| Su'aal: Salaan qiimo badan iyo dhiirigalin kadib. Marka hore aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin caawinta aad ka caawisaan soomaalida cilmiga kombiyuuterka. Waxa aan ahay arday dhigta Jaamacad kutaalla dalka Hollan (Elect. and Electronics Engineering). Wakhtigan xaadirka ah waxa aan ku mashquulsanahay project ku saabsan (parallel computer architecture). Waxa aan idinka codsan lahaa hadii ay suurto gal tahay in aad POSIX thread ama pthreads programming iga soo caawisaan ama buug ku fiican haddii ay jiraan in aad magacyadooda ii soo qortaan. Waad mahadsantihiin. Jawaab: As-salaamu Calaykum, Salaan ka dib walaal waxaad internet-ka ka helaysaa akhbaar aad u fara badan oo ku saabsan mawduuca "Pthreads Programming". Akhbaartaas oo isugu jirta buugaag bilaash ah oo aad si toos ah uga akhrisan karto internet-ka iyo buugaag caadi ah oo laguu tilmaamayo halka aad ka dalban karto. Tusaale ahaan waxaad fiirisaa: http://www.llnl.gov/computing/tutorials/workshops/workshop/pthreads/MAIN.html http://www.oreilly.com/catalog/pthread http://www.humanfactor.com/pthreads Waxaan rajaynayaa in meelahaas aad ka heli doonto akhbaar kaa caawisa fahamka iyo adeegsiga Pthreads. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: A/W/W/, salaan ka dib waxaan ahay arday soomaaliyeed oo dhigta computer ka kuna cusub barashadiiisa markaas walaalayaan waxaan u baahan ahay hadii uu jiro casharo soomaali ah oo ku saabsan c++ programming iyo meesha aan ka helayo Jawaab: As-salaamu calaykum, Salaan ka dib walaal waan ka xunnahay in weli aysan noo suurtogelin in mowduuca programming-ka aan af-soomaali ku qorno, waxaadse cashar kooban oo af-soomaali ah oo ku saabsan C++ ka helaysaa halkaan Sidaa iyo nasiib wacan Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Salaamu Caleykum, walaal wax aan ahay Farah waxaan degenahay dalka Finlanda, waxaan iskey isu baraa Java-progaraming, marka waxaan ubaahanay tarjume jbuilder, marka ma ii sheegi kartaa meel aan ka helo isogoo free ah? Sidoo kale waxaan u baahanahay CPP ama C++ tarjumehiisa isagoo free ah? Jawaab: As-salaamu calaykum, Salaan ka dib walaal garan mayno meel laga heli karo program-yadaas aad sheegtay oo free ah. Way jiraan iyagoo beec ah laakiin iyagoo free ah ma garanayno. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Walaal waxaan rabaa in aan idin waydiiyo ma jiraan buug af soomaali ku turjuman oo ku saabsan luqadaha computerka hadii uu jiro xagee baa laga heli karaa? Jawaab: Walaal ilaa iyo hadda ma ogin wax buug af-soomaali ah oo ku saabsan luuqadaha kumbiyuutarka (Computer Programming). Way dhici kartaa inuu jiro laakiin annagu meelna kuma ogin! Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Walaalayaal ma sameyseen ama ma turjunteen buugaag ku saabsan luuqadaha lagu sameeyo barnamijyada sida (visual basic ama java)? Jawaab: Walaal waan ka xunnahay in aysan weli noo suurtoobin inaan qorno buugaag ku saabsan mawduucyada aad sheegtay. Taasna waxaa u sabab ah wakhtiga oo nagu yar iyo qoridda buugaagta oo ah hawl u baahan wakhti dheeri ah. Laakiin waan ku tala jirnaa in aan dhinaca buugaagta u soo jeesanno waxaanan rajaynaynaa in mustaqbalka ay noo suurtowdo inaan soo saarno buugaag kala duwan oo ka hadlaya mawduucyada kala duwan ee kumbiyuutarka. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Salaan kadib walaal waxa aan ku wyediin lahaa Marka aan isku dayo in aan furto qaybta HTMka ee afsoomaliga ee Bogga Somalisoftware waa uu ii furmi waayey ee Weli dhismo miyaad ku wadaan mise cilad kale ayaa jirta????? Waxaa kaloo aan ku weydin lahaa in aad ii sheegto website aan ka heli karo Visual Basic oo Free ah ama Buugaag aan ka daalacan karo oo si fudud aaan uga baran karo haddii ay suura gal tahay in aad buuggaagta magacooda ii soo qorto, adigoo ku mahadsan?? Waxa aan kuu rajeynayaa kheyr........ Mahdasanid Jawaab: As-salaamu calaykum, Salaan ka dib, walaal bogga HTML-ka ee aad aragtay ma aha mid aan annagu leenahay ee wuxuu ahaa mid aan dadka uun u tilmaamaynay (Link) oo ay dad kale gacanta ku hayeen waxaadna mooddaa in uu hawada ka baxay oo la xiray, sidaa darteed tilmaanta boggaas waan ka saarnay boggeena. Xagga Visual Basic walaal way badan yihiin bogagga intenet-ka iyo buugaagta laga qoray halkaanna laguma soo koobi karo. Sida ay u kala fiican yihiin iyo tayadoodana lama qiyaasi karo. Si kastaba ha ahaatee waxaan kuu tilmaami karnaa dhawrka bog ee soo socda oo raadin fudud dabadeed aan internet-ka ka helnay. Waxaan ma kale ka sii afeefanaynaa in tayada akhbaarta bogaggaas ku qoran iyo la socodka wakhtiga labadaba aanan kafaala qaadi karin. http://www.vbtutor.net/vbtutor.html http://msdn.microsoft.com/vbasic/ http://msdn.microsoft.com/library/default.asp?url=/library/en-us/vbcon98/html/vbconpart2whatcanyoudowithvisualbasic.asp http://www.devdos.com/vb/main.shtml Sidaa iyo nasiib wacan Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Waxaan rabaa inaan hal record oo kaliya daabaco (record ku jira DBGRID ama textboxes ) saaran form (visual basic) anigoo isticmaalaya crystal report, haddaba sidee ayaan arrintaas u samayn karaa? Jawaab: Walaal su'aasha aad na soo weydiisay uma hayno jawaab toos ah, waayo ilaa iyo hadda Visual Basic kuma aanan samayn program-yo u shaqaynaya sada aad sheegtay. Waxaanse programyo noocaas ah oo u shaqaynaya sida aad rabto ku samaynay C++. Si kastaba ha ahaatee, maadaamaa reports-ka sidoodaba loo adeegsado in lagu daabaco akhbaar ku jirta Table ama Query ka tirsan database waxaad arintaas u samayn kartaa sida soo socota oo ah sida aan annagu ku samaynay C++: Samee Query kuu soo qabata hadba record-ka aad rabto inaad daabacdo, kadibna report-ka ku xiriiri Query-daas. Si ay Query-du kuugu soo qabato record-ka aad rabto waxaad Query-da parameter ahaan ugu dhiibtaa lambarka record-ka laga doortay DBGRID-ka si ay markaa Query-du lambarkaas uga soo raadiso database-ka. Maadaama ay Query-du kuu soo celinayso hal record oo kaliya waxaa report-ka ka soo baxaya record-kaas oo kaliya isaga ayaana la daabacayaa. Sidaa iyo nasiib wacan Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Asslaamu Caleykum! Walaalayaal waxaan niiga codsan lahay in ila talisiin sidii aan ubara lahay waxa loo yaqaan programmering. Aniga waxan ahay wiil degan Swiidhan, magaalada Göteborg. Dugsiga sare ayaan dhigtaa sanadkii iigu danbeeyay,waxaan jeclahay inaan bilaaba Jaamacadda la yiraahda Chalmers Tekniska Högskolan oo ku taala Göteborg. Xiisadaha aan ka dhiga doono waxay noqo doonaan programmering,anigane wax ma ii bilaawna oo ku saabsan dhinaca programmerinka. Meel aan wax ka billaawane ma aqaani,ee walaalayaalow ila taliya. Waxaan jeclaan lahay inay wax ii billaawanyihiin intaan billaabin jaamacadda,si laqabsashada igu fududaata. Wixii tala ah ii soo gudbiya,ha noqoto inaan soo iibsada buugaag,cajalada iwm. Talo filin deg deg ah. Ilaahey kheyr ha nii siiya Asslaamu Caleykum Wr Wb!! Jawaab: As-salaamu calaykum, Salaan ka dib, walaal si aad wax uga fahamto mawduuca Programming-ka waxaan kugula talin lahayn inaad soo gadato buugaag si guud uga hadlaya mawduucaas, si aad jaamacadda u billawdo adiga oo programming-ka fikrad fiican ka haysta. Walaal Programming-ku waa maaddo yara adag oo u baahan wax akhris badan iyo dulqaad dheeri ah. Waxaa dhici karta in markaad waxoogaa akhriso aad is tiraahdo waxaani wax la fahmi karo ma aha ee isaga har. Sidaa darteed waxaan kugu dhiirri gelinaynaa inaad dulqaad u yeelato oo wixii aad horay ka fahmi weydo aad isaga gudubto oo aad akhriskaaga sii wadato. Ogowna inaadan wax kasta marka ugu horraysa ku wada fahamaynin ee aad u baahan tahay inaad ku noqnoqoto. Haddaad sidaas yeesho waxaa hubaal ah in marka dambe uu kuu bixi doono fahamka iyo xiisaha ay maaddada Programming-ku xambaarsan tahay. Waxaana dhici doonta inaad in badan ku qosli doonto markaad aragto wixii horay kuula adkaa oo aad kuula fudud. Waxaan kuu rajaynaynaa mustaqbal horumar leh iyo inaad waxbarashadaada ku guulaysato. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Walaal waxaan rabaa inaan barto Computer programming, waayo taas oo aan aad u xiiseeyo. Luuqaddee ugu sahlan ee lagu baran karaa computer programming, adinkuse Computerprogramming language noocee ah baad ku sameysaan project-ga? Jawaab: Walaal, luuqadaha programming-ku way fara badan yihiin mana sahlana in la yiraahdo luuqad heblo ayaa ugu fudud waayo waxaa laga yaabaa in wax qof la fudud ay qof kale ku adkaadaan. Si kastaba ha ahaatee luuqadda Visual Basic ayaa inta badan lagu tilmaamaa inay u fududahay dadka ku cusub mawduuca programming-ka. Annagu program-yada aan ilaa iyo hadda samaynay waxaan ku samaynay luuqadda loo yaqaan C++. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Ma heeysaan prograamo somaali ku qoran oo ka hadlaya luuqadaha programming-ka ee ay ka mid yihiin C, C++ iyo Java? Jawaab: Walaal waan ka xunnahay in ilaa iyo hadda aysan noo suurtoobin in aan af-soomaali ku qorno luuqadaha lagu sameeyo program-yada kumbiyuutarka ee ay ka mid yihiin kuwa aad halkaan ku soo qaadatay. Taasna waxaa u sabab ah mawduucyadaas oo aysan fududayn in af-soomaali lagu sharxo oo qof kale lagu fahamsiiyo. Waxaadse boggayaga ka heli kartaa Link-yo dhawr ah oo luuqadda ingriisiga kuugu sharxaya luuqadaha programming-ka ee ay ka mid yihiin C, C++, Java iyo Perl. Waxaa kale oo aad heli kartaa buugaag fara badan oo ingiriisi ku qoran oo si aad u faahfaahsan uga hadlaya maduucayadaas. Xataa waxaa jira koorsooyin ay bixiyaan qolada Arbetsförmedling-ka oo laga barto guud ahaanba mawduuca Computer Programming. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: A/caleykum, Salaantaa muslimka ah dabadeed waxaan walaalayaal idinkaga mahad celinayaa sida aad xilka isaga saarteen inaad u gudbisaan walaalahiina kale waxii ALLE idin baray. Marka xiga waxaan idin leeyahay dadaalka halkaa ka sii wada, teeda kale waxaan walaalayaal hadda idin ka rabaa inaad iga caawisaan su'aalahaan soo socda oo ku saabsan "software development" waxaan runtii ka raadiyey bogag badan oo internetka ah balse wax i qanciya waa ka waayey weli, waxaan ka raadiyey sida google iyo meelal kale oo badan. Su'aalaheygana waa ku wan hoos ku qoran:1- Sidee ama qaabkee ayaa wagii hore loo dhisi ama loo qori jiray software? 2- Sidee ama qaabkee ayaa waqtigan xadirka ah loo dhisaa ama loo qoraa software? 3- Sidee ama qaabkee ayaa waqtiyada soo socdo loo dhisi ama loo qori doonaa software? 4- Maxaa xaddidaaya in lagu dhiso ama la qoro Software 24 saacadood gudahood? 5- Sidee baana xaddiditaankaas loo xalin karaa dhibteeda? Walaalayaal waxaan filayaa inaan idinku badiyey su'aalaha ee fadlan haddaad iga caawin kartaa iga caawiya ama ii sheega meesha aan ka heli karo informatin- kaas, aad bey muhiim iigu tahay waayo waxaa leyga sugaayaa inaan ka diyaariyo report. Mahadsanidiin. Jawaab: As-salaamu calaykum, Salaan ka dib walaal su'aalaha aad na soo weydiisay waa kuwo baaxad weyn oo jawabtoodu ay u baahan tahay baaritaan dheer. Sidaa darteed waxaan halkaan kuugu soo gudbinaynaa dhawr bog oo internet ah oo aad ka heli karto macluumaad billaw fiican ah oo kuu iftiimin kara mawduuca ay su'aalahaagu ku saabsan yihiin. Haddaba waxaan kuu rajaynaynaa inaad halkaa ka heli doonto ugu yaraan qaar ka mid ah jawaabaha aad raadinayso. 1. A Very Brief History of Computer Science 2. History of Computer Programming 3. The History of Computer Programming Languages 4. History of Programming Languages Sidaa iyo nasiib wacan Waad Mahadsan tahay Somali Software |