Humbaale, Program cusub oo Af-Soomaali ah!

Humbaale waa program cusub oo loogu tala galay howsha xawilaadda lacagaha loo xawilo Soomaaliya iyo adduunka intiisa kaleba. Humbaale waa program Windows ah oo lagu isticmaali karo Windows 95/98 iyo Windows2000.

Baahida keentay Humbaale

Hawsha xawilaaddu waa hawl ballaaran islamarkaana ma jiro program si gaar ah ugu salaysan howshaas oo daboolaya baahida qofka xawilaadlaha ah. Waxaa jirta in qofka xawilaadda ku shaqeeyaa uu maalin kasta qabto hawlo si isku mid ah ugu soo noqnoqda islamarkaana wakhti aad u fara badan ka qaata. Hawlahaas waxaa ka mid ah:

  • Qoridda akhbaarta dadka wax ka xawisha iyo dadka ay wax u xawilaan.
  • Xisaabinta lacagta uu bixinayo qof kasta oo wax xawilaaya.
  • Qoridda iyo diyaarinta liiska xawilaad maalmeedka loo diro shirkadda.
  • La socodka iyo kaydinta lacagaha uu shirkadda bangiga uga shubo.
  • La socadka iyo la xisaabtanka dadka deymaha ka qaba.
  • La socodka xisaabta shirkaddu halka ay maalin kasta marayso.
  • Sixitaanka xawilaadaha khaldama ama soo noqda.
  • Xisaabinta iyo la socodka khidmada uu xawilaadluhu shirkadda ku leeyahay.
  • Diyaarinta xisaabxir bileedka iwm.
  • Magacyada, Telofonnada iyo tirada dadka sida joogtada ah wax uga xawisha.
  • La socodka dhaqdhaqaaqa ama sida ay dadkaasi u kala wax dir badan yihiin.
  • Xisaabinta khidmada FAX-ka laga qaado dadka lacagaha xawila.

Humbaale muxuu ka qabanayaa baahidaas?

Humaale wakhti aad u yar oo inta badan ilbiriqsiyo (seconds) ah ayuu kuugu qabanayaa mid kasta oo ka mid ah arrimaha aan kor ku soo sheegnay iyo kuwo kale oo aanan halkaan ku soo wada qaadan karin.

1. Humbaale wuxuu meesha ka saarayaa in qof mar la qoray mar labaad la qoro.

  • Qof kasta marka ugu horreysa ee uu wax kaa dirsado ayaa waxaa lagu qorayaa rajiistar la yiraahdo "Rajiistarka Macaamiisha". Mar kasta oo uu qofkaasi wax diraayo kalkaas ayaa akhbaartiisa laga soo akhrisanayaa oo looma baahna inaad dib dambe u qorto.
  • Waxaa jira rajiistar ay ku qoran yihiin magacyada qaar ka mid ah magaalooyinka ama meelaha wax loo xawilo. Rajiistarkaas ayaad ka dooranaysaa magaca magaalada markaas wax loo xawilayo haddii uu magaceedu halkaas ku jiro. Haddii kale magaca magaalada aad rabto ayaad rajiistarka ku daraysaa, halkaas ayaadna magaceeda ka dooranaysaa markaas iyo wixii ka dambeeya. Rajiistarkaasi wuxuu keenayaa in meel uu magaceedu halkaas ku jiro aadan mar kale qorin.
  • Rajiistarka khidmada (Commision) waxaa ku qoran tirsiyo kala duwan oo u kala taagan xaddiga khidmada laga qaado meelaha kala duwan ee wax loo xawilo. Halkaas waxaad ka dooranaysaa tirada boqolleey (percent) ahaan laga qaado meesha markaas wax loo diraayo oo marna uma baahnid inaad qorto.
  • Rajiistarka khidmada Fax-ka waxaa ku qoran tirsiyo kala duwan oo u kala taagan xaddiga khidmada fax-ka laga qaado dadka wax xawilaya. Halkaas waxaad ka dooranaysaa tirada khidmada aad fax ahaan ama shaqo ahaan (service) uga qaado dadka. Waxaad xataa dooran kartaa in aadan qofkaas wax khidmo fax ah ka qaadin.
  • Rajiistarka US Doollar waxaa ku qoran tirsiyo kala duwan oo u kala taagan lacagaha inta badan ay dadku diraan. Halkaas waxaad ka dooran kartaa 100, 150, 200, 250 ... ilaa 1000 doollar. Haddii aad tirada aad rabto halkaas ka weydo toos ayaad u qori kartaa oo wixii aad qorto ayaa la aadanayaa.

2. Humaale wuxuu aad u fududaynayaa arrimaha la xiriira hawl maalmeedka xawilaadda.

  • Rajiistarka Macaamiisha waxaad ka helaysaa magaca, telefoonka iyo meesha uu joogo qof kasta oo hal mar wax kaa dirsaday.
  • Xisaabinta lacagta uu bixinayo qofka markaas wax dirayaa waxay u dhacaysaa si automatic ah oo adiga waxaa kaliya oo lagaa rabaa inaad doorato ama qorto xaddiga lacagta la dirayo, khidmadda shirkadda iyo khidmadda fax-ka.
  • Si aad u diyaariso liiska xawilaad maalmeedka shirkadda loo diro waxaa kaliya oo aad u baahan tahay inaad taabato hal batoon. Markaa waxaad kala dooranaysaa inaad liiska ku dirto fax ahaan oo waraaq laguugu daabaco iyo inaad fayl ku kaydiso si aad E-mail ugu dirto.
  • Xisaabta shirkaddu halka ay marayso si joogto ah ayay hortaada uga muuqataa inta aad Humbaale ku dhex jirto oo xataa uma baahnid inaad wax gaar ah sameyso si aad u aragto. Haddii ay xisaabtaasi ka badato 4000 oo doolar waxaa midabka tirada laga dhigayaa guduud (casaan) taas oo ah baaq loogu tala galay inaad ku baraarugto. Waxaa kale oo aad iyadana si joogto ah hortaada uga arkaysaa isugeynta dhammaan lacagaha deynta kaaga maqan.
  • Rajiistarka lacagaha shirkadda loo shubay waxaad ka heli kartaa liis u gaar ah lacagaha aad shirkadda bangiga uga shubtay. Halkaas waxaad ka arkaysaa caddadka lacagta aad shirkadda u shubtay, taariikhdii aad shubtay, bangiga iyo koontada aad ku shubtay iyo wixii kharash ah ee uu bangigu kaa qaatay.
  • Rajiistarka deynqabeyaasha waa meesha aad ka helayso qof kasta oo deyn kaa qaba. Halkaas waxaad ka helaysaa magaca, telefoonka, meesha uu joogo iyo caddadka lacagta uu deyn qabe kastaa kaa qabo. Deymaha qofka lagu yeelan karaa waxay isugu jiraan xawilaad qofkaas laga diray oo uusan iska wada bixin iyo dayman uu si kale u galay sida kaar telefoon, buugaag, dhar, cabbitaan iyo wax alla wixii laga helo xafiiska ee ay macaamiishu deyn ku qaataan. Rajiistarkaan waxaad ka heli kartaa faahfaahin ku saabsan sida qofkaas daynta loogu yeeshay. Haddii xawilaad laga diray iyo haddii uu alaab kale qaatay labadaba.
  • Rajiistarka dhaqdhaqaaqa macaamiishu waa rajiistar sawir (Chart) ahaan iyo tiro ahaanba kugu tusaya sida ay macaamiishaadu u kala dhaqdhaqaaq badan yihiin.
  • Diyaarinta xisaaxir bileed iwm waxaad ku sameyn kartaa muddo ilbiriqsiyo ah. Waxaad samayn kartaa dhawr nooc oo xisaabxir ah adiga oo mar kasta dooranaya muddada xisaabxirka.

Program-ka Humbaale waxaa loo diyaariyey si ku salaysan baahida rasmiga ah ee qofka xawilaadlaha ah iyadoo soo saareyaasha program-ku ay had iyo jeer talo iyo tusaaleba ka qaadanayeen qaar ka ka mid ah dadka iyagu sida joogtada ah ugu dhex jira howlaha xawilaadda. Taasoo keentay inuu program-ku noqdo mid koobaya dhammaan hawsha xawilaadda.

Waa intee qiimaha Humbaale sidee ayaanse u iibsan karaa?

Qiimaha program-ka Humbaale tafaariiq ahaan xabbaddii waa $110 (boqol iyo toban US dollars) oo ay boostada iyo wixii kaloo kharash ahba ku jiraan. Wixii jumlo ah waxaad akhbaarteeda oo faahfaahsan ka helaysaa halkaan http://www.somalisoftware.com/qiimhum.html

Si aad Humbaale u iibsato lacagtaas ayaad ku soo xawilaysaa mid ka mid ah shirkadaha xawaaladda ee xafiisyada ku leh magaalada Stockholm ee waddanka Sweden waxaadna ku soo qoraysaa Mahdi Xaaji Faarax oo laga helo telefoonka 468 760 06 13 ama 468 524 925 36. Intaa ka dib waxaad noo soo diraysaa farriin e-mail ah oo aad noogu sheegayso ciwaankaaga lagaa helo ee aan program-ka kuugu soo dirayno iyo halka aad lacagta ku soo xawishay. Farriintaas waxaad ku soo diraysaa
Halkaan. Markaa muddo saddex maalmood gudahood ah ayaan program-ka kuugu soo diraynaa. Waxaa kale oo aan kuu soo diraynaa farriin E-mail ah oo aan kuugu xaqiijinayno inaan program-kii kuu soo dirnay.

Humbaale waxaa la socda dukumenti qoraal ah oo si faahfaahsan oo tillaabo tillaabo ah kuugu sharxaya sidaad u isticmaali lahayd Humbaale. Fadlan xusuusnow inaad dukumentigaas qaadato haddaad go'aansato inaad Humbaale tijaabiso ama aad iibsato. Waayo dukumentigaasi wuxuu kuu suurto gelinayaa inaad Humbaale u isticmaasho sidii loogu tala galay adigoon dhib iyo wareer badan u marin. Su'aalaha inta badan nala soo weydiiyo ee ku saabsan Humbaale waxaad jawaabtooda ka helaysaa halkaan: Halkaan

Download oo tijaabi Humbaale muddo bil ah!

Download Dukumentiga Isticmaalka Humbaale!

Wax kasta oo ku saabsan Humbaale waxaad kala soo xiriiri kartaa soo saareyaasha oo kala ah:
Maxamuud Cabdi Jaamac (Shire Dheere)  Maxamed Faarax (Mahdi)
E-Mail: Shire@somalisoftware.com E-Mail: Mahdi@somalisoftware.com