Ganacsi, program cusub oo af-soomaali ah
Somali Software waxay dhawaan soo saari doontaa program cusub oo loogu tala galay fududeynta hawlaha ganacsiga. 

Program-kaas oo la yiraahdo Ganacsi waxaa loo isticmaali karaa arrimo ganacsi oo fara badan oo ay ka mid yihiin: Bakhaar, noocyada kala duwan ee dukaammada sida dukaan cunto, dukaan dhar, dukaanka alaabta baabuurta, Export & Import, makhaayad iyo kuwo kale oo fara badan.

Program-ka Ganacsi wuxuu u sameysan yahay si qofka ganacsadaha ah u suurto gelinaysa in asagoon  dhib badan u marin wakhti badanna uga bixin uu program-ka ku saleeyo nooca ganacsigiisa.

Arrintaas ayaana saldhig u ah inuu program-ku daboolo baahida dad badan oo ku shaqaysta noocyada kala duwan ee ganacsiga oo ay ka mid yihiin kuwa aan kor ku soo sheegnay iyo kuwo kale oo fara badan.

Program-ku wuxuu wax ka qabanayaa in badan oo ka mid ah hawl maalmeedka qofka ganacsadaha ah isla markaasna wuxuu u baajinayaa wakhti badan oo qaali ah oo uu uga faa,iidaysan karo arrimo kale oo nafttiisa muhiim ah. 

Arrimaha uu program-ku wax ka qaban doono waxaa ka  mid ah: 

  • Xisaabxirrada kala duwan
  • Dalabka badeecada
  • La socodka badeecada taalla
  • gadidda badeecada
  • La xisaabtanka shirkadaha uu badeecada ka soo gato
  • Xisaabinta iyo la socodka dakhliga maalinlaha ah
  • La xisaabtanka deynqabeyaasha 
  • Statistics
  • iwm.
Program-ka ganacsi oo wali hadda gacanta lagu hayo waxaa la filayaa inuu dhawaan soo bixi doono. Waxana isagoo tijaabo ah aad ka heli doontaan boggaan ee ha moogaan.

Haddii aad wax su'aal ah ka qobto program-ka ama aad rabto inaad wax nooga sheegto sida aad u shaqayso iyo nooca ganacsigaaga si aan program-ka uga dhigno mid daboola baahidaada noogu soo dir Halkaan