkaynay mudom aad u dheer oo siyabo kal;e soo hindistaan hadaad u baahantihiin inaan wax idinla qabto fadaln ila soo socodsiiya Emailka x_nuur02@yahoo.com nabdeey
2007.01.30
cabdirisaq dawlad
Yemen Republic
anigoo ka socda wadanka somaliland aad ayaad walaal u mahadsantihiin bandhigiinan faaidada leh ee la xidhiidha computerka
2007.01.26
maxamed cabdi cumara
Wallis / Futuna
waa maxamed ee naago miaanay neesha jooguin
2007.01.21
HIBAAQ
United States
SALAAMA CALAY KUM WALAALAYAAL WAXAAN IDIIN MAHAD CELINAYAA SIDA WACAN AAD NOOGU FAA IIDEYSEEN CASHARKAN QIIMAHABADAN WALAAY ALLE HA IDIN KADHIGO KUWA KUWAARA JANADA
2006.11.25
yasiin
Somalia
walaal waa wada mahad santihiin dhamaan tiin waxaa ahay wiil somaliyeed oo yaqaan aalada compurtka marka waxaan rabay in aan idiin siiyo waqti aan idiinku sharaxo compuerka walaa yeeee
2006.10.30
Ahmed Khaalid ali
India
Mash allaaah waxaan ka faaiiday waxyaabo badan oo awal mugdi iiga jiray aad ayaad u mahadsantihiin dhamaan walaalaha isku taxluujiyey inay walaalahood u faaiideeyaan miisaankina xasaanaad illlaaaha ha inii ku daro thankz hundhur@gmail.com
2006.06.23
Maxamed Amiin Hassan
Kenya
a/c walaal salaan qaali ah kadib walaal waxaan idinkaga mahad naqayaa sida wanaagsan oo aad umaddiina Somaaliyeed wax ugu qabanaysaan ilaahayna waa idinka abaal marinayaa inshaa allah
2006.06.09
kaka
Benin
casharadu waa qadiimi
2006.05.01
nuur
United Kingdom
waad mahadsan tihiin . nur_ali@hotmail.co.uk
2006.04.25
cabdifataax (arjo)
Somalia
ilaahay ha idinka abaal mariyo dadaalka aad noo samayseen waxaanan idinkacodsanaynaa inaad xaga softwarka noogu dartaan casharada
2006.03.23
cumar xasan maxamed bootaan
Syria
waxaan umahad celinayaa dhamaan dadka isku hawlay hawshan qoraalka afka somaliga ah ee ay ugu fududaynayaan dhamaan umada somaliyeed inay aqooonsi dheeraada ka siiyaan dhinacyada amba qaybaha computerka eee kaladuwan aadyo aad baan idiinku mahad celinayaa waxaana idin leeyahay ha ka caajisina hawshan wanaagsan ee umada uqabanaysaan emailkaygu waa bootaan_9@hotmail.com
2006.03.23
yaasiin jamac
Somalia
waan idiin mahad celinayaa dhamaantiinba walaalayaal
2006.03.23
maxamuud jaamac sahal
Somalia
waan la soconaa walaa layaal casharada aad nooodo ban dhigteen mahad sanidin
2006.03.12
xasan cilmi guure
Somalia
WWW.wanaag aad nosamayseen run ahaatiihalakn lagama soo koobikaro ilaahbaa idinkaa abaal marinaya laakiin waqtibadan ayaa loobaahanyahay waxaana ookale sida lguqorayo (WEBSITE-kaan) diinta ilaahay iyo waqtiga salaada ogaada yeysan idin mashquulin aduunyo ilay yurub walagu gaalooba lacag iyo aduun balaga fikiraa walaala yaal waad mahad santihiin diintana hadayicinina iantaad aduun kafikiraysaan Wacalykuma salaan waraaxmatulaahi wabarakaatuhu (guure34@hotmail.com)
2006.03.12
axmed yaasiin
Australia
www,walaalayaal anigooha axmed yaasinn waxaan joogaa wadanka Austria halakn waxaan salaan iyo farxad leh ugu dirayaa saaxiib tayda qaaliga ha yaas miin saalax aan jeclhay waxaadna noogu soo docaysaan inaan kuwada kulanao caafimaaf iyolol raaxo leh ayadan waxaankacid sanyaaiany ilasoo xiriito ninki yaqaan fariiintaa ugudbi gabadhaa waxay joogtaa bosaso imalkeedana hala ii sheego salaan kaloo qaali ha hlaagn waxaan ka salaamayaa saaxiibada leh somali.software waadkmaah san tihiin dadaalka aad noo qabateen than all of you by( qanyare_155@hotmail.com) by
2006.02.20
Issa Hayatu
New Calidonia
Waad ku mahadsatihiin dhamaan dadka fikirkooda halkaan ku soo bandhigay iyo sida ay ugu mahad celiyeen aqoonyahanadda aqonntooda ugu faa'ideeya dadka soomaaliyeed siddii ay ugu haqabtiri lahaayeen baahidda Technologiga cusub... waxa aan leeyhay sii wada da'daalka.. waxa aan idin rajaynayaa horumar waara.. Inshaa Allah...
2006.02.02
maxamed indhacade
Somalia
aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihiin sida waanagsan ee aad noogu soo diyaariseen casharadan Maxaed c/raxmaan indhacade HARGEISA,SOMALILAND
2005.12.28
farxaan
Finland
jazaakallaahu jazzaah,,,,,, ilaahay xasaand iyo ajar ha idinka siiyo idinka iyo annakuba aamiin aamiin,, fiiriya walaalayaal u dadaala wadankeenii soomaaliya iyo dageenii soomaaliyeed.. waxaana idiin rajeeyniyaa inaad guul usoo geenidoondaan soomaaliya,, saxiibyaal hurdada ka kaca waa waqtikii aan soomaaliya horumar gaarsiinlahayn
2005.12.21
mubaarik
Somalia
sxb dhmaan waad mahad san tihiin dhamaan asxaabta ka ka faidaysa iyo kuwa ka faaidaystaba dhamaan waxaan idinku salamayaa salaanta islaamka asaacalaykum waraxmatulaahi wa barakaatu wlal waxaan u baah nahay in fig laygu cawyo wixii karaan kina ah waxaan rabaa falo ku saabsan istuska computerada laba iyo wixii ka badana sida laysugu xuidho waxaan rabaa inaad isoo fah fahisan xidhista comnectionka waad mahad san tihiin dhmaan
2005.11.09
maxamed c/raxmaan indhacade
Somalia
aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin markasta oo aan arko wanaagina aad iyoaad ayaan u farxaa maxamed979@hotmail.com
2005.09.15
cabdiqani
Somalia
waa maxay computer?
2005.09.15
cabdiqani
Somalia
waa maxay computer?
2005.07.03
Omar
Somalia
Waxaan aad ugu mahadnaqaa allaha idiin suurta galiyey diyaarinta barnaamijyada afkii hooyo ku diryaasan ee sida hufan aad noogu soo diyaariseen
2005.06.07
maxamuud
Somalia
hae walaalayaal horta waa ku mahad santihiin sidaad waxyeesheen waxaan walaalayaal ina ga codsanayaa in aad ku soo dartaan qayb qay isagooo madar bood ku yaala Mahadsaniddiin
2005.04.19
Eng Gulled yardi Qorah
Somalia
Bacda salaan waxan somalisoftware ka codsanayaa in aad mowdiica ubdate garaysaan oo aad kusoo dartaan windows XP Maadaama haatan isticmaalka windows ay dadku ubadan yihiin Windows XP Mahadsanidin
2005.03.29
aadan hirsi yaasin
Somalia
marka hore waxaaaad iga gudontaa slaan qimo iyo qaalyo leh waalolahayga soomaliyed wayku mahdsan yihiin sida quruxda badanee ya nogu soo mudbiyeen wax yabahan ka tilimaya horyu marka ya gaadheen wasanay ku amaanan yihiin waanan ugu hanbalyaynayaa aadiyo ad
2005.03.23
cawil ibraahim maxamed
Somalia
walaalo yaal waad mahadsan tihiin sida aad ugu sooban dhigteen figradihiin iyo aqboon tiina oo noqotay mid faa iido leh waad mahdsan tihin jasakalaaahu kahayra
2005.01.29
cabdixaafid
United States
asalaamacaleykum marka hore waad mahadsan ihiin dhamaantiinba sida wanaagsan ee aad wax moogu iftiimiseen oo aad udadasheen dadkiina si aad wax ugu faa iidayseen
2005.01.19
Nillo Armstrong
Norway
Dette er en bra sidet
2005.01.02
Dek K. Hassan
United States
A/c/w/w/ salaanta islaamka ka dib adinkoo mahadsan waxaan jeclaan lahan in aad buugaad af Somali ku qoran aad ka dhigtaan oo aad dalka geysaan si looga faideysto dad badan oo aan heli karin qalabkana wax uga bartaan. mahadsanidinwixii hadii ay jiraan wax aad horey u sameyseenna fadlan igu soo ja waaba dekhassan@yahoo.com
2004.11.24
Maxamed Cali
Somalia
walaala yaal waan idinku raac sanahay
2004.09.20
haaruun
United States
waan idin salaamayaa walaalyaal hadaad tihiin noo faaiideeyayaasha walaal alle ha idinka abaal mariyo waana idiin sadaqo casharadan bilaashka ah ee noo soo bandhigteen anana waanu ka faa idi runtii siina wada dadaalkiina wixii fariinana igala soo xidhiidha clorado_1@hotmail.com
2004.09.20
badri hussein
Australia
salaama calykum marka hore allah ayaa mahad mudan intaa ka dib aad iyo aad ayaa u mahadsantihiin hadaad tihiin bahda daadihisa casharada ka baxa websitekan runtii walaal waa noo faa idayseen waxaa se aad aan u jeclaan lahaa in casharo kawar bixinaya web designinka iyo network ba soo saartaan waanad mahadsantihiin
2004.09.17
mustafe nuur
Somalia
marka hore walaalayaa waad mabadsantihii hadii aan waxa yar ka tilmaamo fiiradayada waxaan ku talin lahaa ianaad casharada koob koobtaan waad mahadan tihii dhamaantiiba
2004.07.08
cabdifitaax
Somalia
waad mahadsantihiin dadaalka aad u samayseen dadkiina iyo dalkiina ...cabdifitaaxcali@hotmail.com
2004.07.08
xuseen nuur
Lebanon
figradeedu waa balaarinta casharada...waad mahadsantihiin.. e-mail.xusnu@hotmail.com
2004.05.03
nuuradin
Somalia
ciwankaygu waa nuurdiin22@hotmail.com walaala yaal igala soo xirira
2004.05.03
nuuradiin boode boode
Saudi Arabia
A/sw marka hore alle ayaa mahadleh tankale qambiiriinta soo fududeysay barashada aalada computerka oo aan si fiican uga bogano waxaan jecalahay in aan ka faadeysto cilmigan fudud tankle meeleeyahay su, aale websiteka liberary wax laga akrisankaro okey waadna mahansantihiin walaalayaal okey
2004.02.15
Abdirizak
Kenya
A,calaiykum, Walaalayaal Waxaan iga guddoontaa salaan qaali ah, Waad mahad santihiin!; Habka fudud oo Somaliga aad noogu faafaa hiseen,
2004.02.03
Xassan qulyac
Somalia
AS.WR.WB waxaan halakan uga mahad celinayaa walaalaha soomaaliyeed ee isku howlay howshan adag ay nooqabten ilaahay ha idinka abaal mariya ayaan idinleeyahay. Waxaa kale oonjeclaanlahaa inad noogu soo dartaa Flashka, iyo dreamwaverka oo afsoomali ah wabilaahi towfiiq.
2002.10.05
cabdifitaax
Kenya
walaalayaal asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu dhamaantiin, hawshan culus oo aad walaalihiin soomaaliyeed ugu deeqdeen ilaahay ha idinka abaal mariyo waana aad ku mahadsantihiin. waxaan idin oran lahaa walaalayaal hawsha noo wada, waxaan idinka codsanayaa in aad noo soo gudbinayaa wixii cusub oo ku soo kordha, waad mahadsantihiin
2002.08.31
bashka
Kenya
waad mahadsantihiin walaalayaal
2002.03.04
maxamed
Netherlands
asalaama caleykum waan ku samay sxb casharada ayaan rabaa in aad wax iga sheg tiid
2001.12.10
ALI-ABSHIR ISMAIL
Norway
Asalamu A.W.Wabarakatu dhamaan meelkasta oo aynu joogno aad baynu ugu mahad celi nayna walalaha yaga soomaliyed oo sida wanagsan ugu muujiyay inay uga faa idayn karan umadoda waxay barteen, aad ban ta anigu uxiiseyay . walayal buugag arimahaa quseya oo somali ku qoran masamaysen ? jawaabta igala soo xirira abshir11@hotmail.com

Fadlan halkaan ku qor fikraddaada

Magaca:
Waddanka:
Fikraddaada