Su'aalo iyo Jawaabo ku saabsan Ganacsi

Su'aal:
Asalaamu caleykum, walaalayaal waxaan rabaa inaad warbixin buuxda iga soo siisaan progaraamka Ganacsi?

Jawaab:
As-salaamu calaykum,
Salaan ka dib walaal program-ka Ganacsi akhbaartiisa oo aan isku daynay inaan faahfaahinno waxaan ku soo gudbinnay internet-ka gaar ahaan halkaan: http://www.somalisoftware.com/ganacsi.html
Akhbaarta aan halkaas ku qornay waxaan filaynaa inaad akhrisay laakiin aad weli tebayso faahfaahin intaas ka sii dheer. Haddaba si aan kuu siinno akhbaarta aad tabayso waxaan kaa codsanaynaa inaad noo soo gudbiso wixii su'aalo ah ee aad program-ka ka qabto aadna rabi lahayd in lagaaga jawaabo.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
Waan idin salaamayaa marka hore marka xigta waxa runtii aan aad u xiisaynayaa in aan helo barnaamijka gacasiga aniga oo in badan idinka war sugayey ahna nin somali ah oo ka shaqaysta somaliland, Hargays baahi badana uqaba barnaamijkaas. Waad mahadsantihiin

Jawaab:
As-salaamu calaykum,

Salaan ka dib walaal waad ku mahadsan tahay xiisaha aad u muujisay program-ka Ganacsi, run ahaantiina waan ka xunnahay inaad wax badan na sugaysay. Walaal wakhtiga oo nagu yar darteed ayaa keentay in soo saaridda program-kaas ay nagu daba dheeraato. Walaal waan jecelnahay in program-kaasi uu dhakso u soo baxo marka uu soo baxana waxaan akhbaartiisa ku soo qori doonnaa oo aad kala socon kartaa bogga Somali Software.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
Waxaan doonayaa in aad war bixin iga siisaan boorigaraamka Ganacsi. Sidee baan ugu shaqeysan karayaa anigoo aan aqoon hore ugu laheyn? Waxaan idinka doonayaa idinka oo ku mahadsan in aad ii jiclisaan matalan haddaan rabo in aan Bangi ka shaqeeyo iyo haddaan rabo in aan wax xawilo waddadee u marayaa?

Jawaab:
Walaal program-ka Ganacsi ee aad na soo waydiisay weli samayskiisa ayaan gacanta ku haynaa oo waa qabyo. Waxaanse hadduu rabi idmo u samayn doonnaa dukumenti faahfaahsan oo sharaxaad ka bixinaya sidii uu qof aan wax aqoon hore ah u lahayn u isticmaali lahaa. Dukumentigaas oo program-ka la socon doona wuxuu adeegsan doonaa tusaaleyaal iyo sawirro program-ka laga qaaday, sidaa darteed waxaan rajaynaynaa in uu qof kasta oo af soomaali akhrin karaa uu si fudud u fahmi doono isticmaalka program-ka Ganacsi. Marka uu program-ka Ganacsi diyaar noqdo waxaad akhbaartiisa ka helaysaa boggayaga internet (www.somalisoftware.com), haddaad doontana si shakhsi ahaan ah ayaan kuu soo ogaysiinaynaa.

Walaal program-ka Ganacsi waxaa sida aad internet ka aragtay loogu tala galay hawlaha ganacsiga. Wixii ku saabsan xawilaad waxaan u samaynnay program diyaarsan oo howshaas u gaar ah lana yiraahdo Humbaale oo aad akhbaartiisa ka heli karto halkaan. Waxaa kale oo aad heli kartaa dukumenti faahfaahsan oo kuu sharxaya sidii aad Humbaale ugu isticmaali lahayd hawlaha xawilaadda. Dukumentigaas waxaad ka helaysaa halkaan. Program-ka Humbaale waxaad isagoo si buuxda u shaqaynaya tijaabin kartaa muddo 30 (soddon) casho ah. Kadibna haddii uu ku cajabiyo waad soo dalbanaysaa adigoo fariin noogu soo diraya Halkaan.

Xagga bangiyada runtii Ganacsi uguma aanan tala galin in loo isticmaalo, waayo hawlaha bangiyada waxaan u aragnaa inay ka duwan yihiin hawlaha ganacsiga caadiga ah waxayna u baahan yihiin in marka horeba program-ka loo qaabeeyo loona diyaariyo in hawl bangi loo isticmaalo. Waxaase dhici karta in mustaqbalka aan samaynno program hawshaas si gaar ah loogu tala galay haddaan u aragno in ay baahi noocaas ahi jirto.

Waxaan rajaynayaa in intaasi ay su'aalahaagii jawaab u noqon karto, haddiise ay jiraan wax uu weli mugdi kaaga jiro ama aad doonayso in laguu sii faahfaahiyo, fadlan ha ka shakin inaad na soo weydii.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
asalaama caleeykum, walaal waxaan rabaa in aan tijaabiyo borogaraamka Ganacsi ee ila soo socadsii qiimahiisa mahadsanid.

Jawaab:
As-salaamu calaykum,
Salaan ka dib, walaal program-ka Ganacsi weli waa qabyo oo diyaar ma aha, sidaa darteed qiimihiisa iyo tijaabadiisuba diyaar ma aha. Marka uu diyaar noqdo waxaad akhbaartiisa kala socon kartaa bogga Somali Software oo aan ku soo bandhigi doonno.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software