| Su'aal: Waxaan aad u jeclaan lahaa in aad ii soo gudbisaan akhbaar ku saabsan program-ka Humbaale oo ka badan inta aan ku arkay internetka, waxaan aad u xiisaynayaa in aan ogaado sida uu barnaamijku u shaqaynayo. Jawaab: Walaal waxaad boggayaga internet-ka ka heli kartaa dukumenti qoraal ah oo si faahfaahsan uga hadlaya program-ka Humbaale. Dukumentigaas waxaad ka heli kartaa halkaan. Markaad halkaas tago khaanadda ay ku dhex qoran tahay "Program" ka dooro "Dukumentiga Isticmaalka Humbaale" oo taabo Submit. Markaa waxaa laguu soo koobiyaynayaa dukumenti Word ah oo adeegsanaya tusaalooyin iyo sawirro laga soo qaaday qaybaha kala duwan ee Humbaale. Waxaan rajaynayaa in dukumentigaas aad ka heli doonto wax kasta oo aad u baahan tahay inaad Humbaale ka ogaato. Mar walbana waxaan kugu soo dhawaynaynaa in wixii su'aalo ah ee kugu dhasha aad noogu soo gudbiso Halkaan. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Walaalayaal waxaa jirto in uu prograamka Hubaale ii furmi la'yahey mar walbana uu i weydiinayo furaha iyo magaca wakiilka marka ma iga caawin kartaan si aan u fiiriyo habka uu u shaqeynayo prograamka xawilaada hubaale? Jawaab: Walaal program-ka Humbaale waxaa loogu tala galay in qofka isticmaalayaa uu u samaysto fure isaga u gaar ah oo uu ku galo. Haddii aadan adigu fure noocaas ah samaysan markaa furaha program-ku waa meel maran sidaa darteed uma baahnid inaad wax qorto oo waxaa kugu filan inaad taabato batoonka "OK". Marka aad program-ka gasho waxaad samaysan kartaa fure kuu gaar ah oo markaa wixii ka dambeeya aad ku gali doonto. Walaal waxaa jira dukumenti faahfaahsan oo ku saabsan isticmaalka Humbaale. Dukumentigaas oo adeegsanaya tusaaleyaal iyo sawirro laga qaaday qaybaha kala duwan ee Humbaale wuxuu kuu suurto galinayaa in aad Humbaale u isticmaasho sidii loogu tala galay adigoon dhib iyo wareer badan u marin. Dukumentigaas waxaad ka heli kartaa halkaan. Markaad halkaas tagto khaanadda ay ku dhex qoran tahay "Program" ka dooro "Dukumentiga Isticmaalka Humbaale" ka dibna taabo Submit. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Walaal waxaan doonayaa habka Humbaale loo galin karo dolarka inta uu marayo kolka loo badalayo £pound (UK) waayo waa loo qeebinayaa, sistamka hadda ku jiro waa ku dhufasho Jawaab: As-salaamu calaykum, Salaan ka dib, walaal waxaad qortaa qiimaha uu halkii doollar joogo marka lagu sarrifo £pound. Tusaale ahaan shalay (Jimce 21-kii February 2003) wuxuu halkii doollar joogay 0.630358 £pound. Taas ayaad Humbaale ku qoraysaa. Walaal akhbaarta doollarka iyo halka uu maalin walba ka marayo lacagaha kale waxaad ka heli kartaa halkaan: http://www.x-rates.com/d/USD/table.html Boggaasi wuxuu soo qoraa akhbaarta suuqa sarrifka caalamiga ah (international) maalmaha uu suuqu furan yahay oo ah isniin ilaa jimce. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Waxaan isku dayey in aan furo brogramka Humbale laakiin nasiib daro wuxuu i weeydiinaayaa magaca iyo furaha, mana hayo wax fure ah oo tijaabada 30ka maalmood ah wax fure ah ma sidan ee sideen ku furi karaa ama ku arki karaa oo ku khiimeeyn karaa in uu i anfacayo iyo inkaleba. Waxaan filaayaa fure laáan in aan waxba ii suura galeeyn ee ha lay soo sheego fadlan furaha. Macasalaama Jawaab: Walaal Humbaale marka ugu horraysa ee uu ku soo galo furihiisu waa meel bannaan oo looma baahna inaad wax qorto waxaadna ku geli kartaa adigoo taabta OK oo kaliya. Marka aad program-ka gasho waxaad markaa samaysan kartaa fure adiga kuu gaar ah. Furaha waxaa loogu tala galay oo kaliya in qofka prgram-ka isitcmaalaya uu ku ilaashado akhbaarta program-ka ugu jirta si cid kale aysan u arkin ama wax uga beddelin. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Walaalayaal waan idin salaamay salaaan kadib waxaa iikala cadeeysaan arimahaan sosocda sida waxaa tiraah deen 5-10 waa $107 11-20na waa $103 ilaa meesha ugu dan beysa ma aanan fahmine iisookala cadeeeya atintaas iyo discount-ga iyo waliba meesha aan lacagta inku gu sooxawilayo bilmatal anigu waxaan joogaa soomaaliya siden lacagta inkugu sooxawilayaa? sidaas iyo nabadgalyo Jawaab: As-salaamu calaykum, Salaan ka dib walaal discount-ga jumlada waa sida aan ku sheegnay shaxanka aad aragtay, wixii intaa ka baxsan ama ka badan waxaa sida shaxanka ka muuqata ay u baahan tahay heshiis gaar oo ku xiran hadba tirada aad program-ka uga baahan tahay. Marka aan ogaanno tirada aad u baahan tahay ayaan go'aaminaynaa qiimaha tirdaaas ku haboon. Midda kale ee ku saabsan xagga lacagta iyo soo xawiliddeeda waxaad soo xawilaysaa mid ka mid ah shirkada xawilaadaha ee xafiisyada ku leh magaalada Stockholm ee waddanka Sweden, magac ahaanna waxaad ku soo qoraysaa Maxamed Faarax (Mahdi) laga helo telefoonka 468 760 0613. Shirkadaha xafiisyada ku leh Stockholm waxaa ka mid ah Amal, Dahabshiil, Kaah, Sundus, Hodan iyo kuwo kale oo fara badan. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Waxaan down load garaystay proramka xawilaada ee Humbaale iyo documantigiisaba iyada oo aan rabay in aan tijaabiyo oo aan ka faaiidaysto mudada bisha ah ee la ii ogol yahay in aan ku tijaabiyo isla markaana aan rabay hadii uu i anfaco in aan iibsado. Hadaba dhibaato ayaa iga soo waajahday markii u horaysayba waan furi kari waayay. Progrmaku ima waydiinayo furaha laakiin wuu ii kici laayahayba (not starting) waxa iisoo baxaya uun boxkan: ![]() Halkaa iima dhaafayo progrmku, isaga oo exe ah ayuu desk topka ii yaalaa markaa waxaan rabaa in la ii sheego qaabkii aan furi lahaa programka. allaa mahad leh Jawaab: As-salaamu Calaykum, Salaan ka dib walaal waxaan marka hore kaaga cudurdaarayaa jawaabta aan kaala daahay. Intaa kadib walaal marka aad Humbaale download ku samayso waa in horta aad program-ka kumbiyuutarka gelisaa inta aysan kuu suurtoobin inaad isticmaasho. Walaal file-ka "humbaale.exe" ee aad soo qaadatay waa file isku cufan (package) waxaana ku jira akhbaartii la isticmaali lahaa si program-ka kumbiyuutarka loo geliyo (installation files). Daaqadda sawirka ka muuqata ee kuu soo baxday waxay ku weydiinaysaa inaad sheegto halka akhbaartaas lagu keydin lahaa. Daaqaddaas dhexdeeda waxaad ku aragtaa khaanad ay ku qoran tahay "C:\shirmah\install", taasi waa halka akhbaarta lagu keydinayo. Haddaad rabto inaad beddesho taabo batoonka "Browse..." oo dooro halka aad rabto in lagu kaydiyo. Intaa ka dib taabo batoonka ay ku qoran tahay "Unzip", marka ay hawshaasi dhammaatana taabo Close si aad daaqaddaas isaga xirto. Walaal si aad Humbaale kumbiyuutarka u geliso tag halkii aad akhbaarta ku keydisay, kadibna waxaad laba jeer mouse-ka ku taabataa (double klick) file-ka SETUP.EXE oo ka mid ah files-ka uu unzip-ku sameeyay. Halkaas waxa ka billaabanaysa hawsha Humbaale lagu gelinayo kumbiyuutarka. Raac hadba waxa muraayadda kaaga soo baxa ilaa ay hawshaasi dhammaato. Marka ay hawshaasi dhammaatana kumbiyuutarka dami oo haddana daar (restart). Intaa ka dib waxaad Humbaale ka helaysaa Start => Programs. Waxaan kuu rajaynayaa inaad hawshaas ku guulaysato. Sidaa iyo nasiib wacan Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Walaalayaal waxaan rabaa inaad wax iiga sheegtaan laba arimood oo kala ah sida loo isticmaalo ama looga shaqeeyo xawilaadda iyo xisaab xidhka sida ugu fudud ee aan ku hawl gali karo. walaalayaal aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin Jawaab: As-salaamu calaykum, Salaan ka dib walaal xawilaadda iyo sida looga shaqeeyo waxaad ka waraysan kartaa dadka xawilaadda ku shaqeeya. Xagga xisaabaadka iyo fududaynta hawlaha xawilaadda waxaan u samaynay program-ka la yiraahdo Humbaale oo aad howlahaas si fudud ugu samayn karto. Akhbaarta Humbaale iyo sida haddaad rabto aad u soo dalban kartaba waxaad ka helaysaa bogga Somali Software gaar ahaan halkaan: http://www.somalisoftware.com/xawilaad.htm Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Walaal marka ugu horaysa aad ayaan idinkaga mahad celinayaa sida wanaagsan ee aad isugu taxaluujiseen programada computerka ku saabsan ee aad walaalihiin ugu caawiseen. Mida labaad hadaan su'aashayda u guda galo waxaan rabay inaan isticmaalo barnaamijka aad xawilaada ugu talogasheen ee humbaale, sidaas daraadeeed hadii aan rabo inaan isticmaalo mudada bisha ah ee tijaabada ayna noqoto inaan ka noqdo bishaas ka bacdi wax kharash ah oo isaaran miyaa jirta, haday jirtana waa intee. waad mahasantahay. Jawaab: As-alaamu calaykum, Salaan ka dib, Walaal programka waad isticmaali kartaa muddada tijaabada ee bisha ah, wax kharash ah oo kugu socdaana ma jiraan. Walaal programku wuxuu leeyahay dukumenti qoraal ah oo sii faahfaahsan uga hadlaya dhammaan waxyaabaha uu programku qaban karo iyo sidaad u sameyn lahayd. Dukumentiga iyo programkaba waxaad ka helaysaa bogga Somali Software. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Walaal waxaad isoo sheegtaa habka aad uu iibinaysaan barnamijkiina iyo qimahooda. Waa maxay Humbaale ii soo faahfaahi iina soo sheeg lacagta uu joogo? Jawaab: Walaal haddaan ku horreeyo Humbaale waa program loogu tala galay hawlaha xalwilaadda lagacaha waxaadna akhbaar faahfaahsan oo ku saabsan program-kaas ka heli kartaa halkaan. Akhbaar ku saabsan qiimaha humbaale jumlo iyo tafaariiqba waxaad iyadana ka heli kartaa halkaan. Waxaa kale oo jira dukumenti faahfaahsan oo ku saabsan isticmaalka Humbaale. Isagana waxaad ka helaysaa halkaan adigoo markaa khaanadda ay ku qoran tahay "Program" ka dooranaya "Dukumentiga Isticmaalka Humbaale". Walaal program-yada aan samayno waxaan iibinaa annagoo adeegsanayna nidaamka xawilaadda ee ay soomaalidu inta badan lacagaha isugu gudbiyaan. Haddaba marka aad go'aansato inaad program gadato waxaad qiimaha program-ka ku soo xawilaysaa mid ka mid ah shirkadaha xawilaadda wakiilkooda u fadhiya Stockholm, Sweden waxaadna ku soo qoraysaa Maxamed Faarax (Mahdi). Markaa waxaad noo soo diraysaa farriin aad noogu soo sheegayso program-ka aad rabto, ciwaanka lagaa helo ee program-ka laguugu soo dirayo, iyo halka aad lacagta ku soo xawishay. Farriintaas waxaad ku soo diraysaa Halkaan. Markaa waxaan program-ka kuugu soo diraynaa ciwaanka aad noo soo sheegtay muddo saddex beri gudahood ah. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Walaal hadii aan ku heshiino program-ka humbaale, ma heli karaa source Code-ka si aan u bed bedesho mustaqbalka, maadama anan isku dhawayn islamarkaana aan ku aaminayo lacag inaan gashado. mida kale hadii aan haysto 10 computer haddana aan idinka gato program-ka isalmarkaana aan Sharing ku sameeyo maxay tahay waxa i qabsan kara ilayn hadaba waxan samaynaa markii aan helno program caynkan oo kale ah waaan share garaynaa anagoo ku shubayna Server-ka kadibna isticmaalayna awooda server iyo cleints-ka. Bal taasna iga soo jaahil bixiya, awal waxaan islahaa iibso program jooga $110 markaansa sharing ku samee, laakin haladkiina ayaan ka dareemay inay wax jiraan. Jawaab: Salaan ka dib walaal program-yada aan samayno waxaan gadnaa iyaga oo binary ah oo uusan source code-ku la socon, haddaba haddaad xiisaynayso sidaas ayaad ku gadan kartaa. Qiimaha Humbaale ee aad sheegtay wuxuu daboolayaa gelinta iyo ku isticmaalka hal kumbiyuutar oo kaliya. Sharing iyadu waxay u baahan tahay heshiis gaar ah oo kaa ka duwan. Tusaale ahaan labadaas heshiis waxay u kala dhigmaan labada nooc ee licens-ka Windows NT ee loo kala yaqaan "Per seet" iyo "Per server" oo qiimo ahaan kala duwan. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Waa intee qiimaha Humbaale sidee ayaanse u iibsan karaa? Jawaab: Qiimaha program-ka Humbaale tafaariiq ahaan xabbaddii waa $110 (boqol iyo toban US dollars) oo ay boostada iyo wixii kaloo kharash ahba ku jiraan. Wixii jumlo ah waxaad akhbaarteeda oo faahfaahsan ka helaysaa halkaan Si aad Humbaale u iibsato lacagtaas ayaad ku soo xawilaysaa mid ka mid ah shirkadaha xawaaladda ee xafiisyada ku leh magaalada Stockholm ee waddanka Sweden waxaadna ku soo qoraysaa Maxamed Faarax (Mahdi). Intaa ka dib waxaad noo soo diraysaa farriin aad noogu sheegayso ciwaankaaga lagaa helo ee aan program-ka kuugu soo dirayno iyo halka aad lacagta ku soo xawishay. Farriintaas waxaad ku soo diraysaa Halkaan. Markaa muddo saddex maalmood gudahood ah ayaan program-ka kuugu soo diraynaa. Waxaa kale oo aan kuu soo diraynaa farriin E-mail ah oo aan kuugu xaqiijinayno inaan program-kii kuu soo dirnay. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Marka hore waan idin salaamay salaan kadib walaalayaal waan idinka codsanayaa in aad markahore iisheeegtaan micnaha humbaale waa maxay humbale? sidaas iyo nabadgalyo. Jawaab: As-salaamu calaykum, Salaan ka dib walaal Humbaale waa program af-soomaali ah oo loogu tala galay howsha Xawilaadda lacagaha. Akhbaar faahfaahsan oo ku saabsan Humbaale waxaad ka heli kartaa halkaan Waad Mahadsan tahay Somali Software |