| Mohamed Farah oo ku magac dheer Mahdi wuxuu dusiga hoose/dhexe iyo saraba uga baxay kulleejada Lafoole, ka dibna wuxuu muddo seddex sano iyo bar ah kulliyadda Daraasaadka Islaamka. Mahdi wuxuu waxbarashadiisa ka sii watay waddanka Sweden oo uu ka bartay aqoonta kumbiyuutarka gaar ahaan Programming iyo Networking. - Programming
Xagga programming-ka wuxuu khibrad u leeyahay luuqadaha kala ah C/C++, Visual Basic, Perl, Database Programming, CGI Programming iyo Unix Shell Programming. - Networwking
Xagga Networking-kana wuxuu khibrad u leeyahay Windows NT, Unix, SMTP, X400, X500, TCP/IP, DNS iyo Web Server administration (Apache iyo IIS). - Shaqadiisa
Mahdi hadda wuxuu ka shaqeeyaa shirkadda Ericsson Global IT Services oo ah laan ka mid ah shirkadda telefoonadda ee Ericsson. Wuxuuna ku shaqaayaa Programming iyo Networking labaddaba. - Luuqadaha
Xagga afafka Mahdi wuxuu ku hadlaa English, Swedish iyo Carrabi. - Xaas
Mahdi wuxuu leeyahay xaas iyo afar carruur ah wuxuuna deggan yahay magaalada Stockholm ee waddanka Sweden. - Sport
Xagga ciyaaraha Mahdi wuxuu ciyaaraa Tennis-ka dheer. | |