|
Markaan billawnay hawlaha la xiriira af-soomali ku qoridda aqoonta kumbiyuutarka
waxaa noo qorshaysnaa in wax kasta aan ku qorno af-soomali sooc ah oo program-yada
iyo casharrada Somali Software ay ku qornaadaan af-soomaali kaliya. Si
aan ujeeddadaas u gaarno waxaa noo soo baxday inaan u baahanahay eray
bixin cusub. Ka dibna waxaan samaynay baaritaan iyo falanqayn ku saabsan
waxa ay keeni karto eray bixin cusub iyo heerka aqooneed ee aan u leenahay
xagga luuqadaha ama eray bixinta lafteeda.
Baaritaan iyo fiirfiirin muddo ah kadib waxaa nala qummanaatay in wax
eray bixin cusub ah aanaan samaynin iyo in erayada aan af-soomaaliga laga
helin aan u soo qaadanno ingiriis ahaan, islamarkaana aan sharraxaad ka
bixinno micnaha iyo isticmaalka ereyadaas. Taas waxaan u yeelnay sababaha
soo socda dartood:
- Wax sahlan ma aha in eray bixin cusub la sameeyo oo waxay u baahan
tahay aqoon dheeri ah oo ku saabsan xagga dhismaha iyo nuxurka luuqadda
Soomaliga iyo guud ahaan aqoonta xagga luuqadaha (linguistics). Waxa kale
oo ay u baahan tahay wakhti dheeri ah oo looga baaraandego, taasoo keeni
karta in halkii aan wax ka qori lahayn aan ku mashquulno dood iyo falanqayn
ku saabsan eray bixinta. Haddaba waxaa noo muuqatay in arrintaas aynaan wakhti
u helayn aqoonteedana aynaan lahayn.
- Waxaa noo muuqatay in haddiiba aan indha adayg isticmaalno oo
aan eray bixin af-soomaali ah samayno aan lagu heshiinayn, oo ay dhici karto
in dad kale oo iyaguna wax ka qoray mawduucaan ay isticmaalaan erey bixin
kale oo ka duwan taan isticmaalnay. Taasina waxay jahawareer u keenaysaa
dadka wax baranaaya, waxayna caajis gelineysa xiisaha iyo rabitaanka ay dadku
u qabaan akhrinta iyo ka faa'iidaysiga buugaagta iyo program-yada af-soomaaliga
ku qoran oo ka hadlaaya dhinaca cilmiga.
- Waxaan ka fikirnay in buugaagta laga barto
kumbiyuutarku ay inta badan ku qoran yihiin luuqadda ingiriisiga. Sidaa
darteed haddii uu qofku erayadaas ingiriis ahaan ku barto way u sahlanaan
doontaa inuu fahmo buugaagta kala duwan ee ka hadlaysa mawduucaan. Haddiise
uu hadda af-soomaali ahaan ku barto islamarkaana uusan heleyn buugaag af-soomaali
ku qoran oo haqabtirta baahidiisa aqooneed, ay imaanayso inuu isla erayadii
fahmi waayo markuu iyagoo ingiriis ah ku arko buugaagta kala duwan.
Sidaas daraadeed waxaan qorayaasha iyo aqoonyahannada soomaaliyeed u
soo jeedinaynaa in la iska daayo eray bixinta uu qof kastaa gees ula cararayo
oo laga wada shaqeeyo sidii loo kulmin lahaa dadka iyagu aqoonta u leh xagga
luuqadaha iyo dadka af-soomaaliga wax ku qora si ay u wada shaqeeyaan oo
markaa xal loogu helo arrintaas iyo kuwo ka sii muhiimsanba.
Wixii figrad ah waxaad noogu soo diri kartaa Halkaan
|