Hordhac

Aqoonta kumbiyuutarku waxay noqotay qeyb muhiim ah oo ka mid ah nolosha. Waxaa la oran karaa kumbiyuutarka waxaa maanta loo adeegsadaa wax kasta oo ka mid ah nolosha casriga ah. Sidaa darteed waxa nala qummanaatay inaan ummadda soomaaliyeed ku dhiirrigalinno barashada kumbiyuutarka. Taasi waxay dhalisay inaan halkaan ka billawno casharro loo diyaariyay si fudud oo uu qof kastaa fahmi karo oo tillaabo tillaabo u sharxaya kumbiyuutarka iyo dhismihiisa. Casharradaas waxaan ku dadaali doonnaa in hadduu rabbi idmo aan labadii wiiggiiba hal cashar ku darno, si aan wakhti ugu helno soo diyaarinta casharrada.

Haddaba si ay casharradu u noqdaan kuwo ay dad baddan ka faa'iidaystaan waxaan akhristow kaa codsanaynaa inaad fikraddaada nagu taageerto oo aad noo soo sheegto hadba sida aad u aragto caasharka aad akhriso. Sida in uu casharku adag yahay oo aan lala socon karin iyo in kale ama in af soomaaliga uu ku qoran yahay aan fahmi karin iyo in kale. Ama haddaad u aragto inay casharrada ku jiraan waxyaabo aan loo baahnayn ama waxyaabo loo baahan yahay oo laga tagay fadlan nala soo socodsii oo nagu taageer inaan casharradaan ka dhigno kuwo ay dad badni ka faa'iidaystaan.
Cashar kastaa marka uu dhammaado waxaad halka ugu hoosaysa ka helaysaa foom kuu suurto galinaya inaad fikraddaada ka dhiibato casharkaas. Waxa kale oo aad halkaas ka heli kartaa wixii fikrado ah ee horay casharkaas looga dhiibtay.

Wixii fikrad guud ah waxaad ku soo diri kartaa Halkaan.

Isticmaalka casharrada

Halkaan waxaan kuugu soo gudbinaynaa dhawr arrimood oo aan u aragno inay kuu fududayn karaan isticmaalka casharrada.

  1. Uma baahnid in muddada aad casharka akhrinayso oo dhan aad Internet ku jirto oo marka uu casharku muraayadda kaaga soo baxo waad iska goyn kartaa laynka Internet-ka, si (haddii aad modem isticmaalayso) aad u yarayso kharashka telefoonka ee kaa baxa muddada aad Internet ku jirto.
  2. Haddaad u baahato inaad waa weynayso ama aad yar yarayso farta ay casharradu ku qoran yihiin waxaad samaysaa sidaan:
    • Internet Explorer
    • Haddii uu Web Browser-kaagu yahay Internet Explorer daaqadda halka u sarraysa ka dooro View oo sii dooro Text size ka dibna halkaa ka dooro Larger si aad farta u waa weynayso ama Smaller si aad farta u yar yarayso, sida kaaga muuqata sawirka hoose:


       

    • Netscape Navigator
    • Haddiise uu web browser-kaagu yahay Netscape Navigator halka daaqadda ugu sarraysa ka dooro View oo sii dooro Increase Font si aad farta u waa weynayso ama Decrease Font si aad farta u yar yarayso, sida kaaga muuqata sawirka hoose:

Xuquuq

Casharradaan waxaan ugu tala galnay in guud ahaan ummadda soomaaliyeed ay uga faa'iidaysato si shakhsi shakhsi ah. Haddiise aad u baahato inaad u isticmaasho iskuul gaar ah (Private) iwm waa inaad nala soo xiriirtaa si aan uga wada hadalno. Casharradaan looma isticmaali karo wax ka baxsan sida ay Somali Software ugu tala gashay iyadoon ogolaasho qoraal ah laga haysan Somali Software.

Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com


Waxaad tahay akhristihii 8129-aad

Hordhac | SomaliSoftware.com | Casharka 1-aad