| Su'aal: Walaal salaan ka dib, waxaan kaa codsanayaa inaad iga jaahil bixiso arintan: Computer-kayga ayaan waxaan u isticmaalaa barnaamijyo kala gedisan oo uu ka mid yahay webserver, sida apache iyo mysql, marka walaal, waxaan rabay inaan ogaado, hadii aan computerka damin oo uu iska shidan yahay inta badan waqtiga 24ka saac, keliya aan damiyo 24kii saac ba mar, si aan ukala badalo data iyo ip adresska computerka, arintaas wax cilad ah miyuu u keenayaa computerka? Tan labaad waxaan rabay in aad iga jaahil bixiso, hadii aan u isticmaalo standby computerka miyey ka fiican tahay arintan ah in uu computerka iska shidnaado 24kii saacadood, standby hadaan ka dhigo se systemka computerka sida connection ka internet ka i.w.m ah miyaa laga soo isticmaali karaa computer kale, mise qofkii raba inuu kala baxo fayl ama ku soo diro fayl computerkayga wuxuu tusinayaa offline, fadlan wax yar ii soo sharax hadaad awoodo standby? Jawaab: Salaan ka dib walaal walaal midda ku saabsan in kumbiyuutarka 24-kii saacba hal mar la damiyo inta kalena uu shidnaado waxay noogu muuqataa inaysan wax dhibaato ah keenayn haddii la helo arrimaha soo socda: 1. In halka uu kumbiyuutarku uu korontada ka qaataa ay tahay mid lagu kalsoon yahay oo laga ilaaliyay maanso iyo qarax ka dhasha korontada. 2. In processorka kumbiyuutarka ay ku rakiban tahay marwaxad qaboojisa (Inta badan kumbiyuutarrada cusub way ku rakiban tahay) 3. In magaca lagu soo galayo web server-ka uusan isla beddelin ip adress-ka ee uu joogto ahaado. Arrimahaas waxaan uga jeednaa taxaddar iyo in aysan dhibaato dhicin, laakiin kumbiyuutarrada casriga ee maanta la isticmaalo wax kama dhinto inay wax badan daarnaadaan oo xataa waxaa jira kuwo aanan la damin muddo sanad iyo ka badan ah. Tusaale ahaan kumbiyuutarka shaqada ii yaalla ee aan anigu ku shaqeeyo oo ah PC caadi ah waxaa dhacda in aanan damin muddo bil ah ama ka badan. Waxaan inta badan xiraa (lock) monitor-ka oo kaliya oo xataa logout ma sameeyo. Wax dhibaato ahna kala kulmin. Walaal standby waa nidaam loogu tala galay in korontada lagu dhaqaaleeyo, si ay taasi u suurto gashana waxaa inta badan la damiyaa monitor-ka (shaashadda) iyo Harddisk-ga iyadoo kumbiyuutarka intiisa kale ay shidnaanayso. Tan kale ee ku saabsan in connection-ka internet-ku uu go'aayo iyo in kale, run ahaantii ma aynaan tijaabin sidaa darteed ma garanayno waxa ay noqonayso. Waxaanse kugula talinaynaa inaad tijaabiso oo aad aragto waxa dhaca. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Waan idiin salaamay salaan kadib waad ku mahadsantihiin dadaalka aad usamayseen umadda soomaaliyeed meel walba ay joogaan waxaan anigoo ah arday soomaaliyeed magacaygana ahi c/kariim axmed cali waxaan idinka codsanayaa in aad ii soo faah faahisaan qaabka networking ka loo sameeyo ama sida laysku tusiyo dhowr computer oo meel wada yaala istusidooda oo marka midka server ka khadka internetka uu galo kuwa kale si iygana ay ugali karaan iyadoo faahfaahsan oo istayb istayb ahi oo ay kabilaabanayso marka hore istusida qaab loosameeyo ay ugu horeyso kadibna qaabka looga hagaayo serverka oo haduu khadka galo iyagana looga geli karo. waadna ku mahadasantihiin sida habaysan aad ugu dadaasheen walaalihiin soomaaliyeed oo baahida xoogan uqaba sida ay wax uga fahmi lahaayeen computerka. ee aad adinkana uga haqabtirteen waadna ku mahadsantihiin waxaana idiin rajaynayaa kheyr iyo guul ee macsalaama saaxiibayaal. bye Jawaab: As-salaamu calaykum, Salaan ka dib walaal mawduuca Networking-ka ee ay su'aashaadu ku saabsan tahay waa mawduuc aad u ballaaran oo buugaag fara badan laga qoray sidaa darteed way adag tahay in e-mail lagu faahfaahiyo. Si kastaba ha ahaatee waxaan isku dayi doonaa inaan halkaan si kooban wax uga taataabto sida dhawr kumbiyuutar la isugu xiriiriyo si internet looga wada galo, anigoo soo qaadan doona mid ka mid ah nidaamyada kala duwan ee arrintaas loo adeegsado. Walaal si ay arrintaasi u suurto gasho waxaa loo baahan yahay arrimaha soo socda: 1. Layn internet ah oo kuu ogolaanaya in aad dhowr kumbiyuutar internet ku wada gasho. 2. Qalabka loo yaqaan Hub-ka oo ah qalab loogu tala galay in dhawr kumbiyuutar lagu xiriiriyo. Waa muhiim in tirada godadka Hub-ku ay ku filan yihiin tirada kumbiyuutarrada aad isku xiriirinayso. 3. Network Cable oo ah fiilada kumbiyuutarrada akhbaarta u kala gudbisa. Fiiladaas waxaad uga baahan tahay tiro u dhiganta tirada kumbiyuutarrada aad isku xiriirinayso oo hal lagu daray, waayo Hub-ka laftiisu wuxuu u baahan yahay fiilo u gaar ah. 4. Kumbiyuutar kasta waa inuu leeyahay Network Card oo ah qaybta kumbiyuutarka u suurto gelisa inuu Network ku xirmo. Marka aad intaas isla hesho waxaad qalabka isugu xiriirisaa sida soo socota: 1. Hub-ka ku xiriiri laynka internet-ka adigoo adeegsanaya mid ka mid ah fiilooyinka aan kor ku soo sheegnay. Fiiri buugga la socda Hub-ka oo kuu tilmaamaya godka Hub-ka ee aad gelinayso fiilada internet-ka. 2. Kumbiyuutarrada ku xiriiri Hub-ka adigoo adeegsanaya fiilooyinka aan kor ku soo sheegnay. Kumbiyuutar kasta wuxuu ku xirmayaa god ka mid ah godadka Hub-ka. 3. Kumbiyuutar kasta u diyaari inuu adeegsado laynka internet-ka adigoo raacaya nidaamka qolada aad internet-ka ka soo furatay ay ugu tala galeen in laynkooda loo isticmaalo. Haddii aad tillaabooyinkaas si sax ah u samayso markaa kumbiyuutar kasta internet waad ka geli kartaa. Haddaad rabto in internet-ka aad ka maamusho mid ka mid ah kumbiyuutarrada oo kuwa kalena ay isaga internet-ka u maraan, markaa waxaad u baahan tahay waxa loo yaqaan Proxy Server oo ah nidaam ka duwan midka aan kor uga hadalnay. Akhbaar asaasi ah oo faahfaahsan oo ku saabsan mawduuca Networking-ka waxaad ka helaysaa halkaan: http://www.lantronix.com/learning/tutorials Sidaa iyo nasiib wacan Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Waxaan bartay maadada MCSE iyo Cisco, aniga ku qaatay si deg deg ah, sidoo kale maadooyinka la xiriira computer-ka waxaan ku soo jiray ilaa 8 sanadood sidaa awgeed waxaan doonayaa inaan isku xiro computer-ro halmagaalo wada yaal magaaladuna waxay leedahay telephone land line ah, sideen yeeli karaa oo ay suurto gal ku noqonaysaa inaan isku xiro oo ay xog kala qaataan computeradaas, ayagoo adeegsanaya telephone. (ogaw walaal, waxaan horay u sameeyay Lan Network sida la doono). Sidoo kale waxaan rabaa bal siday iyadana suurto gal ku tahay inaan isku xiro computer-ro kala fog oo laba malaago kala yaal islamarkaana leh telefon. Jawaab: Salaan ka dib walaal si ay arrintaasi u suurto gasho waxay noogu muuqataa inaad u baahan tahay local network ay labada kumbiyuutar soo wacaan iyagoo adeegsanaya Dail-up connection. Marka labada kumbiyuutar uu midba network-ga dhinac ka soo galo waxay akhbaarta ku kala qaadan karaan mid ka mid ah noocayada ay kumbiyuutarrada network-gu akhbaarta ku kala qaataan sida sharing ama in midba midka kale uu ku leeyahay local account uu ku galo iwm. Markaa wax farqi ah uma dhexeeyo in labada kumbiyuutar ay isku magaalo yaallaan iyo in kale. Walaal taasi waa annaga aqoonteenna iyo sida ay noogu muuqato, waxaase dhici karta inay jiraan siyaabo kale oo arrintaas loo xallin karo. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Anigoo ah nin dhalin yara ah oo dagan magaalada galkacyo donayana in uu wax ka barto netwokinga marka see wax uga fahmi karaa cilmigaas waad mahsanthiin Jawaab: As-salaamu calaykum, Salaan ka dib, walaal si aad wax uga barato mawduuca Networking waxaad raadsataa koorsooyin mawduucaas ku saabsan, haddii kale oo aysan kuu suurtoobayn inaad hesho koorsoonyin noocaas ah waxaad raadsataa buugaag mawduucaas laga qoray gaar ahaan kuwa loogu tala galay qofka raba inuu iskii wax isu baro (self study). Sidaa iyo nasiib wacan. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Waxaan doonayaa inaan sanadkan bilaabo jaamacad oo barto networking hadii Ilaahay raali ka noqdo, laakiin nasiib daro wax aqoona uma lihi qaybaha uu networking u kala baxo, siday u kala adag yihiin iyo siday u kala anfac badan yihiin, qofka doonaya inuu ku shaqaysto. Hadaba waxaan ku soo biday aqoon inaad uleedahay networking, hadaba waxaan kaa codsanayaa inaad ii soo faahfaahisid igana soo siisid talo iyo tusaale. Jawaab: Walaal mawduuca aad wax iga soo weydiisay ee Networking-ka waa mawduuc aad u ballaaran, aniguna Networking-ka wax baan ka bartay laakiin ma aha takhasuskayga rasmiga ah oo aqoontaydu waxay u badan tahay xagga Programming-ka. Haddiise aan isku dayo inaan fikrad guud kaa siiyo, waxaan u kala qaadi karaa laba qaybood oo waaweyn oo kala ah: 1. Hardware Networking 2. Software Networking Qeybta hore ee ah Hardware Networking waa qaybta asaaska u ah mawduucaan, qof kasta oo mawduucan u baranaya si xirfad ahaan ahna waxaan filayaa inuu ku khasban yahay inuu ilaa iyo xad wax ka barto. Hardware Networking waxaan uga jeedaa isku xiridda kumbiyuutarrada iyo wixii qalab ah ee loo adeegsado in akhbaar loogu kala gudbiyo laba kumbiyuutar iyo wax ka badan. In kasta oo kalmadda Hardware ay sheegayso qalab ay warshadi soo saartay haddana qalabka casriga ah ee maanta la adeegsado intooda badan waxaa ku dhex dhisan software (program) loogu tala galay inuu qalabkaas ka shaqaysiiyo. Qaybtaan muhiimaddeedu waa qalabka laftiisa iyo wixii keenaya inuu qalabkaasi u shaqeeyo sidii loogu tala galay. Hardware Networking waxaa soo hoos galaya qalabka ay ka mid yihiin Network Servers, Network Cards, Cables, Modems, ISDN, Routers, Bridges, Gateways iyo xataa Satellites-ka hawada sare jira oo qaarkood loo isticmaalo inay xiriiriyaan Network-yada aadka u waaweyn sida Internet. Waxaa kale oo qaybtaan soo hoos galaya nidaamyo kala duwan oo aqoontooda loo baahan yahay si aad qalabka aan soo sheegnay isugu xiriiriso si ku salaysan hadba baahidaada iyo baaxadda Network-ga la dhisayo. Nidaamyadaas oo la isku oran karo "Network Design" waxaa ka mid ah Local Area Network (LAN), Wide Area Network (WAN), Wireless Networking, Intranet (u fiirso farqiga xagga higaadda ah ee u dhexeeya Intranet iyo Internet waayo way kala duwan yihiin) iyo kuwo kale oo aad u fara badan. Qaybta labaad ee ah Software Networking waa software-ka loo adeegsado in akhbaar loogu kala gudbiyo laba kumbiyuutar iyo wax ka badan. Qaybtaani waxay adeegsataa qalabka ay ka kooban tahay qaybta Hardware Networking, qaybtaas la'aanteedna ma suurto galayso in qaybtaani ay shaqayso. Software Networking waxaa asaas u ah waxa loo yaqaan Network Operating Systems (NOS) oo ay ka mid yihiin WindowsNT, Windows2000, Unix/Linux, Novells Netware, OS/2, VMS, OS/390, OS/400 iyo kuwo kale. Waxaa kale oo qaybtaan ka mid ah program-yo loo isticmaalo hawlo gaar ah, kuwaas oo isticmaala kuna dhex shaqeeya mid ka mid ah Network Operating Systems-ka la isticmaalo oo ay ka mid yihiin kuwa aan kor ku soo sheegnay. Program-yadaas waxaa ka mid ah kuwa loo isticmaalo kala socodsiinta hawlaha la xiriira E-mail-ka, Homepage-yada, dokumentiyada ay dad badani isla isticmaalaan (databases, file servers etc.), ilaalinta iyo maaraynta guud ahaan Network-ga (Network Management) iyo kuwo kale oo aad u fara badan oo aynaan halkaan ku soo wada qaadan karin. Waxaa intaa sii dheer waxa loo yaqaan Standard Protocols oo ah nidaamyo la isku raacay oo loogu tala galay in qalabka (Hardware) iyo program-yada (Software) kala duwan ee ay shirkado kala duwani soo saareen ay isku afgartaan oo ay wada shaqeeyaan. Protocols-ku aad ayay u fara badan yihiin, nooc kasta oo isgaarsiin ahna wuxuu leeyahay Protocol ama Protocol-lo u gaar ah. Protocol-ladaas waxaa ka mid ah Ethernet, TCP/IP, DNS, SNMP, SMTP, FTP, HTTP, DHCP, IMAP, POP3, LDAP, Winsock, SOAP, WAP iwm. Haddaba walaal, waxaad halkaas ka garan kartaa in aysan fududayn in la yiraahdo qaybtaas ayaa fiican ama fudud. Laakiin haddii aad xiisaynayso xagga farsamada iyo makaaniko ahaan waxaad xoogga saari kartaa qaybta hore. Haddiise aad xiisaynayso xagga Software-ka waxaad xoogga saari kartaa qaybta labaad. Xagga suuqa shaqadana labadaba waa looga baahan yahay oo way ka socdaan. Waxaanse filayaa in marka aad jaamacadda billawdo aad ugu yaraan sanadka ugu horreeya baran doonto aqoon guud oo ku saabsan Networking-ka iyo qaybihiisa kala duwan. Sidaa darteed marka ay timaaddo doorasho, adiga ayaaba markaa leh aqoon kugu filan oo aad ku fahamto dhinaca aad xiisaynayso iyo xataa baahida suuqa shaqada ee markaa jirta. Walaal waxaan ka cudur daarayaa inaan hadalka badiyay iyo in laga yaabo inaad ku wareerto oo aad fahmi weydo waxa aan isku dayay inaan kuu sharxo. Waayo mawduuca ayaa sidiisa u baaxad weyn oo ay adag tahay in warqad iyo wax la mid ah lagu sharxo. Waxaanse soo dhawaynayaa wixii su'aalo ah ee kugu dhasha inta aad waraqaddaan akhrinayso. Walaal waxaan kuu rajaynayaa mustaqbal wanaagsan iyo inaad waxbarashadaada ku guulaysato. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: salaama calaykum dhamaan akhyaarta somali softwere salaan kadib walaalayaal waxaan idinka cosanayaa inaad suŕashaan iiga soo jawaabtaan suŕashaasoo ah driverka magaciisa layiraahdo 3com muxuu ka qabtaa kombuterka? salaama calaykum Jawaab: As-salaamu calaykum, Salaan ka dib walaal 3Com waa shirkad samaysa qalab kala duwan oo loogu tala galay Networking-ka sida Network Cards, Switches, routers, Hubs iwm. Qalabka ay dadka caadiga ahi isticmaalaan ee ay shirkaddaasi samayso waxaa ugu caansan Network Cards-ka oo ah qalab la adeegsado marka la rabo in kumiyuutar Network lagu xiriiriyo. Network Cards-ka ay shirkaddaasi samayso waxaa inta badan magacooda ku jira 3Com sida: 3Com EtherLink XL. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Waxaan idiinka codsanaa in aad iiga jawaabtaan: 1. Ma waxaa jira website laga ogaado passaward-da? 2. Waxaan rabaa in aan sharing netwark oo aan arko computers ka kale waxey isticmaalaan in aan arko maxaa yeelay waxaan joogaa internet caffe? Jawaab: As-salaamu calaykum, Salaan ka dib walaal su'aalahaaga jawaabtooda oo kaaban waa maya oo ma ogin meel si sharciga waafaqsan aad arrimhaas ka heli karto. Waxaanse kugula talinaynaa in aadan isku mashquulin raadinta password-ka iyo waxyaabaha gaar u ah dadka kale. Sidaa iyo nabadgelyo Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Walaal waxaan idinka codsanayaa inaad ii soo sheegtaan waxa uu qabto Networkcompenentiga la yidhaahdo( Router) , waxa kale oo aan doonayay inaan ogaado waxa uu kaga duwanyahay (Firewall). Waxaan u jeedaa waxay Router iyo Firewall ku kala duwan yihiin. Jawaab: Walaal farqiga u dhexeeya Firewall iyo Router waxaan u soo koobi karnaa sida soo socota: 1. Firewall waxaa loo isticmaalaa in looga hortago weerarrada Network-ga kaga imaan kara dibedda iyo gudaha ladaba. Firewall-ku wuxuu Network-ga gaashaan uga noqdaa weerarada kaga imaan kara dadka loo yaqaan Hackers ama Crackers oo ah dadka isku daya inay u dhacaan Network-yada shirkadaha waaweyn si ay u xadaan akhbaar xasaasi ah ama ay Virus iwm ugu abuuraan Network-ga shirkaddaas ama ay dhibaato kale u geystaan. Marka ay shirkadi samaysato Firewall wuxuu markaa shirkaddaas u noqdaa waddada kaliya ee dhammaan kumbiyuutarrada ka tirsan Network-ga shirkaddaasi ay u maraan internet. Cid kasta oo doonta inay xagga internet kala soo xiriirto shirkaddaasina waxay ka soo dhacaysaa Firewall-ka shirkaddaas. Sidaa darteed Firewall-ku wuxuu koontroolaa wax kasta oo soo gala ama ka baxa Network-ga shirkadda. Dadka ama program-yada ama akhbaarta loo ogolaanayo inay halkaa ka gudubtana waxay ku xiran tahay sharciyada ay shirkaddu arrintaas u samaysato ee uu Firewall-ku ku shaqeeyo. Firewall-ku wuxuu ka koobnaan karaa tiro kumbiyuutarro ah, Router iyo program-yo iyo qalab gaar ah oo howshaas loogu talagalay. 2. Router waxaa isagana loo isticmaalaa inuu xiriiriyo oo uu akhbaarta u kala gudbiyo Network-yada kala duwan sida kuwa uu internet ka kooban yahay. Router-ku wuxuu akhbaarta la dirayo u dooraa hadba waddada ugu fiican ay ku gaari karto halka loo dirayo. Si Router-ku uu arrintaas u sameeyo wuxuu adeegsadaa liis loo yaqaan "Routing Table" oo ay ku qoran tahay akhbaar ku saabsan Network-yada uu Router-kaasi xiriiriyo. Sidaa iyo Ramadaan Kariim. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Salaaan kadib, walaal waxaan haystaa laba computer & hal printer,waxaana doonayaa in aan u sameeya Networking. Hadaba wadada ugu sahlan oo aan marayo ii sheega idinka oo mahadsan. Jawaab: As-salaamu calaykum, Salaan ka dib, walaal si aad arrintaas u samayso waxaad u baahan tahay inaad soo gadato qalabka loo yaqaan Hub oo kuu suurto gelinaya inaad labada kumbiyuutar isku xiriiriso. Markaad labada kumbiyuutar isku xiriiriso, Printer-ka ku xir mid ka mid ah labada kumbiyuutar ka dibna Printer-ka ka dhig mid ka dhexeeya dhammaan qalabka Network-ga ku xiran (Sharing). Markaa waxaa kuu soortoobaysa in labada kumbiyuutarba ay Printer-ka wada isticmaalaan. Waad Mahadsan tahay Somali Software |