| Su'aal: Asalaamu calaykum wr wbr... Walaal Mahdi salaantaas sharafta badan ka dib, Ramadaan Kariim. Walaal waxaan rabay in aad iga caawiso arin yar oo aan ku wareeray. Waxaan isku xiray 3 kombuyuutar aan leeyahay oo aan u isticmaalo hab Network ahaan, waan ku shaqeeyaa walaal, waxaan dhowaan mid ka mid ah kombuyuutarada geliyey OS cusub oo ah Linux "SUSE 7.3", wax walba waa caadi Alxamdulillaah, si fiican buu iigu shaqeeyey, walaal balse CDROM iyo floppy drive ka baanan ii shaqeenayn [root]# baan ku soo galay waxaan rabay inaan "MOUNT" ku sameeyo cdrom ka balse wuu iga diidayaa, habkan baan u isticmaalay markaan mount sameenayey CDROM ka :" [root]# mount /dev/hdc /mnt/cdrom, si walba waan sameeyey balse aqoon aad u wayn uma lihi Linux oo haddaan bilow ahay, marka walaal plz iga caawi sidda CDROM ka iyo floppy drive MOUNT loogu sameeyo. Jawaab: As-salaamu calykum. Salaan ka dib, walaal bal ku day sida soo socota: Floppy disk-ga: mount -t vfat /dev/fd0 /mnt/floppy cdrom-ka: mount -t iso9660 /dev/hdc /mnt/cdrom Haddii ay taasi cilladaada wax ka tari weydo, fadlan ila soo socodsii iina soo sheeg jawaabta uu kumyuutarku kuu soo qoro (Error message). Ramadaan kariim Somali Software Jawaab: Asalaamu calaykum wr wbr. Walaal labadii hab ee aad ii soo qortay waan ku tijaabiyey balse wuu iga diiday: markaan cdrom-ka siddan ku sameeyey: mount -t iso9660 /dev/hdc /mnt/cdrom wuxuu ii soo celiyey jawaab ah sidan: mount: mount point /mnt/cdrom does not exist Floppy disk-ga siddan baan ku sameeyey : mount -t vfat /dev/fd0 /mnt/floppy wuxuu ii soo celiyey jawaab ah sidan: mount: mount point /mnt/floppy does not exist Walaal waxaan rabaa inaan information buuxa ku soo siiyo maadaama aadan illa joogin oo ay dhici karto inaad fahmi wayso siddaan wax kugu soo qorayo waxaan edit ku sameeyey: File System ka, Config File: /etc/fstab Habkan ayuu u qoran yahay walaal:
Walaal dhamaan ma aana soo wadda qorin keliya intaas baan tusaale ahaan kugu soo qoray si aad u aragto, marka waxaan kaa codsan lahaa inaad ii soo sheego meesha aan u isticmaali lahaa sidan: cdrom-ka: mount -t iso9660 /dev/hdc /mnt/cdrom Ma ku badali karaa "media" meesha "mnt" ay ku qoran tahay oo sidan mount ma ugu samyn karaa: cdrom-ka: mount -t iso9660 /dev/cdrom /media/cdrom... Walaal aad baad ugu mahadsan tahay caawintaada Rabi hagaa siiyo ajar iyo xazanaad.. Baarakalaahu fiik.. Ramadaan kariim... w/c wr wbr.. Jawaab: As-salaamu calykum, Salaan ka dib walaal waad ku mahadsan tahay akhbaarta dheeriga ah ee aad ii soo dirtay, gaar ahaan akhbaarta ku qoran file-ka /etc/fstab. Walaal file-kaasi waxaa ku qoran akhbaar muhiim ah oo la soo akhriyo mar kasta oo kumbiyuutarka la shido. Akhbaartaasi waxay Linux u sheegtaa Partition-nada iyo Device-yada jira iyo mid kasta sida mount loogu samaynayo iyo halka lagu mount-garaynayo. Sida hoos ka muuqata file-ka /etc/fstab ee kumbiyuutarkaaga waxaa ku qoran akhbaarta laba partition oo kala ah /dev/hda3 iyo /dev/hda1 iyo saddex device oo kala ah /dev/cdrecord, /dev/cdrom iyo /dev/fd0. Akhbaarta /etc/fstab ku qoran waxaa kale oo ay fududaysaa isticmaalka kumaandaha mount oo qoraalka ayay kaa yaraysaa wakhtina way kuu baajinaysaa, sida aan hoos ku arki doonno. Tusaale ahaan waxaa file-kaas ku qoran sadarka soo socda: /dev/cdrom /media/cdrom auto ro,noauto,user,exec 0 0 Sadarkaasi wuxuu sheegayaa in cdrom-ka device-kiisu uu yahay /dev/cdrom islamarkaana Mount Point-giisa caadiga ahi uu yahay /media/cdrom. Waa haddii aadan adigu Mount Point kale dhiibin. (Mount Point-gu waa halka aad ka heleyso akhbaarta cdrom-ka ku jirta waxayna u dhigantaa xarafka Windows ugu taagan cdrom-ka sida D: ama E: iwm.) Haddaba innagoo adeegsanayna akhbaarta sadarkaaas ku qoran waxaan cdrom-ka mount ugu samayn karnaa sida soo socota: mount /dev/cdrom Markaa mount wuxuu isticmaalayaa akhbaarta ku qoran /etc/fstab oo u sheegaysa in Mount Point-gu uu noqdo /media/cdrom Haddii aad rabto inaad Mount Point-ga beddesho waxaad tusaale ahaan samayn kartaa sidaan: mount /dev/cdrom /mnt /mnt waa tusaale waxaadse isticmaali kartaa magicii aad doonto. Waxaa shardi ah in Mount Point-gu uu noqdo directory jira oo maran. Haddii uusan jirin waa in horta aad samaysaa adigoo adeegsanaya mkdir sida: mkdir /mnt (ama magicii kale ee aad doonto) Floppy disk-ga isagana waxaad mount ugu samayn kartaa sida soo socota: mount /dev/fd0 Markaa Mount Point-gu wuxuu noqonayaa /media/floppy. Haddii aad rabtana waad beddeli kartaa adigoo samaynaya sida aan kor ku soo sheegnay. Fiiro Gaar ah: Walaal haddii aad rabto inaad floppy disk-ga adeegsato waxaad sadarka /etc/fstab ee floppy disk-ga u taagan u bedeshaa sidaan: /dev/fd0 /media/floppy auto rw,noauto,user,sync 0 0 "rw" waxay kuu suurtogelinaysaa in floppy disk-ga aad wax ku qorto waxna ka soo akhriso. Waxaan rajaynayaa in intaasi ay wax ka tari doonto fahamka iyo xallinta arrinta ku haysata. Waad Mahadsan tahay Somali Software Jawaab: Asalaamu calaykum wr wbr.. Walaal salaantaas ka dib, aad baan kaaga mahad celinayaa waqtikaaga qaaliga ah ee aad qeybta iga siisay, sidda wanaagsan ee aad iigu soo sharaxday, runtii aad baad ii caawisay Rabi hagaa abaal mariyo walaal. Walaal Alxamdulillaah wuu ii shaqeeyey cdromka iyo floppy disk ka, Mar labaadna aad baan kaaga mahad celinayaa caawintaad igu caawintay walaal, jazaakalaahu kheyr, Rabi hakaa abaal mariyo inshallaah. Walaal waan u badalay siddaad ii sheegtay inaan u badalo floppy diskiga, Sidaad ii sheegtay baana ka dhigo read and write: /dev/fd0 /media/floppy auto rw,noauto,user,sync 0 0 Waan tijaabiyey, Waa Maasha Allaah wuu shaqeenayaa, waxna waan ku qori karaa, waxna waa laga soo akhrin karaa. Walaal kheyr baan Rabi kaaga rajaynayaa, runtii aad baan ugu faraxsanahay web site kiina iyo caawintaad Rabi dartiis nagu caawisaan, wax badan baana noo faaiideyseen, waxaana rajaynayaa mustaqbalka soo socda inaad noo sii wadaan casharada web site ka ee taxanaha ah inshallaah... Aad baad u mahadsan tahay Mahdi. Ramadaan Kariim... w/c wr wbr.... Waad Mahadsan tahay Somali Software | ||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| Su'aal: Marka hore waan idin salaamayaa, taa kadib waxaan idinka codsanayaa in aad jawaab waafi ah iga soo siisaan waxay ku kala duwan yihiin UNIX & LINUX & hawshooda gaarka ah, inta badana qaabkee baa loo isticmaalaa. waadna mahadsan tihiin, Illah baase mahade leh. Jawaab: As-salaamu calaykum, Salaan ka dib, walaal UNIX iyo LINUX waxay ka mid yihiin program-yada la isku yiraahdo Operating Systems (OS) ee kumbiyuutarka kala haga, waxayna u dhigmaan noocyada kala duwan ee Windows-ka (Windows 98/NT/ME/2000). LINUX waa nooc ka mid ah noocyada uu UNIX-ku u kala baxo. UNIX-yada kale waxaa inta badan isticmaala shirkadaha, jaamacadaha iyo hey'adaha dowliga ah waxayna inta badan u baahan yihiin kumbiyuutarro iyaga loogu tala galay oo ka duwan kuwa caadiga ah ee PC-ga loo yaqaan ee dadka caadiga ahi isticmaalaan. LINUX isaga waxaa loogu tala galay inuu la tartamo Windows waxaana loogu tala galay inay dadka caadiga ahi isticmaalaan. LINUX wuxuu ku shaqeeyaa kumbiyuutarrada caadiga ee PC-ga oo wuxuu xataa hal kumbiyuutar la wadaagi karaa Windows. LINUX wuxuu leeyahay Porgram-yo u dhigma una eg kuwa la isku yiraahdo Microsoft Office ee ay ka mid yihiin Word, Excel iyo PowerPoint. Programyada LINUX-ka ee noocaas ah waxaa la isku yiraahdaa StarOffice noocyo kalena way jiraan. Akhbaar dheeraad ah oo ku saabsan LINUX waxaad ka heli kartaa bogagga hoose: http://www.linux.org http://www.linuxworld.com/topic_content/admin_index.shtml Waad Mahadsan tahay Somali Software |