| Su'aal: Marka hore waxaan hawada idin soo marinyaa salaan mida oogu qiima iyo qaaayo badan, salaan kadib waxaan rabaa in aan umahad caliyo dhamaan shaqaalaha sharafta leh ee somalisoftware.. Runtii waxaad qabateen shaqa aad u wanaaksan oo lagu farxo. Aniga waxaan ahay arday dhikto dugsi sare ee Norway maadata cumputerka (IKT).Waxaan idin ka codsanayaa in aad ii soo dirtaan hadii aad heesaan progaramyo somali ah (...) Wixii lacag ah waxaan diyaar u ahay in aan bixiyo. Jawaab: As-salaamu calaykum, Salaan ka dib walaal waad ku mahasan tahay salaantii iyo hadalladii qiimaha badna ee aad noo soo dirtay. Intaa ka dib walaal ma hayno program-yo af-soomaali ah oo aan ka ahayn kuwa aan samaynay ee aad ku aragtay bogga Somali Software. Waan ka xunnahay in aanan arrintaas kaa caawin karin! Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Walaal waxaan aad ugu faraxsanhay sida aad heegan ugu tihiin in umadda soomaliyeed ka cawisaan dhinacyo badan waana idinku hambalyeynayaa,waana idin salaamayaa; Mideeda kale waxaan ahay nin u shaqeeya mid ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta soomaaliya waxaana u qaabilsanahay dhinaca xisaabaadka, hadaba waxaan jeclaan lahaa in la iga caawiyo programyada aanu isticmaalno sida QUIKBOOK PROG.& THE BILLING PROCCETURE & dhinacyada kale ee xisaabaadka. Jawaab: As-salaamu Calaykum, Salaan kadib, walaal aad ayaan uga xunnahay in arrintaas aynaan kaa caawin karin, waayo program-yada aad sheegtay horay uma aynaan isticmaalin. Walaal dhaqaale kuma shaqayno sidaa darteed program-yada hawlahaas u gaar ah aqoon uma lihin. Waad Mahadsan tahay Somali Software |