Su'aalo iyo Jawaabo ku saabsan Internet

Su'aal:
Walaalayaal waxaan in badanba raadinayey meel aan kahelo ftp bilaash ah,si aan boggayga u sharaxdo,hase yeeshee waan waayey,sidaa darteed waxaan idiinka codsanayaa inaad ii sheegtaan haddii aad taqaanaan meel aan ka helayo barnaamijkaas ftp ga ah oo lacag la'aan,ama bilaash ah,mahadsanidiin?

Jawaab:
Walaal program FTP ah oo bilaash ah waxaad ka helaysaa halkaan: http://www.ftpplanet.com/download.htm . Progam-ku waa laba nooc ee waxaad doorataa kan uu magaciisu yahay WS_FTP LE

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
Marka hore waxaan idiin soo dirayaa salaan aad iyo aad u qiimo badan salaan dabadeed walaal waxaan idinka codsanayaan inaydin wixii talo ah iga soo siisaan sidii aam i isticmaali lahaa qalab aan dhawaan soo iibsaday oo ah Internet Direct Satelite Provider qalabkaas oo Engineerka ii rakibayaa uu iska tagayo marka u hawshiisa dhamayst cid kale oo taqaana hadii ciladi ku timaado qalbkaasina aanay joogin magaalada hargeysa oo aan kuhaysto Internet cafe aan u isticmaalayo qalabkaas. Hadaba waxaan si sharaf leh idinka codsanayaa inaad igala so talisaan sidaa aan uga hortagi karo wixii dhibaato ku iman kara ama ay ciladiisu hadhaw u badan tahay hadii aad aqoon fiican u leedihiin. Waad mahadsantihiin

Jawaab:
As-salaamu calaykum,
Salaan ka dib walaal qalabkaas aqoon uma lihin, sidaa darteed wax talo kaama siin karto.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
Walaalayaal waxaan doonayaa in aad wax ii ga iftiimisaan sida loo sameeyo Homepageka.Tusaala ahaan markaan doonayo in galiyo Wararka, Heesaha, Gabayada, Dhacdooyinka, Taariikhda, Majaajilada, Quraanka iyo wixii la halmaala. Haddaba waddadee usoo marayaa hawshaas iyada ah?

Jawaab:
Walaal su'aasha aad na soo waydiisay ee ku saabsan sida loo sameeyo Homepage jawaabteeda waxaan ku soo koobi karaa adiga oo barta mawduuca loo yaqaan HTML (Hyper Text Markap Language). Mawduucaas oo ah mid ballaaran oo buugaag fara badan laga qoray waxaa loogu tala galay samaynta Homepage-yada. Dhammaan arrimaha aad soo qaadday iyo kuwo kaleba waxaa lagu sameeyaa HTML iyo wixii la halmaala.
Walaal in kasta oo aanan ogayn wax buugaag ah oo af soomali ah oo HTML laga qoray haddana waxaad heli kartaa kuwo ingriisi ah iyo kuwo ku qoran luuqadda waddanka aad joogto. Waxaa kale oo aad internet ka heli kartaa casharro ku saabasan barashada HTML oo iyaguna ingiriisi u badan. Haddaba waxaan halkaan kuugu soo gudbinayaa dhawr meelood oo aad ka heli karto casharro HTML ah.

1. www.echoecho.com/htmlbasics.htm English
2. www.w3schools.com/html/default.asp English

Walaal HTML waa mawduuc aad caan u ah sidaa darteedna ay aad u badan yihiin bugaagta iyo casharrada laga qoray. Waxaanse filayaa in saddexdaas aan kor ku soo qaatay ay kuu noqon karaan billaw aad u wanaagsan oo kuu suurto galiya inaad samayso Homepage.

Waxaan kuu rajaynayaa inaad ku guulaysato barashada HTML iyo wixii kale ee aad jeceshahay inaad barato.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
Walaal waxaan u bahanahay in aan computarka ka dhageysto casharada iyo wararka oo cod ah iyo wixii la mid ah marka xagee la marayaa ? waad mahdsantahay

Jawaab:
Walaal, si aad kumbiyuutarkaaga uga dhagaysato wararka BBC-da iyo idaacadaha la midka ah waxaad u baahan tahay inaad kumbiyuutarkaaga geliso program-ka loo yaqaan RealPlayer oo aad ka heli karto halkaan:

http://www.real.com/freeplayer/?rppr=downloadcom

Marka aad RealPlayer kumbiyuutarka geliso waxaad tusaale ahaan tagtaa bogga BBC-da laanta af-soomaaliga oo uu ciwaankeedu yahay www.bbcsomali.com ka dibna taabo halka ay ku qoran tahay "Wararka iyo Arrimaha Taagan". Markaa waxaa kuu bilaabanaya idaacaddii oo aad halkaa ka dhagaysan karto. Waa haddii kumbiyuutarkaaga ay ku xiran yihiin samaacado shaqaynaya oo codka kuu soo saara.

Si aad u dhagaysato idaacad kale oo aan BBC ahayn waa inaad tagtaa bogga idaacadda aad rabtaa ay internet ku leedahay.

Walaal marka laga reebo RealPlayer waxaa jira program-yo kale oo iyagana loo adeegsado in lagu dhagaysto akhbaar maqal iyo muuqaalba leh, laakiin RealPlayer ayay idaacadaha soomaalidu u badan yihiin.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
SALAAMA CALAYKUM; walaalayaal waad mahadsan tihiin; waxaan doonayaa in aan idin weydiiyo su'aal ah: waxaa iga gashay cumputarkii cillad aan garan waayey oo ah sida uu u soconaayo ayuu marka uu joogo ilaa 20 minites iska goynayaa internetka markaa waxaan bedelay modemkii waxay noqotey sidii uu hore u ahaa markaa waan garan waayey cilladaas????? waad mahadsantehiin.

Jawaab:
As-salaamu calaykum,
Salaan ka dib walaal in kastoo ay adag tahay in dhab ahaan loo ogaado cilladda ku haysata haddana waxaa laga yaabaa inay ka socoto xagga qolada aad laynka internet-ka ka soo furatay (Internet Provider), haddaba waxaan kugula talinaynaa inaad iyaga la xiriirto.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
Assalaamu calaykum wr wb . Mahdi iyo shire waan idin salaamay salaan ka dib sxb yabaal waxaan doonayaa in aad talo iga siisaan arrintan idinkoo raali ah. Waxaan dhisay home page aan ku sameeyay yahoo page builder, run ahaantii dadkii wuu dhibay waayo cinwaanka bogga oo aad u dheer sidaas darteed waxaan sameeyay mid ka fudud. Waxaan dhowr jeer isku deyay in aan copy ku sameeyo si aan boggii hore ugu wareejiyo kan danbe ee fudud anigoo isticmaalaya site copier ka 20m-ka mar kasta oo aan ID ga iyo passworka geliyaba error ayuu soo saarayaa waana sida "Error: Can't login to ftp.geocities.com with username "juxa77" and the password you provided". hadaba saaxiibayaal ii soo sheega waxa i haysta ama site copier ka wanaagsan kan ii soo sheega.

Jawaab:
As-salaamu Calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu,

Salaan ka dib walaal cilladdaasi waxay u muuqataa in username-ka iyo password-ka ay wax ka khaldan yihiin, Sidaa darteed la xiriir cidda aad page-ka ka soo furatay si ay kuugu saxaan.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
assalaamu calaykum aad ayaan idiin salaamayaa salaam kadib: waxaan doonayaa inaad iisheegtaan realplayer free ah oo aan xadidnayn meellagahelo waadna mahadsantihiin

Jawaab:
As-salaamu calaykum,
Salaan ka dib walaal RealPlayer oo free ah waxaad ka helaysaa halkaan

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
WAXAA JIRTA IN MAR KASTA OO AAN INTERNETKA FURO UU II SOO BAXO BOG AANAN DOONAYN INUU II AHAADO STARTSIDE MAR KASTANA WAAN KA BADALAA OO WAXAAN U BADALAA BOG FAVORIT II AH WAXAASE JIRTA IN DHAWR SAACADOOD KA BACDI UU IS BADALO OO UU II SOO BAXO BOG AANAN DOONAYN. HADABA SIDEE BAAN CILADAAS U XALIN KARAA?

Jawaab:
Walaal arrinta ku haysata waxay u muuqataa inuu ka dambeeyo nooc ka mid ah Virus-yada ku dhaca kumbiyuutarka. Waxaa jira qaar la yaqaanno oo waxyaabaha ay kumbiyuutarka u geystaan ay ka mid tahay inay beddelaan Start Page-ka Internet Explorer. Haddaba si aan arrintaas u hubsanno waxaan kaa codsanaynaa inaad noo soo sheegto ciwaanka bogga Start Page-kaaga loo beddelayo iyo Version-ka Internet Explorer-ka kumbiyuutarkaaga ku jira.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software