Su'aalo iyo Jawaabo ku saabsan Talo

Su'aal:
Asalaamu calaykum. Waxaan marka hore halkaan uga mahadcelinayaa bahda Somali software oo dadaal wayn ugu jirta sidii ay soomalida wax u bari lahayd una horumarin lahayd aad aayaan pagekaan uga faa'iidaystaa anigu waana pageska aan ugu jecelahay pageska. Waxaan hadaba bal programekan fiican ee ay soo wadaan waxyaabaha ay ugu tala galeen wax ku dar hadii ay macquul tahay walaalayaal waxa aan arabo inaan ku daro waa isla Ganacsi kaasoo ah hada soomalida waxaad moodaa inay ku soo biirtay ganacsiyo cusub kasoo uu ka mid yahay ka gacsiga Internetka waxaan ka wadaa meel Internet cyber ah sida loo xisaabinayo inaad ku dartaan. Internet cyber waa meel internet lasoo gasho oo computero badan la dhigo kadibana dadku intay yimaadaan fariistaan oo isticmaalaan oo wakhtiga loo qabto ka dibna intuu ku jiray loogu dhufto rate u go'an meeshaa. waxaan filayaa waad fahmi kartaan ganacsigaan Ganacsigaan ayaa mudooyinkaan aad ugu soo badamaya wadanka soomalia programekiinaasna wax badan buu ka tari doonaa waayo wuxuu noqondoonaa kii ugu horeeyey ee noociisaas aad baana looga fa'iidaysan doonaa. Waxaan rajaynayaa inaad i fahamtaan.

Jawaab:
As-salaamu calaykum,
Salaan ka dib walaal aad ayaad ugu mahadsan tahay fikradda qiimo galka ah ee aad noo soo gudbisay. Walaal waan falanqayn doonnaa, haddii ay nala qummanaato wakhtiguna uu noo saamaxana waan fulin doonaa (Inshaa allaah).

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
Marka hore scw. Intaa ka dib waxaan walaal idinku bogaadinayaa iyadoo sida runtii ah ay dhalinta waxbarshada xiisaysaa ay fariimo badan oo mahadnaq ah ay idiin soo direen, anna waxaan idiinku mahadniqi lahaa sidaa walaaladay ba garteen inaad ku mahadsan tihiin sida wanaagasan ee aad bulshada somaliyeed aad u soo bandhigtaan waxbarashadan afsomali googii hooyo ku qoran. Walaahi waa wax lagu farxo laguna bogaadiyo dadkaa wakhtigooda u huray inay dadkooda uga faa'ideeyaan cilma ay soo barteen. Dad badan ayaa jira oo aan cilmiga ay soo barteen u soo gudbin ugana faa'idayn dadkooda. Markaa walaal waxaan ku soo gunaanadi lahaa TALO KOOBAN. Walaal waxaan idin odhan lahaa kolay waad dadaasheen laakiin waxaa idinka dhiman oo aan idinkula talin lahaa inaad soo saartaan buugaag waayo dadka badankoodu ma awoodaan inay computer kaga bogtaan cilmigan baaxada le, markaa walaal isku daya inaad soo saartaan buugaag ku qoran afsomali. Taas ayaa iga talo ah.

Jawaab:
As-salaamu calaykum,

Salaan ka dib walaal waad ku mahadsan tahay salaatii iyo hadalladii
dhiirrigelinta xambaarsanaa ee aad noo soo dirtay. Waxaa kale oo aan kaaga
mahad celinaynaa fikradda wax ku oolka ah ee aad noo soo jeedisay. Walaal
arrintaas intii muddo ahba hammigeena wey ku jirtay waxaanan ilaahay ka
baryaynaa in wakhtiga iyo waayuhu ay noogu filnaadaan in arrintaasi ay mar
uun noo suurto gasho.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
Sallaam: Wallaalayaal Waxaan maanta soo booqday http://www.somalisoftware.com oo runtii ah meel aad iyo aad ii cajib gelisay igana farxisay. Waxaana runtii ku arkay fekrado badan oo aan hore uga fekeray oo aad hirgeliseen. Anigoo runtii ka mid wallaalaha soomaaliyeed ee ku dhex jira barashada/aqoonta IT(Information Technology) Bachelor of Computer Science, 4th year at Carleton University (http://www.scs.carleton.ca/), On, Canada. waxaan jecelahay inaan idin siiyo figrad aan qabo anigu inay shirkadiina u soo kordhin karto horumar iyo dakhli badan lagana yaabo inaad hore uga fakerteen amase aad samayseen, balse aanan ku arag http://www.somalisoftware.com. Waana barashada Computers-ka ama IT oo leh maqal iyo muuqaal(Multimedia) oo runtii si weyn wax uga tartey xaga barashada computers-ka North America. Sidaad ogtihiina dadka Soomaalida waxa wax akhriya waa yar yihiin, intooda wax akhridana ma jecla wax akhriska (Waxaan jecelnahay Sheekada iyo dhegaysiga).

Jawaab:
As-salaamu Calaykum,
Salaan ka dib walaal aad ayaad ugu mahadsan tahay fikradda wanaagsan ee aad noo soo jeedisay! Run ahaantii waan ka fikirnay inaan samaynno buugaag Multmedia ah oo ama web-ka si toos ah looga dhegaysto ama aan CD gelinno oo ciddii danaynaysaa ay soo dalbato. Si kastaba ha ahaatee wakhtiga oo aad noogu yar darteed weli arrintaas ma aanan samayn laakiin waan ku tala jirnaa inaan samaynno, firkaddaaduna dhiirrigelin ayay noo sii noqonaysaa.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
S/C. Marka hore waan idin salaamay dhamaan bahda Somalisoftware, salaan ka bacdi hadaan ujeedadayda hoos ugu dhaadhaco, waxaan ahay arday ka dhigta IT dalka INDIA waxaanan Doonayay In aan qoro Book ka hadlaya Computer-ka kaas oo imika gaba-gabo ku dhaw markaas aniga oo ah akristayaasha aadka ula socda shabakadan Somalisoftware waxaan jeclaystay in aan Talo iga siisaan arintaa wixii aad ugu igu kordhin kartaana igu kordhisaan, Habo ahaadaan casharo ama maqaalo IT-ku saabsan Wa bilaahi Tawfiiq BY Mohamed

Jawaab:
As-salaamu calaykum,

Salaan ka dib walaal waad ku mahadsan tahay warqaddii iyo salaantii aad noo
soo dirtay. Intaa ka dib walaal waa fikrad wanaagsan in aad buug qorayso
waana wax loo baahan yahay. Walaal maadaama aynaan buugga arag ma ogaan
karno waxa uu ku fiican yahay iyo waxa lagu kordhin karo. Sidaa darteed waan
ka cudurdaaranaynaa in xilligaan aynaan wax kugu kordhin karin, waanse kugu
dhiirri gelinaynaa in fikraddaas aad ka miradhaliso.

Sidaa iyo nasiib wacan

Waad Mahadsan tahay

Somali Software
Su'aal:
Eray bixinta waxaa ila haboon inaad ku wadaan sida aad doorateen, waayo erayada hadii aad bedeshaan dhib bay noqonaysaa, inaad garto markaad suuqa shayga kula kulantid.......laakiin hadaad magiiciisa ku soo qortaan oo fasirtaan...markasta oo aad shaygii la kulanto waad fahmaysaa....

Jawaab:
As-salaamu calaykum,

Salaan ka dib walaal waad ku mahadsan tahay fikradda aad noo soo gudbisay ee aad nagu dhiirigelisay inaan ku soconno qaabka eraybinta ee aan doorannay.

Waad Mahadsan tahay

Somali Software