Su'aalo iyo Jawaabo ku saabsan Dhismaha

Su'aal:
Salaama calaykum, Walaal waxaan jeclahay inaan bilabo kooraska la magac baxay A+, markaa axaad talo iyo caawino iga siin kartaan

Jawaab:
As-salaamu calaykum,
Salaan ka dib walaal in badan oo ka mid ah waxyaabaha lagu barto koorsada A+ waxaad ka heli kartaa casharrada aan ku soo bandhigno boggayaga http://www.somalisoftware.com iyo program-ka ISBAR-DOS oo aad isagoo bilaash ah ka heli karto isla bogga aan kor ku soo sheegnay. Intaas wixii dheer waxaad heli kartaa adigoo raadsada buugaag ku saabsan mawduucaas.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
Walaal anigoo ah somali degan magaalada Muqdisho waxaan idinka codsanaya inaad warbxin iga soo siisaan wax la yiraahdo Cd-writer oo aan ku wareeray arkayna mid ka mid ah cashiradiina welina waan ku wareersanahay hadaba waxaan idinka sugaa cashiro si fiican u baahbaahsan oo halkaa iga soo dirtaan.

Jawaab:
As-salaamu calaykum,
Salaan ka dib, walaal CD-writer wuxuu ka mid yahay magacyada loo yaqaan CD Burner-ka oo ah qalabka la adeegsado marka la rabo in CD akhbaar lagu qoro. CD Burner-ka waxaa ka hadlaya oo aad faahfaahintiisa ka helaysaa casharka 21-aad.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
Waxaan ahay injineer xagga Korontada ah oo ka shaqeeya dalka Sucuudiga imikana waxaan daneeyaa inaan wax ka barto cilmigan casriga ah ee loo yaqaan (IT) Information Technology waxaan rabaa muddo gaabanna inaan ku barto ,hadaba walaalayaal ugu horayn waxii talo ah iga siiya halkaan ka bilaabi lahaa siiba Programmes-ka iyo Networking-ka iyo sida ugu sahlan ee ay arrintani iigu suurogelayso?

Jawaab:
Walaal barashada cilmiga IT-gu waa arrin aad u ballaaran oo run ahaatii u baahan wakhti iyo samir fara badan. Waxaase laga yaabaa inaysan adiga wax badan kugu qaadan maadaamaa aad tahay engineer xagga korontada ah. Waayo Kumbiyuutarku wuxuu gebigiisaba ka kooban yahay oo uu ku shaqeeyaa waa Electronics la isu geeyay.
Sida ugu fiican ee lagu baran karaa waa adigoo raadasada koorsooyin ku saabsan hadba mawduuca aad xiisaynayso. Haddiise aysan taasi kuu suurtoobayn shaqada awgeed waxaan kugula talin lahayn inaad soo gadato buugaag ku saabsan barashada kumbiyuutarka gaar ahaan mawduucyada aad xiisaynayso sida Computer Programming ama Networking oo ah laba mawduuc oo aad u bal ballaaran. Waxaad heli kartaa buugaag carrada ka badan oo laga qoray mawduucyadaas. Buugaagtaas waxaa ka mid ah qaar badan oo loogu tala galay Self study oo aad keligaa isbari karto. Waxaad ka billawdaa kuwa si guud uga hadlaya mawduuca kadibna marka aad mawduuca si guud u fahamto waxaad samaysaa takhasus oo qeyb gaar ah oo mawduuca ka mid ah ayaad xoogga saari kartaa.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
asalaamu calaykum, salaam ka dib waxaan idinka codsan lahaa walaalayaasha somalisoftware in aan idin weydiiyo su'aashaan soo socota ee ku qoran afka ingriska: "USB divice are all the rage , do you think they will last?" hadii aad fahamtay waxaan kaa codsanay in aad igu soo jawaabtid sida ugu dhaqso badan. mahadsanidin.

Jawaab:
As-salaamu calaykum,
No one knows for sure, but since allmost all new PC's come with one or more USB ports I think USB Devices will last. At least in the near future!

Waad Mahadsan tahay

Somali Software