Su'aalo iyo Jawaabo ku saabsan Windows

Su'aal:
WALAAL AAD AYAAN IDIIN SALAAMAY SALAAN KADIB, WAXAAN RABA INAAD II SHEEGTIIN HADDII AAD KARAYSIIN SIDA WINDOWS XP LOOGA WADA SAARO PROGRAM-YADA EE DIB LOOGU SOO GALIYO WAAYO VIRUS AYAA IGA SOO GALAY MARKA WAXAAN RABA INAAN WADA MASAXO OO AAN DIB U SOO WADA GALIYO AAD IYO AAD AYAAD UMAHADSAN TIHIIN.

Jawaab:
As-salaamu calaykum,
Salaan ka dib walaal waxa jira dhowr siyood oo arrintaas loo samayn karo, laakiin waxaan halkaan kuugu soo gudbinaynaa sida aan u aragno inay ugu fududdahay in email lagu sharxo.

DIGNIIN:
Inta aadan arrintaan samayn si fiican uga fiirso waayo wax kasta oo ku jira C Drive-ka waa la tirtirayaa. Xataa email-ka iyo wixii kale oo akhbaar ah way kaa lumayaan. Waxaa kale oo kaa lumaya program-yada ka shaqaysiiya qalabka kala duwan ee kumbiyuutarka ku xiran ee loo yaqaan Drivers-ka sida kuwa codka iyo CD-ROM-ka. Haddaba inta aadan arrintaan samayn waa inaad iska hubisaa inaad haysato CD uu ku jira Windows XP iyo drivers-ka kumbiyuutarkaagu uu u baahan yahay, si aad hadhow dib ugu soo celisid.

Haddaad intaas diyaar u tahay samee sida soo socota:
Waxaad taabataa 'Start' ka dibna taabo 'Command Prompt'. Markaa waxaa kuu soo baxaya daaqad Dos ah. Halkaa ku qor sidaan:

FORMAT C: (taabo Enter)

Markaa waxaa kuu soo baxaya digniin lagaaga digayo in dhammaan faylasha ku jira drive-ka C la tirtiri doona, waxaana lagu weydiin doonaa inaad sidaas raalli ka tahay iyo in kale. Taabo 'Y' oo u dhiganta "Yes" si aad su'aashaas ugu jawaabto "Haa".
Kadib waxaa kuu soo baxaysa digniin labaad. Iyadana ku jawaab Yes, kadibna raac waxa shaashadda kaaga soo baxo.
Marka ay hawshaasi dhammaato, dib u geli Windows XP iyo program-yada kaleba.

F.G: Haddii WIndows-kaagu uusan English ahayn, tilmaamaha kore u turjumo luuqadda Windows-kaaga.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
Walaal, Marka hore aad iyo aad ayaan idiinku mahad naqayaa in aad sameyseen sida aad dadka uga caawinaysaan barahsada kombututarka. waxaan doonayaa in aad iga cawisaan sidee ayaan download ugu sameyn karaa heeso ama cashar ku duuban progarmka la yiraahdo Realoneplayer, ama realplayer. Mahasanid

Jawaab:
As-salaamu calaykum,

Salaal ka dib, walaal heesaha iyo wararka codka ah ee lagu dhagaysto RealPlayer in download lagu sameeyo waxay ku xiran tahay hadba sida uu qofkii duubay ugu tala galay. Codka noocaas ah waxaa inta badan lagu sameeyaa program-ka loo yaqaan RealProducer. Marka program-kaas iyo kuwa la midka ah cod lagu duubayo wuxuu qofka duubayaa kala dooran karaa in codkaasi uu noqdo dhagaysi kaliya iyo in download lagu samayn karo. Haddii qofkii codkaas duubay uu ugu tala galay in download lagu sameeyo markaa way kuu suurtoobaysaa inaad download ku samayso. Laakiin haddii codka loogu tala galay dhagaysi oo kaliya, taasoo ah midda loo badan yahay, markaa si toos ah download uguma samayn kartid. Waxaase jira program-yo kuu suurtagalinaya in isla marka aad codka noocaas ah dhagaysanayso aad duubto oo marka uu dhagaysigu dhammaado codkii kuugu kaydinaya fayl aad u dooratay. Waxaan ka xunnahay in aynaan hadda kuu tilmaami karin qaar ka mid ah program-yadaas waayo meel kuma ogin intii na soo martayna magacyadoodii hadda ma xusuusanno.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
SCW! Walaalayaal salaan kadib, waxaan rabaa in aan computerkeyga password u sameysto kaas oo ah mid aan ku ilaalinayo inaan cid kale ila isticmaalin. Sida aan u doonayo waa in marka computerke start sameynayo uu i weydiiyaa password inta aan lagaarin in windowsku start sameeyo. Waxaan arkey program yar oo ku saabsan arrintaas si fiican buuna u shaqeynayaa laakiin waa for windows 95, 98 or Me. Anigana waxaan donayaa inaan u isticmaalo win2000. Haddii aad arrintaas aad iga caawini kartaan ama aad tips aad isiin kartaan aad baan idiinka mahad celin lahaa. Internetka muddo ayaan ka eegayey waan ku daaley.

Jawaab:
As-salaamu calaykum,
Salaan ka dib walaal marka hore waxaan ka cudur daaranaynaa jawaabta aan kaala soo daahnay. Intaa ka dib walaal arrintaas waxaad samayn kartaa adigoo adeegsanaya Setup-ka BIOS-ka kumbiyuutarkaaga. Halkaa waxaad ku samaysan kartaa dhawr password oo kala duwan oo midba howl gaar ah loogu tala galay sida: password ku xiran marka kumbiyuutarka la shido iyo mid lagu galo Setup-ka iwm.
Walaal haddaad u baahan tahay faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan BIOS-ka iyo Setup-ka waxaad akhrisaa casharka 6-aad ee ka hadlaya qaybaha Motherboard-ka.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
Walaal waxaan rabaa in aad faahfaahin iga siisaan buug la yiri waxaa qoray niman soomaaliya oo aan u malaaynayo in ay yihiin shirkadda Somali Software, buuggaas oo la yiraaho [Word2000} kana sheekaynaya mashruuca mous kuna qoran af soomaali meesha laga helayo.

Jawaab:
Walaal, ma jiro buug leh magaca aad sheegtay oo ay qortay shirkadda Somali Software, cid kale oo buug noocaas ah qortayna ma ogin. Way noo qorshaysan tahay in aan buugaag noocyadaas ah qorno laakiin ilaa iyo hadda weli wax buugaag ah ma aanan soo saarin.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
Walaal waxaa u baahnahay inaad ii sheegtaan sida loo dhaqo kumbiyuutarka iyo sida brogramyada loogu shubo?

Jawaab:
As-salaamu calaykum,
Salaan ka dib, su'aashaada waxaan u fahamnay inaad rabto inaad ogaato sida loo tirtiro dhammaan akhbaarta ku jira kumbiyuutarka iyo sida program-yada loo geliyo. Haddaba labadaas su'aalood waxaan jawaabtooda ku soo koobi karnaa sidan:

1. Walaal si loo tirtiro dhammaan akhbaarta kumbiyuutarka ku jirta waxaa la adeegsadaa kumaandaha FORMAT oo ka mid ah kumaandeyaasha MS-DOS. Isticmaalka FORMAT waxaan si faahfaahsan ugu sharaxnay program-ka isbardos gaar ahaan qaybta 3-aad. Sidaa darteed halkaa ayaad isticmaalkiisa ka akhrisan kartaa. Inta aadan tirtirin akhbaarta kumbiyuutarka ku jirta waxaad u baahan tahay inaad ugu yaraan haysato nooc ka mid ah noocyada Windows oo ku jira CD-ROM orginal ah. Waayo akhbaarta la tirtirayo waxaa raacaya Windows, si aad kumbiyuutarka dib ugu soo celisana waxaad u baahan tahay inaad kumbiyuutarka ku kiciso CD Windows ah kaasoo kuu suurto gelinaya inaad Windows kumbiyuutarka geliso.
Walaal waxaan ku xusuusinaynaa kaagana digaynaa in aadan FDISK iyo FORMAT ku degdegin ilaa aad si fiican u fahamto isticmaalkooda iyo weliba sida aad kumbiyuutarka dib ugu soo celinayso. Waayo waxaa dhici karta inuu kumbiyuutyarku kaa fariisto aadna garan weydo sidii aad dib ugu kicin lahayd. Haddii aadan sidaa isu hubin arrinta la kaasho qof kugu dhaama.

2. Sida kumbiyuutarka loo geliyo program waxay ku xiran tahay hadba program-ka la rabo in kumbiyuutarka la geliyo iyo sida ciddii samaysay ay ugu tala gashay in kumbiyuutarka loo geliyo. Program-yada intooda badan waxaa la socda akhbaar kuu sheegaysa sida aad program-kaas kumbiyuutarka loo geliyo.
Si kastaba ha ahaatee waxaa sida caadiga ah program kasta la socda file la yiraahdo "setup.exe" ama "install.exe". File-kaas waxaa loo isticmaalaa in program-kaas kumbiyuutartka lagu geliyo. Si aad kumbiyuutarka u geliso program wata file-ka "setup.exe" waxaad samaynaysaa sidan:
Taabo batoonka Start ka dibna taabo Run. Markaad intaa samayso waxaa kuu soo baxaya daaqad yar oo ay dhexdeeda ku taallo khaanad wax lagu qori karo. Kaanaddaas ku qor magaca iyo halka uu yaallo file-ka "setup.exe" ee program-ka la socda sida:"D:\setup.exe". Haddii aad si sax ah u qortay magaca file-ka iyo halka uu yaallo waxaa markaa kuu billaabanaya hawsha program-kaas kumbiyuutarka lagu gelinayo. Markaa waxaad akhrinaysaa hadba waxa shaashadda kaaga soo baxa ilaa ay hawshaasi ka dhammaato.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
salaan kadib waxaan idinka cod sanayaa in aad ii soo dirtaan casharada wardka oo afkii hooyo ku turjuman, mahadsanadiin.

Jawaab:
As-salaamu Calaykum,
Salaan ka dib, walaal waxaan ka xunnahay in aynaan haynin casharro ku saabsan Word oo afsoomaali ah meel kalena kuma ogin. Sidaa darteed kuuma soo diri karno.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
Walaal waxaan doonayay inaan wax ka ogaado programka la yidhaahdo Winzip. Marka walaal hadaad wakhti u helaysaan Inaad ii soo sheegtaan isticmaalkiisa, aad baan ugu baahnahay.

Jawaab:
Walaal program-ka WinZip waxaa loo isticmaalaa in lagu yareeyo baaxadda (size) hal fayl (file) ama wax ka badan, wuxuuna faylka ama faylasha aad doorato kaaga samaynayaa hal fayl oo uu noociisu yahay ZIP loona yaqaan "Zip Archive" oo inta badan baaxad ahaan aad uga yar isu geynta faylasha uu ka kooban yahay. Waxaa kale oo WinZip loo isticmaalaa in lagu kala furo fayl uu noociisu yahay ZIP (iwm) si loo helo faylasha uu ka kooban yahay. Walaal isticmaalka WinZip laguma soo koobi karo farriin email ah waxaanse isku dayaynaa inaan wax kaaga taataabano.

Walaal, marka WinZip aad Kumbiyuutarkaaga galiso waxaad u isticmaali kartaa siyaabo kala duwan oo kala fudud. Waxaan halkaan ku soo qaadanayaa laba siyood:

1. Haddii, tusaale ahaan, aad download ku samayso fayl uu noociisu yahay ZIP, waxaad markaa WinZip u isticmaali kartaa inaad faylkaas ku kala furto si aad u aragto faylasha uu ka kooban yahay. Si aad arrintaas u samayso, faylkaas ku taabo Mouse-ka batoonkiisa midige (Right Click), kadibna dooro "Extract to..". Daaqadda kuu soo baxda ka dooro halka aad rabto in faylka lagu kala furo. Haddaad rabto in aad samayso gal (directory) cusub oo faylka lagu kala furo, waxaad markaa taabataa batoonka ku yaalla geeska hoose ee midige ee ay ku qaran tahay "New Folder" kadibna daaqadda kuu soo baxda ku qor magaca galka cusub ee aad rabto inaad samayso oo taabo OK.
Marka aad doorato halka aad rabto in faylka ZIP-ka ah lagu kala furo, waxaad taabataa batooka ku yaalla geeska kore ee midige ee ay ku qoran tahay "Extract". Markaa waxaa kuu soo baxaya daaqad WinZip ah oo ku tusaysa faylasha uu faylka ZIP-ka ahi ka kooban yahay. Faylashaas waxaad ka helaysaa oo ay yaallaan halkii aad dooratay in faylka-ka ZIP-ka ah lagu kala furo oo halkaa ayaad ka raadsan kartaa.

2. Hadaadse rabto inaad adigu samayso fayl uu noociisu yahay ZIP, waxaad markaa dooranaysaa oo aad calaamadaynaysaa faylasha aad rabto in aad hal fayl oo ZIP ah ka samayso. Markaa midigta ku taabo (Right Click) mid ka mid ah faylashaas aad calaamadaysay oo dooro "Add to Zip". Ka dibna daaqadda kuu soo baxda qaybteeda kore khaanadda ku taalla ee ay ku dul qoran tahay "Add to archive" ku qor magaca faylka ZIP-ka ah ee aad rabto inaad samayso iyo halka aad rabto in lagu kaydiyo sida: "C:\tijaabo.zip" iwm. Intaa ka dib taabo batoonka "Add" oo ku yaalla geeska kore ee midige. Markaa waxaa kuu soo baxaya daaqad WinZip ah oo ku tusaysa faylasha uu ka kooban yahay faylka ZIP-ka ah ee aad hadda samaysay. Falykaas ZIP-ka ah waxaad ka helaysaa halkii aad u dooratay in lagu kaydiyo.

Walaal waxaan rajaynaynaa inaad wax ka fahamtay isticmaalka WinZip oo aan si aad u kooban uga hadalnay, haddiise aad fahmi weydo sida aan wax u sharaxnay ama ay kugu dhashaan su'aalo hor leh fadlan na soo weydii.

Sidaa iyo Ramadaan kariim

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
Asaalamu calaykum walaalyaal marka hore mahadsinidiin waxaad umada ku anfacdeen oo cilmi ah. Su,aashaydu waxay tahay waxaan doonayaa inaad tusaalooyin badan aad iga siisaan sida loo isticmaalo depug oo aan isleeyahay aad ayuu faa,iido u leeyahay hadi la barto hadaba walaalyaal waxaan idinka codsanayaa inaad dhowr tusaale oo step by step ah inaad iga soo siisaan wixi iiga soo baxana waan idinla soo socodsiin doonaa inshaa allaah. Su,aasha labaad waxa la yiraado Viruska ma wax lagu qoro luuqadaha programing ka hadii ay sidaa tahay suura gal matahay inaad iyada aad tusaale iga siisaan si aaqoonkororsi ah ayaan u doonayaa inaan ogaado sida loo sameeyo ee maaha inaan umad inaan ku dhibaateeyo aan doonaayo

Jawaab:
As-salaamu calaykum,
Salaan ka dib walaal kumaandaha Debug waa kumaande aad u awood badan wax badanna lagu samayn karo, laakiin haddaad si khaldan u isticmaasho waxaa laga yaabaa in uu kumbiyuutarku kaa kharribmo oo xataa aad isticmaali weydo. Sidaa darteed waxaan marka hore kaaga digaynaa inaad aad uga taxadarto isticmaalka Debug.
Intaa ka dib walaal akhbaar ku saabsan isticmaalka Debug oo faahfaahsan waxaad ka helaysaa bogagga soo socda:
http://www.computerhope.com/rdebug.htm
http://www.datainstitute.com/debug1.htm

Su'aasha ku saabsan Virus-ka iyo sida loo sameeyo, waa su'aal iyaduna baaxad weyn waxaanse jawabteeda ku soo koobi karnaa sida soo socota:
Virus-ka waxaa lagu sameeyaa luuqadaha loo yaqaan Programming Languages ee lagu sameeyo program-yada kumbiyuutarka lagu isticmaalo. Luuqadahaas waxaa ka mid ah C, C++, Visual Basic, Java iyo kuwo kale oo aad u fara badan. Qof kasta oo aqoon fiican u leh ama ilaa iyo xad wax ka bartay mid ama dhawr ka mid ah luuqadahaas wuxuu samayn karaa program Virus ah oo kumbiyuutarka dhibaato u geysta. Taas micneheedu waa in Virus-ku uu yahay program loo sameeyo sida program-yada kale ee caadiga, laakiin wuxuu program-yada kale uga duwan yahay isagoo loogu tala galay inuu wax kharribo ama uu dhibaato geysto. Sidaa darteed wey adag tahay in tusaale laga bixiyo samaynta Virus-ka.
Luuqadaha sida aadka ah waayadaan dambe loogu adeegsado samaynta Virus-ka waxaa ugu caansan VBS (Visual Basic Script) oo ah luuqad ay leedahay Microsoft oo ku dhex dhisan lagana dhex isticmaali karo inta badan program-yada ay soo saartay shirkaddaas sida Outlook, Outlook Express, Word, Excel, PowerPoint, Access iwm.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
Aniga oo ah macalin soomaaliyeed oo jooga magaalada muqdisho waxaan jeclahay in aad sharaxaad iga siiso Programka Access kaas oo ay dadka soomaaliyeed gebi ahaantooda ku liitaan marka aniga anigo ah macalin computer machad ka la yiraahdo national computer institute oo weliba ka mid ah macalimiinta ugu xeel dheer dhanka programkaas hadaba waxaan idinka sugaa waa aqbaar.

Jawaab:
As-salaamu Calaykum,
Salaan ka dib, walaal Program-ka Access sida aad la socoto waa program database ah oo loogu tala galay in akhbaar lagu kaydsado. Walaal Access waa program aad u baaxad weyn oo waxyaabo fara badan lagu samayn karo, sidaa darteed suurtogal ma aha in email sharxaad looga bixiyo. Balse waxaan kugula talinaynaa inaad raadsato mid ka mid ah buugaagta loogu tala galay in program-kaas laga barto. Waxaa kale oo aad akhbaar faahfaahsan oo ku saabsan Access ka heli kartaa Internet-ka gaar ahaan boggaga soo socda:

http://www.fgcu.edu/support/office2000/access/
http://www.functionx.com/access/
http://cisnet.baruch.cuny.edu/holowczak/classes/2200/access/accessall.html
http://www.bcschools.net/staff/AccessHelp.htm
http://cru.cahe.wsu.edu/training/Access97/

Sidaa iyo nasiib wacan

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
Walaal ilaah baa mahad iskaleh ilaah kasokow waad mahadsantihiin waad ufaa'ideseen somalida ilaah hadinka siiyo ajir xasnaad. Walaal laba dhib ayaa iga heesato computerkayga, mida koowaad waa microsoft office qaasatan frontpage markaan rabo inaan wax kuqoto oo click siiyo barnaamijka wuxuu i tusayaa calaamda X istalaab uu leeyahay laxiriir adminstration vendor marka waa isku dayay inaan raadiyo software oo aan install gareeyo nisiib xumo waan waayey meel kasta oo aan wadanka aan jooga madaama aan ubaahanhay inaan isticmaalo xaga HTML marka waxaan arkay asagoo Chinese ah marka maxaan sameeyaa. Teedakale computer-ka markaan isticmaalayo Word oo aan taabto xarfaha f waxaa soo baxaayo file raadinta, teeda kale hadii aan tabto xarafka R waxaa soo baxaayo RUN browsorka hore uma leheen maxaan suubiyaa walaal? sidaas iyo nabad galyo.

Jawaab:
As-salaamu Claykum,

Walaal cilladda ku haysato uma hayno xal rasmi ah waayo waa mid aan hore noo soo marin. Si kastaba ha ahaatee waxay noogu muuqataa in program-ka Office-ka ay wax ka dhaawacmeen, sidaa darteed waxaan ku talinaynaa in si aad ku heshaba aad raadsato program Office ah, markaad heshana aad midka kuugu jira iska saarto kan cusubna aad kumbiyuutarka geliso. Haddii ay cilladdu intaas ku bixi weydo waxaa laga yaabaa inaad u baahan tahay in Windows-ka aad mar kale kumbiyuutarka geliso.

Sidaa iyo Nasiib wacan

Waad Mahadsan tahay

Somali Software