| Mohamud Abdi Jama oo ku magac dheer Shire Dheere wuxuu dugsiga hoose/dhexe iyo sare uga soo baxay Somalia, magaalada Muqdisho. Ka dibna wuxuu aqoonta kumbiyuutarka ka bartay wadanka Sweden. Halkaas oo uu ku dhigtay Programming, Networking iyo Computer Hardware.
- Programming
Xagga programming-ka wuxuu khibrad u leeyahay luuqadaha kala ah C/C++, Java,Visual Basic, Perl, JavaScript, Database Programming iyo CGI Programming. - Networwking
Xagga Networking-kana wuxuu khibrad u leeyahay Windows NT, Unix, SMTP, X500, TCP/IP, Web Server administration (Apache iyo IIS). - Shaqadiisa
Shire hadda wuxuu ka shaqeeyaa shirkadda Ericsson Global IT Services oo ah laan ka mid ah shirkadda telefoonadda ee Ericsson. Wuxuuna ku shaqaayaa Programming iyo Networking labaddaba. - Luuqadaha
Xagga afafka Shire wuxuu ku hadlaa English iyo Swedish. - Xaas
Shire wuxuu leeyahay xaas iyo shan carruur ah wuxuuna deggan yahay magaalada Stockholm ee waddanka Sweden. - Sport
Xagga ciyaaraha Shire wuxuu ciyaaraa Basketball iyo Tennis-ka dheer. | |