Su'aalo iyo Jawaabo ku saabsan Casharrada

Su'aal:
Walaal waan ku salaamay Mohamed Farah, salaan kadib waxaan ku reen lahaa in aad ii soo sheegtaan sidii aan ku heli lahaa hadii uu buug yahay "Aqoonta Kumbiyuutarka" dad ayaa u baahan maadaama aad af-somali ku qorteen waxaan filayaa in ay dad badan ka faa'iidaysan doonaan. Waad mahadsan tihiin dadaalka aad umada u haysaan.

Jawaab:
As-salaamu Calaykum,
Salaan ka dib walaal casharrada "Aqoonta Kumbiyuutarka" weli buug kama aynaan dhigin waayo way socdaan oo mawduucu weli waa qabyo. Marka mawduuca Hardware-ka aan gabagabayno waxaan rajaynaynaa in markaa aan buug ahaan u soo saarno, ka dibna aan mawduuc cusub billawno oo isagana markuu dhamaado aan buug ka dhigno.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
Waxan xubin firfircoon ka ahay urur Soomaaliyeed waxaanuna isku daynaa inaan ummadda Soomaaliyeed isu keeno kuna wacyi gelino wixii if iyo aakhiro dani ugu jirto. Marka waxan qorshaynay inaan koorsooyin gaagaaban oo kumbiyuutarka ku saabsan aan galabtii bixino, kadibna anagoo information raadis ah ayaan la kulanay homepage-kiina iyo casharada aad ku soo qorteen kadibna waxan is waydiiyay inaan ka isticmaali karno casharadiina wixii aan uga baahano sida eray bixinta iwm.Haddaba su'aashu waxay tahay casharadiina ku qoran www.somalisoftware.com macalimiintayadu ma isticmaali karaan ardaydase ma u tilmaami karnaa?

Jawaab:
Walaal casharrada waxaan ugu tala galnay in ummadda soomaaliyeed ay si shakhsi shakhsi ah (Private) uga faa'iidaysato. Haddiise ay noqoto in school laga dhigo waxaa noo deggan nidaamka soo socda:

1. Haddii ardayda aan wax lacag ah laga qaadayn, markaa casharraduna waa lacag la'aan oo waa loo isticmaali karaa waxbarashada caynkaas ah. Shuruudda keliya ee aan markaa arrintaas ku xirayno waa in aad ilaalisaan xuquuqda qoraalka.

2. Haddiise ardayda lacag laga qaadayo, waxaan shuruudda kor ku xusan ee ah ilaalinta xuquuqda qoraalka raacinaynaa in ardaygiiba aad naga siisaan $5 (shan doollar). Markaa waxaan idiin soo diraynaa casharrada iyagoo buug ahaan u qaabaysan oo leh tusmo iyo bogag nambaraysan, islamarkaana laga reebay fikradaha akhristeyaasha.
Kharashkaasi ma aha mid joogto ah oo hal mar ayaad bixinaysaan, waxaanan u aragnaa inuu aad u yar yahay oo uusan culays idinku noqonayn. Annagana wuxuu noo noqonayaa dhiirrigelin xagga wax soo saarka ah oo naga caawisa inaan tirada iyo tayada casharrada sii kordhinno.

Xagga tilmaanta, ardayda iyo ciddii kale ee aad u aragtaan inay ka faydaysan karto waad u tilmaami kartaan casharrada.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
Salaan qiimo badan kadib, walaalayaal waxaan ahay akhriste cusub oo ku soo biiray Somalisofware, waxaan aad u akhristay casharo badan oo ay kamid yihiin Matherboard-ka, iyo kuwo kaleba, waxaan in badan dhib kala kulmay motherboard aan waayay sidii aan ku heli lahaa kalarkeeda ama aan ku instalgarayn waayay, sidee ku heli karaa motherboarkaas kalarkeeda? mahadsanidiin.

Jawaab:
As-salaamu calaykum,
Salaan ka dib walaal ma fahmin su'aashaada ee noo soo faahfaahi, gaar ahaan waxa aad ula jeeddo "motherboardkaas kalarkeeda".

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
Waxaan jeclahay inaad soo diyaarisaan barashada programming oo af soomaali ah si ay ugu faa'ideystaan dhalinyaradeena Soomaliyeed walow Englishkana aan meesha ka maqnayn waxaan jecel nahay inaad soo diyaarisaan casharada iyo stepyada loomari lahaa programyada sida barnaamijsameynta school management project or pharmacy project > aad ayaan idin kuugu mahad celinayaa sida aad iskugu xilqaantay iyo waqtiga aad u hurteed dhalinyadeena ilaahey ha idinkaga abaal mariyo jisadiina > waxaan sugo waa jawaabtiina oo aan ku rajo weynahay aniga oo ku hadlaya magaca dhalinyarada Soomaliyeed oo si fiican ii garaneysa meel walba ay joogaan dalka gudahiisa iyo dibadiisaba waxaan ku rajo weynahay in codsigeena noola tixgelin doono wabilaahi towfiiq I soon wait to get your reply message soon

Jawaab:
Asalaamu calaykum,

Salaan ka dib walaal casharrada waxaan ku tala galnay in mawduuc mawduuc ay
ahaadaan.Waxaan ka billawnay Hardware-ka oo nala fogaaday waayadaan dambana
hakad galay xagga wakhtiga awgiis. Hadday noo suurtogasho marka aan
mawduucaas ka baxno ayaan mid kale furi karnaa. Sidaa darteed waan ka
xunnahay xilligaan hadda la joogo ma furi karno Programming.

Sidaa iyo nabadgelyo

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
Walaalayaal salaan ka dib waxaan idiinka codsanayaa inaad ii sheegtaan sida loola xiriiro haddii aad daruus cusub bixisaan. Ma maalin kasta ayaad daruus cusub bixisaan mise todobaad baad duruusta soo qortaan mise waxey ku xiran tahay waqtiga aad fursad u heshaan? Boggee ayaan kala xiriiraa duruusta cusub ee aad bixisaan?

Jawaab:
Walaal duruusta waxaan u qorshaysannay in labadii usbuucba mar aan hal cashar ku darno. Laakiin waxaa dhacda in mararka qaarkood uu wakhtigu noo saamixi waayo inaan casharka walkhtigii aan u qorshaynay ku soo diyaarinno, taasna waan ka cudurdaaraynaa. Walaal wixii cashar cusub ah ee soo kordha waxaad kala socon kartaa boggayaga http://www.somalisoftware.com oo ah meesha kaliya ee aan duruusta ka bixinno.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
Waxaan aad ula dhacay borograamkiina barashada isticmaalka kumbuyuterka anigoo ah akhristihiina casharada badankooda. Haddaba waxaan idinka codsanayaa haddii uu jiro isagoo buug ah oo af soomaali ku qoran in aad ii soo sheegtaan qiimihiisa iyo habka aan u heli karo?

Jawaab:
Walaal waan ka xunnahay in aysan ilaa iyo hadda noo suurtoobin inaan buugaag ka qorno barashada kumbiyuutarka waxaanse rajaynaynaa in mustaqbalka dhaw ay arrintaasi noo suurto gasho.
Walaal waxaan kugu dhiirri gelinaynaa inaad halkaa ka sii waddo dadaalka aad ugu jirto inaad kor u qaaddo aqoontaada xagga kumbiyuutarka waxaanan kuu tilmaami lahayn in aad heli karto buugaag fara badan oo ku qoran luuqado kale oo laga yaabo in aad fahmi karto sida English ama xataa luuqadda waddanka aad joogto looga hadlo oo aan filayo inaad wax ka taqaanno iyo kuwo kale.
Halkaa ka sii wad dadaalkaaga, waxaana kuu rajaynaynaa mustaqbal wanaagsan oo horumar leh.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
walaalayaal horta waxaan idiinka mahad celinayaa dedaalka aad samayseen. waxaan rabaa in aan ogaado marka ay bilaabanayaan casharada ku xiga kuwa hadda socda .thanks

Jawaab:
As-salaamu calaykum,
Salaan ka dib walaal casharrada hadda socdaa waxay, sidaad la socoto, ku saabsan yihiin dhismaha kumbiyuutarka (Hardware), waxaana ku tala jirnaa in aan mawduucaas dhammaystirno inta aynaan mid kale u gudbin. Marka uu mawduucaasi dhammaado ayaan ka fiirsan doonnaa mawduuca xiga ee aan billaabi doonno, hadduu rabbi idmo.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
Walaalyaal waxaan doonyaa isaga oo dhameystir cashrada aad meesha ku qoran ee ah barashada computerka ayaan doonyaa inaad ii soo dirtaan hadii aad awoodaan idinkoo mahasan saaxiibyaa si aan ual socod. Waa mahdsanthiin waxaan idinka sugaa casharkoo dhan

Jawaab:
As-salaamucalaykum,

Salaan ka dib walaal casharrada waxaan ugu tala galnay oo aan u diyaarinnay
in internet-ka laga daalacdo ee halkaa ka raadso.

Sidaa iyo nabadgelyo

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
Walaalayaal casharrada ma koobiyayn karaa oo lacag yar kharashka koobiyaynta soo celisa ma ku sii iibin karaa?

Jawaab:
Walaal si aad casharrada u koobiyayso una sii faafiso waa inaad dhawrtaa labada shardi ee soo socda :

1. Waa in aadan ka raadin wax faa'iido ah.
2. Waa in aad dhawrtaa xuquuqda qoraalka (Copyright), adigoo mar walba koobigaaga raacinaya sadarka la socda cashar kasta ee sheegaya in Somali Software ay leedahay xuquuqda qoraalka ee casharrada. Sadarkaas oo aad ka helayso dhammaadka cashar kasta wuxuu u muuqdaa sidan: "Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com."

Haddii aad ilaaliso labadaas qodob, casharrada waad koobiyayn kartaa kharashka koobigana waad ka soo ceshan kartaa.

Haddiise aad doonayso inaad faa'iido ka raadiso, markaa waa in aad heshiis nala gashaa.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software