|
Waxaa dadweynha
soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba loogu bishaaraynayaa inuu
soo baxay program cusub oo ku qoran af-soomaali looguna tala
galay barashada program-ka MS-DOS (Microsoft Disk Operating
System).
Programkaas oo la
yiraahdo ISBAR-DOS waxa soo saaray Somali Software,
waxaana sida magaciisa ka muuqata loogu tala galay in qof kasta
oo akhrin kara afka soomaaligu uu kaligiis is baro MS-DOS oo ah
agaasimaha kumbiyuutarka iyo program-yada ku jira labadaba.
ISBAR-DOS waxaan u
diyaarinay si aad u heersaraysa waxaanna ku salaynay nidaam
akhris iyo tijaabooyinba (theory and practice) isugu jira, taasoo
kumaandeyaasha (commands) badankooda aad ugu yaraan hal mar
adigoon ka bixin casharkaaga tijaabinayso wixii aad hadda soo
akhrisay. Waxaan
ISBAR-DOS ku soo qaadannay dhammaan kumaandeyaasha iyo
program-yada muhiimka ah ee uu ka kooban yahay programka MS-DOS
(MicroSoft Disk Operating System).
ISBAR-DOS waxaan u
kala qaybinnay afar qaybood iyadoo qayb kastaa ay ka kooban tahay
ugu badnaan 20 kumaande oo inta badan isku dhinac ka hadlaya.
Sida qaybta 1aad oo ka kooban kumaandeyaasha loo isticmaalo
habaynta iyo agaasimidda Galalka iyo Faylasha (Directories and
Files). Afartaasi qaybood waxay u kala fudud yihiin sida ay u soo
kala horreeyaan, taasoo iyaduna fududaynaysa ka
faaiidaysiga program-ka.
Xagga eray bixinta
waxaa nala qummanaatay in erayada aan af-soomaaliga laga helin
aan u soo qaadanno ingiriis ahaan. Fiiri sababta.
Su'aalaha inta badan nala soo
weydiiyo ee ku saabsan isbardos waxaad jawaabtooda ka helaysaa
halkaan: Halkaan
DOWNLOAD
ISBARDOS FREE!!!
Marka laga reebo ISBAR-DOS iyo HUMBAALE oo hadda diyaar ah waxay Somali Software oo uu
hadafkeedu yahay inay ummadda soomaaliyeed ka haqabtirto xagga
prograam-yada iyo aqoonta kumbiyuutarkaba ku hawlan tahay soo
saaridda program af-soomaali ah oo loogu talagalay hawlaha kala
duwan ee ganacsiga.
Waxaa kale oo Somali Software u qorshaysan inay soo saarto program-yo
waxbarasho oo loogu tala galay carruurta sida kuwo laga barto
af-soomaaliga, xisaabta iwm. Haybad waxaad ku
leedahay afkaaga hooyee, ku hadal, wax ku baro, oo ku faan.
Waxaan rajeynaynaa inaan halkaan ku soo gudbinnay wixii akhbaar
aasaasi ah ee ku saabsan programka ISBAR-DOS. Haddiise aad
tabayso akhbaar intaas sii dhaafsan fadlan nagala soo xiriir
Halkaan.
|