| Su'aal: Marka hore waan idin salaamayaa, salaan kadib waxaa cillad iga haysata Computer-kayga, waxayna tahay cilladu: Marka aan shido computerka ma dhaafayo shaashada Madow, umana gudbayo WIN2000, haddii ay dhacdo in uu u gudbo WIN2000 waxay igu qaadanaysaa muddo dheer, waxaana mararka qaarkood dhacda in uusan u gudbin, hadaba waxaan idinka codsanayaa in aad iga jaahil bixisaan ciladaas i haysata computerka, waadna mahadsan yihiin. Jawaab: As-salaamu calaykum, Salaan ka dib, walaal si aan wax uga fahamno cilladda ku haysata waxaan u baahanahay faahfaahin ka badan inta aad na siisay. Sidaa darteed waxaan kaa codsanaynaa inaad noo soo faahfaahiso cilladda. Tusaale ahaan ma jiraan wax farriin ah oo uu kumbiyuutarku kuu soo qorayo? Shaashadda madow maxaa ku soo qormaya? Ma jiraan program-yo aad dhawaan kumbiyuutarka gelisay ama qalab cusub oo aad dhawaan kumbiyuutarka ku xirtay? Haddii ay jiraan programyo ama qalab cusub ku day inaad ka saarto oo markaa fiiri in ay cilladdu sidaa ku baxdo iyo in kale. Ma jiraan wax isbeddel kale ah oo aad dhawaan kumbiyuutarka ku samaysay? Kumbiyuutarka ka raadi Virus kana nadiifi haddii ku jiro adigoo adeegsanaya AntiVirus casri ah. Haddii uusan AntiVirus kuugu jirin waxaan kugula talinaynaa inaad dhakhso u soo gadato AntiVirus cusub islmarkaana aad si joogto Update ugu samayso. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Marka hore walaal waad mahadsantiin dhamaantiin shaqaalaha iyo is xilqaamayaasha somalisoftware. Intaa ka idb walal waxaad ii sheegtaan ama aaad talo iyo tabantaabin iga siisan coputer cusub ayaan soo iiibsaday markaa walaal markaan ku shubo WINDOWS-ka maxaan kalee ku shubaaa ee u fiican isaga i aanu iiga xumaan abidkii sida programada ka ilaaliya VIRISKA -. Wixii talo ah igu soo warceliya walaal idinkoo mahadsan thanks Jawaab: As-salaamu calaykum, Salaan ka dib walaal program-yada ugu muhiimsan ee ay haboon tahay in aad kumbiyuutarka geliso waxaa ka mid ah AntiVirus iyo Fairwall. Waxaa jira oo aad suuqa ka helaysaa program-yo fara badan oo noocaas ah oo ay shirkado kala duwani soo saareen. Waxaa kuwa ugu caansan ka mid ah program-ka loo yaqaan Norton AntiVirus iyo Norton Internet Security oo ay soo saarto shirkadda loo yaqaa Symantec. Norton AntiVirus waa program AntiVirus oo kaliya ah. Norton Internet Security waa program ka kooban AntiVirus iyo Fairwall is wata xoogaa buuna kan kale ka qaalisan yahay. Haddaad heli karto kan dambe ee ah Norton Internet Security ayaan kugula talinaynaa inaad soo gadato. Waxaa jira shirkado kale oo iyaguna soo saara AntiVirus iyo Fairwall kala socda ama is wata waxaana ka mid ah: McAfee (http://www.mcafee.com) Panda Software (http://www.pandasoftware.com) F-Secure (http://www.f-secure.com) Trend Micro (http://www.trendmicro.com) Norman (http://www.norman.com) Haddii aadan kuwaa iibsan karin waxaad heli kartaa kuwo lacag la'aan ah sida: AVG Anti-Virus (http://free.grisoft.com/doc/5390/lng/us/tpl/v5#avg-free) Avast! Antivirus (http://www.avast.com/eng/programs.html) ZoneAlarm (http://www.zonelabs.com/store/content/company/products/znalm/free...) Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Waad salaaman tihiiin salaan qiimo yo qaayo waana ku mahadsantihiin howsha weyn loona baahnaa aad u qabanaysaan bahda soomaaliyeed waxaan ku arkay compuerada iyaala internet cafe garawer oo ah ciladu waa computerka marka ladaaro wax yar kadib wuxuu soo sarayaa system shutdown ka dib 50second wuu restart buu samaynayaa message ka uu soo diraya waa wuxuu leeeyahy remote procedure call wax saas ah walaale waa maxay cillada haysata. Jawaab: As-salaamu calaykum, Salaan ka dib walaal sida su'aashaada ka muuqata waxaa kumbiyuutarrada kaa galay nooc ka mid ah Virus-yada adeegsada RPC (Remote Procedure Call). Haddaba si aad cilladdaas u xalliso waxaad raacdaa saddexda tillaabo ee shirkadda Microsoft ay ku faahfaahisay halkaan: http://www.microsoft.com/athome/security/protect/default.aspx. U Fiirso, waa in aad kumbiyuutar kasta goonidiisa saddexdaas tillaabo u marisaa. Sidaa iyo nasiib wacan Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Asalaamu Calaykum wr wb, Salaan ka dib Walaal Waxaan kaa codsan lahaa inaad wax yar iga caawiso cillad iga haysatada xaga computerka qaasatan Floppy ka (FD) ama Drive A:\. Walaal cillada iga haysata Drive A: waa inuusan shaqaynayn marka aan shido computerka, maba sameenayo wax dhaq dhaqaaq ah, hadaan isku dayo inaan ku isticmaalo disk ama aan ku sameeyo labo jeer click halka uu ku qoran yahay Drive A: 3.5, MY computer, computerka oo dhan baa isxirayo oo waxaa ku dhacayo Crash, illaa aan fiilada computerka oo dhan ka siibana wax dhaq dhaqaaq ah ma leh. Waxaan fiiriyey Contarol Panel => System, ka dib markaan labo mar click ku sameeyey System, waxaa ku qoran daaqada yar ee ii furantay halka ugu danbayso ee ku xigta ama dhanka midig ka ah Hardware profile, ee luqada danish ka lagu dhaho Ydeevne, in Drive A: uu u xayiran yahay file system Ms-Dos, wax saas oo kale ah. Marka waxaa fahmi waayey sababta, si walba baan isugu dayey balse waan ku guul dareystay,inaan dib ugu shaqeysiiyo Drive A:\, sidaas darteed baan aad ugu baahnaa inaad iga caawiso walaal arintaan. Hadaan isku dayo inaan mariyo ScanDisk, computerka ayaa crash ku dhacayo, ama waxaa la iisoo celinayaa jawaab ah in Drive A: uu ciladaysan yahay. Computerka aan Isticmaalo noociisu waa Fujitsu siemens wuuna cusub yahay. Hadaan isticmaalo MS-Dos anigoo aanan isticmaalayn windowska, Drive A:\ waxaa ii soo baxayo faylasha laga shido computerka. Tusaale hadaan qoro dir A:\ waxaa soo qormayo faylasha computerka laga shido, xataa isaga oo uusan Drive A:\ ku jirin wax disk ah. Hada ka hor ayaan disk u qaabeeyey, start disk, anigoo aad ugu faaiideysanayo casharadaadii ahaa Isbar dos, oo runtii aan aad ugu liibaanayey. Balse hadaan ku fiiriyo Disk Ms-Dos anigoo windowska caadiga isticmaalayo, waxaa la ii soo celinayaa inuu Drive A: ciladaysan yahay. Ciladan waxey igu noqoday cilad ka weyn wax yaabihii yar yaraa ee aan aqiin, aad baana ugu wareeray runtii sidaan cilada ugu saari lahaa drive A:. Marka Walaal waxaan aad iyo aad kaaga codsanayaa inaad iga caawiso intii awoodaada ah arintaan, runtii waxaan u baahanahay Caawimaad. Fadlan iiga soo jawaab emailkan. Rabi hagaa siiyo ajar iyo xazanaad. Aad baad u Mahadsan tahay. Jawaab: As-salaamu calaykum, Salaan ka dib walaal way adag tahay in la garto ama wax laga fahmo cilladda ku haysata iyadoo aan kumbyuutarka la dul joogin, waayo cilladu waxay u muuqataa mid aan caadi ahayn. Walaal waxaa laga yaabaa in ay Windows-ka ama Floppy Drive-ka laftiisa ay wax ka kharribmeen. Waxaa kale oo dhici karta in cilladda uu Virus ka dambeeyo. Haddaba waxaan kuu soo jeedin lahayn in arrimaha soo socda aad u samayso sida ay u kala horreeyaan: 1. Computer-ka Virus ka raadi kana nadiifi adigoo adeegsanaya mid ka mid ah AntiVirus-yada casriga ah ee uu ka mid yahay Norton AntiVirus, oo aad update ku samaysay. Haddii uusan AntiVirus kuugu jirin waxaa muhiim ah inaad soo gadato AntoVirus fiican. 2. Haddii aada kumbiyuutarka Virus ka weydo ama marka aad nadiifiso ay taasi cilladdii xallin weydo waxaad ku daydaa in Windows-ka aad installation-ka ku celiso. Haddii akhbaarta kumbiyuutarka kuugu jirta aad ka maaranto ama ay suurtogal kuu tahay inaad hadhaw dib u soo celin karto waxaan ku talinaynaa inaad kumibiyuutarka oo dhan nadiifiso oo aad wax kasta mar kale dib u geliso. Digniin: Si fiican uga fiirso inta aadan arrintaas samaynin waayo waxaa laga yaabaa in akhbaar muhiim ah ay kaa lunto. 3. Haddii taasi ay cilladda xallin weydo, markaa waxaa caddanaysa in cilladu ay tahay Floppy Drive-ka laftiisa. Xalka kaliya ee markaa muuqdaa waa inaad Floppy Drive-ka iska beddesho ama aad geyso meelaha kumbiyuutarrada lagu sameeyo si ay u cillad bixiyaan. Waxaan kuu rajaynaynaa nasiib wacan. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Waan idiin salaamay marka hore waana ku mahadsantihiin sida aad u caawinaysaan dhalinta rabta inay technologyada caalamka bartaan marka xiga waxaan rabaa Forexample computer ayaan installation ku sameeyay waxaa kaliya oo iga dhiman Sound-gii sida loogu shubi lahaa hadii aan cajalada computer kan haysan lahaa waan ku shubi lahaa laakiin ma haysto ee waxaan maqlay internet ka ayaan looga shubi karaa codka mana aqaano sideen yeelaa Jawaab: As-salaamu calaykum, Salaanka dib walaal waxaad u baahan tahay Driver-ka Sound Card-ka kumbiyuutarka oo aad ka heli karto cajaladihii kumbiyuurtarka markaad soo gadatay la socday. Haddii sida aad sheegtay aadan cajaladahaan heli karin waxaad la xiriiri kartaa shirkaddii ama dukaankii aad kumbiyuutarka ka soo gadatay. Sidaa iyo nasiib wacan Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: SALAAMU CALAYKUM W/W DHAMAANTIIN oo aan idinleeyay ciid mubaarak shaqaale iyo dadka soo qbooqday boguba intaa kadib: suaal ayaan jeclaa inaad inaan wayiiyo shaqaalaa bodan faaiidadu ka muuqato taas oo ah: computerkayga waxaan haystay ilaa 7 bilood wuu fiicnaa waana xp hadaba dhawaan ayuu bilaabay inuu khalal soo dhex galo kaas oo ah inuu markaan shido kadib dib hadana isku bakhtiiyo oo restart isku sameeyo anba uu iska aamunsanaado ilaa inta aan ka gujinaayo isagoo laydhka akhdarki ahi baxaayo , aan kuu raaciyee waxa ku jira intivirus oo noociisu yahay mc markaa bal maxaa xala xagayse mushkiladu ku jirtaa. Jawaab: mahadsanidin As-salaamu calaykum, Salaan ka dib walaal inkastoo ay adag tahay in la garto cilladda rasmiga ah ee ku haysata iyadoo aan kumbiyuutarka la arag, haddana waxaa jira arrimo dhawr ah oo keeni kara inuu kumbiyuutarku iskii restart u sameeyo. 1. Virus. Waxa jira noocyo Viruska ka mid ah oo caan ku ah inay restart sameeyaan qaarkoodna waxay soo qoraan farriin kuu sheegaysa in restart la samaynayo iyadoo 60 ilbiriqsi lagu siinayo laguuna tirinayo si aad wixii hawl ah ee aad waddo u kaydsato. Haddii aad astaantaas aragto waxaad samaysaa sidaan: Marka ay farriintu kuu soo baxdo taabo "Start => Run" oo dabadeedna qor: "Shutdown -a" oo OK taabo. Taasi waxay joojinaysaa restart-kii waxayna meesha ka saaraysaa farriintii wakhtiga tirinaysay. Ka dibna Windows-kaaga update ku samee (Start => All Programs => Windows Update). AntiVirus-kana update ku samee oo kumbiyuutarka oo dhan Virus ka raadi. 2. Windows XP oo la faray in markii ay cillad timaaddo uu iskii restart u sameeyo. Si aad arrintaan u hubiso waxaad tagtaa Start => Control Pannel => System => Advanced. Markaa qaybta daaqadda ugu hoosaysa ee uu ciwaankeedu yahay "Start and Restore" taabo batoonka Settings. Daaqadda kuu soo baxda bartamaheeda ka eeg khaanad yar oo ay ku ag qoran tahay "Restart automatically". Khaanaddaas haddii ay calaamad dhexda ku leedahay ka saar calaamaddaas oo taabo OK si aad daaqadda u xirto. Haddana taabo OK. Arrintaani ma xaalinayso cilladda rasmiga ah laakiin waxay joojinaysaa restart-ka, marka ay dhacdo cilladdii keenaysay in restart la sameeyo waxaa laguu soo qorayaa farriin kuu sheegaysa nooca cillaadda ku haysata iyo talo ku saabsan xalkeeda. Farriinta akhri oo isku day inaad fahamto oo raac wixii talo ah ah ee halkaa ku qoran. Sidaa iyo nasiib wacan Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Walaalayaal waan idin salaamay, salaan ka dib waxaa iga su'aal ah sideen u xallin karaa arintaan: Waxaan soo degsaday RealOne Player, maqalku waa ok laakiin muuqaalka ayaa cillad iiga jirtaa oo ma joogsanayo sawirka (waa boodbodayaa oo si fiican looma daawan karo). Haddaba cilladaasi sidee u xalin karaa?. Mahadsanidiin. Jawaab: Walaal su'aashaas jawaabteeda oo sax ah ma hayno waayo waa arrin aan horay noo soo marin. Waxaanse halkaan kuugu soo gudbinaynaa jawaab guud oo "RealNetworks Support" ay ka bixiyeen waxyaabaha keeni kara in RealOne uu u shaqayn waayo sidii loogu tala galay. Fadlan taabo halkaan si aad u akhrisato Jawaabta RealNetworks Support. Waxaan rajaynaynaa in jawaabtaasi ay wax ka tari doonto xallinta cilladda ku haysata. Haddiise aad xallin weydo waxaad jawaab ka raadin kartaa RealNetworks Knowledge Base oo ah halka RealNetworks ay ku ururiso jawaabta su'aalaha la xiriira program-yadeeda. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Aslaamu caleekum ilaah ayaa mahada iskale kadic waad mahadsantihiin bahada Somalisoftware sida aad ugu faa ideeseen somalida ilaah hadinka abaal mariyo. walaalayaal Maxay tahay Complementary Metal Oxide Semiconductor (CMOS) maxaa loo isticmaalaa, sidee loo isticmaalaa? Teedakale Password ayaa kuxiran seedii loogufuraa? Thanks. Jawaab: As-salaamu Calaykum, Salaan ka dib walaal su'aalaha aad na soo weydiisay marka laga reebo midda ku saabsan password-ka waxaad jawaabtooda ka helaysaa casharka 6-aad ee taxanaha barashada kumbiyuutarka ee Somali Software. Casharkaas waxaad si toos ah uga heli kartaa halkaan: http://www.somalisoftware.com/aqoonta/pc/cash6-aad.shtml. Midda ku saabsan password-ka waxaad si aad uga furto u baahan tahay inaad masaxdo (tirtirto) akhbaarta ku kaydsan CMOS-ka. Sida akhbaartaas loo tirtiro waxay ku xiran tahay nooca kumbiyuutarka, gaar ahaan nooca Motherboard-ka iyo sida cidii samaysay ay ugu tala gashay in akhbaartaas loo masaxo. Sidaa darteed waxaad u baahan tahay in arrintaas sida loo sameeyo aad ka raadiso buugga kumbiyuutarkaaga la socday markii aad soo gadatay. Sidaa iyo nasiib wacan Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Walaal waxaan doonayaa inaan idin su,aalo cilad aan computerkayga ku arkay garana waayay si aan u cilad bixiyo. Ciladuna waxay tahay computerkayga waxaan ku arkay sidaan u isticmaalayo ama aan wax u qorayo ayuu gebigiisaba iska istaagayaa oo muuska iyo badbadilida wax walba uu dhaqdhaqaqa joojinayaa wax ka hagaagi maayaan ilaa computerka aan botoonka laga shido aan ka dansho ama aan isla qabto Ctrl iyo Alt iyo Delete oo aan restart sameeyo, hadaba walaalayaal ii soo sheega sidaan computerka ciladaas uga baabi,in lahaa mahadsanidiin? Jawaab: Walaal, cilladda aad na soo waydiisay waxaa loo yaqaanaa "Crash" waana arrin caan ah oo lagu yaqaanno Windows, waxayna si gaar ah ugu sii badan tahay Windows 95 iyo Windows 98 noocyadiisa ugu horreeyay. Cilladaas waxay yeelan kartaa wajiyo fara badan oo ku xiran tayada kumbiyuutarka, qalabka ku xiriirsan iyo program-yada ku jira. Sidaa darteed walaal way adag tahay in la ogaado sababta kumbiyuutarkaaga ku keenaysa Crash-ka, laakiin haddaad arrimaha soo socda wax nooga sheegto waxaa laga yaabaa in markaa aan waxa ka garanno sababta keenaysa Crash-ka: 1. Nooca Kumbiyuutarkaaga (sida moodelka processor-ka iyo xawaarihiisa, Hadday suurtogal kuu tahay)? 2. Baaxadda Hard Disk-ga kumbiyuutarka iyo inta ka bannaan? 3. Baaxadda Memory-da kumbiyuutarka? 4. Nooca Windows-ka kuugu jira (Windows 95/98/ME/2000 iwm)? 5. Ma jiraan wax isbeddel ah oo aad kumbiyuutarka ku samaysay ka hor inta aadan cilladdaan ku arag. Sida qalab cusub oo aad ku xiriirisay ama program-yo cusub oo aad gelisay? 6. Cilladdu ma waxay ku qabsataa markaad program gaar ah isticmaalayso mise mar kasta. Ma mid joogto ahbaa mise mar mar bay dhacdaa? Walaal su'aalahaas wixii kaaga suurtagal ah nooga soo jawaab si cilladda ku haysata aan si fiican ugu fahamno. Waad Mahadsan tahay Somali Software Jawaab: asalaamu calaykum walaal waxaan isku dayayaa su,aalihii aad i soo waydiisay inaan halhal uga jawaabo. 1-nooca computerka waa compaq presario 5700T, Genuinelntel Pentium(r)3 processor. 2-Baaxada hard disk waa 12GB waxaana banaan 10,4 GB 3-128Mb ram. 4-windoska iigu jira win98. 5-wax isbedel ah aan ku sameeyay ma jiraan computerka. 6-ciladu waxba borograam khaas ah kuma timaado ee maalin walba ilaa 3 ilaa 4 jeer ayay ciladaasi i qabsataa ilaa iyo inta marka danbe intaa kuba caajiso isagaba tago. Jawaab: As-salaamu calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu Salaan ka dib, walaal waad ku mahadsan tahay sida wanaagsan ee aad uga soo jawaabtay su'aalihii aan ku weydiiyay. Markaan su'aalahaas ku weydiinayay waxaan is lahaa amuu kumbiyuutarkiisu duq yahay ama taag daran yahay ama Hard disk-gu uu buuxaa ama ay memory-du ku yar tahay. Laakiin hadda waxaa ii muuqata in arrimahaasoo dhanba aysan wax dhib ahi ka jirin. Walaal waxay u muuqataa in qaar ka mid ah faylasha uu Windows 98 ka kooban yahay ay dhaawacmeen ama halka ay Hard disk-ga kaga kaysan yihiin ay dhaawacantay. Sidaa darteed waxaan soo jeedinayaa in aad Hard disk-ga mariso Scandisk buuxa. Scandisk waxaad ka helaysaa Start=>Programs=>Accessories=>Sytem Tools=>Scandisk. Marka aad Scandisk gasho qeybta kore ee daaqadda kuu soo baxda ka dooro Hard disk-ga (C:), qeybta dhexena ka dooro "Thorough" ama "complete", kadibna taabo khaanadda yar ee ay ku qoran tahay "Automatically fix errors" oo taabo batoonka ay ku qoran tahay "Start" (Haddii Windows-kaagu uusan English ahayn, isku day inaad raadiso erayo u dhigma kuwa ingiriisiga ah ee aan tilmaanta ku bixiyay). Walaal marka Scandisk sidaa loo isticmaalo wuxuu dhex marayaa hard disk-ga oo dhan wuxuuna ka raadinayaa wax dhaawac ah oo gaaray hard disk-ga iyo waxa ku kaydsan labadaba. Hadduu helo wax dhaawacan ama kala lunsan wuxuu isku dayayaa inuu badbaadiyo inta badanna wuu ku guulaystaa. Haddii uu helo dhaawac gaaray hard-disk-ga laftiisa wuxuu akhbaarta meeshaas dhaawacan ku kaydsan u rarayaa meel kale oo caafimaad qabta, meesha dhaawacanna wuu calaamadaynayaa si aan wax dambe loogu kaydin. Hawshaasi waxay qaadan doontaa wakhti dheer ee u dul qaado inta ay ka dhammaynayso. Walaal inta aadan Scandisk shidin waxaa muhiim ah inaad xirto dhammaan wixii program kale ah ee furan. Xataa waa inaad xirtaa program-yada yaalla halka ay ka soo baxdo saacadda Kumbiyuutarka. Waxaan rajaynayaa in taasi ay wax ka tarto cilladda ku haysata. Si kasta oo ay noqotaba faadlan ila soo socodsii. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Walaal waan idin salaamaynaa waxaan nahay machad computerka lagu barto oo ku yaal magaalada mogadisho hadaba walaal waxaa naga fadhiya computer ma soo kacayo BIOS-ka oo waxa uu soo qorayaa "BIOS error" oo waxaan rabay sida loo upgarde gareeyo. BIOS-ka noociisu waa:- award 1998 pci/pnp686, 259683326 walaal marka uu computerka soo kacaayo waxaa uu soo qorayaaa sidan:- "award bootblock BIOS vi.0, BIOS ROM checksum error" Jawaab: As-salaamu Calaykum, Salaan ka dib, walaal farriinta "BIOS ROM checksum error - System halted" oo ka mid ah farriimaha marka ay cilladi jirto uu soo qoro BIOS-ka award, waxay sheegtaa in laga yaabo in program-ka ku kaydsan chip-ka BIOS-ku uu kharribmay. Shirkadda iska leh awardBIOS waxay ku talinaysaa in haddii ay cilladdaasi ku qabsato aad la xiriirto ciddii aad kumbiyuutarka ka soo gadatay si ay BIOS-ka gebi ahaanba kaaga beddelaan. Si kastaba ha ahaatee akhbaar faahfaahsan oo ku saabsan awardBIOS iyo sida aad upgrade ugu samayn karto waxaad ka helaysaa halkaan: http://www.award.com Akhbaar ku saabsan farriimaha kala duwan ee uu awardBIOS soo qoro marka ay cilladi jirto (error codes) iyo sida cilladahaas lagu xallin karo labadaba waxaad ka helaysaa halkaan: http://www.phoenix.com/en/customer+services/bios/awardbios/award+error+codes.htm. Sidaa iyo nasiib wacan. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Walaal salaan ka dib waxaad iiga soo jawaabtaan su aashan oo ah computer-kaaygii oo aay ku dhacday cilad ah in aay shaqaaynwaydo qaaybta codka ama AUDIO ga markaa walaal realka hadaan is yidhaa dhagaayso ma shaqaaynayo sidoo kale windowsku waa la mid waxkastoo dhagaaysiyina ma shaqaaynayo markaa walaal ciladaa xageen u raacaa dawadeeda? Waad ku mahadsantiin caawinimada joogtada ah ., Jawaab: As-salaamu calaykum, Salaan ka dib walaal cilladdaasi waxay u muuqataa in qeybta codka (Sound Card) iyo kumbiyuutarka intiisa kale ay is af garan la' yihiin. Si aad u xalliso waxaad gelisaa CD-ga kubiyuutarka la socday ee ay ku jirto akhbaarta (Drivers) uu kubmiyuutarku ku af garan lahaa qeybta codka. CD-yada ama cajaladaha kubiyuutarkaaga la socday ka dhex raadi mid ay ku dul qoran tahay akhbaar ay ka mid tahay "Audio" ama "Audio Driver" ama "Drivers". Sidaa nasiib wacan Waad Mahadsan tahay Somali Software |