| Su'aal: Walaalayaal waxaan idiinka codsanayaa haddii aad tihiin bahda Somali Software inaad iisoo sheegtaan goorta aad billaabaysaan casharada ISBAR DOS, sidoo kale haddii ay socdaan waxaan idiinka codsanayaa inaad iisoo sheegtaan meesha aan idiin kala soo xiriiri karo si'aan ula socdo casharadaas? Jawaab: Walaal ISBAR-DOS waa program free ah oo aan samaynay oo ku baraya isticmaalka MS-DOS. ISBAR-DOS wuxuu ka kooban yahay casharro isugu jira akhris iyo layliyo kala duwan kuna salaysan nidaam ah in qofku uu isagu muudaacaas isbaro. Haddaba si aad casharradaas u hesho waxaad u baahan tahay inaad program-kaas soo qaadato oo aad kumbiyuutarkaaga galiso halkaana ku isticmaasho casharrada uu program-ku ka kooban yahay. Walaal ISBAR-DOS waxaad ka heli kartaa halkaan. Markaad halkaa tagto ayaa khaanadda ay ku dhex qoran tahay "Program" waxaad ka dooranaysaa "isbardos" ka dibna waxaad taabanaysaa "Submit". Intaa ka dib waxaa billaabanaysa hawsha isbardos kumbiyuutarkaaga loogu soo koobiyaynayo. Waxaa lagu weydinayaa halka aad rabto in lagu kaydiyo file-ka uu program-ku ku jiro oo la yiraahdo "isbardos.exe". File-kaas ku kaydi meel aad hadhaw ka heli karto. Marka ay hawshaasi dhammaato laba jeer mouse-ka ku taabo (double click) file-ka aad hadda kaydisay ee "isbardos.exe". Halkaas wax ka billanaysa hawsha isbardos lagu gelinayo kumbiyuutarkaaga. Raac hadba waxa muraayadda kaaga soo baxa ilaa ay hawshaasi dhammaato. Sidaas ayaad isbardos kumbiyuutarkaaga u galinaysaa. Si aad isbardos u isticmaasho taabo Start => Shut Down. Ka dibna taabo khaanadda yar ee ay ku ag qoran tahay "Restart in MS-DOS Mode" oo taabo OK. Markaa waxaa lagu gaynayaa meel madow (MS-DOS) oo ay ku qoran tahay "C:\WINDOWS>". Halkaas ku qor sida soo socota: CD C:\ISBARDOS (taabo Enter. ) Intaa ka dibna qor sidaan: ISBAR (taabo Enter) Markaa waxaad galaysaa program-ka isbardos oo af-soomaali isugu kaa sharxi doona. Waxaan kuu rajaynaynaa inaad isbardos ka faa'iidaysan doonto. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Waxaan download ku sameeyay barnaamijka isbardos waxaana galiyay computerkeeyga, haddaba sidee ayaan u daabici karaa oo aan warqad ugula soo bixi karaa si aan computer la'aan uga faa'iideeysto oo aan ugu akhrisan karo meel walba oo aan joogo? Jawaab: Walaal program-ka ISBAR-DOS sida aad la socoto wuxuu isugu jiraa akhris iyo tijaaboojin isku dhafan. Markuu ardaygu wax yar akhriyaba waxaa loo dirayaa layli oo si toos ah ugu dhex samaynayo casharka uu markaa akhrinayo. Sidaa darteed uguma aanan tala galin in la daabaco oo warqad laga akhriyo, madaamaa uu program-ku had iyo jeer u baahan yahay kumbiyuutar lagu sameeyo layliyada is daba joogga ah. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Walaal mar kasta oo aan is iraahdo isbardos aad gashid waxaa isoo baxaya farriin oranaysa: "isbardos laba jeer ma shidi kartid ee qor Exit oo taabo Enter, si aad casharka u sii wadato". Markaan intaa sameeyana waaba is xiraayaa! Haddaba maxaan arrintaas ku xallin karaa? Jawaab: Walaal arrinta ku qabsatay waxay dhacdaa marka aad ISBAR-DOS uga badxo si aan ahayn sidii loogu tala galay. Si aad ISBAR-DOS mar kale u isticmaasho tag DOS kadibna qor CD C:\ISBARDOS. Marka ay kuu soo baxdo C:\ISBARDOS> qor "FINISH" oo taabo Enter. Taasi waxay xallinaysaa arrinta hadda ku haysata ee farriinta aad soo sheegtay kuu soo qoraysa. Markaad intaa samayso qor "ISBAR" oo taabo Enter si aad ISBAR-DOS u gasho. Mar kasta oo ay farriintii aad sheegtay kuu soo baxdaba sidaas ayaad ku xallin kartaa. Laakiin si aad uga badbaaddo in ay arrintaasi mar kale ku qabsato ku dadaal in marka aad ISBAR-DOS ka baxayso aad uga baxdo sida ay kuu sheegayso hadba meesha aad markaas joogto. Waxaan kuu rajaynaynaa inaad ISBAR-DOS ka faa'iidaysato. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Walaalayaal markaan damcay innaan minguuriyo(downloading) barnaamijka aad boggiina ku sheegteen ee ah Isbar-dos waqti badan oo Internetku igu xidhnaanayo ayuu iga qaadanaayaa kolkaa ma kartaan inaad E-mail iigu soo dirtaan? Jawaab: Walaal Program-ka isbardos waan kuu soo diri karnaa laakiin inaan soo dirno waxay annaga nagu qaadanaysaa inta ay adiga kugu qaadanayso inaad Download samayso. Adigana si E-mail-ka aan soo dirno aad u soo akhrisato waxay kugu qaadan doontaa intii in le'eg (haddaad modem adeegsanayso). Haddaba waxaan filayaa inaynaan Download ka maarmayn wakhti badanba ha iska qaadatee. Waad Mahadsan tahay Somali Software |
| Su'aal: Waxaan download ku soo sameeyay barnaamijka isbardos balse markii aan dhameeyay downloadkii ayuu casharkii ii soo bixi waayay, bal maxaa talo ah oo aad igu caawinkareysaan si aan casharadii ku qornaa ubarto? Jawaab: Walaal si aad casharrada isbardos u hesho waxaad u baahan tahay inaad program-ka ISBAR-DOS soo qaadato (download) oo aad kumbiyuutarkaaga geliso. Marka aad isbardos download ku samaynayso waxaa lagu weydinayaa halka aad rabto in lagu kaydiyo file-ka uu program-ku ku jiro oo la yiraahdo "isbardos.exe". File-kaas ku kaydi meel aad hadhaw ka heli karto. Marka ay hawsha download-ku dhammaato laba jeer mouse-ka ku taabo (double click) file-ka aad hadda kaydisay ee "isbardos.exe". Markaa waxaa kuu soo baxaya daaqad yar oo ay ku dhex taallo khaanad yar oo ay ku dhex qoran tahay "c:\temp" iyo dhowr batoon oo ay midkood ku qoran tahay "Unzip". Daaqaddaasi waxay kuu sheegaysaa in file-ka isbardos.exe aad ku kala furto galka TEMP oo hoos yaalla C. Haddaba si aad Isbardos halkaa ugu kala furto taabo batoonka ay ku qoran tahay "Unzip". Intaa ka dib xir daaqadda yar. Walaal marka aad ISBAR-DOS unzip ku samayso ka dib, waxaa loo baahan yahay inaad program-ka kumbiyuutarkaaga geliso (instalation). Si aad ISBAR-DOS kumbiyuutarka u geliso tag galka C:\TEMP oo ah halkii aad isbardos ku kala furtay, kadibna waxaad laba jeer mouse-ka ku taabataa (doubleklick) file-ka SETUP.EXE oo ka mid ah files-ka uu unzip-ku sameeyay. Halkaas waxa ka billaabanaysa hawsha isbardos lagu gelinayo kumbiyuutarkaaga. Raac hadba waxa muraayadda kaaga soo baxa ilaa ay hawshaasi dhammaato. Si aad isbardos u isticmaasho taabo Start => Shut Down. Ka dibna taabo khaanadda yar ee ay ku ag qoran tahay "Restart in MS-DOS Mode" oo taabo OK. Markaa waxaa lagu gaynayaa meel madow (MS-DOS) oo ay ku qoran tahay "C:\WINDOWS>". Halkaas ku qor sida soo socota: CD C:\ISBARDOS (taabo Enter. ) Intaa ka dibna qor sidaan: ISBAR (taabo Enter) Markaa waxaad galaysaa program-ka isbardos oo af-soomaali isugu kaa sharxi doona. Waad Mahadsan tahay Somali Software |